Old/New Testament
Digniin Ku Saabsan Nacasnimada
6 Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid,
Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid,
2 Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga,
Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.
3 Haddaba, wiilkaygiiyow, bal waxan samee oo isa samatabbixi,
Waayo, gacantii deriskaagii waad gashay;
U tag, oo is-hoosaysii, oo deriskaaga bari.
4 Indhahaaga hurdo ha isugu keenin,
Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban.
5 Isu samatabbixi sida cawl gacanta ugaadhsadaha uga baxsato,
Iyo sida shimbir gacanta shimbirdabaha uga baxsato.
6 Kaaga caajiska ahow, bal qudhaanjada u tag,
Oo bal jidadkeeda u fiirso oo caqli yeelo,
7 Iyadoo aan lahayn madaxweyne,
Sirkaal iyo taliye toona,
8 Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa,
Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.
9 Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa?
Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa?
10 Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa,
Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,
11 Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca,
Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.
12 Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba,
Wuxuu ku socdaa af qalloocan;
13 Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa,
Oo faruhuu wax ku baraa;
14 Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar,
Oo wuxuu beeraa muran.
15 Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa,
Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
16 Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay,
Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
17 Waana indho kibir badan, carrab been sheega,
Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
18 Qalbi male shar ah hindisa,
Iyo cago xumaan ku degdega,
19 Markhaati been ah oo been sheega,
Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
Digniin Ku Saabsan Sinada
20 Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji,
Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.
21 Had iyo goorba qalbiga ku sido,
Oo qoortana ku xidho.
22 Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa,
Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa,
Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.
23 Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin,
Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
24 Inay kaa dhawraan naagta sharka ah,
Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.
25 Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin,
Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.
26 Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah,
Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.
27 Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa,
Iyadoo aan dharkiisu guban?
28 Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa,
Iyadoo aan cagihiisu guban?
29 Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa,
Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono.
30 Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado
Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo,
31 Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa,
Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.
32 Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay,
Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa.
33 Oo wuxuu heli doonaa dhaawacyo iyo sharafdarro;
Oo ceebtiisana lama tirtiri doono innaba.
34 Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis.
Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono.
35 Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo,
In kastoo aad hadiyado badan siisid.
Digniin Ka Gees Ah Naagta Gogoldhaafta
7 Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji,
Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.
2 Amarradayda xaji aad noolaatide,
Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr.
3 Farahaaga ku xidho,
Oo looxa qalbigaagana ku qoro.
4 Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay,
Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy,
5 Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad,
Taasoo erayadeeda kugu sasabata.
6 Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga
Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,
7 Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay
Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,
8 Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow,
Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,
9 Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.
10 Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag
Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.
11 Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad,
Oo gurigeeda cag sooma dhigto.
12 Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa,
Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.
13 Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay;
Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,
14 Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed,
Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey.
15 Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo,
Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.
16 Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh,
Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.
17 Waxaan sariirtaydii ku cadariyey
Malmal iyo cuud iyo qorfe.
18 Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta,
Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.
19 Waayo, ninkaygii guriga ma joogo,
Oo meel fog buu u sodcaalay,
20 Kiish lacag ahna wuu qaatay,
Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado.
21 Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay,
Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.
22 Oo haddiiba iyadii buu daba galay,
Sidii dibi loo wado in la gowraco,
Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,
23 Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo,
Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho,
Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.
24 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla,
Oo erayada afkayga dhegaysta.
25 Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan,
Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.
26 Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan,
Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.
27 Gurigeedu waa jidkii She'ool,
Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.
2 Laakiin waxaan aniga qudhaydu goostay inaanan haddana caloolxumo idiinla imanin. 2 Waayo, haddaan idin calool xumeeyo, waa kee kan iga farxinayaa kii aan calool xumeeyey maahee? 3 Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda kulligiin. 4 Waayo, dhib badan iyo silica qalbiga ayaan idinku soo qoray anigoo aad u ilmaynaya, oo ma aha inaad calool xumaataan, laakiin inaad garataan jacaylka aad u sii badan ee aan idiin qabo.
Dembiilaha Toobadkeena Waa In La Aqbalo
5 Laakiin mid uuni hadduu qof calool xumeeyey, aniga ima uu calool xumayn, laakiin dhammaantiin buu si ahaan idiin calool xumeeyey; dooni maayo inaan idin culaysiyo. 6 Taqsiirtan kuwa badani ay saareen way ku filan tahay kaasoo kale. 7 Laakiinse waa inaad isaga cafidaan oo u gargaartaan inaanay sina caloolxumo aad u badani liqin kaasoo kale. 8 Sidaa daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaad jacaylkiinna u caddaysaan isaga. 9 Waayo, taa aawadeed ayaan u qoray inaan idin imtixaamo inaad wax walba ku dhega nugushihiin iyo in kale. 10 Kii aad wax ka cafidaan, aniguna waan ka cafiyaa: waxaan anigu ka cafiyeyna, haddaan wax ka cafiyey, waxaan uga cafiyey aawadiin Masiix hortiisa, 11 inaan Shayddaan inaga faa'iidaysan, waayo, innagu ma nihin kuwo jaahil ka ah xeeladdiisa.
Dhibaatooyinka Iyo Libta Xagga Injiilka
12 Markaan Taroo'as imid inaan injiilka Masiix kaga wacdiyo, ee uu Rabbigu irid iga furay, 13 ruuxaygu ma nasan, waayo, ma aan helin walaalkay Tiitos, laakiin iyagaan nabadgelyeeyey oo Makedoniyaan u kacay. 14 Ilaah baa mahad leh kan had iyo goorba libta inagu siiya Masiix, oo meel walba udgoonka aqoontiisa gaadhsiiya, ee innaga inaga gaadhsiiya. 15 Waayo, waxaynu Ilaah u nahay udgoonka Masiix xagga kuwa badbaadaya iyo kuwa lumayaba; 16 kuwa dambe udgoonka xagga dhimasho ilaa dhimasho, kuwa kalena udgoonka xagga nolol ilaa nolol. Oo yaa ku filan waxyaalahan? 17 Waayo, innagu la mid ma nihin kuwa badan ee ereyga Ilaah ka baayacmushtara, laakiin sida kuwa daacadda ah iyo kuwa Ilaah ayaynu Masiix ugu hadallaa Ilaah hortiisa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya