Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 25-27

Bildad

25 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

Dowladnimo iyo cabsiba isagaa leh,
Oo meelihiisa sarena nabad buu ka dhigaa.
Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin?
Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin?
Balse sidee baa nin u kari karaa inuu Ilaah hortiisa xaq ku ahaado?
Mid naagu dhashayse sidee buu u karaa inuu nadiif ahaado?
Bal eeg, xataa dayuxu hortiisa nuur kuma leh,
Oo xiddiguhuna hortiisa daahir kuma aha.
Intee buu ka sii liitaa nin dirxi ahu!
Iyo binu-aadmiga dirxiga ahu!

Ayuub

26 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn!
Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!
Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn!
Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!
Yaad erayo kula hadashay?
Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?
Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan
Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.
She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan,
Oo Halligaadduna dabool ma leh.
Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan,
Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.
Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn;
Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.
Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa,
Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.
10 Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin
Kala xidha nuurka iyo gudcurka.
11 Tiirarka samadu way gariiraan,
Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.
12 Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa,
Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.
13 Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa,
Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.
14 Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun;
Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa!
Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?

27 Oo haddana Ayuub ayaa hadalkiisii sii waday, oo wuxuu yidhi,
Waxaan ku dhaartay Ilaaha nool oo xaqayga iga qaaday,
Kaasoo ah Ilaaha Qaadirka ah oo naftayda dhibay;
(Waayo, naftaydii weli waa igu jirtaa,
Oo ruuxii Ilaahna weli wuxuu ku jiraa sankayga labadiisa dul.)
Hubaal bushimahaygu xaqdarro ku hadli maayaan,
Oo carrabkayguna khiyaano sheegi maayo.
Ilaah ha iga fogeeyo inaan xaq idinka dhigo,
Jeeraan dhinto daacadnimadayda iska tuuri maayo.
Xaqnimadayda waan xajisanayaa, oo iska sii dayn maayo,
Oo qalbigaygu i ceebayn maayo intaan noolahay oo dhan.
Cadowgaygu sida sharrow ha noqdo,
Oo kii igu kacaana sida mid xaqdaran ha noqdo.
In kastoo uu faa'iido helo, cibaadalaawaha rajadiisu waa maxay,
Markii Ilaah naftiisa qaado?
Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa,
Markii dhib ku yimaado?
10 Miyuu Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doonaa?
Oo miyuu goor kasta Ilaah baryi doonaa?
11 Waxaan idin barayaa wax gacanta Ilaah ku saabsan,
Oo waxa Ilaaha Qaadirka ah la jirana idinka qarin maayo.
12 Bal eega, idinku kulligiin waad aragteen,
Haddaba bal maxaad dhammaantiin nacasyo u wada noqoteen?
13 Intanu waa qaybta uu Ilaah ninkii sharrow ah u kaydiyo,
Iyo dhaxalka kuwa dadka dulma ay Ilaaha Qaadirka ah ka helaan.
14 Carruurtiisu hadday tarmaan, kolleyba waxaa dili doonta seef,
Oo carruurtiisuna cunto kama dhergi doonaan.
15 Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta,
Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan.
16 In kastoo uu lacag u taalaysto sida ciidda oo kale,
Oo uu dharna u diyaarsado sida dhoobada oo kale,
17 Isagaa diyaarin doona, laakiinse waxaa xidhan doona kan xaqa ah,
Oo lacagtana waxaa qaybsan doona kan aan xaqa qabin.
18 Gurigiisa wuxuu u dhisaa sida buul caaro oo kale,
Iyo sida waab waardiye samaysto.
19 Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono,
Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.
20 Naxdin baa isaga qarqin doonta sida biyo daad ah,
Oo habeenkiina waxaa isaga la tegi doona duufaan.
21 Waxaa isaga kaxaysa dabaysha bari, oo isna wuu tagaa,
Oo meeshiisana way ka xaaqdaa.
22 Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono;
Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo.
23 Dadku way ku sacbin doonaan isaga,
Oo meeshiisana foodhi bay kaga saari doonaan.

Falimaha Rasuullada 12

Herodos Baa Xertii Silciyey Oo Butros Baa Xabsigii Ka Baxsaday

12 Haddaba wakhtigaas boqorkii Herodos ahaa ayuu wuxuu gacmihiisa u fidiyey inuu dhibo qaar ka mid ah kuwa kiniisadda. Wuxuuna seef ku dilay Yacquub oo ahaa Yooxanaa walaalkiis. Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn. Oo kolkuu qabtayna, wuxuu ku riday xabsi, oo u dhiibay afar kooxood oo afar askari ah inay ilaaliyaan, isagoo doonaya inuu Iidda Kormaridda dabadeed dadka u soo saaro. Sidaas darteed Butros xabsigaa lagu hayay; laakiin kiniisadda baa Ilaah aad iyo aad ugu bariday isaga.

Oo markii Herodos damcay inuu soo saaro, isla habeenkaas Butros wuxuu kala dhex hurday laba askari isagoo ku xidhan laba silsiladood; waardiyayaalna albaabka hortiisa ayay xabsiga ka ilaalinayeen. Oo bal eega, malaa'igtii Rabbiga baa is-ag taagtay, oo iftiin baana xabsiga iftiimiyey. Markaasay Butros dhinaca ku dhufatay oo toosisay, oo waxay ku tidhi, Dhaqso u kac. Kolkaasaa silsiladihiina gacmihiisii ka dhaceen. Markaasaa malaa'igtii waxay ku tidhi, Gunto oo kabahaaga xidho. Taas buuna yeelay. Markaasay waxay ku tidhi isagii, Dharkaagii huwo oo i soo raac. Markaasuu soo baxay oo raacay; ma uuna garanaynin in waxay malaa'igtu samaysay ay run tahay, laakiin wuxuu u maleeyey inuu riyo arkay. 10 Oo markay dhaafeen waardiyihii kowaad iyo kii labaad ayay waxay yimaadeen iriddii birta ahayd oo magaalada loo mari jiray; taas oo iyagii isaga furantay; markaasay ka baxeen oo waxay sii dhex mareen jid yar; markiiba malaa'igtii waa ka tagtay isagii.

11 Oo markii Butros isgartay ayuu wuxuu yidhi, Imminka run ahaantii waan garanayaa in Rabbigu malaa'igtiisii soo diray oo iga bixiyey gacanta Herodos iyo wixii dadka Yuhuuddu filanayeen oo dhan. 12 Kolkuu waxaas ka fikiray, wuxuu yimid gurigii Maryan, oo ahayd hooyadii Yooxanaa oo Markos la odhan jiray; meeshaasoo dad badan ku urursanaayeen oo ku tukanayeen. 13 Markuu albaabka iridda garaacayna, waxaa timid gabadh midiidin ah oo Roda la odhan jiray inay maqasho. 14 Kolkay codkii Butros garatay, farxad darteed bay albaabka u furi weyday, laakiin gudaha bay ku orodday, wayna sheegtay in Butros iridda hor taagan yahay. 15 Markaasay waxay ku yidhaahdeen iyadii, Waad waalan tahay. Laakiin way ku sii adkaysatay inay sidaa tahay. Iyaguse waxay yidhaahdeen, Waa malaa'igtiisii. 16 Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen. 17 Laakiin isagoo u gacan haadinaya inay aamusaan ayuu wuxuu u sheegay sida Rabbigu xabsiga uga soo saaray. Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan u sheega Yacquub iyo walaalahaba. Markaasuu ka tegey oo meel kale aaday. 18 Markii waagu beryay, qasmid aan yarayn ayaa askartii ka dhex kacday waxa Butros ku dhacay aawadeed. 19 Oo Herodos markuu raadiyey isagii oo heli waayay, ayuu wuxuu imtixaamay askartii, oo wuxuu ku amray in iyaga la laayo. Markaasuu Yahuudiya ka tegey oo Kaysariya aaday, oo meeshaasuu joogay.

Dhimashadii Herodos

20 Dadka Turos iyo Siidoon ayuu aad uga xumaaday; markaasay u yimaadeen isagii iyagoo isku wada qalbi ah, oo waxay la saaxiibeen Balaastos kii gurigii boqorka u talin jiray, oo nabad bay ka baryeen, maxaa yeelay, waddankooda waxaa cuntada siin jiray waddankii boqorka.

21 Maalintii la ballamay ayaa Herodos wuxuu gashaday dharkii boqornimada oo carshiga ku fadhiistay, markaasuu iyaga qudbad u jeediyey. 22 Dadkiina waa qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu waa ilaah codkiis ee ma aha bini-aadan codkiis. 23 Markiiba ayaa malaa'igtii Rabbigu ku dhufatay, maxaa yeelay, Ilaah ma uu ammaanin; markaasaa waxaa cunay dixiryo, oo naftiina ka dhacday.

24 Laakiin Rabbiga ereygiisu waa kordhay oo batay.

25 Barnabas iyo Sawlos ayaa ka soo noqday Yeruusaalem markay shuqulkoodii soo dhammaysteen, oo waxay wateen Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya