Old/New Testament
Wax Sii Sheegiddii Axiiyaah Ee Ka Geesta Ahayd Yaaraabcaam
14 Oo waagaas ayaa Abiiyaah oo ahaa ina Yaaraabcaam bukooday. 2 Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu bilcantiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kac oo isbeddel, oo yaan lagu aqoon inaad tahay bilcantii Yaaraabcaam; oo waxaad tagtaa Shiiloh, waayo, halkaas waxaa jooga Nebi Axiiyaah oo ii sheegay inaan dadkan boqor u ahaanayo. 3 Oo waxaad qaaddaa toban xabbadood oo kibis ah, iyo buskuddo, iyo ubbo malab ah, oo isaga u tag; oo wuxuu kuu sheegi doonaa waxa wiilka ku dhici doona. 4 Oo Yaaraabcaam bilcantiisiina sidaasay yeeshay, oo waxay u kacday Shiiloh oo gurigii Axiiyaah bay timid. Haddaba Axiiyaah waxba ma arki karin, waayo, indhihiisii waxay la dhaceen dugow aawadiis. 5 Markaasaa Rabbigu wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Bal eeg, Yaaraabcaam bilcantiisii ayaa kuugu imanaysa inay ku weyddiiso wax ku saabsan wiilkeeda, maxaa yeelay, isagu wuu bukaa; haddaba iyada saas iyo saas ku dheh; waayo, markay kuu timaado waxay iska dhigaysaa naag kale. 6 Oo markii Axiiyaah maqlay sanqadhii cagaheeda, markii ay albaabka soo gashay ayuu ku yidhi, Soo gal, Yaaraabcaam bilcantiisay, maxaadse isaga dhigaysaa mid kale? Waayo, waxaa la iigu soo kaa dhiibay war xun. 7 Haddaba tag, oo Yaaraabcaam waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu dadka oo dhan waan kaa sara mariyey, oo waxaan amiir kaaga dhigay dadkaygii Israa'iil, 8 oo boqortooyadiina intaan reerkii Daa'uud ka soo xoogay ayaan ku siiyey, oo weliba ma aadan ahaan sidii addoonkaygii Daa'uud, kii amarradaydii xajiyey, oo qalbigiisa oo dhanna igu raacay inuu sameeyo wixii hortayda ku qummanaa oo keliya, 9 laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada. 10 Sidaas daraaddeed, bal ogow, shar baan ku soo dejin doonaa reer Yaaraabcaam, oo Yaaraabcaam waxaan ka baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan, oo reer Yaaraabcaam oo dhanna waan xaaqi doonaa ilaa uu wada baabbo'o sida digo dibadda loogu xaaqo. 11 Oo Yaaraabcaam dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha, oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada, waayo, Rabbigu saasuu ku hadlay. 12 Haddaba kac, oo gurigaaga tag, oo mar alla markay cagahaagu magaalada galaan ayuu wiilkii dhiman doonaa. 13 Oo dadka dalka Israa'iil oo dhan ayaa u barooran doona oo aasi doona, waayo, dadka Yaaraabcaam oo dhan isaga keliya ayaa xabaasha gelaya, maxaa yeelay, reer Yaaraabcaam isaga keliya ayaa laga helay wax ku wanaagsan xagga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 14 Oo weliba Rabbigu wuxuu sara kicin doonaa boqor u taliya dadkii Israa'iil, oo kaasuna maalintaas wuxuu baabbi'in doonaa reer Yaaraabcaam, laakiinse taasu waa goorma? Waa haddeer. 15 Waayo, Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil u layn doonaa sida cawsduur biyo ugu ruxmado, oo dadkii Israa'iil wuu ka rujin doonaa dalkan wanaagsan oo uu siiyey awowayaashood, oo wuxuu ku firdhin doonaa Webiga shishadiisa, maxaa yeelay, waxay samaysteen geedihii Asheeraah, oo Rabbigana saasay uga xanaajiyeen. 16 Oo Rabbigu wuxuu dadka dalka Israa'iil u sii daynayaa dembiyadii Yaaraabcaam dembaabay oo uu dadka dalka Israa'iilna dembaajiyey aawadood.
17 Markaasay Yaaraabcaam bilcantiisii kacday oo tagtay, oo waxay timid Tirsaah; oo markay guriga iriddiisii soo gaadhay ayaa wiilkii dhintay. 18 Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu way aaseen, wayna u wada baroorteen siduu ahaa eraygii Rabbigu ku hadlay ee uu nebigii ahaa addoonkiisii Axiiyaah u soo dhiibay. 19 Oo Yaaraabcaam falimihiisii kale ee ku saabsanaa siduu u diriray, iyo siduu u talin jiray, waxay ku qoran yihiin kitaabka taariikhda boqorradii dalka Israa'iil. 20 Oo Yaaraabcaamna wuxuu talinayay laba iyo labaatan sannadood; markaasuu dhintay oo awowayaashiis la seexday, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Naadaab.
Rexabcaam, Boqorkii Dalka Yahuudah
21 Oo Rexabcaam ina Sulaymaanna boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah. Oo markuu Rexabcaam boqor noqday wuxuu jiray kow iyo afartan sannadood, oo toddoba iyo toban sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem oo ahayd magaaladii Rabbigu ka doortay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan inuu magiciisa halkaas dhigo. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon. 22 Oo reer Yahuudahna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo waxay Rabbiga kaga hinaasiyeen dembiyadoodii ay galeen oo ka badnaa kuwii ay awowayaashood galeen. 23 Waayo, waxay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiis ka dhisteen meelo sarsare, iyo tiirar, iyo geedo Asheeraah. 24 Oo weliba dalka waxaa joogay makhnuudyo, oo waxay u wada sameeyeen sidii kulli karaahiyadii ay samayn jireen quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. 25 Oo sannaddii shanaad oo Boqor Rexabcaam ayaa Shiishaq oo boqorkii Masar ahaa Yeruusaalem ku kacay, 26 oo wuxuu qaatay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka, oo dhammaantood wuu wada qaatay; oo wuxuu kaloo wada qaatay gaashaammadii dahabka ahaa oo Sulaymaan sameeyey. 27 Oo Boqor Rexabcaam ayaa meeshoodii ka sameeyey gaashaammo naxaas ah, oo wuxuu u dhiibay saraakiishii waardiyayaashii albaabkii guriga boqorka dhawri jiray. 28 Oo mar alla markii boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu gaashaammada qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha. 29 Haddaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? 30 Oo Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray had iyo goorba. 31 Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagula aasay awowayaashiis magaaladii Daa'uud; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaam.
Abiiyaam, Boqorkii Dalka Yahuudah
15 Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ina Nebaad ayaa Abiiyaam boqor ka noqday dalka Yahuudah. 2 Oo saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah ina Abiishaaloom. 3 Oo isna wuxuu sameeyey dembiyadii uu aabbihiis samayn jiray isaga hortiis oo dhan, oo qalbigiisuna Rabbiga Ilaahiisa ah uguma qummanayn sidii qalbigii awowgiis Daa'uud oo kale. 4 Habase yeeshee Daa'uud daraaddiis ayaa Rabbiga Ilaahiis ahu Yeruusaalem ka dhex siiyey laambad inuu isaga dabadiis wiilkiisa dhiso iyo inuu Yeruusaalem adkeeyo aawadeed, 5 maxaa yeelay, Daa'uud wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, oo cimrigiisii oo dhanna kama uu leexan wax kasta oo uu ku amray, xaalkii Uuriyaah kii reer Xeed oo keliya mooyaane. 6 Oo Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey cimrigiisii oo dhanba. 7 Oo Abiiyaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Oo Abiiyaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey. 8 Oo Abiiyaam wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa.
Aasaa, Boqorkii Dalka Yahuudah
9 Oo boqorkii dalka Israa'iil oo Yaaraabcaam ahaa sannaddiisii labaatanaad ayaa Aasaa boqor ka noqday dalka Yahuudah. 10 Oo wuxuu Yeruusaalem boqor ka ahaa kow iyo afartan sannadood; oo hooyadiisna magaceedu wuxuu ahaa Macakaah ina Abiishaaloom. 11 Oo Aasaa wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa sidii uu awowgiis Daa'uud yeelay oo kale. 12 Oo makhnuudyadiina dalka wuu ka eryay, sanamyadii aabbihiis sameeyey oo dhanna wuu wada fogeeyey. 13 Macakaah oo hooyadiis ahaydna boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa. 14 Laakiinse meelihii sarsare lama baabbi'in; habase yeeshee Aasaa qalbigiisu waa ku qummanaa Rabbiga hortiisa cimrigiisii oo dhanba. 15 Oo gurigii Rabbigana wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal. 16 Oo cimrigoodii oo dhanna dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil. 17 Oo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa dalka Yahuudah ku kacay, oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah. 18 Markaasaa Aasaa qaaday kulli lacagtii iyo dahabkii ku hadhay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo wuxuu u dhiibay addoommadiisa, oo Boqor Aasaa wuxuu iyagii u diray Benhadad ina Tabrimmoon oo ahaa ina Xesyoon, oo dalka Suuriya boqorka u ahaa oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi, 19 Aniga iyo adiga axdi baa inoo dhexeeya, oo aabbahay iyo aabbahaana wuu u dhexayn jiray; haddaba bal eeg, waxaan kuu soo diray hadiyad lacag iyo dahab ah, saas aawadeed tag oo jebi axdiga aad la leedahay boqorka dalka Israa'iil oo Bacshaa ah, ha iga tagee. 20 Markaasaa Benhadad dhegaystay hadalkii Boqor Aasaa, oo saraakiishii ciidammadiisa ayuu u diray magaalooyinkii dalka Israa'iil, oo waxay dagaal ku dhufteen Ciyoon, iyo Daan, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Kinnered oo dhan, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan. 21 Kolkii Bacshaa taas maqlay wuu ka tegey Raamaah dhisiddeedii, oo wuxuu degay Tirsaah. 22 Markaasaa Boqor Aasaa wuxuu dalka Yahuudah oo dhan gaadhsiiyey naado ogeysiis ah, oo ninna lagama reebin; oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah ee uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasaa Boqor Aasaa wuxuu ku dhisay Gebac oo ku taal dalka reer Benyaamiin iyo Misfaah. 23 Haddaba Aasaa falimihiisa kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Laakiinse markuu gaboobay wuxuu ka bukooday cagaha. 24 Markaasaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad
Naadaab, Boqorkii Dalka Israa'iil
25 Oo Naadaab oo ahaa ina Yaaraabcaam boqor buu ka noqday dalka Israa'iil sannaddii labaad oo Aasaa boqorkii dalka Yahuudah; oo wuxuu dalka Israa'iil boqor ka ahaa laba sannadood. 26 Oo isna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis, iyo dembigiisa uu dadkii Israa'iil dembaajiyey. 27 Oo waxaa shirqoolay Bacshaa ina Axiiyaah oo ahaa reer Isaakaar, oo Bacshaa isaguu ku dilay Gibbetoon tan ay reer Falastiin lahaayeen, waayo, Naadaab iyo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuba waxay weerarayeen Gibbetoon. 28 Oo isaga Bacshaa wuxuu dilay oo meeshiisii boqor ka noqday sannaddii saddexaad ee Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah. 29 Oo haddiiba markuu boqor noqday ayuu wada laayay reerkii Yaaraabcaam oo dhan, oo Yaaraabcaam uma uu dayn qof keliya oo neefsada, laakiinse wuu wada baabbi'iyey, sidii uu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay addoonkiisii Axiiyaah kii reer Shiiloh; 30 waayo, waxay saas u noqotay Yaaraabcaam dembiyadiisii uu dembaabay, oo uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey, iyo xanaaqii uu ka xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha dalka Israa'iil. 31 Haddaba Naadaab falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorrada dalka Israa'iil? 32 Cimrigood oo dhan dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo boqor ka ahaa dalka Israa'iil.
Bacshaa, Boqorkii Dalka Israa'iil
33 Oo boqorkii dalka Yahuudah oo Aasaa ahaa sannaddiisii saddexaad ayaa Bacshaa ina Axiiyaah boqor dalka Israa'iil ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa afar iyo labaatan sannadood. 34 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Yaaraabcaam, iyo dembigiisii uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey.
Butros Dafiriddiisii Horaa Loo Sii Sheegay(A)
31 Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen, 32 laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee. 33 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba. 34 Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.
35 Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishadla'aan iyo qandila'aan iyo kabola'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba. 36 Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado. 37 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin. 38 Markaasay waxay yidhaahdeen, Sayidow, bal eeg, laba seefood ayaa halkan yaale. Wuxuu ku yidhi, Waa ku filan tahay.
Ciise Wuxuu Ku Tukaday Beer Getsemane(B)
39 Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday. 40 Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. 41 Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday, 42 isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto. 43 Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa. 44 Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya. 45 Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda. 46 Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya