Old/New Testament
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
37 Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood,
Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.
2 Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale,
Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.
3 Rabbiga isku hallee oo wanaag samee,
Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
4 Haddaba Rabbiga ku farax,
Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
5 Jidkaaga Rabbiga ku aamin,
Isagana isku hallee, wuuna samaynayaaye.
6 Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale,
Gartaadana sida duhurka oo kale.
7 Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug,
Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan
Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.
8 Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag,
Hana isku dhibin inaad shar samaysid.
9 Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.
10 Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono,
Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.
11 Laakiinse kuwa camalka qabow dalkay dhaxli doonaan,
Oo waxay ku farxi doonaan nabad badan.
12 Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah,
Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.
13 Oo Sayidku wuu ku qosli doonaa isaga,
Waayo, wuxuu arkaa in maalintiisu soo dhowaanayso.
14 Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen,
Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan,
Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.
15 Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda,
Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
16 Inta yar oo mid xaq ahu haystaa
Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.
17 Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan,
Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.
18 Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda,
Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa.
19 Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro,
Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
20 Laakiinse kuwa sharka lahu way halligmi doonaan,
Cadaawayaasha Rabbiguna waxay ahaan doonaan sida inta wanaagsan oo doogga,
Way baabbi'i doonaan, sida qiiqa oo kale way u baabbi'i doonaan.
21 Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe,
Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.
22 Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona,
Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.
23 Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga,
Oo jidkiisuu ku farxaa.
24 Oo in kastoo uu kufo, haddana ma wada dhici doono,
Waayo, Rabbiga ayaa gacantiisa ku tiiriya.
25 Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay,
Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey,
Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.
26 Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa,
Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.
27 Sharka ka fogow, oo wanaag samee,
Oo weligaa baad degganaan doontaa.
28 Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda,
Mana uu dayrsho quduusiintiisa,
Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa,
Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
29 Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan,
Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
30 Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda,
Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.
31 Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa,
Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.
32 Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah,
Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
33 Rabbigu isaga gacantiisa ku dayn maayo,
Oo eedayn maayo marka la xukumo isaga.
34 Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji,
Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho,
Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.
35 Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan,
Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
36 Laakiin waa la ag maray, oo isagii lama arag,
Oo waan doondoonay, laakiinse waa la waayay.
37 Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman,
Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
38 Laakiinse kuwa xadgudbaa dhammaantood wadajir bay u baabbi'i doonaan,
Oo kuwa sharka lahuna ugu dambaystooda way go'i doonaan.
39 Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga,
Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.
40 Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa,
Maxaa yeelay, isagay magangaleen.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey inuu wax ku xusuusto.
38 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
2 Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen,
Oo gacantaaduna way igu soo degtay.
3 Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis,
Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis.
4 Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga,
Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.
5 Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin,
Waana nacasnimadayda daraaddeed.
6 Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay,
Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.
7 Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol,
Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.
8 Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay,
Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
9 Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada,
Oo taahiddayduna kaama qarsoona.
10 Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay,
Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.
11 Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan,
Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.
12 Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan,
Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun,
Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.
13 Laakiinse anigu waxba kama maqlo sida nin dhega la',
Oo waxaan la mid ahay nin carrab la' oo aan afkiisa kala qaadin.
14 Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin,
Oo aan afkiisa murammo ku jirin.
15 Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa,
Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.
16 Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn,
Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.
17 Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco,
Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.
18 Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa,
Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.
19 Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin,
Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.
20 Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana
Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.
21 Rabbiyow, ha i dayrin,
Ilaahayow, ha iga fogaan.
22 Soo dhaqso oo i caawi,
Sayidow, badbaadadaydow.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey Yeduutuun oo ahaa madaxdii muusikaystayaasha.
39 Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa,
Si aanan carrabkayga ugu dembaabin,
Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
2 Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa,
Tiiraanyadaydiina waa kacday.
3 Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday,
Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay,
Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
4 Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda
Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay,
Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
5 Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed
Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha,
Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
6 Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah,
Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah,
Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
7 Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa?
Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
8 Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi,
Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
9 Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin,
Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10 Haddaba belaayadaada iga durki,
Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11 Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed,
Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale,
Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12 Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig,
Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin,
Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga
Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
13 Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee,
Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.
Bawlos Oo Agribba Hortiisa Ka Hadlaya(A)
26 Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Waa laguu fasaxay inaad nafsaddaada u hadashid. Kolkaasaa Bawlos gacantiisa fidiyey oo isdaafacay.
2 Boqor Agribbow, waxaan isku tirinayaa mid faraxsan inaan maanta hortaada isaga daafaco waxyaalihii ay Yuhuuddu igu soo dacweeyeen oo dhan; 3 maxaa yeelay, adigu waxaad khusuusan xariif ku tahay caadooyinka iyo su'aalaha oo dhan oo Yuhuudda dhex yaalla; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad ii dulqaadatid oo aad i maqashid. 4 Yuhuuddu dhammaantoodba tan iyo yaraantaydii way wada yaqaaniin camalka noloshayda, taasoo bilowga aan kula dhex jiray quruuntayda oo aan Yeruusaalem la joogay. 5 Haddii ay raalli ku yihiin inay ii marag furaan, iyaguba tan iyo horraantii aqoon bay u lahaayeen sidii aan ugu dhaqmi jiray dariiqada diintayada ugu qiiro adag anoo Farrisi ah. 6 Haddaba waxaan haatan halkan u taaganahay in la ii xukumo rajadii ballankii Ilaah u qaaday awowayaashayo. 7 Oo laba iyo tobankayaga qabiilba waxay Ilaah aad ugu adeegaan habeen iyo maalinba iyagoo rajaynaya in ay ballankaas helaan. Haddaba boqorow, Yuhuuddu waxay igu ashtakeeyeen wax rajadaas ku saabsan! 8 Haddii Ilaah kuwii dhintay soo sara kiciyo, bal maxaad ugu qaadataan wax aan la rumaysan karin?
9 Runtii aniga qudhayduba waxaan mooday inay waajib igu tahay inaan sameeyo waxyaalo badan oo wada khilaafsan magaca Ciisaha reer Naasared. 10 Oo sidaasaan ku sameeyey Yeruusaalem; weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa. 11 Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.
12 Oo markaan Dimishaq u sodcaalayay, boqorow, anigoo wata amarkii iyo dardaarankii wadaaddada sare, 13 ayaan waxaan hadhkii arkay, intaan jidka marayay, iftiin samada ka baxaya oo qorraxda ka sii dhalaal dheer, oo ka iftiimaya hareerahayga aniga iyo kuwii ila socdayba. 14 Oo kolkii aannu dhammaantayo dhulka ku wada dhacnay, ayaan maqlay cod afka Cibraaniga ku hadlaya oo igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? Way kugu adag tahay inaad harraatidid wax ku muda. 15 Markaasaan idhi, Yaad tahay Sayidow? Kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid. 16 Laakiin bal sara joogso, oo cagahaaga ku istaag; waayo, sababtan aawadeed ayaan kuugu muuqday inaan kaaga dhigo midiidin iyo markhaati waxyaalihii aad igu aragtay iyo waxyaalaha aan kuugu muuqan doonaba; 17 anigoo kaa samatabbixinaya dadka iyo quruumaha aan kuu diri doonaba, 18 inaad indhahooda furtid si ay gudcur uga soo jeestaan oo ay iftiinka ugu soo jeestaan, iyo inay ka soo leexdaan xoogga Shayddaanka oo ay Ilaah u yimaadaan, inay helaan dembidhaaf oo ay dhaxal la helaan kuwa quduus lagaga dhigay rumaysadka ay igu leeyihiin.
19 Sidaas daraaddeed, boqor Agribbow, kuma aan caasiyoobin riyadii samada ka timid; 20 laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila. 21 Waxyaalahaas aawadood baa Yuhuuddu macbudka gudihiisa iigu qabteen, oo waxay isku dayeen inay i dilaan. 22 Haddaba anigoo caawimaad ka helay xag Ilaah ayaan waxaan ilaa maanta u taaganahay inaan marag furo oo aan u sheego yar iyo weynba, anigoo aan innaba wax kale sheegayn wixii nebiyadii iyo Muuse ay sii sheegeen inay ahaan doonaan mooyaane; 23 taasoo ah in Masiixu xanuunsan doono, iyo sida isagoo ah kii kowaad oo kuwii dhintay ka soo sara kacay uu iftiin ugu naadin doono dadka iyo quruumahaba. 24 Oo intuu saas isu daafacayay, ayaa Feestos cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Bawlosow, waad waalan tahay. Barashadaadii badnayd ayaa waalli kuu beddeshay. 25 Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Feestoskii aad u sarreeyeyow, anigu ma aan waalni, laakiin waxaan ku hadlayaa erayo run ah iyo feeyignaan. 26 Waayo, boqorka aan ikhtiyaar ula hadlayaa wuu garanayaa waxyaalahan; waayo, anigu waxaan hubaa inaan waxyaalahan midkoodna uusan isaga ka qarsoonayn; waayo, waxyaalahan laguma samayn meel qarsoon. 27 Boqor Agribbow, nebiyadii ma rumaysan tahay? Waan ogahay inaad rumaysan tahay. 28 Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Wax yar baad igu oggolaysiinaysaa inaan Masiixi noqdo. 29 Kolkaasaa Bawlos wuxuu yidhi, Waxaan Ilaah ka dooni lahaa in, haddii ay tahay wax yar iyo haddii ay tahay wax badan, ayan ahayn adiga oo keliya, laakiin in, inta maanta i maqlaysaa oo dhammu, ay wada noqdaan sida aan ahay oo kale, silsiladahan mooyaane.
30 Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu; 31 oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona. 32 Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya