Old/New Testament
91 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon
Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa,
Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda
Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
3 Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha,
Iyo belaayada aad u xun.
4 Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa,
Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa,
Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
5 Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada,
Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
6 Ama belaayada gudcurka ku socota,
Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
7 Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun,
Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun,
Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
8 Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa,
Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
9 Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga,
Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
10 Shar kuguma dhici doono,
Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa
Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan
Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa,
Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa,
Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa,
Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa,
Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
16 Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa,
Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey maalinta Sabtida.
92 Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo,
Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
2 Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo,
Habeen kastana aaminnimadaada,
3 Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda,
Iyo dhawaaqa kataaradda.
4 Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii,
Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
5 Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa!
Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
6 Doqonku taas ma yaqaan,
Kii nacas ahuna ma garan karo.
7 Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan,
Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan,
Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
8 Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
9 Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada,
Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane,
Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
10 Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga
Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
11 Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa,
Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
12 Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed,
Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
13 Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray
Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
14 Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay,
Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
15 Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay,
Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.
93 Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad,
Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog,
Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
2 Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore,
Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.
3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen,
Webiyadii codkooday kor u qaadeen,
Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.
4 Biyaha badan codkooda,
Iyo mawjadaha badda oo waaweynba
Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
5 Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal,
Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.
15 Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin. 2 Midkeen kastaaba deriskiisa ha ka farxiyo inuu ku wanaagsanaado oo ku dhismo. 3 Waayo, Masiixiiba naftiisii kama uu farxin, laakiinse sida qoran, Caydii kuwii adiga ku caayay ayaa igu kor dhacday. 4 Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno. 5 Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix, 6 inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.
Injiilka Loo Keenay Dadka Aan Yuhuudda Ahayn
7 Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano. 8 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey, 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran,
Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.
10 Oo haddana wuxuu leeyahay,
Quruumahow, la reyreeya dadkiisa.
11 Oo haddana,
Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow,
Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga.
12 Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay,
Waxaa jiri doona xididkii Yesay,
Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha,
Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan.
13 Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya