Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 38-40

Hadalkii Rabbiga Ee Ayuub

38 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah,
oo wuxuu ku yidhi,
Waa kuma kan talada ku madoobeeya
Erayada aan aqoonta lahayn?
Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto,
Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay?
Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray?
Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey?
Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen,
Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay
Sidii wax maxal ka soo baxay,
Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay,
Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
10 Oo aan hareeraheeda xad u amray,
Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
11 Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin,
Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
12 Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay?
Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
13 Si uu u qabsado dhulka darfihiisa,
Oo sharrowyada looga hurgufo?
14 Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa,
Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,
15 Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday,
Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.
16 Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay?
Miyaadse moolka salkiisa martay?
17 Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey?
Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?
18 Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa?
Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
19 Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee?
Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
20 Si aad soohdintiisa u martid,
Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
21 Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd
Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!
22 Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo?
Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,
23 Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada,
Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?
24 Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa?
Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
25 Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah,
Amase hillaaca onkodka,
26 Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin,
Iyo cidlada aan ninna degganayn,
27 Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah,
Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
28 Roobku ma aabbuu leeyahay?
Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?
29 Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay?
Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?
30 Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale,
Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.
31 Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo?
Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?
32 Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto?
Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?
33 Miyaad taqaan amarrada samooyinka?
Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
34 Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa,
Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?
35 Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan,
Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?
36 Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey?
Yaase maanka waxgarashada siiyey?
37 Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara?
Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
38 Markii boodhku taallooyin noqdo,
Oo ciidduna ay isku dhegto?
39 Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid?
Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,
40 Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan,
Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?
41 Bal yaa tukaha cunto ku quudiya,
Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan,
Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?

39 War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho?
Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?
Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo?
Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?
Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan,
Oo fooshoodana way iska saaraan.
Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan,
Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.
Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey?
Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?
Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada,
Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.
Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa,
Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.
Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa,
Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.
Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego?
Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?
10 Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo?
Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?
11 Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa?
Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?
12 Ma waxaad isaga ugu kalsoon tahay inuu midhahaaga guriga keeno,
Oo uu kuu soo urursho hadhuudhka goobkaaga wax lagu tumo?
13 Gorayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa,
Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin?
14 Waayo, iyadu ugaxdeeda waxay kaga tagtaa dhulka dushiisa,
Oo ciidday ku diirisaa,
15 Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso,
Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.
16 Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn,
Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,
17 Maxaa yeelay, Ilaah baa iyada xigmad u diiday,
Oo waxgarashona ma uu siin.
18 Oo markay kor isu qaaddo inay carartona,
Waxay quudhsataa faraska iyo kii fuushanba.
19 War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey?
Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?
20 War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo?
Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.
21 Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa,
Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.
22 Cabsida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo,
Oo seeftana dib ugama noqdo.
23 Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye,
Iyo waran birbirqaya iyo hoto.
24 Isagu dhulkuu ku liqaa gariir iyo cadho,
Oo buunka codkiisa hadduu maqlona ma istaago.
25 Oo mar alla markii buunku dhawaaqo ayuu “Haw” yidhaahdaa,
Oo meel fog ayuu dagaalka ka uriyaa,
Wuxuuna maqlaa saraakiisha qayladooda onkodaysa iyo hugunka.
26 Haadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa?
Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa?
27 Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa?
Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?
28 Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal,
Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.
29 Oo iyadoo halkaas joogta ayay ugaadh ka fiirsataa,
Oo indhaheeduna meel fog bay wax ka arkaan.
30 Dhasheeda yaryaru dhiig bay nuugaan,
Oo iyana waxay joogtaa hadba meeshii raqu taal.

40 Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa?
Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.
Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa?
Afkaan gacanta saarayaa.
Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo,
Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.
Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto,
Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
War ma xukunkaygaad burinaysaa?
Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?
Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale?
Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?
10 Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo,
Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.
11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi,
Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.
12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii,
Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
13 Dhammaantood ciidda ku qari,
Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.
14 Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa
In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.
15 Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale,
Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.
16 Haddaba bal eeg, xooggeedu wuxuu ugu jiraa dhexdeeda,
Oo itaalkeeduna wuxuu ku jiraa muruqyada caloosheeda.
17 Oo dabadeedana waxay u taagtaa sida geed kedar ah oo kale,
Oo seedaha bowdooyinkeeduna way isku wada tidcan yihiin.
18 Oo lafaheeduna waa sidii tuubbooyin naxaas ah;
Oo addimmadeeduna waa sidii wax bir ah.
19 Iyadu jidadka Ilaah waa u madax,
Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.
20 Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya
Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.
21 Oo waxay hoos jiifsataa dhirta hooska badan,
Iyo meesha qarsoon ee cawsduurka iyo biyagaleenka.
22 Dhirta hooska badan ayaa hadhkooda ku qariya,
Oo waxaa iyada ku wareegsan geedaha safsaafka ah ee durdurka ku ag yaal.
23 Bal eeg, haddii webigu buuxdhaafo iyadu ma gariirto,
In kastoo Webi Urdun afka ka galo, haddana iyadu way isku kalsoon tahay.
24 Ninna miyuu iyada qaban karaa iyadoo u jeedda?
Miyaase sanka dabin lagaga duleelin karaa?

Falimaha Rasuullada 16:1-21

Timoteyos Baa Bawlos Raacay

16 Oo wuxuu kaloo yimid Derbe iyo Lustara; oo bal eega, halkaas waxaa joogay nin xer ah oo la odhan jiray Timoteyos, oo ahaa Yahuudiyad rumaysan wiilkeed, aabbihiise wuxuu ahaa Gariig. Isagana walaalihii Lustara iyo Ikoniyon joogay baa u marag furay. Bawlos wuxuu doonayay inuu isagu raaco; markaasuu waday oo guday, Yuhuudda meelahaas joogtay darteed; maxaa yeelay, kulligood way wada ogaayeen in aabbihiis uu Gariig ahaa. Oo intay magaalooyinka dhex marayeen, waxay u dhiibeen amarradii rasuulladii iyo waayeelladii Yeruusaalem joogay soo amreen, inay dhawraan. Haddaba kiniisadihii iimaankay ku xoogoobeen, oo maalin kastaba tiradoodu waa kordhaysay.

Bawlos Ayaa Riyo Wax Ku Arkay

Markaasay waxay dhex mareen dhulka Farugiya iyo Galatiya iyagoo Ruuxa Quduuska ahu u diiday inay ereyga kaga dhex hadlaan Aasiya, oo markay Musiya u dhowaadeen waxay isku dayeen inay Bituniya galaan; laakiin Ruuxa Ciise uma oggolaan; markaasay soo dhaafeen Musiya oo waxay yimaadeen Taroo'as. Oo habeennimo ayaa Bawlos wax riyo ku arkay. Waxaa taagnaa nin reer Makedoniya ah isagoo ka baryaya oo leh, Makedoniya kaalay oo na caawi. 10 Oo markuu riyadii arkay dabadeed markiiba waxaannu doonnay inaannu Makedoniya tagno, taasoo nala noqotay in Ilaah noogu yeedhay inaannu iyaga injiilka ku wacdinno.

Bawlos Wuxuu U Gudbay Makedoniya

11 Haddaba ayaannu Taroo'as ka dhoofnay, oo waxaannu toos u aadnay Samotraki, maalintii xigtayna waxaannu nimid Ne'abolis; 12 markaasaannu meeshaas ka tagnay, oo waxaannu aadnay Filiboy, taas oo ah magaalomadaxda reer Makedoniya, oo ay reer Rooma u taliyaan, magaaladaas waxaannu joognay dhawr maalmood. 13 Maalintii sabtida ahayd ayaannu iridda ka baxnay, oo waxaannu tagnay webi dhinaciis, meeshaas oo aannu u malaynay meel lagu tukado; markaasaannu fadhiisannay, oo waxaannu la hadallay dumarkii urursanaa. 14 Oo naag Ludiya la odhan jiray, oo dhar guduudan iibin jirtay, oo magaalada Tu'ateyra ka iman jirtay, oo Ilaah caabudi jirtay baa na maqashay; taasoo Rabbigu qalbigeeda furay inay dhegaysato waxyaalihii Bawlos ku hadlay. 15 Oo markii la baabtiisay iyada iyo dadkii gurigeeda, ayay naga bariday iyadoo leh. Haddaad qiyaasaysaan inaan Rabbiga aamin u ahay, gurigayga kaalaya oo jooga. Waana na yeelsiisay.

16 Oo waxaa dhacday, markii aannu u sii soconnay meeshii lagu tukan jiray, in ay naga hor timid gabadh jinni wax sheega qabtaa, taasoo waxsheegiddeeda faa'iido badan ugu keeni jirtay sayidyadeeda. 17 Taasaa Bawlos iyo annaga na soo raacday, wayna qaylisay iyadoo leh, Nimankanu waa addoommadii Ilaaha ugu sarreeya, kuwaasoo idinku wacdiyaya jidka badbaadada. 18 Sidaasna maalmo badan ayay yeelaysay. Laakiin Bawlos oo ka xumaaday ayaa u jeestay oo jinnigii ku yidhi, Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amrayaa inaad iyada ka soo baxdid. Markaasuu saacaddiiba ka soo baxay.

Bawlos Iyo Silas Waa La Xabbisay, Markaasaa La Bixiyey

19 Laakiin sayidyadeedii, markay arkeen in rajadii faa'iidadoodu dhammaatay, ayay Bawlos iyo Silas qabteen, oo waxay u jiideen suuqa, taliyayaasha hortooda, 20 oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan, 21 oo waxay na barayaan caadooyin aan noo xalaal ahayn inaannu aqbalno oo yeelno annagoo reer Rooma ah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya