Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Gabaygii Sulaymaan 1-3

GABAYGII SULAYMAAN

Kanu waa gabaygii gabayada ee Sulaymaan.

Gacalisada Hadlaysaa

Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa;
Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.
Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay,
Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay,
Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.
I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye.
Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.

Saaxiibadaha Hadlayaa

Annagu waannu kugu farxi doonnaa, oo waannu kugu rayrayn doonnaa,
Oo jacaylkaagana waxaannu u sii xusuusan doonnaa in khamri ka sii badan.

Gacalisada Hadlaysaa

Si qumman ayay kuu jecel yihiin.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow,
Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay
Sida teendhooyinkii reer Qedaar
Iyo sida daahyadii Sulaymaan.
Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis.
Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday,
Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah,
Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.
Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg
Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid;
Waayo, bal maxaan u ahaanayaa
Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?

Saxiibadaha Hadlayaa

Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon,
Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa,
Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.

Gacaliyaha Hadlayaa

Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay
Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.
10 Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan,
Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.
11 Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah
Oo lacag laga taagay.

Gacalisada Hadlaysaa

12 Inta boqorku miiskiisii fadhiyey,
Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.
13 Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah
Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.
14 Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah
Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.

Gacaliyaha Hadlayaa

15 Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay,
Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.

Gacalisada Hadlaysaa

16 Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay,
Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.

Gacaliyaha Hadlayaa

17 Alwaaxda gurigeennu waa qoryo kedar ah,
Oo saqafkeennuna waa qoryo beroosh ah.

Gacalisada Hadlaysaa

Anigu waxaan ahay ubaxnarjiska Shaaroon,

Iyo ubaxshooshanka dooxooyinka.

Gacaliyaha Hadlayaa

Sida ubaxshooshanku qodxanta ku dhex yahay,
Ayay taan jeclahayna gabdhaha ku dhex tahay.

Gacalisada Hadlaysaa

Sida geedka tufaaxa ahu uu dhirta duurka ku dhex yahay,
Ayuu gacaliyahayguna wiilasha ku dhex yahay.
Hooskiisaan fadhiistay anigoo aad u faraxsan,
Oo midhihiisuna way ila dhadhan macaanaayeen.
Wuxuu i keenay guriga diyaafadda,
Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.
Sabiib igu quudi, oo tufaax igu noolee,
Waayo, anigu caashaq baan la bukaa.
Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa,
Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa
Cawsha iyo deerada duurka
Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin
Ilaa uu doono.
Waa kaa codkii gacaliyahaygu!
Bal eega, wuu soo socdaa,
Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.
Gacaliyahaygu waa sida cawl ama deer qayrab ah oo kale.
Bal eega, wuxuu taagan yahay derbigayaga gadaashiisa,
Oo daaqadahuu ka soo eegayaa, oo shabagguu ka soo dayayaa.
10 Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi,
Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.
11 Waayo, qabowgii wuu na dhaafay,
Oo roobkiina wuu dhammaaday, wuuna qaaday,
12 Ubaxii dhulkuu ka muuqanayaa,
Oo wakhtigii shimbirruhu gabyi jireenna waa la gaadhay,
Oo codkii qoolleydana dalkayagaa laga maqlayaa.
13 Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa,
Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan,
Wayna soo carfayaan.
Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

Gacaliyaha Hadlayaa

14 Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta,
Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii,
Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.
15 Dawacooyinka noo qabta, kuwaasoo ah dawacooyinka yaryar ee beerahayaga canabka ah bi'iya,
Waayo, beerahayaga canabka ahu haatan way ubxinayaan.

Gacalisada Hadlaysaa

16 Gacaliyahaygu waa kaygii oo anna tiisii baan ahay.
Wuxuu adhigiisa daajinayaa ubaxyada dhexdooda.
17 Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabba'o,
Gacaliyahaygiiyow, soo noqo, oo ahow sida cawl oo kale, amase sida deer qayrab ah
Oo buuraha Beter kor jooga.

Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay.
Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin.
Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa,
Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn
Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay.
Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin.
Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay,
Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen?
Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay
Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay.
Waan qabtay, mana sii dayn,
Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay,
Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa
Cawsha iyo deerada duurka
Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin
Ilaa uu doono.
Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah?
Oo ay malmalka, iyo fooxa,
Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?
Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee.
Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil
Ayaa hareereheeda ku wareegsan.
Kulligood seefta aad bay u yaqaaniin, waana wada dagaalyahan.
Ninkood kastaba seeftiisii dhexday ugu xidhan tahay,
Cabsida habeenka aawadeed.
Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado
Ka samaystay qoryihii Lubnaan.
10 Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay,
Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay,
Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay.
11 Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega,
Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa,
Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.

Galatiya 2

Shuqulkii Bawlos Baa Yeruusaalem Lagu Aqoonsaday

Afar iyo toban sannadood dabadeed ayaan mar kale Yeruusaalem aaday, Barnabasna wuu ila jiray, oo Tiitosna waan kaxaystay. Sidii la iigu muujiyey ayaan u tegey, oo waxaan iyaga hor dhigay injiilka aan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo, laakiinse waxaan gooni ahaan u tusay kuwii sharafta lahaa, si aanan u ahaan mid waxtarla'aan iska ordaya ama hore u orday. Laakiin xataa Tiitos oo ila socday, isagoo Gariig ah, laguma qasbin in la gudo walaalaha beenta ah oo qarsoodiga lanoogu soo geliyey daraaddood, kuwa noogu soo galay inay basaasaan xorriyaddeenna aynu Ciise Masiix ku haysanno, inay na addoonsadaan. In runta injiilku idinla sii jirto, taas daraaddeed ayaannan saacad qudha u hoos gelin iyaga. Laakiinse kuwii loo maleeyey inay sharaf leeyihiin (wax kastoo ay ahaayeen, waxba igama gelin; waayo, Ilaah dadka wejigiisa uma kala eexdo) waxaan leeyahay, Kuwii sharafta lahaa waxba iguma ay darin. Laakiinse kolkay arkeen in laygu ammaaneeyey injiilka kuwa buuryoqabka ah, xataa sidii Butros loogu ammaaneeyey injiilka kuwa gudan, waayo, kii Butros kaga dhex shaqeeyey sii uu rasuul ugu ahaado kuwa gudan ayaa anna igaga dhex shaqeeyey sii aan dadka aan Yuhuudda ahayn rasuul ugu ahaado, oo kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan. 10 Waxay keliyahoo doonayeen inaannu masaakiinta xusuusanno, taas oo aan ku dadaalayay inaan sameeyo.

Bawlos Wuxuu Canaantay Butros

11 Laakiinse Keeyfas kolkuu Antiyokh yimid, waan hor joogsaday, maxaa yeelay, wuu eedaysnaa. 12 Maxaa yeelay, intaan qaar Yacquub ka iman, Keeyfas wuxuu wax la cuni jiray dad aan Yuhuud ahayn, laakiinse markay yimaadeen, wuu ka soo noqday oo ka soocmay, isagoo kuwa gudan ka cabsanaya. 13 Yuhuudda inteedii kalena sidaas oo kalay labawejiilayaal la ahaayeen isaga, sidaas daraaddeed labawejiilenimadoodii waxay la tagtay xataa Barnabas. 14 Kolkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda?

Shuqullada Sharciga Xaq Laguma Noqdo

15 Innagoo jinsigeennu Yuhuud yahay, oo aan ahayn dembilayaal aan Yuhuud ahayn, 16 ayaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono. 17 Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo! 18 Waayo, haddaan mar kale dhiso waxyaalihii aan dumiyey, waxaan isku caddaynayaa inaan ahay mid xad gudbay. 19 Anigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado. 20 Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday. 21 Nimcada Ilaah burin maayo, waayo, haddii xaqnimo sharciga laga helo, Masiix micnela'aan buu u dhintay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya