Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 81-83

Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.

81 Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah,
Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka,
Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
Buunka afuufa markay bishu dhalato,
Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil,
Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati,
Markii uu dalkii Masar ku soo baxay,
Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd,
Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey,
Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon,
Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
Dadkaygiiyow, bal i maqla,
Oo anna waan idiin digi doonaa,
Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin,
Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
10 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah,
Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar,
Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii,
Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda.
Si ay taladooda ugu socdaan.
13 Bal may dadkaygu i dhegaystaan,
Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
14 Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda,
Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
15 Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga,
Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
16 Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan,
Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.

Kanu waa sabuur uu Aasaaf tiriyey.

82 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah,
Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda,
Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan?
Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah)
Miskiinka iyo agoonka gar siiya,
Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.
Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan,
Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan,
Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan,
Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo,
Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii.
Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale,
Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood.
Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun,
Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.

Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf tiriyey.

83 Ilaahow, shib ha odhan,
Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.
Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan,
Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.
Dadkaagay xeelad ugu tashadaan,
Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.
Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine.
Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.
Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen,
Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,
Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil,
Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,
Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq,
Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen,
Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)
Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan,
Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,
10 Waxay ku halligmeen Ceyn Door,
Oo waxay dhulka u noqdeen digo.
11 Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb,
Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac,
12 Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa.
13 Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega,
Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,
14 Sida dabka duurka guba,
Iyo sida ololka buuraha huriya,
15 Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri,
Hufadaadana ku cabsii.
16 Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo,
Si ay magacaaga u doondoonaan.
17 Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen,
Ha wareereen, hana baabbe'een,
18 Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay
Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.

Rooma 11:19-36

19 Haddaba waxaad odhan doontaa, Laamihii waxaa loo jebiyey in aniga laygu tallaalo meeshoodii. 20 Waa tahay. Rumaysaddarradoodii baa loo jebiyey, adna waxaad ku taagan tahay rumaysadkaaga. Ha iskibrin, laakiinse cabso; 21 waayo, haddaan Ilaah u tudhin laamihii asliga ahaa, de adna kuu tudhi maayo. 22 Bal hadda fiiri roonaanta iyo adkaanta Ilaah; kuwii dhacay xaggooda adkaantiisaa la jirta, laakiinse xaggaaga waxaa la jirta roonaanta Ilaah, haddaad roonaantiisa ku sii socotid, haddii kaleeto adna waa lagu gooyn doonaa. 23 Iyagana haddayan rumaysaddarradoodii ku sii socon, waa lagu tallaali doonaa meeshoodii, waayo, Ilaah waa awoodaa inuu iyaga mar kale ku tallaalo meeshoodii. 24 Waayo, haddii adiga lagaa soo gooyay saytuun dibadeed oo si aburiddiisa ka gees ah laguugu tallaalay geed saytuun wanaagsan ah, intee baa in ka sii badan kuwan oo ah laamihii asliga ahaa loogu tallaali doonaa geedkoodii saytuunka ahaa?

Ilaah Qasdigiisu Wuxuu Yahay Inuu Dhammaan U Naxariisto

25 Walaalayaalow, anigu dooni maayo, inaad jaahil ka ahaataan qarsoodigan, waabase intaas ood iskibrisaan. Adkaan aan dhammayn baa ku dhacday reer binu Israa'iil ilaa tirada buuxda oo quruumuhu soo gasho; 26 oo sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu u wada badbaadi doonaan, sida qoran,

Waxaa Siyoon ka soo bixi doona Bixiyaha.
Wuxuu Yacquub ka sii jeedin doonaa cibaadola'aanta.
27 Oo kanu waa axdigayga aan la dhigan doono iyaga,
Markaan dembigooda ka qaadi doono.

28 Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood. 29 Waayo, hadiyadaha iyo yeedhidda Ilaah ka soo noqosho ma leh. 30 Waayo, idinkuba mar baad Ilaah caasi ku ahaydeen, laakiinse haatan waxaa laydiinku naxariistay kuwaas caasinimadooda, 31 sidaas oo kalay iyaguna haatan caasi u noqdeen, in naxariistii laydin tusay, iyagana haatan loogu naxariisto. 32 Waayo, Ilaah kulli wuxuu ku wada xidhay caasinimo inuu u wada naxariisto kulli.

33 Mool dheeraa hodantinimada iyo xigmadda iyo aqoonta Ilaah! Xukummadiisa lama baadhi karo, jidadkiisana lama raadin karo! 34 Waayo, bal yaa soo ogaaday maanka Rabbiga? Bal yaase lataliyihiisii noqday? 35 Yaase awil wax siiyey oo loo abaalgudi doonaa? 36 Waayo, wax waluba isagay ka yimaadeen oo ku yimaadeen oo u yimaadeen aawadiis. Ammaanta isagaa leh weligiis. Aamiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya