Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 9-10

Ilmo Baa Inoo Dhashay

Habase ahaatee madow uma ahaan doono tii cidhiidhiga ku jirtay. Waagii hore wuxuu ka dhigay in la quudhsado dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, laakiinse waagii dambe wuxuu ka dhigay in la sharafo dhulka ah xagga jidka badda, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo Galili quruumaha ka mid ah. Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay. Adigu quruunta waad badisay, oo farxaddoodiina waad sii kordhisay, oo waxay hortaada ugu farxaan sida farxadda wakhtiga beeraha la goosto, iyo sida niman booli qaybsanayaa ay u reyreeyaan oo kale. Waayo, harqoodkii ku cuslaa, iyo hangoolkii garbaha lagaga dhufan jiray, iyo ushii kii dulmi jiray, ayaad jebisay sidii waagii reer Midyaan. Waayo, ninka hubka leh ee buuqa ku dhex jira hubkiisa oo dhan iyo dharka dhiigga miidhanna waa la gubi doonaa oo waxaa laga dhigi doonaa wax dabka lagu shido. Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka Yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda. Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa'uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.

Cadhadii Rabbiga

Sayidku wuxuu eray u soo diray dadka Yacquub wuxuuna ku kor dhacay dadka Israa'iil. Oo waxaa garan doona dadka oo dhan, xataa reer Efrayim iyo kuwa Samaariya deggan oo kibirka iyo islaweynaanta qalbiga ku hadla, iyagoo leh, 10 Lebennadii way soo dheceen, laakiinse annagu waxaannu ku dhisi doonnaa dhagaxyo la qoray, geedihii darayga ahaa waa la jaray, laakiinse waxaannu ku beddeli doonnaa geedo kedar ah. 11 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku soo kicin doonaa kuwa Resiin la col ah, oo cadaawayaashiisana wuu isku soo wada ururin doonaa dhammaantood, 12 wuxuu reer Suuriya ka soo kicin doonaa xagga bari, reer Falastiinna xagga galbeed, oo waxay dadka Israa'iil ku cuni doonaan af furan. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

13 Laakiinse dadku uma ay soo noqon kii iyaga wax ku dhuftay, mana ay doondoonin Rabbiga ciidammada. 14 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu maalin keliya ayuu dadka Israa'iil ka jari doonaa madaxa iyo dabadaba, iyo laanta iyo cawsduurkaba. 15 Odayga iyo kan sharafta lahu waa madaxa, oo nebiga dadka beenta baraana waa dabada. 16 Waayo, dadkan hoggaamiyayaashoodu way qaldaan, oo kuwa la hoggaamiyaana way wada baabba'aan. 17 Haddaba sidaas daraaddeed Sayidku ku farxi maayo barbaarradooda, oo agoontooda iyo carmalladoodana u naxariisan maayo, waayo, midkood kastaaba waa cibaadalaawe iyo xumaanfale, oo af kastaana wuxuu ku hadlaa wax nacasnimo ah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

18 Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah. 19 Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo. 20 Xagga gacanta midig ayaa wax laga dhufsan doonaa, waana la sii gaajoon doonaa, xagga gacanta bidixna wax baa lagu cuni doonaa, lamana dhergi doono, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka gacantiisa. 21 Reer Manaseh waxay cuni doonaan reer Efrayim, oo reer Efrayimna waxay cuni doonaan reer Manaseh, oo iyana dhammaantood waxay col ku ahaan doonaan reer Yahuudah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

10 Hoog waxaa leh kuwa amarro aan xaq ahayn soo saara, iyo kuwa wax qalloocan qora, inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan. Oo bal maxaad samayn doontaan maalinta ciqaabta, iyo wakhtiga baabbi'intu meesha fog ka iman doonto? Bal yaad u magangeli doontaan? Sharaftiinnana xaggee baad kaga tegi doontaan? Waxay ku dhex foororsan doonaan maxaabiista, oo waxay ku dhex dhici doonaan kuwa la layn doono. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

Xukunkii Ilaah Ee Ku Dhacay Aashuur

Hoog waxaa leh ka reer Ashuur oo ah ushii cadhadayda iyo hangoolka dhirifkaygu gacanta ugu jiro. Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal. Habase ahaatee isagu saas kuma talo jiro, oo qalbigiisuna saas kuma fikiro, laakiinse waxaa qalbigiisa ku jira inuu baabbi'iyo oo jaro quruumo aan yarayn. Waayo, isagu wuxuu leeyahay, Amiirradaydu dhammaantood sow boqorro ma aha? Kalnoo sow ma aha sida Karkemiish? Xamadna sow ma aha sida Arfaad? Samaariyana sow ma aha sida Dimishaq oo kale? 10 Sidii ay gacantaydu u gaadhay boqortooyooyinkii sanamyada, oo ay taswiirahoodii la xardhay ka sii badnayeen kuwa Yeruusaalem iyo Samaariya, 11 iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin?

12 Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba. 13 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey. 14 Oo gacantayduna waxay maalkii dadka u heshay sidii buul shimbireed oo kale, oo sida loo soo ururiyo ukumo laga tegey ayaan u soo ururiyey dhulka oo dhan, oo lamana arag mid baal dhaqaajiyey, ama afka kala qaaday, amase ciyey. 15 Miyuu faasku ka faanaa kan isaga wax ku gooya? Minshaartuna miyey iska sii weynaysaa kan iyada ku shaqeeya? Waa sida haddii ulu iska gilgisho kuwa iyada kor u qaada, amase sida hangool kor u qaada kan aan qori ahayn?

16 Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed. 17 Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba, 18 oo wuxuu dhammayn doonaa ammaanta duuddiisa iyo beertiisa midhaha badanba, iyo naf iyo jidhba, oo waxay noqon doontaa sidii markii calanqaade taag darnaado. 19 Oo geedaha duuddiisa ku hadhayna waxay noqon doonaan in yar oo ilma yaru tiradooda qori karo.

Kuwii Ka Hadhay Israa'iil

20 Oo waxay maalintaas noqon doontaa in kuwa dadka Israa'iil ka hadhay iyo intii dadka Yacquub ka baxsatayba ayan mar dambe ku tiirsan kii iyaga wax ku dhuftay, laakiinse waxay si run ah ugu tiirsan doonaan Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo dadka Israa'iil. 21 Qaar hadhay baa soo noqon doona, xataa qaar hadhay oo dadka Yacquub waxay u soo noqon doonaan Ilaaha xoogga badan. 22 Israa'iilow, in kastoo dadkaagu u badan yahay sida cammuudda badda, qaar yar oo qudha ayaa soo noqon doona, oo baabba' la soo amray ayaa caddaalad la qarqi doona. 23 Waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu baabbi'id la amray ku samayn doonaa dhulka dhexdiisa oo dhan.

24 Haddaba sidaa daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkayga Siyoon degganow, kan reer Ashuur ha ka baqin. Ushiisuu kugu dhufan doonaa, oo hangoolkiisuu kuu qaadan doonaa sida Masriyiintu sameeyeen oo kale, 25 laakiin, weli wakhti yar baa hadhay, dabadeedna dhirifkaygu wuu idlaan doonaa, oo cadhadayduna way ku dhammaan doontaa baabba'ooda. 26 Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale. 27 Oo maalintaas rarkiisa ayaa garbahaaga laga qaadi doonaa, oo harqoodkiisana surkaagaa laga dejin doonaa, oo harqoodkuna wuxuu u baabbi'i doonaa saliidda aawadeed.

28 Cayaad buu yimid, oo Migroon buu dhex maray, oo wuxuu alaabtiisii dhigtay Mikmaash. 29 Way gudbeen meeshii laga gudbi jiray, oo waxay ku dhaxeen Gebac. Raamaah way gariirtay, Gibecaahdii Saa'uulna way carartay. 30 Magaalada Galliimay, codkaaga kor u qaad! Layishay, maqal! Adaa hoogay, Canaatooday! 31 Madmeenaah way carartay, oo dadkii Gebiim degganaana waxay isu soo urursadeen inay baxsadaan. 32 Maantadan wuxuu soo joogsan doonaa Nob, oo wuxuu gacantiisa ku ruxayaa buurta magaalada Siyoon oo ah kurta Yeruusaalem.

33 Bal eega, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu laamaha u gooyn doonaa si aad loogaga cabsado, oo kuwa waaweynna waa la jari doonaa, oo kuwa dhaadheerna waa la ridi doonaa. 34 Oo jiqda duuddana bir buu ku jari doonaa, oo Lubnaanna waxay ku dhici doontaa mid xoog badan gacantiis.

Efesos 3

Bawlos Waxaa Loo Diray Inuu Muujiyo Qarsoodiga Ilaah

Sababtaas daraaddeed anigoo Bawlos ah waxaan Ciise Masiix maxbuus ugu ahay idinka oo ah dad aan Yuhuud ahayn aawadiin. Hubaal waxaad maqasheen wakiilnimada nimcada Ilaah oo la iigu kiin dhiibay, iyo sida qarsoodigii laygu ogeysiiyey wixii la ii muujiyey, sidii aan mar hore dhawr eray idiinku soo qoray. Markaad akhridaan waxaad ogaan karaysaan garashadayda xagga qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah. Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka, kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu. Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin, iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray. 10 Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah, 11 sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix, 12 kaas oo aynu ku leennahay dhiirranaan, oo aynu iskuhallayn ugu geli karno xagga rumaysadka aynu isaga rumaysan nahay. 13 Sidaas daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaydnaan ku qalbi jabin dhibaatooyinkayga aan daraaddiin u maray, waayo, taasu waa idiin ammaan.

Ducadii Bawlos

14 Sababtaas daraaddeed waxaan ugu jilba joogsadaa Aabbaha hortiisa, 15 kaas oo magiciisa lagu magacaabay reerka oo dhan inta jannada ku jirta iyo inta dhulka joogtaba, 16 in sida hodantinimada ammaantiisu ay tahay uu idin siiyo itaal aad Ruuxiisa kaga xoogaysataan xagga gudihiinna, 17 iyo in Masiixu qalbiyadiinna degganaado xagga rumaysadka, 18 inaad jacayl xidid iyo aasaas ku yeelataan, iyo inaad u xoogaysataan si aad quduusiinta oo dhan ula garataan waxa ay yihiin ballaadhka iyo dhererka iyo korudheerida iyo hoosudheerida, 19 iyo inaad ogaataan jacaylka Masiixa oo aqoonta dhaafa, si ay idiinka buuxsanto Ilaah buuxnaantiisa oo dhammu.

20 Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya, 21 isaga ammaanu ha ugu ahaato kiniisadda iyo Ciise Masiixba tan iyo qarniyada oo dhan iyo weligiis iyo weligiisba. Aamiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya