Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Nexemyaah 7-9

Haddaba markii derbigii la dhisay, oo aan taagay albaabbadii, oo irid-dhawryadii iyo kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii reer Laawi la doortay, ayaan Yeruusaalem madax uga dhigay walaalkay Xanaanii, iyo Xananyaah oo ahaa taliyihii qalcadda, waayo, wuxuu ahaa nin aamin ah, oo cabsida Ilaahna dad badan buu kaga horreeyey. Oo waxaan iyagii ku idhi, Jeer ay qorraxdu kululaato yaan la furin irdaha Yeruusaalem, oo intay waardiyayaashu taagan yihiin albaabbada ha la xidho, oo idinku qataara, dadka Yeruusaalem degganna waardiyayaal ka doorta, oo mid waluba ha dhawro meel gurigiisa ka soo hor jeedda.

Tiradii Maxaabiista Dib U Soo Noqotay

Haddaba magaaladu way ballaadhnayd, wayna weynayd, laakiinse dadku way ku yaraayeen, oo guryihiina ma ay dhisnayn. Markaasaa Rabbigu wuxuu qalbigayga geliyey inaan soo wada ururiyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadkii oo dhanba in abtiriskooda la tiriyo. Oo waxaan helay buuggii uu ku qornaa abtiriskii kuwii markii hore yimid, oo waxaan ka helay oo gudihiisa ku qornaa: Haddaba kuwanu waa dadkii gobolka ee ka soo noqday maxaabiisnimadii, oo ku jiray kuwii la kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo ku soo noqday Yeruusaalem iyo dalkii Yahuudah, mid waluba magaaladiisii, oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Casaryaah, Racamyaah, Naxamaanii, Mordekay, Bilshaan, Misfered, Bigway, Nexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil: Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan, reer Shefatyaahna saddex boqol iyo laba iyo toddobaatan, 10 reer Aaraxna lix boqol iyo laba iyo konton, 11 reer Fahad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo siddeed iyo toban, 12 reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton, 13 reer Satuuna siddeed boqol iyo shan iyo afartan, 14 reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan, 15 reer Binnuwiina lix boqol iyo siddeed iyo afartan, 16 reer Beebayna lix boqol iyo siddeed iyo labaatan, 17 reer Casgaadna laba kun iyo saddex boqol iyo laba iyo labaatan, 18 reer Adoniiqaamna lix boqol iyo toddoba iyo lixdan, 19 reer Bigwayna laba kun iyo toddoba iyo lixdan, 20 reer Caadiinna lix boqol iyo shan iyo konton, 21 reer Aateer oo ahaa reer Xisqiyaahna siddeed iyo sagaashan, 22 reer Xaashumna saddex boqol iyo siddeed iyo labaatan, 23 reer Beesayna saddex boqol iyo afar iyo labaatan, 24 reer Xaariifna boqol iyo laba iyo toban, 25 reer Gibecoonna shan iyo sagaashan, 26 raggii reer Beytlaxam iyo reer Netofaahna boqol iyo siddeed iyo siddeetan, 27 raggii reer Canaatoodna boqol iyo siddeed iyo labaatan, 28 raggii reer Beytasmaawedna laba iyo afartan, 29 raggii reer Qiryad Yecaariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'iroodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan, 30 raggii reer Raamaah iyo reer Gebacna lix boqol iyo kow iyo labaatan, 31 raggii reer Mikmaasna boqol iyo laba iyo labaatan, 32 raggii reer Beytel iyo reer Aaciina boqol iyo saddex iyo labaatan, 33 raggii reer Nebona laba iyo konton, 34 reerkii Ceelaamtii kalena kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton, 35 reer Haarimna saddex boqol iyo labaatan, 36 reer Yerixoona saddex boqol iyo shan iyo afartan, 37 reer Lod, iyo reer Xaadiid, iyo reer Oonoona toddoba boqol iyo kow iyo labaatan, 38 reer Senaacaahna saddex kun iyo sagaal boqol iyo soddon. 39 Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen reer Yedacyaah oo ahaa reer Yeeshuuca oo ahaa sagaal boqol iyo saddex iyo toddobaatan, 40 reer Immeerna kun iyo laba iyo konton, 41 reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan, 42 reer Haarimna kun iyo toddoba iyo toban. 43 Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca kii reer Qadmii'eel oo ahaa reer Xoodawyaah afar iyo toddobaatan. 44 Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo afartan. 45 Oo kuwii irdaha dhawri jiray oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay waxay isku ahaayeen boqol iyo siddeed iyo soddon. 46 Oo reer Netiiniimna waxay ahaayeen reer Siixaa, iyo reer Xasufaa, iyo reer Tabbaacood, 47 iyo reer Qeeros, iyo reer Siicaa, iyo reer Faadoon, 48 iyo reer Lebaanaa, iyo reer Xagaabaah, iyo reer Shalmay, 49 iyo reer Xaanaan, iyo reer Giddeel, iyo reer Gaxar, 50 iyo reer Re'aayaah, iyo reer Resiin, iyo reer Neqoodaa, 51 iyo reer Gasaam, iyo reer Cuusaa, iyo reer Faasee'ax, 52 iyo reer Beesay, iyo reer Mecuuniim, iyo reer Nefiishesiim, 53 iyo reer Baquuq, iyo reer Xaquufaa, iyo reer Xarxuur, 54 iyo reer Basliid, iyo reer Mexiidaa, iyo reer Xarshaa, 55 iyo reer Barqoos, iyo reer Siiseraa, iyo reer Temax, 56 iyo reer Nesiyax, iyo reer Xatiifaa. 57 Oo ilmihii addoommadii Sulaymaanna waxay ahaayeen reer Sotay, iyo reer Sofered, iyo reer Feriidaa, 58 iyo reer Yacalaa, iyo reer Darqoon, iyo reer Giddeel, 59 iyo reer Shefatyaah, iyo reer Xatiil, iyo reer Fokered Hasebaayiim, iyo reer Aamoon. 60 Oo reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan. 61 Oo kuwanuna waxay ahaayeen kuwii ka tegey Teel Melax, iyo Teel Xarshaa, iyo Keruub, iyo Addoon, iyo Immeer, laakiinse iyagu ma ay sheegi karin qabiilkoodii ama jilibkoodii, iyo inay reer binu Israa'iil ahaayeen iyo in kale toona, 62 oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo afartan. 63 Oo kuwii wadaaddada ahaa waxay ahaayeen reer Xaabaayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Gilecaad oo iyaga lagu magacaabay. 64 Kuwanu waxay magacyadoodii ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah. 65 Oo taliyihii baa iyagii ku amray inayan waxyaalaha ugu quduusan wax ka cunin jeer wadaad Uuriim iyo Tummiim leh kaco. 66 Oo ururka oo dhammu wuxuu giddigiis isku ahaa laba iyo afartan kun iyo saddex boqol iyo lixdan, 67 oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol iyo shan iyo afartan oo ah rag iyo naago gabya. 68 Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon, baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan, 69 geelooduna afar boqol iyo shan iyo soddon, dameerahooduna lix kun iyo toddoba boqol iyo labaatan. 70 Oo madaxdii qabiilooyinka qaarkood ayaa shuqulkii wax u bixiyey. Taliyuhu wuxuu khasnadda siiyey kun dirham oo dahab ah, iyo konton maddiibadood, iyo shan boqol iyo soddon khamiis oo ah dhar wadaadood. 71 Oo madaxdii qabiilooyinka qaarkood ayaa khasnaddii shuqulka geliyey labaatan kun oo dirham oo dahab ah, iyo laba kun iyo laba boqol oo mina oo lacag ah. 72 Oo dadka intiisii kale wixii ay bixiyeen waxay ahaayeen labaatan kun oo dirham oo dahab ah, iyo laba kun oo mina oo lacag ah, iyo toddoba iyo lixdan khamiis oo ah dhar wadaadood. 73 Haddaba wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo dadkii qaarkiis, iyo reer Netiiniim, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay degeen magaalooyinkoodii.

Cesraa Wuxuu Akhriyey Sharciga

Oo markii bishii toddobaad la gaadhay reer binu Israa'iil waxay joogeen magaalooyinkoodii.

Oo dadkii oo dhammu iyagoo ah sidii nin keliya ayay dhammaantood ku soo wada urureen meesha bannaan oo iridda biyaha ka horraysa; oo karraanigii Cesraa ahaa ayay kula hadleen oo u sheegeen inuu keeno kitaabkii sharciga Muuse oo Rabbigu ku amray reer binu Israa'iil. Markaasaa wadaadkii Cesraa sharcigii hor keenay ururkii ahaa rag iyo dumar iyo in alla intii waxgarasho ku maqli kartay oo dhan, oo waxayna ahayd bishii toddobaad maalinteedii kowaad. Oo isna wixii kitaabkii ku qornaa ayuu ku akhriyey meeshii bannaanayd oo iridda biyaha ka horraysay, oo wuxuu akhriyeyey aroortii ilaa hadhkii, wuxuuna ku hor akhriyey raggii iyo dumarkii iyo kuwii garan karayay; oo dadkii oo dhammuna aad bay u dhegaysanayeen kitaabkii sharciga. Oo karraanigii Cesraa ahaa wuxuu kor taagnaa meel sare oo alwaax laga sameeyey oo sababtaas aawadeed loo dhisay; oo dhankiisa midigta waxaa taagnaa Matityaah, iyo Shemac, iyo Canaayaah, iyo Uuriyaah, iyo Xilqiyaah, iyo Macaseeyaah; oo dhankiisa bidixdana waxaa taagnaa Fedaayaah, iyo Miishaa'eel, iyo Malkiyaah, iyo Xaashum, iyo Xashbaddaanaah, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam. Markaasaa Cesraa kitaabkii furay iyadoo dadkii oo dhammu wada arkaan, (waayo, wuu ka wada korreeyey dadka oo dhan;) oo markuu furay ayaa dadkii oo dhammu wada istaagay. Kolkaasaa Cesraa ammaanay Rabbiga ah Ilaaha weyn, oo dadkii oo dhammuna intay gacmaha kor u qaadeen ayay ku jawaabeen, Aamiin, Aamiin; oo intay madaxa foororiyeen ayay Rabbiga u sujuudeen oo wejiga dhulka saareen. Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen. Oo kitaabkii sharciga Ilaah si bayaan ah ayaa loo akhriyey, waana la micneeyey si dadku u garto waxa la akhriyey. Markaasaa Nexemyaah oo taliyaha ahaa, iyo wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo dadka wax bari jiray, waxay dadkii oo dhan ku wada yidhaahdeen, Maanta waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay maalin quduus ah, haddaba ha barooranina, hana ooyina, maxaa yeelay, dadkii oo dhammu way wada ooyeen markay maqleen erayadii sharciga. 10 Oo haddana wuxuu iyagii ku yidhi, Taga, oo baruurta cuna, oo wax macaan cabba, oo kii aan wax u diyaarsanaynna qayb u dira, waayo, maanta waxay Rabbigeenna u tahay maalin quduus ah, hana murugoonina, waayo, idinka waxaa xoog idiin ah farxadda Rabbiga. 11 Haddaba kuwii reer Laawi ayaa dadkii oo dhan aamusiiyey, oo waxay ku yidhaahdeen, War maanta waa quduuse iska aamusa oo ha murugoonina. 12 Markaasay dadkii oo dhammu iska tageen inay wax cunaan, oo wax cabbaan, oo ay qaybo diraan, oo ay aad u farxaan, maxaa yeelay, waxay garteen erayadii loo caddeeyey.

13 Oo madaxdii qabiilooyinka dadka oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi ayaa maalintii labaad karraanigii Cesraa ugu soo wada urureen inay erayada sharciga aad u dhegaystaan. 14 Oo waxaa sharcigii ku qornaa oo ay ka dhex heleen in Rabbigu Muuse ku amray in reer binu Israa'iil ay waabab ku hoydaan inta lagu jiro iidda bisha toddobaad, 15 iyo inay iyaga waajib ku tahay inay kaga dhawaaqaan oo ka naadiyaan magaalooyinkooda oo dhan iyo xataa Yeruusaalem gudaheeda, oo ay yidhaahdaan, Buurta taga oo ka soo gura laamo saytuun ah, iyo kuwo saytuun dibadeed ah, iyo laamo ah geedo hadaas la yidhaahdo, iyo laamo cawbaar ah, iyo geedo waaweyn laamahood in laga sameeyo waabab sida qoran. 16 Sidaas daraaddeed dadkii way bexeen, oo laamihii keeneen, oo waxay dhisteen waabab, oo mid waluba wuxuu ka dhistay saqafka gurigiisa, iyo barxadahooda, iyo barxadihii guriga Ilaah, iyo meeshii bannaanayd oo Iridda Biyaha, iyo meeshii bannaanayd oo Iridda Efrayim. 17 Oo kulli intii maxaabiisnimada ka soo noqotay ururkoodii oo dhammu waxay dhisteen waabab oo waxay degeen waababkii; waayo, reer binu Israa'iil saas ma ay yeelin tan iyo wakhtigii Yashuuca ina Nuun iyo ilaa maalintaas. Oo ayaantaas waxaa jirtay farxad aad u weyn. 18 Oo maalintii ugu horraysay ilaa maalintii ugu dambaysay ayuu maalin kasta kitaabkii sharciga Ilaah akhriyi jiray. Oo toddoba maalmood way iidayeen, oo maalintii siddeedaadna waxaa jiray shir iidda lagu dhammaynayay sida qaynuunka waafaqsanayd.

Dembiqirashadii Reer Binu Israa'iil

Haddaba bisha afar iyo labaatankeedii ayaa reer binu Israa'iil soo shireen iyagoo sooman oo dhar joonyad ah guntan oo ciid isku shubay. Markaasaa farcankii reer binu Israa'iil waxay iska sooceen dad qalaad oo dhan, oo intay istaageen ayay qirteen dembiyadoodii iyo xumaatooyinkii awowayaashood. Kolkaasay meeshoodii istaageen oo akhriyeen kitaabkii sharciga Rabbiga Ilaahooda ah intii maalin rubuceed ah; oo haddana rubuc kale ayay wax qirteen, wayna u sujuudeen Rabbiga Ilaahooda ah. Markaasaa darajadii reer Laawi waxaa ku kor istaagay Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Qadmii'eel, iyo Shebanyaah, iyo Bunnii, iyo Sheereebyaah, iyo Baanii, iyo Kenaanii, oo cod weyn ayay ugu qayshadeen Rabbiga Ilaahooda ah. Markaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa Yeeshuuca, iyo Qadmii'eel, iyo Baanii, iyo Xashabneyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Hoodiyaah, iyo Shebanyaah, iyo Fetaxyaah, waxay dadkii ku yidhaahdeen, War istaaga oo Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana weligiis iyo weligiis, oo waxay yidhaahdeen, Magacaaga ammaanta badan ha la ammaano, kaasoo ka wada sarreeya kulli mahad iyo ammaan oo dhan. Adigaa Rabbiga ah oo keligaa baa ah. Waxaad samaysay samada, taasoo ah samada samooyinka, iyo ciidankooda oo dhan, iyo dhulka iyo waxa kor jooga oo dhan, iyo badaha iyo waxa ku jira oo dhan, dhammaantood adigaa sii nooleeya, oo ciidanka samaduna adigay kuu sujuudaan. Adigaa ah Rabbiga Ilaaha ah oo Aabraam doortay, oo isaga ka soo bixiyey Uur tii reer Kaldayiin, oo u bixiyey magaca Ibraahim la yidhaahdo, oo dabadeedna ogaaday in qalbigiisu hortaada aamin ku yahay, oo isagii axdi kula dhigtay inaad isaga siinaysid dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus, iyo reer Girgaash, xataa inaad dalkaas siinaysid farcankiisa; oo erayadaadiina waad oofisay, maxaa yeelay, xaq baad tahay. Adigu waxaad aragtay dhibkii awowayaashayo dalka Masar ku qabeen, waanad maqashay qayladoodii ay Badda Cas agteeda ka qaysheen; 10 oo weliba Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan, iyo kulli dadkii dalkiisa oo dhan waxaad tustay calaamooyin iyo yaabab, waayo, waad ogayd inay iyaga ku kibreen, oo halkaas magac baad ku heeshay siday maanta tahay. 11 Oo iyagii hortood ayaad baddii kala qaybisay, oo waxay mareen badda dhexdeedii, oo dhul engegan bay ku socdeen, oo kuwii iyaga eryanayayna sidii dhagax biyo xoog badan lagu dhex riday ayaad moolka ugu tuurtay. 12 Oo weliba maalintii waxaad ku hoggaamisay tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, si aad ugu iftiimiso jidkii ay marayeen. 13 Waxaad weliba ku soo kor degtay Buur Siinay, oo iyagaad kala hadashay xagga samada, oo waxaad siisay xukummo qumman, iyo sharciyaal xaq ah, iyo qaynuunno wanwanaagsan, iyo amarro, 14 oo waxaad ogeysiisay Sabtidaada quduuska ah, oo ku amartay amarro, iyo qaynuunno, iyo sharci aad ugu soo dhiibtay addoonkaagii Muuse. 15 Oo kibis ay ku gaajo baxaan baad samada ka siisay, biyo ay ku oon baxaanna dhagax baad uga soo daysay, oo waxaad ku amartay inay galaan oo hantiyaan dalkii aad ku dhaaratay inaad siinaysid. 16 Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin, 17 wayna diideen inay addeecaan, kamana ay fiirsan yaababkaagii aad dhexdooda ku samaysay, laakiinse luquntay adkeeyeen, oo iyagoo caasi ah ayay sirkaal doorteen inay addoonnimadoodii ku noqdaan; laakiinse adigu waxaad tahay Ilaah diyaar u ah inuu wax cafiyo, waxaanad tahay nimco miidhan, oo waxaa kaa buuxda raxmad, cadho waad u gaabisaa, naxariisna hodan baad ka tahay, oo iyagiina ma aadan dayrin. 18 Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen, 19 de weliba naxariistaada badan aawadeed iyagii kuma aadan dayrin cidladii. Maalinnimadii tiirkii daruurta ahaa kama uu tegin iyagii si uu jidka ugu hoggaamiyo, oo tiirkii dabka ahaana habeennimadii kama uu tegin si uu iftiin ugu noqdo oo uu jidkii ay mari lahaayeen ugu muujiyo. 20 Oo weliba waxaad siisay ruuxaagii wanaagsanaa inuu iyagii wax baro, oo afkoodana kama aadan joojin maannadaadii, biyo ay ka oon baxaanna waad siisay. 21 Haah, afartan sannadood ayaad iyaga cidlada ku xannaanaynaysay, oo waxba uma ayan baahan, dharkoodiina kama uusan duugoobin, cagahoodiina ma ayan bararin. 22 Oo weliba waxaad iyaga siisay oo saami ugu qaybisay boqortooyooyin iyo dadyow kale, oo sidaasay u hantiyeen dalkii Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon, iyo dalkii Coog oo ahaa boqorkii Baashaan. 23 Oo carruurtoodiina waxaad u badisay sida xiddigaha samada oo kale, oo iyagii waxaad keentay dalkii aad awowayaashood ku tidhi, Iyagu waa inay galaan si ay u hantiyaan. 24 Markaasay carruurtii dalkii galeen oo hantiyeen, oo waxaad ka hoosaysiisay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Kancaan, waanad gelisay gacmahoodii, iyagii iyo boqorradoodii iyo dadyowgii dalka degganaaba, inay iyaga ku sameeyaan wax alla waxay doonayaan. 25 Oo waxay qabsadeen magaalooyin deyr leh iyo dal barwaaqo leh, oo waxay hantiyeen guryo ay ka buuxaan wax kasta oo wanaagsanu, iyo berkedo qodan, iyo beero canab ah, iyo beero saytuun ah, iyo geedo midho leh oo faro badan. Haddaba wax bay cuneen oo dhergeen, wayna cayileen, oo waxay ku farxeen wanaaggaaga weyn. 26 Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen. 27 Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay. 28 Laakiin markay nasteen ayay wax shar ah hortaada ku sameeyeen, oo sidaas daraaddeed waxaad u daysay gacantii cadaawayaashooda, oo iyana way addoonsadeen iyagii; illowse markay kuu soo noqdeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo marar badan ayaad naxariistaada aawadeed ku samatabbixisay; 29 oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan. 30 Oo weliba sannado badan baad u dulqaadatay, oo Ruuxaaga ayaad ugu markhaati furtay adigoo nebiyadaadii ka dhex hadlaya; laakiinse dheg uma ayan dhigin, oo sidaas daraaddeed waxaad gelisay gacantii dadyowgii dalka degganaa. 31 Habase yeeshee naxariistaada badan aawadeed dhammaantood ma aadan wada baabbi'in, mana aadan dayrin, maxaa yeelay, waxaad tahay Ilaah raxmad iyo naxariis badan. 32 Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahayaga weyn, oo Qaadirka ah, oo laga cabsado, oo xajiya axdiga iyo naxariistow, dhibkan oo dhammu yuusan wax yar kula ekaan, kaasoo ku soo kor degay annaga, iyo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo nebiyadayadii, iyo awowayaashayadii, iyo dadkaagii oo dhan, tan iyo wakhtigii boqorradii Ashuur iyo ilaa maantadan la joogo. 33 Si kastaba ha ahaatee xaq baad ku tahay waxa nagu dhacay oo dhan, maxaa yeelay, run baad ku socotay, annaguse shar baannu samaynay, 34 oo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo awowayaashayadii toona ma ay dhawrin sharcigaagii, mana ay dhegaysan amarradaadii iyo markhaatifurkaagii aad ugu marag furtay. 35 Waayo, boqortooyadoodii kuuguma ay adeegin wanaaggaagii weynaa oo aad siisay aawadiis, iyo dalka ballaadhan oo barwaaqaysan oo aad hortooda dhigtay aawadiis, oo kamana ay soo noqon shuqulladoodii sharka ahaa. 36 Bal eeg, annagu maanta waxaannu nahay addoommo, oo dalkii aad awowayaashayo u siisay inay midhihiisa iyo wanaaggiisa cunaan, bal eeg, annagu dhexdiisaannu addoommo ku nahaye. 37 Oo bal eeg, wuxuu midho badan u dhalaa boqorradii aad korkayaga ka yeeshay dembigayaga aawadiis; oo weliba waxay ugu taliyaan jidhkayaga iyo xoolahayagaba siday doonayaan, oo annana cidhiidhi weyn baannu ku jirnaa.

Axdigii Dadka

38 Oo weliba waxaas oo dhan aawadood waxaannu kula dhiganaynaa axdi daacad ah, waannuna qoraynaa, oo waxaa shaabad ku dhammaynaya amiirradayada, iyo kuwayaga reer Laawi, iyo wadaaddadayada.

Falimaha Rasuullada 3

Waxaa La Bogsiiyey Miskiin Curyaan ah

Haddaba saacaddii sagaalaad oo wakhtigii salaadda ah ayaa Butros iyo Yooxanaa macbudka tageen. Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado. Isagu, markuu arkay Butros iyo Yooxanaa oo ku dhow inay macbudka galaan, ayuu dawarsaday iyaga. Markaasaa Butros, oo Yooxanaa la socdo, intuu aad u fiiriyey isaga, ku yidhi, Na soo eeg. Markaasuu u fiirsaday iyaga, isagoo filanaya inuu iyaga wax ka helo. Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco. Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen. Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya. Dadkii oo dhammuna waxay arkeen isagoo socda oo Ilaah ammaanaya; 10 markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.

11 Oo intuu Butros iyo Yooxanaa ku dhegganaa ayay dadkii oo dhammu ku soo wada ordeen balbaladii la odhan jiray Balbaladii Sulaymaan iyagoo aad u yaabsan.

Wacdigii Butros Ka Dhex Wacdiyey Macbudka

12 Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga? 13 Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa Ilaaha awowayaasheen, wuxuu ammaanay Midiidinkiisii Ciise, kii aad gacangeliseen oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markuu goostay inuu sii daayo. 14 Laakiin idinku waxaad diideen Kan Quduuska iyo Xaqaba ah, oo waxaad weyddiisateen nin dhiig qaba in laydiin sii daayo, 15 oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay. 16 Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.

17 Waxaanan ogahay, walaalayaalow, inaad tan aqoonla'aan u samayseen, sidii madaxdiinnuba yeeshay oo kale. 18 Laakiin Ilaah sidaasuu u dhammeeyey waxyaalihii uu hore uga sheegay afafkii nebiyada oo dhan oo ahaa in Masiixu silci doono. 19 Haddaba toobadkeena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa, 20 oo uu soo diro Ciise Masiix, kii uu hore idiinku doortay, 21 kan ay waajibka tahay inay samadu aqbasho tan iyo wakhtiyada la soo celinayo wax walba oo Ilaah kaga hadlay afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii. 22 Muuse wuxuu yidhi, Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu walaalihiinna dhexdooda idiinka kicin doonaa nebi anoo kale ah. Waa inaad isaga ka dhegaysataan wax kastuu idinku yidhaahdo. 23 Waxay noqon doontaa in naf kastoo aan nebigaas dhegaysan dadka laga dhex saari doono oo la baabbi'in doono. 24 Nebiyadii oo dhan tan iyo Samuu'eel iyo kuwii ka dambeeyey, in alla intii hadashay, waxay wada sheegeen maalmahan. 25 Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan. 26 Ilaah markuu Midiidinkiisii kiciyey, idinkuu markii hore idiin soo diray inuu idin barakeeyo markuu midkiin kasta dembiyadiisa ka soo jeediyo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya