Old/New Testament
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
29 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana,
Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
2 Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay,
Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
3 Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha,
Ilaaha ammaantu wuu onkodaa,
Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
4 Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay,
Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
5 Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah,
Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
6 Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale,
Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
7 Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
8 Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada,
Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
9 Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka,
Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa,
Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka,
Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa,
Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey in la gabyo markii Gurigii loo furay Ilaah.
30 Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay,
Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
2 Rabbiyow, Ilaahayow,
Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
3 Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool,
Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.
4 Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya,
Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
5 Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya,
Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga,
Habeenka waxaa jirta oohin,
Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
6 Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi,
Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
7 Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato,
Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
8 Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday,
Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
9 Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta?
Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
10 Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso,
Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.
11 Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar,
Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
12 Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin.
Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa.
23 Markaasaa Bawlos shirka aad u fiiriyey oo ku yidhi, Walaalayaalow, ilaa maalintan ayaan qalbi wanaagsan ku noolaa Ilaah hortiis. 2 Kolkaasaa wadaadkii sare oo Ananiyas la odhan jiray ku amray kuwii ag taagnaa inay afka ku dhuftaan. 3 Markaasaa Bawlos ku yidhi, Ilaah baa kugu dhufan doona, kaaga derbi caddaysanow; ma waxaad u fadhidaa inaad sharciga igu xukuntid oo aad ku amartid in laygu dhufto si aan sharcigu lahayn? 4 Markaasaa kuwii ag taagnaa waxay ku yidhaahdeen, Ilaah wadaadkiisa sare miyaad caayaysaa? 5 Bawlosna wuxuu ku yidhi, Walaalayaalow, anigu ma aan garanaynin inuu wadaadkii sare yahay; maxaa yeelay, waxaa qoran, Waa inaanad wax shar ah kaga hadlin nin dadkaaga u taliya.
6 Laakiin Bawlos markuu gartay in dadka qaarkiis Sadukiin yahay, qaarka kalena ay Farrisiin yihiin, ayuu shirkii ka dhex qayliyey oo yidhi, Walaalayaalow, anigu waxaan ahay Farrisi oo ah Farrisiinta wiilkood, oo wax ku saabsan rajada iyo sarakicidda kuwii dhintay ayaa laygu xukumayaa. 7 Oo markuu sidaas yidhina, waxaa Farrisiintii iyo Sadukiintii ka dhex dhacay muran, ururkiina waa kala qaybsamay. 8 Maxaa yeelay, Sadukiintu waxay yidhaahdaan, Ma jiraan sarakicidda ama malaa'ig ama ruuxba; laakiin Farrisiintu kulligoodba way qirtaan. 9 Markaasaa waxaa dhacay buuq weyn, oo qaar ka mid ah culimmadii safka Farrisiinta ayaa istaagay iyagoo hadal ku dagaallamaya oo leh, Ninkan wax shar ah kama helin; laakiin haddii ruux la hadlay isagii ama malaa'ig la hadashay, Ilaah la dagaallami mayno. 10 Oo markii muran weyni dhacay, ayaa sirkaalkii sare wuxuu ka cabsaday inay Bawlos kala jeexjeexaan, markaasuu askartii ku amray inay hoos tagaan oo xoog isaga uga soo qaadaan dadka dhexdiisa, oo ay qalcaddii keenaan.
11 Haddaba habeenkii dambe Rabbiga ayaa is-ag taagay isagii oo ku yidhi, Kalsoonow, maxaa yeelay, sidaad Yeruusaalem iigu markhaati furtay waa inaad Roomana iigu markhaati furtid.
Yuhuuddu Shirqool Bay U Dhigeen Bawlos
12 Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane. 13 Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan. 14 Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno. 15 Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya