Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Maahmaahyadii 30-31

Erayadii Aguur

30 Kuwanu waa erayadii Aaguur ina Yaaqeh, oo ahaa reer Masaa.
Ninku wuxuu la hadlay Iitii'eel, iyo xataa Iitii'eel iyo Ukaal, oo ku yidhi,
Hubaal anigu waan ka doqonnimo weynahay nin kastaba,
Oo dad waxgarashadiisana ma lihi.
Xigmad ma aan baran,
Aqoonta Kan quduuska ahna ma aqaan.
Yaa samada u baxay, oo ka soo degay?
Yaa dabaysha gacmihiisa ku soo ururshay?
Yaa biyaha dharkiisa ku guntay?
Yaa dhulka darafyadiisa oo dhan dhisay?
Magicii, wiilkiisana magicii, haddaad taqaan?
Eray kasta oo Ilaah waa daahir;
Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.
Erayadiisa waxba ha ku darin,
Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.
Laba waxyaalood ayaan ku weyddiistay,
Iyaga ha ii diidin intaanan dhiman.
Wax aan waxtar lahayn iyo been iga fogee,
Oo caydhnimo iyo taajirnimo midna ha i siin.
Igu quudi cunto aanan ka maarmin,
Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu?
Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado,
Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.
10 Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin,
Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.
11 Waxaa jira farcan aabbahood inkaara,
Oo aan hooyadoodna u ducayn.
12 Waxaa jira farcan isla daahirsan,
Oo weliba aan nijaastoodii ka maydhmin.
13 Waxaa jira farcan indhahoodu aad u sarreeyaan!
Oo daboolka indhahoodana kor bay u qaadaan.
14 Waxaa jira farcan ilkahoodu sida seefo oo kale yihiin, oo gowsahooduna sida mindiyo oo kale yihiin,
Si ay masaakiinta dhulka uga baabbi'iyaan, oo ay kuwa baahanna dadka dhexdiisa uga dhammeeyaan.
15 Culaacushu waxay leedahay laba gabdhood, oo leh, Na sii, Na sii.
Waxaa jira saddex waxyaalood oo aan weligood dhergin,
Haah, oo afar aan odhan, Bes, nagu filan;
16 Waxaana weeye qabriga, iyo maxalka aan wax dhalayn,
Iyo dhulka aan biyo ka dhergayn,
Iyo dabka aan odhan, Bes, igu filan.
17 Isha aabbaheed ku majaajiloota,
Oo quudhsata inay hooyadeed addeecdo,
Waxaa la soo bixi doona tukayaasha dooxada,
Oo waxaa cuni doona gorgorrada.
18 Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo,
Haah, afar baan garan waayay,
19 Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo,
Siduu masna dhagax ugu socdo,
Siday doonnina badda u maaxdo,
Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.
20 Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda,
Taasoo intay wax cunto afka tirtirta,
Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.
21 Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa,
Oo afar baanu qaadan karin,
22 Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo,
Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,
23 Iyo naag la nacay markay guursato,
Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.
24 Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar,
Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.
25 Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn,
Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.
26 Walooyinku waa qoon taagdaran,
Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;
27 Ayaxu boqor ma leh,
Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.
28 Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo,
Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.
29 Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda,
Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
30 Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan,
Oo aan weliba midna dib uga noqon,
31 Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga;
Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.
32 Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya,
Ama aad wax shar ah ka fikirtay,
Gacanta afka saar.
33 Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan,
Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa,
Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.

Erayadii Boqor Lemuu'eel

31 Kuwanu waa erayadii Lemuu'eel oo ahaa boqorkii Masaa ay hooyadiis bartay isaga.
Waa maxay, wiilkaygiiyow?
Waa maxay, wiilkii uurkaygow?
Waa maxay, wiilkii nidarradaydow?
Xooggaaga naago ha siinin,
Dawyadaadana ha siinin kuwa boqorrada dumiya.
Lemuu'eelow, uma eka boqorrada, uma eka boqorradu inay khamri cabbaan,
Oo amiirradana uma eka inay waxa lagu sakhraamo damcaan,
Waaba intaasoo ay cabbaan, oo ay sharciga illoobaan,
Oo ay kuwa dhibaataysan midkood gartiisa qalloociyaan.
Waxa lagu sakhraamo siiya ka dhimashada ku dhow,
Oo khamrigana waxaad siisaan kuwa naftoodu la qadhaadhaatay.
Ha cabbo, oo caydhnimadiisa ha illoobo,
Oo dhibaatadiisana yaanu mar dambe soo xusuusan innaba.
Afka u fur carrablaawaha aawadiis,
Si aad kuwa baabba'aya oo dhan u xaq mariso.
Afka fur, oo si xaq ah u garsoor,
Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.

Naagta Dabiicadda Wanaagsan Leh

10 Bal yaa heli kara naag wanaagsan?
Waayo, qiimaheedu waa ka sii badan yahay xataa luul.
11 Waayo, qalbiga ninkeedu iyaduu isku halleeyaa,
Oo isagu innaba uma baahnaan doono wax booli ah.
12 Cimrigeeda oo dhan isaga wanaag bay u samayn doontaa,
Oo innaba xumaan kuma samayn doonto.
13 Waxay doondoontaa dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo.
Oo iyadoo raalli ku ah ayay gacmaheeda ku shaqaysaa.
14 Iyadu waa sida doonniyaha baayacmushtariga,
Oo cuntadeeda waxay ka keentaa meel fog.
15 Waxay kacdaa iyadoo weli ay habeennimo tahay,
Oo dadka reerkeeda ayay cunto siisaa,
Oo gabdhaheedana hawshooday siisaa,
16 Iyadu waxay ka fikirtaa beer, wayna soo iibsataa,
Oo midhaha gacmaheeda ayay beercanab ku beerataa.
17 Waxay dhexda ku xidhataa xoog,
Oo gacmaheedana way xoogaysaa.
18 Waxay eegtaa in baayacmushtarigeedu wanaagsan yahay;
Laambaddeeduna habeenkii ma bakhtido.
19 Waxay gacmaheeda ku fidisaa dunmiiqa,
Oo sacabbadeeduna waxay qabtaan usha wareegta.
20 Waxay sacabkeeda u furtaa miskiinka,
Oo gacmaheedana waxay u fidisaa saboolka baahan.
21 Dadka reerkeeda ugama cabsato dhaxanta barafka cad,
Waayo, xaaskeeda oo dhammu waxay wada qabaan dhar labanlaab ah.
22 Waxay samaysataa durraaxado daabac leh,
Oo dharkeeduna waxaa weeye dhar aad u wanaagsan oo guduudan.
23 Ninkeedana waxaa laga yaqaan irdaha magaalada,
Markuu dhex fadhiisto waayeellada waddanka.
24 Waxay samaysaa dhar wanaagsan, wayna iibisaa,
Oo baayacmushtarigana waxay ka iibisaa boqorro dhexda lagu xidho.
25 Xoog iyo sharaf ayaa iyada dhar u ah;
Oo wakhtiga soo socda way ku qososhaa.
26 Afkeeda waxay u kala qaaddaa xigmad;
Oo carrabkeedana waxaa saaran sharciga raxmadda.
27 Waxay aad u xannaanaysaa reerkeeda,
Oo kibista caajisnimadana ma cunto.
28 Carruurteedu way kacaan oo waxay ugu yeedhaan tan barakaysan,
Oo weliba ninkeeduna wuu ammaanaa, isagoo leh;
29 Dumar badan baa wanaag sameeyey,
Laakiinse adigu waad ka sii wanaagsan tahay dhammaantood.
30 Suuradwacnaantu waa khiyaano miidhan, oo quruxduna waa ceeryaamo oo kale,
Laakiinse naagtii Rabbiga ka cabsata waa la ammaani doonaa.
31 Midhihii gacmaheeda wax ka siiya,
Oo shuqulladeeduna iyada ha ku ammaaneen irdaha magaalada.

2 Korintos 11:1-15

Waxyaalo Uu Bawlos Xaq U Lahaa Rasuulnimadiisii Aawadeed

11 Waxaan jeclaan lahaa inaad iigu dulqaadataan doqonnimadayda yar. Laakiin waad ii dulqaadataan. Waxaan idiinku masayrsanahay masayr xagga Ilaah ah, waayo, waxaan idiin guuriyey nin keliya, inaan idiin dhiibo Masiix idinkoo ah bikrad daahir ah. Laakiin waxaan ka baqayaa in maankiinna laga halleeyo lillaahinimada iyo daahirnimada xagga Masiix, sidii abeesadii xeeladdeedii Xaawa ugu khiyaanaysay oo kale. Waayo, haddii mid yimaado oo idinku wacdiyo Ciise kale oo ah ku aanan ku wacdiyin, ama haddii aad heshaan ruux ka duwan kii aad hesheen, ama injiil ka duwan kii aad aqbasheen, si wanaagsan ayaad ugu dulqaadataan. Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn. Laakiin in kastoo aanan hadalka ku fiicnayn, aqoonta waan ku fiicanahay, oo taasaannu si kasta idiinku muujinnay dadka oo dhan hortiisa. Dembi miyaan falay markaan is-hoosaysiiyey in idinka laydin sarraysiiyo, maxaa yeelay, injiilka Ilaah ayaan idinku wacdiyey hadiyad ahaan? Kiniisado kale ayaan dhacay, anigoo mushahaaro ka qaadaya, si aan idiinku adeego. Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa. 10 Sida Masiixa runtiisu ay iigu jirto, faankan laygama joojin doono xagga dalalka Akhaya. 11 Waayo? Ma waxay tahay inaanan idin jeclayn? Ilaah baa garan. 12 Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.

13 Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix. 14 Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka. 15 Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya