Old/New Testament
27 Berrito ha ku faanin,
Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
2 Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin,
Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
3 Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay,
Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
4 Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad,
Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
5 Canaantii bayaan ahu
Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
6 Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo,
Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
7 Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa,
Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
8 Ninkii hoygiisa ka warwareegaa
Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.
9 Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan,
Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
10 Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona,
Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin,
Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
11 Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi,
Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
12 Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa,
Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.
13 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad,
Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.
14 Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya,
Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
15 Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in
Iyo naag muran badanu waa isku mid.
16 Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa.
Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.
17 Bir baa bir afaysa,
Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.
18 Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa.
Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.
19 Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo,
Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.
20 She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan,
Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.
21 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh,
Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.
22 In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid,
Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.
23 Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga,
Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.
24 Waayo, maalku weligiis siima raago,
Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
25 Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda,
Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.
26 Baraarku waa kuu dhar,
Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.
27 Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba,
Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.
28 Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn,
Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.
2 Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin,
Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.
3 Miskiin masaakiinta dulmaa
Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.
4 Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh,
Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.
5 Nimanka sharka lahu garsooridda ma gartaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax walbay gartaan.
6 Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay,
Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.
7 Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh,
Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.
8 Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa,
Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.
9 Kii dhegtiisa ka leexiya inuu sharciga maqlo,
Xataa baryootankiisu waa karaahiyo.
10 Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa,
Isagaa ku dhici doona godkiisa,
Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.
11 Taajirku waa isla caqli weyn yahay,
Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.
12 Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn,
Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.
13 Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono,
Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.
14 Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay,
Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.
15 Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay
Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.
16 Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn,
Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.
17 Ninkii nin dhiiggiis qabaa
Wuxuu u carari doonaa godka, oo ninna yaanu ka joojin.
18 Ku alla kii si qumman u socda waa la samatabbixin doonaa,
Laakiinse kii si qalloocan laba jid ugu socdaa haddiiba wuu dhici doonaa.
19 Kii dhulkiisa beertaa, cunto badan buu ka dhergi doonaa,
Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa wuxuu ka dhergi doonaa caydhnimo.
20 Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa,
Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.
21 Ma wanaagsana in dadka loo kala eexdo,
Iyo inuu nin xabbad kibis ah u xadgudbo toona.
22 Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay,
Mana oga inuu caydhoobi doono.
23 Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa
Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.
24 Kii aabbihiis ama hooyadiis wax ka dhaca oo haddana yidhaahda,
Taasu xadgudub ma aha,
Wuxuu saaxiib la yahay kii wax dumiya.
25 Kii hunguri weynu muran buu kiciyaa,
Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waa la barwaaqaysiin doonaa.
26 Kii qalbigiisa isku halleeyaa waa nacas,
Laakiinse ku alla kii si caqli ah u socda waa la samatabbixin doonaa.
27 Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono,
Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.
28 Markii kuwa sharka lahu kacaan dadku waa dhuuntaa,
Laakiinse markay halligmaan, kuwa xaqa ahu way sii kordhaan.
29 Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa,
Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
2 Markii kuwa xaqa ahu amarka haystaan, dadku wuu reyreeyaa,
Laakiinse markii kuwa sharka lahu xukunka wataan, dadku wuu taahaa.
3 Kii xigmad jecelu aabbihiisuu ka farxiyaa,
Laakiinse kii dhillooyin raacaa maalkiisuu khasaariyaa.
4 Boqorku gar buu dalka ku dhisaa,
Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa.
5 Ninkii deriskiisa faaniyaa
Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.
6 Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin,
Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa.
7 Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta,
Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.
8 Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan,
Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan.
9 Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo,
Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.
10 Dhiigyocabyadu kii kaamil ah way neceb yihiin,
Laakiinse kuwa qumman waxay doondoonaan inay naftiisa badbaadshaan.
11 Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa,
Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.
12 Haddii taliye been dhegaysto,
Midiidinyadiisa oo dhammu waa wada shar miidhan.
13 Miskiinka iyo khaayinku way wada kulmaan,
Oo labadoodaba Rabbigu indhahooduu iftiimiyaa.
14 Boqorkii daacadnimo masaakiinta ugu xukuma,
Carshigiisu wuu dhisnaan doonaa weligiisba.
15 Usha iyo canaantu caqli bay keenaan,
Laakiinse ilmihii layska daayaa ceeb buu hooyadiis u soo jiidaa.
16 Markii kuwa sharka lahu bataan, xadgudub baa sii kordha,
Laakiinse kuwa xaqa ah ayaa dhiciddooda arki doona.
17 Wiilkaaga edbi, oo isna wuu ku nasin doonaa,
Haah, naftaada wuu ka farxin doonaa.
18 Markii aan muujinu jirin dadku waa halligmaa,
Laakiinse kii sharciga dhawraa waa barakaysan yahay.
19 Addoon hadal kuma edeb yeesho,
Waayo, in kastoo uu garanayo ka jawaabi maayo.
20 Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega?
Kaas waxaa ka rajo roon nacas.
21 Kii addoonkiisa si wanaagsan u soo koriya tan iyo yaraantiisa,
Ugu dambaysta wiil buu u noqon doonaa.
22 Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa.
Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.
23 Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa,
Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.
24 Ku alla kii tuug la shirkoobaa naftiisuu nacaa,
Habaarkuu maqlaa, laakiinse waxba kama sheego.
25 Dadka ka cabsashadiisu wax bay dabtaa,
Laakiinse kii Rabbiga isku halleeyaa wuu nabad geli doonaa.
26 Kuwo badan baa taliyaha raallinimo ka doona,
Laakiinse dadka garsooriddiisu waxay ka timaadaa xagga Rabbiga.
27 Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah,
Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.
Bawlos Amarkiisii Wuxuu Ka Yimid Ilaah
10 Aniga qudhayda oo Bawlos ah waxaan idinku baryayaa qabownimada iyo raxmadda Masiixa, anigoo is-hoosaysiiya markaan dhexdiinna joogo, laakiin xaggiinna geesi ku ah markaan idinka maqnahay. 2 Laakiin waxaan idinka baryayaa inaanan anigu markaan joogo geesi ku ahaan hubaashaas aan u malaynayo inaan geesi ku ahaado xagga kuwa nagu tirinaya inaannu sida jidhka ku soconno. 3 Maxaa yeelay, in kastoo aannu jidhka ku soconno, sida jidhka uma dagaallanno, 4 waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo. 5 Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco, 6 annagoo u diyaar ah inaannu ka aarsanno caasinimo oo dhan markii ay addeeciddiinnu kaamil noqoto.
7 Waxaad eegaysaan waxa idin hor yaal. Haddii qof uun isku hubo inuu ka mid yahay kuwa Masiix, midkaasi mar kale isaga qudhiisu ha ka fiirsado in, siduu isagu uga mid yahay kuwa Masiix, aannu annaguna uga mid nahay. 8 Waayo, in kastoo aan si badan ugu faanayo amarkayaga uu Rabbigu noo siiyey inaannu idinku dhisno ee aanu noo siin inaannu idinku duminno, weliba layma ceebayn doono. 9 Tan waxaan u idhi inaanan u ekaan sidii anigoo warqadahayga idinku cabsiinaya. 10 Waayo, waxay yidhaahdaan, Warqadihiisu culays iyo xoog bay leeyihiin, laakiin joogidda jidhkiisu way tabardaran tahay, oo hadalkiisana waa la fududaystaa. 11 Kaasoo kale ha ogaado in sidaannu xagga hadalka warqadaha ku nahay markaannu maqan nahay, aannu xagga falimaha ku nahay markaannu joogno.
12 Waayo, kuma dhacno inaannu isku tirinno ama isu ekaysiinno kuwa is-ammaana. Laakiin iyaga qudhooda oo isku qiyaasaya qudhooda oo isu ekaysiinaya qudhooda waa garaadlaawayaal. 13 Isu faanin mayno si qiyaastayada dhaafsiisan, laakiin sida ay tahay qiyaasta Ilaah noo qaybiyey inay qiyaas ahaato, si aannu idiin soo gaadhno. 14 Waayo, annaga qudhayadu si dhaafsiisan isugu kala bixin mayno sidii annagoo aan idin soo gaadhin; waayo, xataa idinka ayaannu idiinla nimid injiilka Masiix, 15 annagoo aan si dhaafsiisan uga faanayn hawlihii dadka kale, laakiin rajo u leh intuu rumaysadkiinnu korayo inaannu aad iyo aad ugu weynaan doonno dhexdiinna sida soohdintayada ah, 16 si aannu injiilka ugu wacdinno meelaha idinka shisheeya oo aanan ku faanin waxa laga diyaariyey qof kale soohdintiisa.
17 Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano. 18 Ma aha ka qudhiisa ammaana ka loo bogaa, laakiin waa ka uu Rabbigu ammaano.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya