Old/New Testament
Gabayga meelokoridda.
126 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon,
Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
2 Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol,
Carrabkeennana gabay,
Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi,
Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.
3 Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn,
Oo aynu ku faraxsan nahay.
4 Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi
Sida durdurrada koonfureed.
5 Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.
6 Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita,
Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.
Gabayga meelokoridda oo Sulaymaan tiriyey.
127 Haddaan Rabbigu guriga dhisin,
Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan,
Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin,
Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa.
2 Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan,
Oo aad kibista dhibka cuntaan,
Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
3 Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo.
Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.
4 Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis,
Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.
5 Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga,
Iyagu ma ay ceeboobi doonaan
Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.
Gabayga meelokoridda.
128 Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada,
Oo jidadkiisa ku socda.
2 Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen,
Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
3 Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala.
Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
4 Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa
Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
5 Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa,
Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
6 Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
19 Haddaba maxaan leeyahay? Wax sanam loo sadqeeyo waa wax? Ama, sanam baa wax ah? 20 Laakiin waxyaalaha ay dadka aan Yuhuudda ahayn sadqeeyaan, waxay u sadqeeyaan jinniyo, ee Ilaah uma sadqeeyaan. Dooni maayo inaad jinniyada wax la wadaagtaan. 21 Iskuma wada cabbi kartaan koobka Rabbiga iyo koobka jinniyada. Kama wada qayb geli kartaan miiska Rabbiga iyo miiska jinniyada. 22 Miyaynu Rabbiga ka hinaasinnaa? Miyaynu isaga ka xoog badan nahay?
23 Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan. 24 Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon. 25 Wax kasta oo suuqa lagu iibiyo cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed. 26 Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba. 27 Mid ka mid ah kuwa aan rumaysnayn hadduu diyaafad idiinku yeedho oo aad doonaysaan inaad tagtaan, wax kasto oo laydin hor dhigoba cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed. 28 Laakiin haddii laydinku yidhaahdo, Tanu waa wax sanam loo sadqeeyey, ha cunina, kan idiin sheegay aawadiis iyo niyada aawadeed. 29 Waxaan leeyahay, niyada kan kale, ee ma aha taada. Waayo, xoriyaddayda maxaa loogu xukumaa mid kale niyadiis? 30 Haddaan mahad kaga qayb galo, maxaa la iigu caayaa wixii aan ku mahadnaqo? 31 Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa. 32 Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah, 33 sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya