Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Taariikhdii Labaad 21-22

21 Oo Yehooshaafaadna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooraam. Oo isna wuxuu lahaa walaalo oo ahaa ilma Yehooshaafaad, waana Casaryaah, iyo Yexii'eel, iyo Sekaryaah, iyo Casaryaah, iyo Miikaa'eel, iyo Shefatyaah, oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen ilma Yehooshaafaad kii ahaa boqorkii dalka Israa'iil. Oo aabbahoodna wuxuu iyagii siiyey hadiyado waaweyn oo ah lacag, iyo dahab, iyo waxyaalo qaali ah, oo weliba wuxuu ugu daray magaalooyin deyr leh oo dalka Yahuudah ku yaal, laakiinse boqortooyadii wuxuu siiyey Yehooraam, maxaa yeelay, wuxuu ahaa curadkiisii.

Yehooraam, Boqorkii Yahuudah

Haddaba Yehooraam markuu boqortooyadii aabbihiis fuulay oo uu aad u xoogaystay ayuu walaalihiis oo dhan seef ku laayay, iyaga iyo kuwo kale oo ah amiirradii dadka Israa'iil. Oo Yehooraam markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem. Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah. Habase yeeshee Rabbigu ma uu doonaynin inuu baabbi'iyo reerkii Daa'uud, maxaa yeelay, axdi wuu la dhigtay, oo wuxuu u ballanqaaday inuu isaga iyo carruurtiisa had iyo goorba laambad siiyo. Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya. Markaasaa Yehooraam soo gudbay isagoo wata saraakiishiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, oo intuu habeennimo kacay ayuu laayay reer Edom oo hareereeyey isaga iyo saraakiishiisii gaadhifardoodka. 10 Reer Edomna way ka fallaagoobeen oo way ka hoos baxeen gacantii dadka Yahuudah ilaa maantadan la joogo. Oo haddana isla markaasba waxaa kaloo ka fallaagoobay oo gacantiisii ka hoos baxay reer Libnaah, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka tegey Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashiis. 11 Oo weliba wuxuu buuraha dalka Yahuudah ka sameeyey meelo sarsare, oo dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ka dhigay inay sanamyo raacaan, oo dadkii Yahuudahna wuu habaabiyey. 12 Oo waxaa isagii u timid qorniin laga keenay Nebi Eliiyaah, oo leh, Rabbiga aabbahaa Daa'uud Ilaahiisa ahu wuxuu leeyahay, Adigu kuma aadan socon jidadkii aabbahaa Yehooshaafaad maray iyo jidadkii Aasaa oo boqorka dalka Yahuudah ahaa uu maray toona, 13 laakiinse waxaad ku socotay jidkii boqorrada dalka Israa'iil, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba waxaad ka dhigtay inay sanamyo raacaan sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, oo weliba waxaad laysay walaalahaa oo reerka aabbahaa ka mid ahaa oo kaa wanaagsanaa, 14 haddaba sidaas daraaddeed bal eeg, Rabbigu belaayo weyn ayuu ku dhufan doonaa dadkaaga, iyo carruurtaada, iyo naagahaaga, iyo xoolahaaga oo dhanba. 15 Oo adigana waxaa kugu dhici doona cudur weyn oo xiidmahaaga ayaa bukan doona, ilaa xiidmahaagu ay kaa soo dhacaan maalin ka maalin cudurka aad qabto daraaddiis. 16 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yehooraam ku soo kiciyey reer Falastiin iyo reer Carabta oo ag joogay reer Itoobiya. 17 Oo waxay ku soo kaceen dalka Yahuudah, oo way burburiyeen, waxayna wada qaateen maalkii guriga boqorka yiil oo dhan, iyo weliba wiilashiisii iyo naagihiisii, sidaas daraaddeed wiilna uma hadhin isagii kii wiilashiisa ugu yaraa oo Yehoo'aaxaas la odhan jiray mooyaane. 18 Oo waxaas oo dhan dabadood Rabbigu wuxuu isaga xiidmihiisii ku dhuftay cudur aan la bogsiin karin. 19 Oo wakhtigii waa iska socday, oo laba sannadood dabadood waxay noqotay in xiidmihiisii la soo dhacay cudurkii uu qabay daraaddiis, oo wuxuu u dhintay cudurro xunxun. Oo dadkiisiina isaga dab uguma ay shidin siday awowayaashiis dab ugu sharfi jireen oo kale. 20 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa siddeed sannadood, oo wuxuu tegey oo dhintay isagoo aan la jeclayn, oo waxaa lagu aasay magaalada Daa'uud, laakiinse laguma aasin qabuurihii boqorrada.

Axasyaah, Boqorkii Yahuudah

22 Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah. Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii. Oo isaguna wuxuu ku socday jidadkii reerka Axaab maray, waayo, hooyadiis waxay kula talin jirtay inuu shar sameeyo. Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii reerka Axaab yeeli jiray oo kale, waayo, markii aabbihiis dhintay ka dib iyagaa ahaan jiray lataliyayaashiisii ilaa uu baabba'ay. Oo weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen. Markaasuu ku noqday Yesreceel in lagu soo daweeyo nabrihii ay Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tegey inuu soo arko Yehooraam ina Axaab oo joogay Yesreceel, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.

Haddaba Axasyaah baabbi'iisii wuxuu ka yimid xag Ilaah, markuu Yooraam u tegey, maxaa yeelay, markuu yimid ayuu Yehooraam kula kacay Yeehuu ina Nimshii kaasoo Rabbigu u subkay inuu baabbi'iyo reerka Axaab. Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay. Kolkaasuu doondoonay Axasyaah (oo Samaariya ku dhex dhuumanayay), waana la soo qabtay oo waxaa loo keenay Yeehuu, waana la dilay, oo isagii waa la aasay, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isaga waxaa dhalay Yehooshaafaad oo Rabbiga ku doondooni jiray qalbigiisa oo dhan. Oo Axasyaah reerkiisiina ma uu lahayn xoog uu boqortooyada ku sii haysto.

Catalyaah Iyo Yoo'aash

10 Haddaba Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor ee Yahuudah oo dhan. 11 Laakiinse Yehooshabecad oo ahayd boqorka gabadhiisii waxay la tagtay Yoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, oo ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo. Haddaba Yehooshabecad oo ahayd Boqor Yehooraam gabadhiis, oo u dhaxday wadaadkii Yehooyaadaac la odhan jiray waxay isagii ka qarisay Catalyaah si ayan isaga u dilin (maxaa yeelay, iyadu waxay ahayd Axasyaah walaashiis). 12 Oo intii lix sannadood ah ayuu kula qarsoonaa guriga Ilaah, oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.

Yooxanaa 14

Jidka Loo Maro Aabbaha

14 Qalbigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin, anigana i rumaysta. Guriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. Haddaanay sidaas ahayn waan idiin sheegi lahaa, maxaa yeelay, waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo. Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan. Oo meeshaan tegayo iyo jidkaba waad taqaaniin. Toomas ayaa ku yidhi, Sayidow, ma naqaan meeshaad tegaysid ee sidee baan ku naqaan jidka? Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee. Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.

Filibos baa ku yidhi, Sayidow, Aabbaha na tus, waana nagu filan yahay. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus? 10 Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya. 11 I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta. 12 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa. 13 Oo wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka. 14 Haddii aad wax igu weyddiisataan magacayga, waan samayn doonaa.

Ciise Wuxuu Ku Ballanqaaday Ruuxa

15 Haddii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan. 16 Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin, 17 waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa. 18 Idiinkama tegi doono agoonnimo, ee waan idiin imanayaa. 19 In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan. 20 Maalintaas waxaad garan doontaan inaan Aabbahay ku jiro, idinna aad igu jirtaan, anna aan idinku jiro. 21 Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga. 22 Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin? 23 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa. 24 Kii aan i jeclayn, ereygayga ma xajiyo: ereygaad maqlaysaanna kayga ma aha, laakiin waxaa leh Aabbaha i soo diray.

25 Waxyaalahaas ayaan idinkula hadlay intaan idinla joogay, 26 laakiin Gargaaraha Ruuxa Quduuska ah oo Aabbuhu ku soo diri doono magacayga, wax kasta ayuu idin bari doonaa, wuxuuna idin xusuusin doonaa wax kasta oo aan idinku idhi. 27 Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin. 28 Waad maqasheen inaan idinku idhi, Waan tegayaa, waanan idiin imanayaa. Haddaad i jeclaateen, waad farxi lahaydeen, waayo, Aabbahaan u tegayaa, maxaa yeelay, Aabbuhu waa iga weyn yahay. 29 Haatan waxaan idiinku sheegay intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan. 30 Mar dambe wax badan idinlama sii hadli doono, maxaa yeelay, kan madaxda dunida ahu wuu imanayaa, isaguna waxba iguma laha. 31 Laakiin tani waa in dunidu ku garato inaan Aabbaha jeclahay iyo inaan sameeyo sida Aabbuhu igu amray. Kaca, aynu meeshan ka tagnee.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya