Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 45-46

45 Rabbigu wuxuu ku leeyahay kan uu subkaday oo ah Kuuros, oo uu gacantiisa midig hayay inuu hortiisa quruumo ku hoosaysiiyo, oo uu boqorro dhexdooda guntiga ka furo, inuu hortiisa albaabbada ka furo, albaabbadaasna aanay mar dambe xidhmin: Anigu waan ku hor socon doonaa, oo meelaha sarsarena waan simi doonaa, waanan kala burburin doonaa albaabbada naxaasta ah, oo qataarrada birta ahna waan kala googooyn doonaa, oo waxaan ku siin doonaa khasnadaha gudcurka iyo maal qarsoon oo meelo sir ah ku jira, inaad ogaatid inaan ahay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo magacaa kuugu yeedha. Addoonkaygii Yacquub oo ah Israa'iilkii aan doortay daraaddiis ayaan magacaa kuugu yeedhay, waanan ku magacaabay in kastoo aadan i aqoon. Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon, in qorrax ka soo bax iyo galbeedba laga ogaado inaan aniga mooyaane mid kale jirin. Anigaa Rabbiga ah, mid kalena ma jiro. Iftiinka anigaa sameeya, oo masiibadana anigaa abuura. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxyaalahan oo dhan sameeya.

Samooyinkow, xagga sare ka soo tiftifqa, oo daruuruhuna xaqnimo ha soo shubeen, dhulkuna ha furmo, oo badbaadada iyo xaqnimaduna ha isla soo wada baxaan. Aniga Rabbiga ah ayaa uumay.

Waxaa iska hoogay ka Uumihiisa la dirira! Wuxuu la mid yahay dheri jabkiis oo ka mid ah jajabka dhulka! Dhoobadu miyey kan sameeya ku tidhaahdaa, War maxaad samaynaysaa? Amase shuqulkaaguu miyuu yidhaahdaa, Gacmo ma leh? 10 Waxaa iska hoogay kii aabbe ku yidhaahda, War maxaad dhalaysaa? Amase naag ku yidhaahda, Na maxaad ku foolanaysaa? 11 Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan? 12 Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray. 13 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.

14 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hawsha Masar, iyo baayacmushtariga Itoobiya, iyo reer Saabaa'iim oo ah dad sarajoog dheer idinkay idiin soo gudbi doonaan, oo kuwiinnay ahaan doonaan. Iyagu way idin daba socon doonaan, oo waxay idiin soo gudbi doonaan iyagoo silsiladaysan, oo way idiin sujuudi doonaan, wayna idin baryi doonaan, iyagoo leh, Sida xaqiiqada ah Ilaah dhexdiinnu jiraa, oo mid kalena ma jiro, oo isaga mooyaane Ilaah kale ma jiro. 15 Ilaaha reer binu Israa'iil oo ah Badbaadiyahow, sida runta ah waxaad tahay Ilaah isqariya. 16 Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharafjabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan. 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.

18 Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro. 19 Anigu kuma hadlin qarsoodi iyo meel gudcur ah oo dhulka ka mid ah. Farcanka Yacquub kuma odhan, Si aan waxba tarin ii doondoona. Aniga Rabbiga ahu waxaan ku hadlaa xaqnimo, oo waxaan sheegaa waxyaalo qumman. 20 Kuwiinna quruumaha ka baxsadayow, soo shira, oo dhammaantiin kaalaya, kulligiin soo wada dhowaada. Kuwa sanamyadooda qoriga ah sita oo ilaah aan waxba badbaadin karin barya aqoon ma leh. 21 Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro. 22 Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro. 23 Waxaan ku dhaartay nafsaddayda, oo eray baa afkayga xaqnimo uga baxay, soona noqon maayo, waxaana weeye, Jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, carrab walubana waa igu dhaaran doonaa. 24 Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan. 25 Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.

Ilaahyadii Baabuloon

46 Beel baa foororsada, Nebona wuu dhacaa, sanamyadoodu waxay kor saarnaadaan xayawaanka iyo lo'da. Waxyaalihii aad sidan jirteen waxaa laga dhigay rar la saaray neefkii daallanaa. Way foororsadaan, oo dhammaantood way wada dhacaan, iyagu rarka ma ay samatabbixin karaan, laakiinse xataa iyaga qudhooda maxaabbiisahaan baa loo kaxaystaa.

Reer Yacquub oo ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay oo dhammow, kuwiinna aan siday tan iyo wakhtigii aad caloosha ku jirteen oo aan xambaaray tan iyo wakhtigii aad uurka ka soo baxdeen, i maqla. Tan iyo cimri dheer isagii baan ahay, oo tan iyo timo cirroobay waan idin xambaarayaa. Anigaa sameeyey, waanan sidi doonaa, waan xambaari doonaa, waanan samatabbixin doonaa. Bal yaad ii ekaysiinaysaan oo ila simaysaan, oo yaad igu masaalaysaan inaannu isku mid ahaanno? Kuwa dahab kolayga ka soo qubaa, oo lacagna kafadaha ku miisaamaa waxay soo kiraystaan dahabtume, oo isna wax ilaah ah buu ka dhigaa, markaasay u sujuudaan oo caabudaan. Garbahooday ku qaadaan, oo way xambaaraan, oo meeshiisay qotomiyaan. Isna wuu iska taagnaadaa, oo meeshiisana innaba kama dhaqaaqo. Oo dadku way u qayshan doonaa, laakiinse isagu uma uu jawaabi karo, oo dhibkoodana kama uu badbaadin karo.

Kuwiinna xadgudbayow, bal waxan soo xusuusta, oo aad u fiirsada, bal mar kale soo garwaaqsada. Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro. 10 Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa. 11 Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qasdiyey, oo weliba waan samayn doonaa. 12 Kuwiinna qalbiga qallafsan oo xaqnimada ka fogow, bal i maqla! 13 Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.

1 Tesaloniika 3

Wixii Timoteyos Loo Soo Diray

Sidaas daraaddeed markii aannu is-hayn kari waynay, way nala wanaagsanayd inaannu keliyahaantayo Ateenay ku hadhno; oo waxaannu idiin soo dirnay walaalkayo Timoteyos, oo ah midiidinka Ilaah xagga injiilka Masiixa, inuu idin xoogeeyo oo idin dhiirrigeliyo xagga rumaysadkiinna, inaan dhibaatooyinkani ninna dhaqdhaqaajin, waayo, idinka qudhiinnuba waad ogsoon tihiin in tan lanoo doortay. Waayo, markii aannu idinla joognay, horaannu idiinku sii sheegnay inaannu dhibtoonayno; waana sida ay noqotay, idinkuna waad og tihiin. Sababtaas daraaddeed markii aan is-hayn kari waayay, waxaan idiinku soo cid diray inaan rumaysadkiinna ogaado, waaba intaasoo kii wax jirrabi jiray idin jirrabay oo hawshayadii wax aan waxtar lahayn noqotaye. Laakiinse haatan markii Timoteyos nooga kiin yimid, wuxuu noo keenay warka wanaagsan oo ku saabsan rumaysadkiinna iyo jacaylkiinna, iyo inaad kol kasta si wanaagsan noo xusuusataan idinkoo xiiso u qaba inaad na aragtaan sida aannu annaguba xiiso ugu qabno inaannu idin aragno; sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis; maxaa yeelay, haatan annagu waa nool nahay haddaad xagga Rabbiga ku xoogaysataan. Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin? 10 Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.

11 Haddaba Ilaaha ah Aabbeheenna iyo Rabbigeenna Ciise qudhiisu jidkayaga xaggiinna ha ku soo toosiyeen. 12 Rabbigu ha idiin kordhiyo oo ha idiin badiyo jacaylka midkiinba midka kale u qabo iyo dadka kale oo dhanba, sida aan annaguba idiin jecel nahay, 13 inuu xoogeeyo qalbiyadiinna iyagoo aan ceeb lahayn oo quduusnimo ku jira Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiisa, goortii Rabbigeenna Ciise la yimaado quduusiintiisa oo dhan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya