Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 33-34

33 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya,
Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.
Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad,
Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
Gabay cusub isaga ugu gabya,
Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay,
Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad,
Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa,
Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.
Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale,
Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.
Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen,
Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay,
Oo wuu amray, wayna adkaatay.
10 Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa,
Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
11 Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa,
Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
12 Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay,
Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
13 Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa,
Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
14 Oo meesha isaga rugta u ah
Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
15 Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya,
Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn,
Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
17 Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo,
Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
18 Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
19 Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo,
Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
20 Nafteennu waxay sugtay Rabbiga,
Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
21 Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa,
Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
22 Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto,
Sidii aannu kaa rajaynay.

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markii uu asluubtiisa ku hor beddelay Abiimeleg oo isaga eryay, dabadeedna wuu iska tegey.

34 Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa,
Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga,
Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
Rabbiga ila weyneeya,
Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.
Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay,
Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen,
Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay,
Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo weliba way samatabbixisaa.
Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay,
Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.
Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada,
Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.
10 Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta,
Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
12 Bal waa ayo ninka nolol jecel,
Oo cimriga dheer doonayaa,
Si uu wanaag u arko?
13 Carrabkaaga shar ka jooji,
Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
14 Shar ka leexo, oo wanaag samee,
Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
15 Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah,
Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.
16 Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya
Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.
17 Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.
18 Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan,
Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin,
Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
20 Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan,
Oo middoodna ma jabna.
21 Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh,
Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.
22 Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa,
Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.

Falimaha Rasuullada 24

Bawlos Waxaa Xukun Loo Hor Joojiyey Taliye Feelikos

24 Kolkaasaa shan maalmood dabadeed waxaa yimid Ananiyas oo ahaa wadaadkii sare oo wata kuwo waayeellada ah iyo mid codkar ah oo Tertullos la odhan jiray; oo waxay taliyihii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah. Oo markii loo yeedhay ayaa Tertullos wuxuu bilaabay inuu isagii dacweeyo, oo wuxuu yidhi,

Adiga daraaddaa waxaannu ku raaxaysannaa nabad badan, oo dhaqaalahaaga aawadiisna xumaatooyinka waa laga hagaajiyaa quruuntan. Annaguna si walba iyo meel walba ayaannu ku aqbalnaa, adigan Feelikos ah oo sharafka weyn lahow, oo aad iyo aad ayaannu ugu mahadnaqaynaa. Laakiin si aanan kuu sii daalin, waxaan kaa baryayaa inaad raxmaddaada nooga maqashid dhawr eray. Maxaa yeelay, waxaannu aragnay in ninkanu yahay nin baas oo fidmad ka dhex kiciya Yuhuudda dunida joogta oo dhan, waana kan horgalaha u ah dariiqada Naasaraaniyiinta; oo wuxuu aad ugu dadaalay inuu macbudka nijaaseeyo; oo weliba annagu waan soo qabannay isagii, oo waxaannu ku xukumi lahayn wax sharcigayaga ku saabsan. Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii, oo wuxuu kuwii soo dacwaynayay ku amray inay hortaada yimaadaan. Isaga markaad adiga qudhaadu imtixaantid waad ka ogaan kari doontaa waxyaalahan aannu isaga ku dacwaynayno oo dhan. Oo Yuhuuddiina way ku darmadeen dacwadii iyagoo adkaynaya in waxyaalahaasu saas yihiin.

10 Oo markii taliyuhu u gacan haadiyey inuu hadlo, ayaa Bawlos u jawaabay oo wuxuu yidhi.

Anigu waan ogahay inaad sannado badan quruuntan xaakin u ahayd, sababtaas daraaddeed anigoo aad u faraxsan ayaan isdaafacayaa. 11 Adigu waad ogaan karaysaa inayan laba iyo toban maalmood ka badnayn kolkii aan Yeruusaalem caabudidda u tegey. 12 Anigoo qof la doodaya ama dad badan kicinaya laygama helin ama macbudka ama sunagogyada ama magaalada. 13 Kuumana ay caddayn karaan waxyaalihii ay imminka igu dacwaynayaan. 14 Laakiin tan baan kuu qiranayaa, inaan Ilaaha awowayaashayo ugu adeego sida Jidka ay yidhaahdaan dariiqo bidcinimo ah, anigoo rumaysan waxyaalaha sharcigu leeyahay oo dhan iyo waxyaalaha lagu qoray kitaabbadii nebiyada. 15 Oo waxaan xagga Ilaah ka rajaynayaa waxyaalaha ay kuwan qudhooduba filanayaan, waana inay jiri doonto sarakicidda ay kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahayn soo sara kici doonaan. 16 Tan ayaan ku dadaalayaa inaan had iyo goorba qabo qalbi aan xumaan u keenin xagga Ilaah iyo xagga dadba. 17 Haddaba sannado badan dabadeed ayaan waxaan u imid inaan quruuntayda u keeno sadaqooyin iyo qurbaanno. 18 Markaan kuwaas keenayay ayay macbudka iga heleen, anigoo daahirsamay, oo aan dad badan la joogin, oo aan buuq ku jirin; laakiin waxaa joogay kuwo Yuhuud ah oo Aasiya ka yimid 19 kuwaasoo ay waajib ahayd inay halkan hortaada joogaan oo ay i dacweeyaan haddii ay wax igu haystaan. 20 Haddii kalese nimankan qudhoodu ha sheegeen xaqdarradii ay igu heleen markii aan shirka hor istaagay, 21 haddii ayan ahayn codkan keliya oo aan ku dhawaaqay markaan iyaga dhex taagnaa oo idhi, Wax ku saabsan sarakicidda kuwii dhintay ayaad maanta igu xukumaysaan.

Feelikos Baa Xaajadii Dib U Dhigay

22 Laakiin Feelikos oo aad u sii garanaya wax ku saabsan Jidka ayaa xaajadoodii dib u dhigay oo yidhi, Kolkii sirkaalka sare oo Lusiyas ah yimaado ayaan xaajadiinna dhammaan u garan doonaa. 23 Markaasuu boqol-u-taliyihii ku amray in la ilaaliyo isagoo aan xidhnayn oo aan saaxiibbadiis laga joojin inay u adeegaan.

24 Laakiin dhawr maalmood dabadeed ayaa Feelikos yimid isagoo ay naagtiisa Darusilla oo Yahuudiyad ahayd la socoto, oo wuxuu u cid dirsaday Bawlos, oo wuxuu ka maqlay wax ku saabsan rumaysadkuu rumaystay Ciise Masiix. 25 Oo intuu kala hadlayay xaqnimada iyo iscelinta iyo xukunka imanaya, ayaa Feelikos cabsaday oo u jawaabay oo ku yidhi, Haatan iska tag; oo markaan wakhti wanaagsan helo ayaan kuu yeedhan doonaa. 26 Wuxuu rajaynayay in Bawlos lacag siiyo isagii, sidaas daraaddeed ayuu marar badan u soo cid diray oo la hadlay isagii.

27 Laakiin markii laba sannadood dhammaatay waxaa Feelikos jagadiisa qaatay Borkiyos Feestos; Feelikosna isagoo doonaya inuu Yuhuuddii ka farxiyo ayuu Bawlos daayay isagoo xidhan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya