Old/New Testament
34 Oo weliba Eliihuu wuu jawaabay oo wuxuu yidhi,
2 Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla;
Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.
3 Waayo, dhegtu waxay hadalka u kala soocdaa
Sida dhabxanaggu cuntada u dhedhemiyo oo kale.
4 Aynu dooranno waxa qumman,
Oo aynu dhexdeenna ka ogaanno waxa wanaagsan.
5 Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay,
Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday.
6 Oo in kastoo aan xaq ahay haddana waxaa laygu tiriyey inaan beenlow ahay;
Oo in kastoo aanan xadgudub lahayn, haddana nabarkaygu waa mid aan bogsan karin.
7 Ninkee baa Ayuub la mid ah,
Oo quudhsashada u cabba sida biyaha oo kale,
8 kaasoo raaca kuwa xumaanta ka shaqeeya,
Oo dadka sharka ah la socda?
9 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Ninna wax uma tarto
Inuu Ilaah ku farxo.
10 Haddaba sidaas daraaddeed i dhegaysta, raggiinna waxgaradka ahow;
Ilaah inuu xaqdarro sameeyo way ka fog tahay;
Oo Ilaaha Qaadirka ahna inuu xumaan falo way ka fog tahay.
11 Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa,
Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa.
12 Laakiinse hubaal Ilaah xaqdarro ma uu samayn doono,
Oo Kan Qaadirka ahuna garta ma uu qalloocin doono.
13 Bal yaa isaga ku amray inuu dhulka u taliyo?
Yaase isaga dusha ka saaray dunida oo dhan?
14 Hadduu keligiis iska fikiri lahaa,
Oo uu ruuxiisa iyo neeftiisa soo urursan lahaa,
15 Dadka oo dhammu waa wada baabbi'i lahaa,
Oo binu-aadmiguna ciidduu ku noqon lahaa.
16 Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal;
Oo erayadayda codkooda dhegayso.
17 War mid xaqnimada neceb miyuu wax u talinayaa?
Oo ma waxaad xukumaysaa midka xaqa ah oo xoogga badan?
18 Ma waxaa boqor lagu yidhaahdaa, Shar baad tahay?
Amase kuwa gobta ah, Cibaadalaawayaal baad tihiin?
19 Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan,
Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah?
Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.
20 Iyagu daqiiqad bay ku dhintaan,
Dadku habeenbadhkiiba way gariiraan oo naftaa ka baxda,
Kuwa xoogga badanuna way libdhaan iyadoo aan gacanna la saarin.
21 Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga,
Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.
22 Ma jiro gudcur ama hoosdhimasho toona
Oo ay kuwa xumaanta sameeyaa ku dhuuntaan.
23 Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro,
Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.
24 Ragga xoogga badan ayuu u kala jejebiyaa siyaalo aan la baadhi karin,
Oo meeshoodiina kuwa kaluu ka kiciyaa.
25 Maxaa yeelay, isagu shuqulladooda wuu yaqaan;
Oo habeennimuu afgembiyaa si ay u burburaan.
26 Sharkooda daraaddiis ayuu iyaga wax ku dhuftaa,
Iyagoo dadka kale u jeedo,
27 Maxaa yeelay, lasocodkiisii way ka leexdeen,
Oo waxay diideen inay jidadkiisa midnaba ka fikiraan.
28 Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen,
Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.
29 Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba,
Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara?
Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?
30 Inaan cibaadalaawe boqornimada qabsan,
Si uusan u jirin mid dadka shirqool u dhiga.
31 Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi,
Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo,
32 Haddaba waxaanan u jeedin i bar,
Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?
33 Abaalgudkiisu ma wuxuu ahaan doonaa sidaad doonaysid, inaad diiddid aawadeed?
Waayo, waa inaad adigu doorataa, mana aha aniga;
Haddaba waxaad taqaanid ku hadal.
34 Nin kasta oo xigmad leh oo i maqla iyo dadka waxgaradka ahuba
Waxay igu odhan doonaan,
35 Ayuub aqoonla'aan buu ku hadlaa,
Oo hadalkiisana xigmadu kuma jirto.
36 Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo,
Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.
37 Waayo, dembigiisii wuxuu ku sii darsadaa caasinimo,
Oo dhexdeenna ayuu ka sacab tuntaa,
Erayadiisana wuxuu ku sii badiyaa Ilaah.
35 Oo weliba Eliihuu wuu sii jawaabay oo wuxuu yidhi,
2 Ma waxaad u malaynaysaa in taasu xaq tahay,
Amase ma waxaad leedahay, Xaqnimadaydu way ka sii badan tahay tan Ilaah?
3 Miyey kugu habboon tahay inaad tidhaahdid, Maxay ii taraysaa?
Oo waa maxay faa'iidada aan ka helayo oo ka sii badan haddaan dembaabay?
4 Haddaba waxaan u jawaabayaa
Adiga iyo saaxiibbadaada kula jiraba.
5 Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg,
Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.
6 Haddaad dembaabtay maxaa xumaan ah oo aad yeeshaa?
Oo xadgudubyadaadu hadday bataanse maxaad isaga ku samaysaa?
7 Haddaad xaq tahayse bal maxaad isaga siisaa?
Isaguse muxuu gacantaada ka helaa?
8 Xumaantaadu waxay wax u dhintaa nin sidaadoo kale ah,
Oo xaqnimadaaduna waxay wax ku tartaa binu-aadmiga.
9 Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan,
Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.
10 Laakiinse ninna ma yidhaahdo, Meeh Ilaahii i abuuray,
Oo habeenkii gabayo i siiya,
11 Oo wax na bara in ka sii badan xayawaanka dunida jooga,
Oo weliba naga sii xigmad badiya haadda samada duusha?
12 Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis
Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.
13 Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn,
Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.
14 In kastoo aad tidhaahdaa, Isaga ma arko,
Dacwadii isagay hor taal, oo adna waa inaad isaga sugtaa.
15 Laakiinse haatan, isagu cadhadiisii kuma uu soo booqan,
Oo xumaantana si weyn ugama uu fikiro;
16 Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Ayuub hadalka aan waxtarka lahayn afkiisa ugu furaa,
Oo isagoo aan aqoon lahayn ayuu erayo badiyaa.
Masiixiyiinta Aan Yuhuudda Ahayn Iyo Sharciga Muuse
15 Niman Yahuudiya ka yimid ayaa walaalihii wax baray iyagoo leh, Haddaan caadada Muuse laydinku gudin, badbaadi kari maysaan. 2 Oo markii Bawlos iyo Barnabas wax aan yarayn kula murmeen oo ku su'aaleen iyaga, ayaa walaalihii waxay doorteen Bawlos iyo Barnabas iyo kuwo kale oo iyaga ka mid ah inay Yeruusaalem aadaan oo ay u tagaan rasuulladii iyo waayeelladii inay su'aashan kala hadlaan. 3 Sidaas daraaddeed iyagoo kiniisaddu soo sagootiday, waxay sii dhex mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka warramaya sidii dadkii aan Yuhuudda ahayn u soo jeesteen; waxayna aad uga farxiyeen walaalihii oo dhan. 4 Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan. 5 Laakiin waxaa kacay kuwo dariiqadii Farrisiinta ahaa oo rumaysnaa, kuwaasoo leh, Waa in la gudo iyaga, oo lagu amro inay sharciga Muuse xajiyaan.
Shirka Yeruusaalem
6 Haddaba rasuulladii iyo waayeelladii baa ururay inay xaajadan ka tashadaan. 7 Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii,
Walaalayaalow, waad og tihiin in maalmo hore Ilaah dhexdiinna ka doortay in dadka aan Yuhuudda ahayn ay afkayga ereygii injiilka ka maqlaan oo ay rumaystaan. 8 Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey; 9 oo inama kala soocin innaga iyo iyaga, laakiin qalbiyadooda rumaysad buu ku nadiifiyey. 10 Haddaba maxaad Ilaah u jirrabaysaan inaad [a]harqood qoorta xerta saartaan, kaasoo innaga iyo awowayaasheen aynaan qaadi karin? 11 Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.
12 Dadkii badnaa oo dhammu way wada aamuseen; wayna dhegaysteen Barnabas iyo Bawlos markay uga warramayeen intay ahaayeen calaamooyinkii iyo yaababkii Ilaah gacantooda ku sameeyey dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda. 13 Kolkay aamuseen dabadeed ayaa Yacquub u jawaabay, isagoo leh,
14 Walaalayaalow, i dhegaysta, Simecoon waa ka warramay sidii Ilaah markii ugu horraysay u soo booqday dadka aan Yuhuudda ahayn inuu dad uga soo bixiyo iyaga magiciisa aawadiis. 15 Taasuna waxay raacsan tahay hadalladii nebiyada; siday ugu qoran tahay,
16 Waxyaalahaas dabadeed waan soo noqon doonaa,
Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay;
Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa jajabkiisa,
Waanan taagi doonaa;
17 Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan,
Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,
18 Taas waxaa yidhi Rabbiga waxyaalahaas muujiyey tan iyo bilowgii dunida.
19 Sidaas daraaddeed taladaydu waxay tahay inaynaan dhibin kuwa ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo Ilaah u jeestay; 20 laakiin inaynu u qorno iyagii inay ka fogaadaan wasakhnimada sanamyada, iyo sinada, iyo waxa la ceejiyo, iyo dhiigga. 21 Maxaa yeelay, tan iyo qarniyadii hore waxaa Muuse magaalo walba ku leeyahay kuwa dadka ku wacdiya waxa isaga ku saabsan, oo sabti walba sunagogyadaa laga akhriyaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya