Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 3-4

Xukunkii Yeruusaalem Iyo Yahuudah

Waayo, bal eega, Sayidka ciidammada ahu wuxuu Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ka qaadayaa tiirka iyo waxa la cuskado, xataa tiirka cuntada oo dhan, iyo tiirka biyaha oo dhan, iyo ninka xoogga badan, iyo ninka dagaalyahanka ah, iyo xaakinka, iyo nebiga, iyo waxsheegaha, iyo odayga, iyo sirkaalka konton u taliya, iyo ninka sharafta leh, iyo lataliyaha, iyo saanaca, iyo saaxirka. Oo waxaan amiirro uga dhigi doonaa carruur, oo dhallaan baa iyaga u talin doona. Oo dadkana midkood kastaba waxaa dulmi doona mid kale, oo mid kastaba waxaa dulmi doona deriskiisa, yarku wuxuu ku kibri doonaa odayga, oo kan hoosena kan sharafta leh. Oo markaas nin wuxuu soo qaban doonaa walaalkiis oo jooga gurigii aabbihiis, oo wuxuu ku odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay dhar, haddaba taliye noo noqo oo waxan burburka ahuna ha kaa hooseeyo. Maalintaasba wuu dhawaaqi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Anigu bogsiiye noqon maayo, maxaa yeelay, gurigayga dhar iyo dhuuni midna laguma arko, haddaba dadka taliye ha iiga dhigina. Waayo, Yeruusaalem waa duntay, oo dadka Yahuudahna waa dheceen, maxaa yeelay, hadalkooda iyo falimahooduba waxay col ku yihiin Rabbiga, oo indhihiisa ammaanta leh ayay ka cadhaysiiyaan. Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen. 10 Waxaad sheegtaan inuu kan xaqa ah barwaaqaysnaan doono, waayo, iyagu waxay cuni doonaan midhihii falimahooda. 11 Waxaa hoogay kan sharka ah, waayo, belaayaa ku dhici doonta, oo waxaa loo samayn doonaa wixii gacmihiisu sameeyeen oo kale. 12 Laakiinse waxaa dulma dadkayga carruur, oo dumar baa iyaga u taliya. Dadkaygow, hoggaamiyayaashaadu way ku qaldaan, oo waxay kharribaan jidkaaga aad ku socoto. 13 Rabbigu wuxuu u sara joogaa inuu doodo, oo wuxuu u taagan yahay inuu dadka xukumo. 14 Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan. 15 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?

16 Oo weliba Rabbigu wuxuu yidhi, Gabdhaha Siyoon waa kibirsan yihiin, oo waxay socdaan iyagoo madax taagan oo indhaha ku baaqaya, oo qaadaya tallaabooyin yaryar oo degdeg ah, dugaagadaha cagahana way ka shanqadhiyaan, 17 haddaba sidaas daraaddeed gabdhaha Siyoon madaxooda dhaladiisa Sayidku wuxuu u yeeli doonaa canbaar, oo wuxuu muujin doonaa cawradooda. 18 Oo maalintaas Sayidku wuxuu iyaga ka qaadi doonaa quruxda dugaagadaha cagahooda, iyo shabagyada timaha, iyo bilaha, 19 iyo waxa dhegaha la sudho, iyo sindiyada, iyo indhashareeryada, 20 iyo waxa madaxa lagu sharraxo, iyo silsiladaha lugaha, iyo waxa madaxa lagu xidho, iyo weelasha cadarka, iyo qardhaasaha, 21 iyo kaatummada, iyo sangelisyada, 22 iyo dharka lagu iido, iyo shaadirrada, iyo go'yaasha, iyo boorsooyinka, 23 iyo muraayadaha, iyo dharka wanaagsan, iyo garbasaarrada, iyo gambooyinka. 24 Oo waxay noqon doontaa in meeshii ay ka carfi jireen ay ka qudhmuunaan doonaan, oo meeshii ay dhex-xidh ka xidhan jireenna xadhig bay dhexda ku xidhan doonaan, oo meeshii ay timo wanaagsan ka lahaayeenna waa looga xiiri doonaa, oo meeshii ay maro wanaagsan ka guntan jireenna, joonyad bay ka guntan doonaan, oo meeshii ay quruxda ka lahaayeenna waa laga sunti doonaa. 25 Raggaagu wuxuu ku le'an doonaa seefta, oo kuwaaga xoogga badanuna waxay ku le'an doonaan dagaalka. 26 Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.

Oo maalintaas toddoba naagood ayaa isku nin qabsan doona, oo waxay ku odhan doonaan, Annagaa ismasruufayna oo annagaa is-arrad tirayna, ee magacaaga keliya ha lanoogu yeedho, oo ceebtayada naga fogee.

Biqilka Rabbiga

Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan. Oo waxay noqon doontaa in kii Siyoon ku hadhay iyo kii Yeruusaalem sii joogay loogu yeedho quduus, xataa mid kasta oo ku qoran kuwa Yeruusaalem ku nool dhexdooda markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba. Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool. Oo maalinnimada waxaa jiri doona meel kulaylka laga hadhsado, iyo meel la galo, iyo meel laga dugsado duufaanka iyo roobka.

Galatiya 6

Waano

Walaalayaalow, nin haddii xadgudub lagu qabto, kuwiinna Ruuxa raaca midka caynkaas ah ku soo celiya qabow, adigoo isdhawraya si aan adna laguu jirrabin. Midba midka kale culaabta ha u qaado, oo sidaas ku oofiya sharciga Masiixa. Haddii nin isu maleeyo inuu weyn yahay isagoo aan waxba ku fillayn, wuu iskhiyaaneeyaa. Laakiin nin kastaa shuqulkiisa ha tijaabiyo, dabadeedna faan ayuu iska heli doonaa oo ku kale kama heli doono. Waayo, nin kastaaba waa inuu culaabtiisa qaato.

Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara. Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa. Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah. Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin. 10 Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.

Dhammaadka

11 Bal eega xuruufta waaweyn oo aan gacantayda idiinku soo qoray. 12 Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga. 13 Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan. 14 Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay. 15 Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub. 16 In alla intii qaynuunkan ku socota, iyo Israa'iilka Ilaahba, nabad iyo naxariisuba dushooda ha ahaadeen.

17 Hadda dabadeed ninna yuu i dhibin, waayo, waxaa jidhkayga ku yaal sumadihii Ciise.

18 Walaalayaalow, nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya