Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 32-33

Eliihuu

32 Markaasay saddexdaas nin iska daayeen inay Ayuub u jawaabaan, maxaa yeelay, isagu xaq buu isla ahaa. Markaas waxaa cadhooday Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus oo qoladiisu ahayd reer Raam, oo aad buu Ayuub ugu xanaaqay, maxaa yeelay, isagu xaq buu isu qaatay intuu Ilaah xaq u qaadan lahaa. Oo weliba wuxuu aad ugu cadhooday saddexdiisii saaxiib, maxaa yeelay, iyagu jawaab ma ay helin, ee weliba Ayuub way xukumeen. Haddaba Eliihuu inuu Ayuub la hadlo ayuu sugayay, maxaa yeelay, iyagu isaga way ka waaweynaayeen. Oo Eliihuu markuu arkay inaan jawaab afka saddexdaas nin lagu arag ayuu aad u cadhooday.

Oo Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi,

Anigu waxaan ahay nin dhallinyar, idinkuse odayaal baad tihiin,
Sidaas daraaddeed ayaan dib isugu celiyey, oo aan ugu dhici waayay inaan ra'yigayga idiin caddeeyo.
Waxaan is-idhi, Waxaa roon kuwa da'da waaweynu inay hadlaan,
Kuwa cimriga dheeruna inay xigmad na baraan.
Laakiinse binu-aadmiga ruux baa ku jira,
Oo Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa ayaa iyaga waxgarasho siisa.
Kuwa cimriga weynu ma aha kuwa xigmadda leh,
Odayaashuna ma aha kuwa garsooridda garta.
10 Sidaas daraaddeed waxaan idin leeyahay, Bal i dhegaysta;
Aniguna ra'yigayga waan idiin caddaynayaa.
11 Bal eega, erayadiinnii waan sugayay,
Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay,
Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.
12 Sida runta ah aad baan idiin dhegaysanayay,
Oo bal eega, laydinkuma arag mid Ayuub rumaysiiyey,
Amase mid erayadiisii uga jawaabay.
13 Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay;
Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.
14 Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin,
Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.
15 Iyagii way yaabsan yihiin, oo mar dambena ma ay jawaabaan;
Oo wax ay ku yidhaahdaanna ma leh.
16 Haddaba anigu miyaan u sii sugaa, hadalka ay waayeen daraaddiis,
Iyo istaagiddooda daraaddeed, oo ay mar dambe jawaabi waayeen?
17 Haddaba aniguna qaybtayda waan ka jawaabayaa,
Oo ra'yigaygana waan caddaynayaa.
18 Waayo, waxaa iga buuxa erayo;
Oo ruuxa gudahayga ku jira ayaa i qasba.
19 Bal eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato,
Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan.
20 Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado;
Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.
21 Waan idin baryayaaye, yaanan ninna u eexan,
Oo weliba ninna u bixin maayo magacyo faanid ah.
22 Waayo, anigu ma aan aqaan si loo bixiyo magacyo faanid ah,
Haddii kalese Kii i sameeyey ayaa haddiiba i qaadi lahaa.

33 Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal,
Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.
Bal eeg haatan, afkaygaan furay,
Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.
Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga,
Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.
Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah,
Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.
Haddaba haddaad kartid ii jawaab,
Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.
Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale;
Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.
Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto,
Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.
Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay,
Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,
Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi,
Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.
10 Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa,
Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;
11 Cagahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin,
Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa.
12 Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid,
Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.
13 Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa?
Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.
14 Waayo, Ilaah wuxuu hadlaa mar,
Ama laba jeer, in kastoo aan laga fiirsanayn.
15 Riyada iyo muujinta habeennimo,
Markii hurdo weynu dadka ku soo degto,
Oo sariirta lagu gam'o,
16 Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa,
Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,
17 Si uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun,
Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,
18 Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska,
Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.
19 Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun,
Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.
20 Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa,
Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.
21 Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo;
Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.
22 Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska,
Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.
23 Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah
Oo ah mid kun ka mid ahu,
Inay dadka tusto waxa ku qumman,
24 Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay,
Yamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi,
Waayo, furasho baan helay.
25 Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha;
Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.
26 Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa,
Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa;
Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa.
27 Isagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay,
Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa,
Oo taasuna layguma abaalgudin.
28 Isagu naftayduu ka soo furtay yamayskii ay ku dhacaysay,
Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa.
29 Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya,
Laba ama saddex jeer,
30 Si uu naftiisa yamayska uga soo celiyo,
In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.
31 Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso:
Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.
32 Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab,
Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.
33 Haddii kalese, bal i dhegayso:
Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.

Falimaha Rasuullada 14

Bawlos Iyo Barnabas Oo Ikoniyon Jooga

14 Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay. Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii. Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan. Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii. Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan, ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan; meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka.

Bawlos Iyo Barnabas Oo Lustara Jooga

Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon. Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay, 10 wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday. 11 Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg. 12 Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday. 13 Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo. 14 Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya 15 oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, 16 kaasoo qarniyada tegey quruumaha oo dhan u oggolaaday inay jidadkooda ku socdaan. 17 Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad. 18 Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.

19 Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay. 20 Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.

Bawlos Iyo Barnabas Waxay Ku Noqdeen Antiyokh

21 Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh, 22 iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah. 23 Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.

24 Markaasay sii dhex mareen Bisidiya oo yimaadeen Bamfuliya. 25 Oo kolkay ereyga kaga hadleen Berga ayay waxay tageen Ataliya; 26 meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis. 27 Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn. 28 Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya