Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 30-31

30 Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar
Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.
Nimanka xooggoodu dhammaaday
Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?
Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar,
Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.
Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal,
Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa.
Iyaga dadka waa laga dhex eryaa,
Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale.
Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka,
Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.
Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda,
Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed.
Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood,
Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash.
Oo haatan gabay cay ah baan u noqday,
Oo halqabsi baan u ahay.
10 Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan,
Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
11 Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay,
Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.
12 Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq,
Oo cagtaydana way iska riixaan,
Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.
13 Jidadkayga way halleeyaan,
Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda;
Oo mid caawiyaana ma jiro.
14 Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan,
Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.
15 Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn,
Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale.
Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.
16 Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay,
Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
17 Habeenkii lafahaygaa i muda,
Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.
18 Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday,
Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.
19 Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda,
Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.
20 Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid,
Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.
21 Calooladeeg baad igula soo jeesatay,
Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.
22 Kor baad iigu qaaddaa dabaysha,
Oo waxaad i fuushisaa dusheeda,
Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
23 Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho,
Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
24 Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo?
Markuu halligmayose sow ma qayshado?
25 Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin?
Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
26 Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta,
Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.
27 Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto,
Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
28 Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa,
Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.
29 Waxaan noqday walaalka dawacooyinka,
Iyo saaxiibka gorayada.
30 Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa,
Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.
31 Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho,
Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.

31 Waxaan axdi la dhigtay indhahayga,
Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa?
Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga,
Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya?
Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran,
Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?
Isagu sow uma jeedin socodkayga oo dhan?
Oo sow ma tirinin tallaabooyinkayga oo dhan?
Haddaan hawo been ah ku socday,
Oo ay cagtaydu khiyaano u dheeraysay,
(Ha laygu miisaamo miisaan siman,
Si Ilaah ku ogaado daacadnimadayda, )
Haddii tallaabadaydu jidka gees uga leexatay,
Oo qalbigaygu uu indhahayga raacay,
Iyo haddii ay bar ceeb ahu gacmahayga ku dhegtay,
Markaas anigu aan wax beero, oo mid kale ha cuno,
Oo xataa waxa beertayda ka soo baxa ha la wada rujiyo.
Haddii qalbigayga ay naagu sasabatay,
Oo aan albaabka deriskayga ku ag dhuuntay,
10 Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo,
Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada.
11 Waayo, kaasu waa dembi baas,
Oo waa xumaan ay xaakinnadu ciqaabi lahaayeen,
12 Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi'iyo,
Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa.
13 Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday,
Markay ila mudacayeen,
14 Haddaba bal maxaan samayn doonaa markii Ilaah sara joogsado?
Oo markuu i soo booqdose bal maxaan ugu jawaabi doonaa?
15 Kii uurka dhexdiisa igu abuuray sow isagana ma abuurin?
Oo sow uurka nalaguma dhex samayn?
16 Haddaan miskiin u diiday wax uu doonayay,
Ama aan indhaha carmalka illin ka keenay,
17 Amase haddaan quudkayga keligay cunay,
Oo ayan agoontu wax ka cunin,
18 (Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale,
Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, )
19 Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya,
Amase sabool baahan oo aan dhar haysan,
20 Hadduusan uurka iiga ducayn,
Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,
21 Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed,
Haddaan agoon gacantayda u qaaday,
22 Markaas garabkaygu ha kala fakado,
Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.
23 Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay,
Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.
24 Haddaan dahab rajo ka dhigtay,
Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay,
25 Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis,
Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,
26 Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa,
Ama dayaxa oo iftiin ku socda,
27 Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay,
Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday,
28 Kaasu weliba waa dembi ay xaakinnadii ciqaabi lahaayeen,
Waayo, waxaan daacadlaawe u ahaan lahaa Ilaaha wax walba ka sarreeya.
29 Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa,
Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,
30 (Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo
Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;)
31 Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan,
Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin?
32 Shisheeyuhu jidka kuma baryi jirin,
Laakiinse socotada ayaan albaabbadayda u furi jiray,
33 Haddaan xadgudubkaygii daboolay sidii binu-aadmiga oo kale,
Anigoo xumaantayda laabtayda ku qarinaya,
34 Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay,
Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey,
Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin.
35 Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla!
(Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo;)
Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray!
36 Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa,
Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale.
37 Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay;
Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale.
38 Haddii dalkaygu uu iga qayliyo,
Oo jeexjeexiisu ay dhammaantood wada ooyaan,
39 Haddaan midhihiisa lacagla'aan ku cunay,
Ama aan sabab u noqday in kuwii lahaa ay dhintaan,
40 Sarreenka meeshiisii yamaarug ha ka soo baxo,
Oo shiciirka meeshiisiina gocondho ha ka soo baxdo.

Ayuub erayadiisii way dhammaadeen.

Falimaha Rasuullada 13:26-52

26 Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan. 27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii. 28 Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo. 29 Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen. 30 Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay, 31 oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka. 32 Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday, 33 oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay. 34 Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh,

Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.

35 Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi,

Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo.

36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay; 37 laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin. 38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey; 39 nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin. 40 Sidaas darteed iska jira inaanay idinku dhicin wixii nebiyadu sheegeen iyagoo leh,

41 Bal eega, kuwiinnan wax quudhsadow, yaaba oo luma;
Waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul,
Oo ah shuqul aydnaan rumaysan doonin, haddii laydiin sheego.

42 Kolkay baxayeen, dadkii waxay ka baryeen inay hadalladaas sabtida dambe kula hadlaan. 43 Haddaba markii sunagogga laga tegey, kuwa badan oo Yuhuud ah iyo kuwa cibaadaysan oo Yuhuudda raacsan ayaa waxay raaceen Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo la hadlayay iyaga oo ku adkeeyey inay nimcada Ilaah ku sii wadaan.

Rasuulladii Waxay U Jeesteen Dadka Aan Yuhuudda Ahayn

44 Sabtida dambe ayaa magaaladii oo dhan in yar mooyaane isugu timid inay maqasho ereyga Ilaah. 45 Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen. 46 Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn. 47 Maxaa yeelay, sidaasaa Rabbigu nagu amray isagoo leh,

Waxaan kaa dhigi doonaa iftiinka quruumaha,
Inaad badbaadinta u noqotid ilaa meeshii dunida ugu fog.

48 Haddaba markii dadkii aan Yuhuudda ahayn taas maqleen, ayay ku farxeen oo ereygii Ilaah ammaaneen; oo waxaana rumaystay kuwii nolosha weligeed ah loo dhigay.

49 Ereygii Rabbigana waxaa lagu faafiyey waddankii oo dhan. 50 Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii. 51 Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon. 52 Xertiina waxaa ka buuxsamay farxad iyo Ruuxa Quduuska ah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya