Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 13-15

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

13 Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa?
Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?
Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa,
Anigoo maalinta oo dhan calool xun?
Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?
Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab,
Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,
Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday,
Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.
Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada,
Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.
Rabbigaan u gabyi doonaa,
Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

14 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro.
Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah,
Ma jiro mid wanaag sameeya.
Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga,
Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya,
Oo Ilaah doondoona.
Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen,
Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn?
Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan,
Mana ay baryaan Rabbiga.
Halkaasay aad ugu cabsadeen,
Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka,
Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!
Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

15 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya?
Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya,
Oo qalbigiisa run kaga hadla.
Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman,
Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn,
Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan,
Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada,
Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod,
Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin.
Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.

Falimaha Rasuullada 19:21-41

Wixii Bawlos Ku Talo Jiray

21 Haddaba markii waxyaalahaasu dhammaadeen ayaa Bawlos ruuxiisa kula talo jiray inuu Yeruusaalem tago markuu Makedoniya iyo Akhaya sii dhex maray dabadeed, isagoo leh, Markaan meeshaas tago dabadeed, waa inaan Roomana arko. 22 Markaasuu wuxuu Makedoniya u diray laba ka mid ah kuwii isaga u adeegi jiray oo ahaa Timoteyos iyo Erastos, isaga qudhiisuse wuxuu ku hadhay Aasiya intii muddo ah.

Rabshad Baa Efesos Ka Dhacday

23 Haddaba waxaa wakhtigaas kacday rabshad aan yarayn oo ku saabsan Jidka. 24 Maxaa yeelay, ninkoo Deemeetriyos la odhan jiray oo lacagtume ahaa, oo macbudyo yaryar oo Di'ana lacag ka samayn jiray, wuxuu sancaawiyadii u keeni jiray faa'iido aan yarayn; 25 kuwaasoo uu isla soo ururiyey raggii la shuqul ahaa isagoo ku leh, Niman yahow, waad og tihiin inaynu shuqulkan ka helno hodantinimadeenna. 26 Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha. 27 Khatar uma aha shuqulkeenna oo keliya in la quudhsado, laakiin waxay khatar u tahay oo kale in macbudka ilaahadda weyn oo Di'ana la fududaysto, weynaanteedana laga baabbi'iyo, taasoo Aasiya oo dhan iyo duniduba ay wada caabudaan.

28 Oo markay taas maqleen, aad bay u cadhoodeen, wayna dhawaaqeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos. 29 Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen. 30 Kolkii Bawlos damcay inuu dadkii dhex galo, xertii uma ay oggolaan isagii. 31 Haddaba qaar ka mid ah madaxda Aasiya oo saaxiibbo u ahaa isagii ayaa u soo cid diray, oo waxay ka baryeen inuusan isku biimayn te'atradii. 32 Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen. 33 Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa. 34 Laakiin kolkay garteen inuu Yuhuudi yahay ayay dhammaan intii laba saacadood ah isku cod ku qayliyeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.

35 Markuu karaanigii magaaladu aamusiiyey dadkii badnaa, ayuu ku yidhi, Nimankiinan reer Efesosow, ninkee baan oqoon in magaalada Efesos ay tahay ta ilaalisa macbudka Di'anada weyn iyo sanamkii Yubiter ka soo dhacay? 36 Waxyaalahaasu waa wax aan la dafiri karin, sidaas daraaddeed waxaa idinku waajib ah inaad xasilloonaataan oo aydnaan samayn wax qamaam ah. 37 Waayo, waxaad halkan keenteen nimankan iyagoo aan ahayn kuwo macbudyo dhaca ama kuwo caaya ilaahaddeenna. 38 Sidaas daraaddeed haddii Deemeetriyos iyo kuwa la shuqul ah ay nin wax ku haystaan, maxkamadahu waa furan yihiin, xaakinnona waa jiraan; haddaba ha isdacweeyaan. 39 Laakiin haddii aad doonaysaan wax ku saabsan axwaal kale, waxaa lagu gar gooyn doonaa ururkii sharciga. 40 Haddaba waxaa khatar inoo ah in laynagu ashtakeeyo rabshaddii maanta aawadeed, iyadoo aan sababu u jirin; taasoo aynaan kari doonin inaynu wax ka sheegno buuqan. 41 Oo goortuu waxyaalahaas ku hadlay dabadeed ayuu ururkii kala diray.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya