Old/New Testament
Yeremyaah Iyo Fashxuur
20 Haddaba Fashxuur ina Immeer oo ahaa wadaadkii iyo taliyihii sare ee guriga Rabbiga ayaa maqlay Yeremyaah oo waxyaalahaas sii sheegaya. 2 Markaasaa Fashxuur garaacay Yeremyaah, oo wuxuu geliyey jeebbooyinkii ku yiil iridda sare oo reer Benyaamiin, oo ku tiil guriga Rabbiga. 3 Oo maalintii dambe Fashxuur ayaa Yeremyaah jeebbooyinkii ka soo bixiyey. Markaasaa Yeremyaah isagii ku yidhi, Rabbigu magacaaga uguma yeedhin Fashxuur, laakiinse wuxuu kugu magacaabay [a]Maagoor Misaabiib. 4 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa. 5 Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan. 6 Fashxuurow, adiga iyo inta gurigaaga deggan oo dhanba maxaabiis ahaan baa laydiin wada kaxaysan doonaa, oo waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo halkaasaa lagugu xabaali doonaa, adiga, iyo saaxiibbadaadii aad wax been ah u sii sheegi jirtay oo dhanba.
Calaacalkii Yeremyaah
7 Rabbiyow, waad i khiyaanaysay, oo waa lay khiyaaneeyey, adigu waad iga xoog badan tahay, oo waad iga adkaatay. Maalin kasta waa laygu qoslaa, oo mid kastaaba waa i yaraystaa. 8 Waayo, mar alla markaan hadlaba waan qayliyaa, oo waxaan ku dhawaaqaa, Waa dulmi iyo kharribaad, maxaa yeelay, eraygii Rabbigu wuxuu ii noqday sabab ay maalinta oo dhan igu caayaan oo iigu qoslaan. 9 Oo haddaan idhaahdo, Isaga ka hadli maayo, oo mar dambe magiciisa wax ku sheegi maayo, waxaa qalbigayga ku jira wax dab ololaya la moodo oo lafahayga ku dheggan, oo waxaan la daalay hadalka. 10 Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa. 11 Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin. 12 Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo bandhigay. 13 Rabbiga u gabya, oo Rabbiga ammaana, waayo, isagaa naftii miskiinka ka samatabbixiyey gacantii xumaanfalayaasha.
14 Ha inkaarnaato maalintii aan dhashay, oo maalintii hooyaday i dhashayna yaanay barakoobin. 15 Ha inkaarnaado ninkii aabbahay u bishaareeyey, oo isagoo ka farxinaya ku yidhi, Wiil baa kuu dhashay! 16 Oo ninkaasu ha noqdo sidii magaalooyinkii Rabbigu afgembiyey oo uusan u qoomamoon. Oo aroortii oohin ha maqlo, oo hadhkiina qaylo digtooneed ha maqlo, 17 maxaa yeelay, isagu iguma dhex dilin uurkii hooyaday, si ay hooyaday igu ahaato qabrigaygii, oo uu uurkeeduna u weynaado weligiisba. 18 Bal maxaan uurkii hooyaday uga soo baxay si aan hawl iyo murug u arko, oo uu cimrigaygu ceeb ugu dhammaado?
Ilaah Oo Diiday Codsigii Sidqiyaah
21 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh, 2 Waan ku baryayaaye, bal Rabbiga wax noo weyddii, waayo, Nebukadresar oo ah boqorkii Baabuloon ayaa nala diriraya. Waxaa suurtowda in Rabbigu nagula macaamiloodo shuqulladiisa yaabka badan oo dhan, si uu cadowgu nooga noqdo.
3 Markaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan: 4 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, dib baan u celin doonaa hubka dagaalka ee gacantiinna ku jira ee aad kula diriraysaan boqorka Baabuloon, iyo reer Kaldayiinka derbiyada dibaddooda idinku hareeraynaya, oo iyagaan magaaladan dhexdeeda ku soo ururin doonaa. 5 Oo aniga qudhaydu waxaan idinkula diriri doonaa gacan fidsan iyo cudud xoog badan, anoo xanaaqsan oo cadhaysan oo aad u dhirifsan. 6 Oo wax baan ku dhufan doonaa waxa magaaladan deggan, dad iyo duunyaba, oo waxay ku le'an doonaan belaayo weyn. 7 Oo waxaa Rabbigu leeyahay, Dabadeed Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo addoommadiisa, iyo dadka oo ah intii magaaladan ku hadhay oo belaayada, iyo seefta, iyo abaartaba ka caymatay, waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo isna seef buu ku layn doonaa, oo innaba uma tudhi doono, umana nixi doono, umana naxariisan doono. 8 Oo dadkanna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan idin hor dhigayaa jidka nolosha iyo jidka geerida. 9 Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale. 10 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.
11 Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla. 12 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis. 13 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara? 14 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.
4 Waxaan kugu amrayaa Ilaah hortiis iyo Ciise Masiix oo xukumi doona kuwa nool iyo kuwii dhintayba hortiisa, oo waxaan kaloo kugu amrayaa muuqashadiisa iyo boqortooyadiisa, 2 inaad hadalka dadka ku wacdido. Wakhti wanaagsan iyo wakhti xunba ku dadaal, oo canaano, oo hagaaji, oo waani, adigoo dulqaadanaya oo wax baraya. 3 Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan; 4 oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin. 5 Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee. 6 Waayo, haatan allabari ahaan baa lay bixinayaa, oo wakhtigii aan tegi lahaa waa yimid. 7 Dagaalkii wanaagsanaa waan dagaallamay, oo tartankii waan dhammeeyey, iimaankiina waan dhawray. 8 Haddaba waxaa la ii dhigay taajkii xaqnimada oo Rabbiga ah xaakinka xaqa ahu i siin doono maalintaas; oo keligayna ima siin doono, laakiin kuwa muuqashadiisa jecel oo dhanna wuu siin doonaa.
Farriinta Iyo Nabadgelyaynta
9 Ku dadaal inaad dhaqso iigu timaadid; 10 waayo, Deemaas intuu dunidan haatan la joogo jeclaaday ayuu iga tegey, oo wuxuu aaday Tesaloniika; Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya; Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya. 11 Haatan Luukos oo keliya ayaa ila jooga. Markos soo kaxee oo ha ku soo raaco; waayo, waxtar buu igu leeyahay xagga adeegidda. 12 Laakiinse Tukhikos waxaan u diray Efesos. 13 Markaad soo kacdid ii soo qaad shuluggayga aan kaga tegey Karbos oo Taroo'as jooga, buwaagtiina ii soo qaad khusuusan idiinta wax lagu qoro. 14 Aleksanderos, kii naxaasta tumi jiray, wax xun oo badan buu ii yeelay; Rabbigu wuxuu ugu abaalgudi doonaa sidii camalladiisu ahaayeen. 15 Adiguna iska jir isaga, waayo, aad buu hadalkayaga u hor joogsaday. 16 Isdaafacaaddaydii hore ninna isma kay garab taagin, laakiinse kulli waa layga wada tegey. Taas yaan dushooda laga dhigin. 17 Laakiinse Rabbiga ayaa iskay garab taagay, oo xoog i siiyey, inaan farriinta dadka oo dhan wada gaadhsiiyo oo ay dadka aan Yuhuudda ahayn wada maqlaan; oo waxaa layga samatabbixiyey afkii libaaxa. 18 Oo Rabbiguna wuu iga samatabbixin doonaa shuqul kasta oo shar ah, oo wuxuu igu nabad gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaanu ha u ahaato weligiis iyo weligiis. Aamiin.
19 Igu salaan Bariska iyo Akula iyo reerkii Oneesiforos. 20 Erastos wuxuu ku hadhay Korintos; laakiinse Torofimos oo buka ayaan Mileetos uga soo kacay. 21 Ku dadaal inaad wakhtiga qabowga hortiis ii timaadid. Waxaa ku soo salaamaya Yubulos iyo Budees iyo Liinos iyo Kalawdiya iyo walaalaha oo dhan.
22 Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya