Old/New Testament
Gacaliyaha Hadlayaa
4 Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay,
Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale oo indhashareertaada ku qarsoon.
Timahaaguna waa sida riyo
Buur Gilecaad ka muuqda.
2 Ilkahaaguna waa sida laxo loo xiiray,
Oo ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay,
Oo middood kastaaba mataano dhashay,
Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.
3 Bushimahaagu waa sida dun guduudan,
Oo afkaaguna waa qurxoon yahay,
Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.
4 Qoortaaduna waa sida munaaraddii Daa'uud oo loo dhisay inay ahaato meel hubka dagaalka la dhigto,
Oo ay sudhan yihiin kun gaashaan,
Oo ah gaashaammadii ragga xoogga badan oo dhan.
5 Oo labadaada naasna waa sida laba gibin oo mataano ah oo cawl dhashay.
Oo ubaxshooshannada dhexdooda daaqaya.
6 Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o,
Waxaan u kici doonaa buurta malmalka,
Iyo kurta fooxa.
7 Taan jeclahayay, adigu waad qurxoon tahay,
Oo innaba iin ma lihid.
8 Aroosaddaydiiyey, Buur Lubnaan iga soo raac,
Oo kaalay, Buur Lubnaan iga soo raac.
Buur Amaanaah dhaladeeda wax ka fiiri,
Oo Buur Seniir iyo Buur Xermoon dhaladooda wax ka fiiri,
Oo wax ka soo fiiri boholaha libaaxyada,
Iyo buuraha shabeelladaba.
9 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay,
Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood
Iyo laasimmada qoortaada midkood.
10 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa!
Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay!
Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan.
11 Aroosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya,
Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira.
Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan.
12 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay,
Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.
13 Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan,
Iyo xinne iyo naaradiin,
14 Naaradiin iyo huruud,
Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha,
Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.
15 Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa,
Iyo ceel biyo nool leh,
Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.
Gacalisada Hadlaysaa
16 Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay,
Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan,
Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.
Gacaliyaha Hadlayaa
5 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay.
Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay,
Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay,
Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay,
Saaxiibadaha Hadlayaa
Saaxiibbadayow, wax cuna,
Wax cabba, gacaliyayaalow, aad u cabba.
Gacalisada Hadlaysaa
2 Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday.
Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh,
Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur,
Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab,
Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.
3 Dharkaygii waan iska bixiyey, bal sidee baan u xidhaa?
Oo cagahaygiina waan maydhay, bal sidee baan u wasakheeyaa?
4 Gacaliyahaygii wuxuu gacantiisii ka soo dusiyey daloolkii albaabka,
Oo qalbigaygu isaguu u dhaqaaqay.
5 Waxaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo,
Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal,
Farahaygana malmalku
Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka.
6 Gacaliyahaygii waan ka furay,
Laakiinse gacaliyahaygii wuu iska noqday, wuuna tegey.
Naftaydii markuu hadlay way naxday.
Isagaan doondoonay, laakiinse waan heli kari waayay.
Waan u dhawaaqay, laakiinse innaba iima uu jawaabin.
7 Oo waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay ayaa i helay
Wayna i garaaceen oo i dhaawaceen.
Oo kuwii derbiyada dhawrayay ayaa garbasaartaydii iga qaaday.
8 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan,
U sheega inaan caashaq la buko.
Saaxiibadaha Hadlayaa
9 Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay,
Taada naagaha ugu qurxoonay?
Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay,
Waadigaa sidan noo dhaarinayee?
Gacalisada Hadlaysaa
10 Gacaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan.
Waana kan toban kun ugu wanaagsan.
11 Madaxiisu waa sida dahab saafi ah,
Oo timihiisuna waa sida cawbaar, oo waxay u madow yihiin sida tuke oo kale.
12 Indhihiisu waa sida indho qoolley oo durdur biya ah ag joogta,
Oo caano lagu maydhay oo si qumman loo dhigay.
13 Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa.
Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.
14 Gacmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey,
Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay.
15 Lugihiisu waa sida tiirar marmar ah, oo lagu qotomiyey saldhigyo dahab saafiya ah,
Oo muuqashadiisuna waa sida Buur Lubnaan oo kale, oo wuxuu u qurxoon yahay sida geedaha kedarka oo kale.
16 Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow,
Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.
Waxaa Xaq Lagu Noqdaa Rumaysad
3 Garaadlaawayaasha reer Galatiyow, yaa idin sasabtay, kuwiinna indhahooda la hor dhigay Ciise Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay? 2 Waxaan keliyahoo idinka doonayaa inaan idinka barto, Ruuxa ma waxaad ku hesheen shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka? 3 Ma sidaasaad u garaadla'dihiin? Idinkoo Ruuxa ku bilaabay miyaad haatan jidhka ku dhammaynaysaan? 4 Ma waxtarla'aan baad wax badan ugu xanuunsateen? hadday waxtarla'aan ahayd. 5 Haddaba kan Ruuxa idin siiya oo shuqullada xoogga leh idinku dhex sameeyaa, ma wuxuu ku sameeyaa shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka? 6 Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo. 7 Haddaba ogaada in kuwa rumaysadka lahu yihiin wiilashii Ibraahim. 8 Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan. 9 Sidaas daraaddeed kuwa rumaysadka lahu waxay la barakaysan yihiin Ibraahimkii rumaystay. 10 In alla intii shuqullada sharciga isku hallaysaa, inkaar bay ku hoos jiraan; waayo, waxaa qoran, Waa inkaaran yahay ku kasta oo aan ku sii soconin inuu sameeyo wax kasta oo ku qoran kitaabka sharciga. 11 Inuusan ninna sharciga xaq ku noqon Ilaah hortiisa waa bayaan, waayo, Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa. 12 Sharciguna kama iman rumaysadka, laakiin, Kii sameeya waxyaalaha sharciga iyaguu ku noolaan doonaa. 13 Masiix wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay, 14 inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad.
15 Walaalayaalow, sida dadkaan u hadlayaa, In kastoo ay tahay xataa axdiga dadka, mar haddii la hubiyo, lama buriyo, waxbana laguma daro. 16 Ballamada waxaa loo qaaday Ibraahim iyo kii ka soo farcamay. Lama odhan, Kuwa ka soo farcamay sida kuwa badan, laakiinse sidii mid keliya, oo ah kan ka soo farcamay, kaas oo ah Masiixa. 17 Waxaan leeyahay, Ilaah baa axdi hore u dhigay, oo sharcigii afar boqol iyo soddon sannadood dabadeed yimid ma buriyo axdigaas oo ballanka ma baabbi'iyo. 18 Waayo, haddii dhaxalka laga helo sharciga, ballanka lagama sii heleen; laakiinse Ilaah baa Ibraahim ballan ku siiyey.
Waxa Sharciga Loo Soo Dejiyey
19 Haddaba sharcigu waa maxay? Waxaa loogu daray xadgudubyo aawadood, ilaa farcankii loo ballanqaaday yimaado, oo waxaa xagga malaa'igaha lagaga amray dhexdhexaadiye gacantiis. 20 Dhexdhexaadiye mid keliyahu ma leh, laakiinse Ilaah waa mid keliya. 21 Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga. 22 Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay.
23 Laakiinse intaan rumaysadku iman waxaa laynagu hoos hayay sharciga, innagoo xidhan, ilaa rumaysadka la muujiyo. 24 Sidaas daraaddeed sharcigu wuxuu ahaa edbiyeheenna inuu Masiixa inoo geeyo, inaynu xaq ku noqonno rumaysadka.
Waxa Rumaysadka Ka Yimaada
25 Laakiinse rumaysadkii waa yimid, oo taas daraaddeed mar dambe edbiye kama hoosayno. 26 Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix. 27 In alla intiinna lagu baabtiisay Masiix, waxaad huwateen Masiix. 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix. 29 Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya