Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 137-139

137 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon,
Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay,
Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen,
Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa
Dal qalaad dhexdiis?
Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo,
Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga,
Haddaanan ku xusuusan,
Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan
Farxaddayda ugu weyn.
Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom,
Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi,
Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa,
Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya
Sidii aad nagu samaysay.
Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada
Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

138 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa,
Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa,
Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood,
Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay,
Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga,
Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya,
Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa,
Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda,
Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan,
Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa,
Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

139 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.
Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba,
Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa,
Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.
Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro,
Laakiinse adigu waad wada og tahay.
Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay,
Oo gacantaadaad i saartay.
Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay,
Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.
Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa?
Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa?
Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa,
Haddaan sariirtayda She'ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa.
Haddaan qaato baalasha subaxda,
Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba,
10 Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta,
Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta.
11 Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona,
Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa,
12 Xataa gudcurku igama kaa qariyo,
Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale,
Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid.
13 Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey,
Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.
14 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan,
Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin,
Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.
15 Lafahaygu kaama qarsoonayn,
Markii laygu sameeyey qarsoodiga,
Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.
16 Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa,
Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen,
Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey
Intaan midkoodna jirin ka hor.
17 Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa!
Oo tiro badanaa!
18 Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda,
Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.
19 Ilaahow, hubaal waxaad layn doontaa kuwa sharka leh,
Haddaba iga taga, raggiinna dhiigyocabyada ahow.
20 Waayo, iyagu si xun ayay wax kaaga sheegaan,
Oo cadaawayaashaaduna micnela'aan bay magacaaga ku soo qaadqaadaan.
21 Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb?
Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?
22 Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga,
Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.
23 Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo,
I tijaabi, oo fikirradayda ogow,
24 Oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale,
Oo igu hoggaami jidka weligiis ah.

1 Korintos 13

Jacaylku Waa Hadiyadda U Weyn

13 Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale. Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi. Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ii tari maayo.

Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro, wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro, xaqdarrada kuma farxo, laakiin wuxuu ku farxaa runta. Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa.

Jacaylku weligii ma idlaado. Hadday wax sii sheegiddii jirto, way baabbi'i doontaa, hadday afaf jiraan way dhammaan doonaan, hadday aqooni jirto way baabbi'i doontaa. Waayo, waxaynu naqaan waa qabyo, oo si qabyo ahaan ah ayaynu wax u sii sheegnaa. 10 Laakiin markii waxa dhammi ay yimaadaan, waxa qabyada ahi way idlaan doonaan.

11 Markaan ilmo yar ahaan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u hadli jiray, sidii ilmo oo kale ayaan wax u garan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u fikiri jiray, laakiinse haatan waxaan noqday nin weyn, oo waxyaalihii carruurnimada waan iska fogeeyey. 12 Haatan si aan caddaan ahayn ayaynu muraayad wax ugu aragnaa, laakiin markaas ka fool ka fool ayaynu wax u arki doonnaa. Hadda si qabyo ahaan ah ayaan wax u garanayaa, laakiin markaas waxaan u garan doonaa sidii la ii gartay. 13 Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya