Old/New Testament
Qolooyin Kale Oo Yahuudah
4 Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Feres, iyo Xesroon, iyo Karmii, iyo Xuur, iyo Shoobaal. 2 Oo Re'aayaah oo ahaa ina Shoobaalna wuxuu dhalay Yaaxad, Yaaxadna wuxuu dhalay Axuumay iyo Lahad. Kuwanu waa qolooyinkii reer Sorcaah. 3 Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii uu dhalay Ceetaam aabbihiis, oo waa Yesreceel, iyo Yishmaa, iyo Yidbaash, oo walaashood magaceedana waxaa la odhan jiray Haselelfoonii, 4 iyo Fenuu'eel oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Ceser oo ahaa Xuushaah aabbihiis. Kuwanu waa wiilashii Xuur, kaasoo ahaa curadkii Efraataah, oo ahaa Beytlaxam aabbihiis. 5 Oo Ashxuur oo ahaa Teqooca aabbihiisna wuxuu qabay laba naagood, oo waxay ahaayeen Xelaah iyo Nacaraah. 6 Oo Nacaraah waxay isagii u dhashay Axuusaam, iyo Heefer, iyo Teemnii, iyo Haa'axashtaarii. Intaasu waxay ahaayeen Nacaraah wiilasheedii. 7 Xelaah wiilasheediina waxay ahaayeen Sered, iyo Isehaar, iyo Etnaan. 8 Haqoosna wuxuu dhalay Caanuub, iyo Sobeebaah, iyo qolooyinka reer Axarxeel oo ahaa ina Haaruum. 9 Yacbeesna wuu ka ciso badnaa walaalihiis oo dhan, oo hooyadiis ayaa isagii ku magacawday Yacbees, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, isaga waxaan ku dhalay tiiraanyo. 10 Oo Yacbeesna wuxuu baryay Ilaahii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa inaad i barakaysid, oo aad soohdintayda ii ballaadhisid, iyo in gacantaadu ila jirto, oo aad sharka iga dhawrtid, si aanan u tiiraanyoon! Oo Ilaahna wuu siiyey wixii uu weyddiistay. 11 Keluub oo ahaa Shuuxah walaalkiisna wuxuu dhalay Mexiir, oo ahaa Eshtoon aabbihiis. 12 Eshtoonna wuxuu dhalay Beytraafaa, iyo Faasee'ax, iyo Texinnaah oo ahaa Ciirnaaxaash aabbihiis. Oo kuwanu waa nimankii Reekaah. 13 Wiilashii Qenasna waxay ahaayeen, Cotnii'eel, iyo Seraayaah, oo Cotnii'eelna wuxuu dhalay Xatad. 14 Mecoonotayna wuxuu dhalay Cofraah, oo Seraayaahna wuxuu dhalay Yoo'aab oo ahaa Geharashiim aabbihiis, waayo, iyagu waxay ahaayeen rag saaniciin ah. 15 Kaaleeb ina Yefunneh wiilashiisiina waxay ahaayeen Iiruu, iyo Eelaah, iyo Nacam, ina Eelaahna wuxuu ahaa Qenas. 16 Wiilashii Yehaleleelna waxay ahaayeen Siif iyo Siifaah, iyo Tiiryaa, iyo Asareel. 17 Ilmaha Cesraahna waxay ahaayeen Yeter, iyo Mered, iyo Ceefer, iyo Yaaloon, oo iyana waxay dhashay Maryan, iyo Shammay, iyo Yishbax oo ahaa Eshtemooca aabbihiis. 18 Naagtiisii Yahuudiyadda ahaydna waxay dhashay Yered oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Xeber oo ahaa Sookoo aabbihiis, iyo Yequutii'eel oo ahaa Saanoo'ax aabbihiis. Oo kuwanuna waa wiilashii Bityaah oo ahayd ina Fircoon oo uu Mered guursaday. 19 Oo Hoodiyaah naagtiisii oo ahayd Naxam walaashiis wiilasheediina waxay ahaayeen Qeciilaah kii reer Garmii aabbihiis, iyo Eshtemooca oo ahaa reer Macakaad. 20 Wiilashii Shiimoonna waxay ahaayeen Cammoon, iyo Rinnaah, iyo Benxaanaan, iyo Tiiloon. Wiilashii Yishciina waxay ahaayeen Sooxeed iyo Bensooxeed. 21 Sheelaah ina Yahuudah wiilashiisiina waxay ahaayeen Ceer oo ahaa Leekaah aabbihiis, iyo Lacadaah oo ahaa Maareeshaah aabbihiis, iyo qolooyinka reerka kuwa dhar wanaagsan samayn jiray oo ka soo farcamay reer Ashbeeca, 22 iyo Yooqiim, iyo dadka reer Kosebaa, iyo Yoo'aash, iyo Saaraaf oo u talin jiray Moo'aab, iyo Yaashubilexem. Oo taariikhduna waa wax aad u gaboobay. 23 Oo kuwanuna waxay ahaayeen dheryodhoobyadii, oo waxay degganaan jireen Netaa'iim iyo Gedeeraah, oo halkaas ayay la degganaan jireen boqorka si ay shuqulkiisa u sameeyaan.
Farcankii Simecoon
24 Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Nemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Yaariib, iyo Serax, iyo Shaa'uul 25 oo dhalay Shalluum, oo isna dhalay Mibsam, oo isna dhalay Mishmaac. 26 Mishmaac farcankiisuna wuxuu ahaa Xamuu'eel oo dhalay Sakuur, oo isna dhalay Shimcii. 27 Shimciina wuxuu lahaa lix iyo toban wiil iyo lix gabdhood, laakiinse walaalihiis carruur badan ma ay lahayn, oo qoladooda oo dhammuna uma ay tarmin, sida reer Yahuudah oo kale. 28 Oo iyagu waxay degganaayeen Bi'ir Shebac, iyo Molaadaah, iyo Xasar Shuucaal, 29 iyo Bilhah, iyo Cesem, iyo Toolad, 30 iyo Betuu'eel, iyo Xormaah, iyo Siiqlag, 31 iyo Beytmarkabood, iyo Xasar Suusiim, iyo Beytbirii, iyo Shacarayim. Intaasu waxay ahaayeen magaalooyinkoodii ay degganaayeen tan iyo waagii Daa'uud boqortooyada haystay. 32 Oo tuulooyinkoodiina waxay ahaayeen Ceetaam, iyo Cayn, iyo Rimmon, iyo Token, iyo Caashaan, oo waxay ahaayeen shan magaalo, 33 iyo kulli tuulooyinkoodii ku wareegsanaa isla magaalooyinkaas ilaa tan iyo Bacal. Kuwaasu waxay ahaayeen rugahoodii ay degganaayeen, oo iyagu abtirisna way leeyihiin. 34 Oo Meshoobaab, iyo Yamleeg, iyo Yooshaah oo ahaa ina Amasyaah, 35 iyo Yoo'eel, iyo Yeehuu oo ahaa ina Yooshibyaah ina Seraayaah, ina Casii'eel, 36 iyo Eliyooceenay, iyo Yacaqobaah, iyo Yeshooxaayaah, iyo Casaayaah, iyo Cadii'eel, iyo Yesiimi'eel, iyo Benaayaah, 37 iyo Siisaa oo ahaa ina Shifcii ina Alloon oo ahaa reer Yedacyaah oo ka ahaa reer Shimrii oo ka sii ahaa reer Shemacyaah, 38 intaas magacyadooda la sheegay waxay ahaayeen amiirradii qolooyinkooda, oo reerahooduna aad bay si weyn ugu kordheen. 39 Oo waxay tageen meesha Gedoor laga galo iyo xataa tan iyo dooxadii dhankeeda bari si ay idahooda daaq ugu doondoonaan. 40 Oo waxay halkaas ka heleen daaq cosob ah oo wanaagsan, oo dhulkuna wuu ballaadhnaa, wuxuuna ahaa dal xasilloon oo nabdoon, waayo, kuwii halkaas waagii hore degganaan jiray waxay ahaayeen reer Xaam. 41 Oo kuwan magacyadooda la qoray waxay dalka soo galeen waagii boqorkii reer Yahuudah, oo Xisqiyaah ahaa, oo waxay dumiyeen teendhooyinkoodii oo laayeen reer Mecuuniimkii halkaas laga helay, dhammaantoodna way wada baabbi'iyeen, ilaa maantadan la joogo, oo meeshoodii bay degeen, maxaa yeelay, meeshaasu waxay lahayd daaq ay idahoodu daaqaan. 42 Oo iyaga qaarkood oo ahaa reer Simecoon oo tiradoodu ahayd shan boqol oo nin waxay tageen Buur Seciir, oo waxaa saraakiil u ahaa Felatyaah, iyo Necaryaah, iyo Refaayaah, iyo Cusii'eel oo wada ahaa wiilashii Yishcii. 43 Oo waxay soo laayeen kuwii reer Camaaleq ka hadhay oo baxsaday, oo halkaasay deggan yihiin ilaa maantadan la joogo.
Farcankii Ruubeen
5 Oo kuwanuna waa wiilashii Ruubeen kaasoo ahaa curadkii Israa'iil, (laakiinse isagu wuxuu nijaaseeyey gogoshii aabbihiis oo sidaas daraaddeed curadnimadiisii waxaa la siiyey wiilashii Yuusuf ina Israa'iil, oo abtiriskiisiina laguma tirin xagga curadnimadiisii. 2 Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:) 3 oo wiilashii Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii. 4 Farcankii Yoo'eelna wuxuu ahaa Shemacyaah oo dhalay Juuj, oo isna dhalay Shimcii, oo isna dhalay Miikaah, 5 oo isna dhalay Re'aayaah, oo isna dhalay Bacal, 6 oo isna dhalay Be'eeraah, oo ahaa kii boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser la odhan jiray uu maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo isna wuxuu ahaa amiirkii reer Ruubeen. 7 Oo qolooyiinkii walaalihiis ahaa markii abtiriskii dhalashadooda la tiriyey waxay ahaayeen duqii Yecii'eel iyo Sekaryaah, 8 iyo Belac oo ahaa ina Caasaas ina Shemac oo ahaa ina Yoo'eel oo degganaan jiray Carooceer, iyo xataa tan iyo Nebo iyo Bacal Mecoon, 9 oo xagga barina wuxuu degganaan jiray tan iyo xataa meesha laga galo cidlada markii laga soo bilaabo Webi Yufraad, maxaa yeelay, xoolahoodii ayaa ku tarmay dalkii Gilecaad. 10 Oo wakhtigii Saa'uul ayay la dagaallameen reer Hagrii'iim, oo iyaga gacantooda ku baabba'ay, oo iyana waxay degeen teendhooyinkoodii ku dhex yiil dalkii Gilecaad bari ka xigay oo dhan.
Farcankii Gaad
11 Oo waxaa meel iyaga ka soo hor jeedda, oo ah dalka Baashaan iyo tan iyo Salkaah degganaa wiilashii Gaad 12 kuwaasoo ahaa Yoo'eel oo madax ahaa, iyo Shaafaam oo ahaa kii labaad, iyo Yacnay, iyo Shaafaad, waxay wada joogeen Baashaan, 13 oo walaalahood oo ay isku reer ahaayeen waxay ahaayeen Miikaa'eel, iyo Meshullaam, iyo Shebac, iyo Yooray, iyo Yackaam, iyo Siica, iyo Ceeber, oo waxay ahaayeen toddoba. 14 Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii Abiixayil ina Xuurii, oo ahaa ina Yaaroo'ax, oo ahaa ina Gilecaad, oo ahaa ina Miikaa'eel, oo ahaa ina Yeshiishay, oo ahaa ina Yaxdoo, oo ahaa ina Buus; 15 Axii ina Cabdii'eel oo ahaa ina Guunii madax buu u ahaa reerahoodii. 16 Oo waxay degganaayeen Gilecaad oo Baashaan ku tiil iyo magaalooyinkeedii, iyo Shaaroon agagaarkeedii oo dhan, iyo tan iyo soohdintooda meesha ugu fog. 17 Oo kuwan oo dhan abtiriskooda waxaa la tiriyey wakhtigii Yootam oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa iyo wakhtigii Yaaraabcaam oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa.
18 Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis raggoodii xoogga lahaa oo awoodda u lahaa inay gaashaan iyo seef qaadaan, iyo inay qaansooyin ganaan, oo dagaalyahannada ahaa waxay ahaayeen afar iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo lixdan nin oo wada awooda inay dagaal u baxaan. 19 Oo iyagu waxay la dagaallameen reer Hagrii'iim iyo reer Yetuur, iyo reer Naafiish, iyo reer Naadaab. 20 Oo iyagiina waa looga hiiliyey, markaasaa reer Hagrii'iim waxaa la soo geliyey gacantoodii, iyagii iyo kuwii kale oo la jiray oo dhanba, waayo, intay dagaalka ku jireen ayay Ilaah u qayshadeen, wuuna aqbalay, maxaa yeelay, isagay isku halleeyeen. 21 Oo waxay iyagii ka dhaceen xoolahoodii kuwaasoo ahaa geel ah konton kun, iyo ido ah laba boqol iyo konton kun, iyo dameerro ah laba kun, iyo dad tiradiisu tahay boqol qof. 22 Oo qaar badan baa laga laayay, maxaa yeelay, dagaalku wuxuu ka yimid xag Ilaah. Oo meeshoodii bayna degeen tan iyo waagii maxaabiisnimada.
Qabiilkii Reer Manaseh Badhkood
23 Oo qabiilkii reer Manaseh badhkoodna dalkay degeen, oo waxay ku kordheen tan iyo Baashaan, iyo ilaa Bacal Xermoon, iyo tan iyo Seniir, iyo ilaa Buur Xermoon. 24 Oo kuwii reerahooda madaxda u ahaana waxay ahaayeen Ceefer, iyo Yishcii, iyo Elii'eel, iyo Casrii'eel, iyo Yeremyaah, iyo Hoodawyaah, iyo Yaxdii'eel, oo intaasu waxay wada ahaayeen rag xoog badan oo magac leh oo reerahooda madax u ah.
25 Oo iyagu waxay ku xadgudbeen Ilaahii awowayaashood, oo sidii naag ninkeedii ka dhillowday ayay raaceen ilaahyadii dadkii dalka degganaa, oo Ilaah hortooda ku baabbi'iyey. 26 Oo markaasaa Ilaah wuxuu kiciyey boqorkii Ashuur ee Fuul ahaa, kaasoo ahaa boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser ahaa, oo isna iyagii buu kaxaystay xataa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu iyagii geeyey Xalax, iyo Xaaboor, iyo Haaraa, iyo tan iyo webiga Goosaan, oo halkaasay joogaan ilaa maantadan.
Farcankii Laawi
6 Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. 2 Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. 3 Ilmaha Camraamna waxay ahaayeen Haaruun, iyo Muuse, iyo Maryan. Wiilashii Haaruunna waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. 4 Elecaasaar wuxuu dhalay Fiinexaas, Fiinexaasna wuxuu dhalay Abiishuuca, 5 Abiishuucana wuxuu dhalay Buqii, Buqiina wuxuu dhalay Cusii, 6 Cusiina wuxuu dhalay Seraxyaah, Seraxyaahna wuxuu dhalay Meraayood, 7 Meraayoodna wuxuu dhalay Amaryaah, Amaryaahna wuxuu dhalay Axiituub, 8 Axiituubna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Axiimacas, 9 Axiimacasna wuxuu dhalay Casaryaah, Casaryaahna wuxuu dhalay Yooxaanaan, 10 Yooxaanaanna wuxuu dhalay Casaryaah, (isagu wuxuu ahaa kii hawsha wadaadnimada ka qaban jiray gurigii Sulaymaan Yeruusaalem ka dhisay, ) 11 Casaryaahna wuxuu dhalay Amaryaah, Amaryaahna wuxuu dhalay Axiituub, 12 Axiituubna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Shalluum, 13 Shalluumna wuxuu dhalay Xilqiyaah, Xilqiyaahna wuxuu dhalay Casaryaah, 14 Casaryaahna wuxuu dhalay Seraayaah, Seraayaahna wuxuu dhalay Yehoosaadaaq, 15 Yehoosaadaaqna maxaabiis ahaan buu tegey waagii Rabbigu dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem uu gacantii Nebukadnesar ku kaxeeyey.
16 Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoom, iyo Qohaad, iyo Meraarii. 17 Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Gershoom, Libnii iyo Shimcii. 18 Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. 19 Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Oo intaasu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay reerahoodu ahaayeen. 20 Gershoom waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Libnii oo dhalay Yaaxad, oo isna dhalay Simmaah, 21 oo isna dhalay Yoo'aax, oo isna dhalay Iddo, oo isna dhalay Serax, oo isna dhalay Ye'ateray. 22 Qohaadna waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Cammiinaadaab, oo dhalay Qorax, oo isna dhalay Asiir, 23 oo isna dhalay Elqaanaah, oo isna dhalay Ebiyaasaaf, oo isna dhalay Asiir, 24 oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Uurii'eel, oo isna dhalay Cusiyaah, oo isna dhalay Shaa'uul. 25 Wiilashii Elqaanaahna waxay ahaayeen Camaasay iyo Axiimood. 26 Oo xagga Elqaanaahna waxaa ka soo farcamay Soofay, oo dhalay Nahad, 27 oo isna dhalay Elii'aab, oo isna dhalay Yeroxaam, oo isna dhalay Elqaanaah. 28 Wiilashii Samuu'eelna waxay ahaayeen curadkiisii oo ahaa Yoo'eel, iyo kii labaad oo ahaa Abiiyaah. 29 Farcankii Meraariina wuxuu ahaa Maxlii, oo dhalay Libnii, oo isna dhalay Shimcii, oo isna dhalay Cuusaah, 30 oo isna dhalay Shimcaa, oo isna dhalay Xaggiyaah, oo isna dhalay Casaayaah.
Muusikaystayaasha Macbudka
31 Kuwanuna waa kuwii Daa'uud u sarraysiiyey hawshii gabayga oo gurigii Rabbiga ku dhex jirtay markii sanduuqii axdiga meeshaas la dhigay dabadeed. 32 Oo iyagu taambuugga teendhadii shirka horteeda ayay gabay kaga adeegi jireen, ilaa Sulaymaan uu Yeruusaalem ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, oo iyana hawshooda waxay u qaban jireen siday u kala horhorreeyeen. 33 Oo intanu waa kuwii adeegi jiray iyo wiilashoodii. Kuwii ka mid ahaa reer Qohaad waxay ahaayeen Heemaan oo gabayaa ahaa, ina Yoo'eel, ina Samuu'eel, 34 ina Elqaanaah, ina Yeroxaam, ina Elii'eel, ina Too'ax, 35 ina Suuf, ina Elqaanaah, ina Maxad, ina Camaasay, 36 ina Elqaanaah, ina Yoo'eel, ina Casaryaah, ina Sefanyaah, 37 ina Taxad, ina Asiir, ina Ebiyaasaaf, ina Qorax, 38 ina Isehaar, ina Qohaad, ina Laawi, ina Israa'iil. 39 Walaalkiis Aasaaf oo gacantiisii midig istaagi jiray wuxuu ahaa Aasaaf ina Berekyaah, ina Shimcaa, 40 ina Miikaa'eel, ina Bacaseeyaah, ina Malkiiyaah, 41 ina Etnii, ina Serax, ina Cadaayaah, 42 ina Eetaan, ina Simmaah, ina Shimcii, 43 ina Yaxad, ina Gershoom, ina Laawi. 44 Oo iyaga gacantooda midigtana waxaa istaagi jiray walaalahood oo ahaa reer Meraarii, Eetaan oo ahaa ina Qiishii, ina Cabdii, ina Malluug, 45 ina Xashabyaah, ina Amasyaah, ina Xilqiyaah, 46 ina Amsii, ina Baanii, ina Shemer, 47 ina Maxlii, ina Mushii, ina Meraarii, ina Laawi. 48 Oo walaalahood oo ahaa reer Laawina waxaa loo doortay inay ka adeegaan taambuuggii guriga Ilaah oo dhan.
49 Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray. 50 Oo kuwanuna waa farcankii Haaruun, wiilkiisii Elecaasaar, oo dhalay Fiinexaas, oo isna dhalay Abiishuuca, 51 oo isna dhalay Buqii, oo isna dhalay Cusii, oo isna dhalay Seraxyaah, 52 oo isna dhalay Meraayood, oo isna dhalay Amaryaah, oo isna dhalay Axiituub, 53 oo isna dhalay Saadooq, oo isna dhalay Axiimacas.
54 Haddaba kuwanu waa meelahoodii ay degi jireen iyo sidii degmooyinkoodu ahaayeen kuwaasoo ku dhex yiil soohdimahooda. Reer Haaruun oo ah qolooyinka reer Qohaad, oo saamiga kowaad lahaa, 55 waxaa la siiyey Xebroon oo ku dhex tiil dalka reer Yahuudah, iyo agagaarkeedii ku wareegsanaa oo dhanba. 56 Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh. 57 Reer Haaruunna waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka oo ah Xebroon, iyo Libnaah iyo weliba agagaarkeed, iyo Yatiir, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii, 58 iyo Xiileen iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii, 59 iyo Caashaan iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii. 60 Oo dalkii qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga siiyey Gebac iyo agagaarkeedii, iyo Calemed iyo agagaarkeedii, iyo Canaatood iyo agagaarkeedii. Oo kulli magaalooyinkoodii oo qolooyinkooda oo dhan ku dhex yiil waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo. 61 Oo reer Qohaad intiisii hadhayna waxaa saami loo siiyey toban magaalo oo ay ka dhex heleen reerka qabiilka iyo qabiilka badhkiisii, kaasoo ah qabiilkii reer Manaseh badhkiis. 62 Oo reer Gershoomna sidii ay reerahoodu ahaayeen ayay saddex iyo toban magaalo uga heleen qabiilka reer Isaakaar, iyo qabiilka reer Aasheer, iyo qabiilka reer Naftaali, iyo qabiilka reer Manaseh oo Baashaan dhex deggan. 63 Oo reer Meraarii waxaa saami loogu siiyey siday reerahoodu ahaayeen laba iyo toban magaalo oo ay ka dhex heleen qabiilka reer Ruubeen, iyo qabiilka reer Gaad, iyo qabiilka reer Sebulun. 64 Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan. 65 Oo saami ahaan ayay magaalooyinkan la magacaabay uga siiyeen qabiilka reer Yahuudah, iyo qabiilka reer Simecoon, iyo qabiilka reer Benyaamiin. 66 Reerihii Qohaad qaarkoodna waxay magaalooyin ku lahaayeen meelo soohdintooda ah oo ay ka heleen qabiilka reer Efrayim. 67 Oo iyaga waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka, oo waxayna ahaayeen Shekem oo ku dhex tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim iyo agagaarkeedii, iyo weliba Geser iyo agagaarkeedii, 68 iyo Yoqmecaam iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii, 69 iyo Ayaaloon iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii. 70 Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxaa laga dhex siiyey Caaneer iyo agagaarkeedii, iyo Bilcaam iyo agagaarkeedii, reer Qohaad intooda hadhay aawadood. 71 Oo reer Gershoomna waxaa qabiilka reer Manaseh badhkiisii laga siiyey Goolaan oo Baashaan ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Cashtarod iyo agagaarkeedii. 72 Oo qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga siiyey Qedesh iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii, 73 iyo Raamod iyo agagaarkeedii, iyo Caaneem iyo agagaarkeedii. 74 Oo qabiilkii reer Aasheerna waxaa laga siiyey Maashaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii, 75 iyo Xuuqoq iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii. 76 Oo qabiilkii reer Naftaalina waxaa laga siiyey Qedesh oo Galili ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Xammoon iyo agagaarkeedii, iyo Qiryaatayim iyo agagaarkeedii. 77 Oo reer Laawi intoodii hadhay oo ahayd reer Meraarii waxaa qabiilka reer Sebulun laga siiyey Rimmoonoo iyo agagaarkeedii, iyo Taaboor iyo agagaarkeedii. 78 Oo Webi Urdun shishadiisa oo ah Yerixoo agteeda oo ah Webi Urdun xaggiisa bari waxaa qabiilka reer Ruubeenna laga siiyey Beser oo cidlada ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Yahsaah iyo agagaarkeedii, 79 iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii. 80 Oo qabiilka reer Gaadna waxaa laga siiyey Raamod oo Gilecaad ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii, 81 iyo Xeshboon iyo agagaarkeedii, iyo Yacser iyo agagaarkeedii.
Waxaa Cunto La Siiyey Shan Kun Oo Nin(A)
6 Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas. 2 Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay. 3 Kolkaasaa Ciise buurta u baxay, halkaasna ayuu xertiisii la fadhiistay. 4 Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda. 5 Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan? 6 Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa. 7 Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato. 8 Markaasaa xertiisii midkood oo Andaros la odhan jiray oo Simoon Butros walaalkiis ahaa wuxuu ku yidhi, 9 Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan? 10 Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun. 11 Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen. 12 Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin. 13 Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay. 14 Haddaba dadkii markay arkeen calaamadii uu sameeyey, waxay yidhaahdeen, Runtii, kanu waa nebigii dunida iman lahaa.
Ciise Keli Buu U Baxay; Dabadeed Badduu Ku Dul Socday(B)
15 Ciise wuxuu gartay inay imanayaan inay qabtaan oo boqor ka dhigaan, sidaas daraaddeed ayuu mar kale keligiis buurta u baxay.
16 Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday. 17 Waxayna fuuleen doonni, oo badday ka tallaabayeen ilaa Kafarna'um. Oo markiiba gudcur bay ahayd, Ciisena weli uma uu iman. 18 Badduna way isku kacday, dabayl weyn oo dhacday aawadeed. 19 Haddaba markay seeb ku wadeen qiyaas shan iyo labaatan ama soddon [a]istaadiyon, waxay arkeen Ciise oo badda ku dul socda oo doonnida u soo dhowaanaya, wayna baqeen. 20 Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina. 21 Sidaa aawadeed waxay doonayeen inay doonnida ku qaadaan, oo markiiba doonnidu waxay joogtay dhulkay u socdeen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya