Old/New Testament
Reer Gibecoon Oo Laga Aargutay
21 Oo wakhtigii Daa'uud abaar baa dhacday intii saddex sannadood ah, oo sannadba sannadda ka dambayso, markaasaa Daa'uud Rabbiga baryay. Rabbiguna wuxuu yidhi, Tanu waxay ku timid Saa'uul iyo reerkiisa dhiigga qaba, maxaa yeelay, wuxuu laayay reer Gibecoon. 2 Markaasaa boqorkii reer Gibecoon u yeedhay, oo ku yidhi; (haddaba reer Gibecoon ma ay ahayn reer binu Israa'iil, laakiinse waxay ahaayeen dad ka hadhay reer Amor; oo reer binu Israa'iilna way u dhaarteen iyaga; oo Saa'uul baa wuxuu damcay inuu laayo iyaga qiiradii uu u qabay reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah aawadeed;) 3 oo Daa'uud wuxuu reer Gibecoon ku yidhi, War maxaan idiin sameeyaa? Oo maxaan kafaaraggud u bixiyaa si aad dhaxalka Rabbiga ugu ducaysaan? 4 Oo reer Gibecoonna waxay ku yidhaahdeen, Annaga iyo Saa'uul, iyo reerkiisa waxa na dhex yaallaa ma aha xaal ku eg lacag iyo dahab; oo annana dooni mayno inaannu reer binu Israa'iil nin ka dilno. Markaasuu ku yidhi, Haddaba wixii aad tidhaahdaan waan idiin samaynayaa. 5 Iyana waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Ninkii na baabbi'iyey, oo ku fikiray in nala laayo, oo aannan dhex degganaan waddanka reer binu Israa'iil oo dhan, 6 ha naloo keeno toddoba nin oo wiilashiisii ah, oo Rabbiga ayaannu ugu deldelaynaa Gibecaahdii Saa'uul, kii Rabbigu doortay. 7 Laakiinse boqorkii wuu badbaadiyey Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan ina Saa'uul, maxaa yeelay, dhaartii Rabbiga ayaa u dhexaysay Daa'uud iyo Yoonaataan ina Saa'uul. 8 Laakiinse boqorkii wuxuu soo qabtay labadii wiil ee Risfaah ina Ayah, oo ay u dhashay Saa'uul, kuwaas oo ahaa Armonii iyo Mefiiboshed, iyo shantii wiil ee Miikaal ina Saa'uul, oo ay u dhashay Cadrii'eel ina Barsillay kii reer Mexolaad; 9 oo wuxuu u gacangeliyey reer Gibecoon, oo buurtay ku deldeleen Rabbiga hortiisa, oo toddobadoodiiba way wada dhinteen; oo waxaana la dilay xilligii beergooyska maalmaha ugu horreeya, marka shaciirka la gooyo. 10 Markaasaa Risfaah oo ahayd ina Ayah ayaa soo qaadatay dhar joonyad ah oo waxay ku goglatay dhagaxa, halkaasna waxay joogtay wakhtigii beergooyska iyo ilaa roob cirka ka soo daatay; oo maalintiina uma ay oggolaan in haadka hawadu ku dego, habeenkiina waxay ka dhawri jirtay dugaagga duurka. 11 Oo waxaa Daa'uud loo soo sheegay wixii ay samaysay Risfaah ina Ayah oo ahayd Saa'uul naagtiisii addoonta ahayd. 12 Oo Daa'uud intuu tegey ayuu lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan ka soo qaaday dadkii reer Yaabeesh Gilecaad oo ka xaday jidkii Beytshaan, kaasoo ah meeshii ay reer Falastiin ku deldeleen iyaga, maalintii ay reer Falastiin Saa'uul ku dileen Gilboca, 13 oo halkaasuu ka soo qaaday lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan; oo waxaa la soo ururiyey kuwii la deldelay lafahoodii. 14 Oo lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan waxaa lagu aasay dalka reer Benyaamiin meel ku taal oo la yidhaahdo Seelac, oo waxaa la geliyey qabrigii aabbihiis Qiish; oo waxaa la sameeyey kulli wixii boqorku ku amray oo dhan. Oo taas dabadeedna Ilaah baa dalkii loo baryay.
Dagaalladii Ka Geesta Ahaa Reer Falastiin
15 Oo haddana reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, markaasaa Daa'uud dhaadhacay isaga iyo addoommadiisii la socdayba, oo waxay la dirireen reer Falastiin; laakiinse Daa'uud wuu taag gabay. 16 Oo Yiishbii Benob, oo ka mid ahaa wiilashii Rafaa, oo miisaanka warankiisu ahaa saddex boqol oo sheqel oo naxaas ah, oo seef cusubuna dhexday ugu xidhnayd, ayaa damcay inuu Daa'uud dilo. 17 Laakiinse Daa'uud waxaa caawiyey Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo intuu kii reer Falastiin wax ku dhuftay ayuu dilay. Markaasaa Daa'uud raggiisii dhaar u mareen, oo ku yidhaahdeen, Adigu mar dambe dagaal noola bixi maysid, yaadan laambadda reer binu Israa'iil bakhtiine.
18 Oo taas dabadeed waxay noqotay in reer Falastiin haddana Goob lagula diriray, oo Sibbekay oo reer Xushaad ahaa wuxuu dilay Saf oo ahaa mid ka mid ah wiilashii Rafaa. 19 Oo haddana reer Falastiin waxaa lagula diriray Goob; oo Elxaanaan ina Yacaray Oregiim oo reer Beytlaxam ahaa wuxuu dilay Goli'ad oo reer Gad ahaa, oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa. 20 Oo haddana waxaa dagaal ka dhacay Gad, halkaasna waxaa joogay nin aad u dheer, oo gacmahana mid kasta wuxuu ku lahaa lix farood, cagahana mid kasta wuxuu ku lahaa lix farood, oo farihiisuna kulligood waxay ahaayeen afar iyo labaatan, oo isna wuxuu u dhashay Rafaa. 21 Oo markuu reer binu Israa'iil caayay, waxaa isagii dilay Yoonaataan oo uu Daa'uud walaalkiisii Shimcii ahaa dhalay. 22 Afartaasu waxay Rafaa ugu dhasheen Gad; oo waxay ku dhinteen Daa'uud gacantiisii, iyo gacantii addoommadiisa.
Gabaygii Daa'uud Ku Ammaanay Rabbiga
22 Daa'uud wuxuu Rabbiga kula hadlay erayadii gabaygan maalintii Rabbigu ka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiisa oo dhan, iyo gacantii Saa'uulba: 2 oo wuxuu yidhi,
Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;
3 Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa;
Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga,
Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.
4 Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano,
Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
5 Waayo, waxaa i hareereeyey hirarkii dhimashada,
Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadola'aanta.
6 Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool;
Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
7 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay,
Haah, waxaan u qayshaday Ilaahay;
Oo isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay,
Oo qayladayduna dhegihiisay gashay.
8 Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray,
Oo samada aasaaskeediina wuu dhaqdhaqaaqay,
Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
9 Oo dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq,
Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya;
Oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
10 Oo samooyinkiina wuu soo foororshay, oo hoos buu u soo degay,
Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
11 Wuxuuna fuulay Keruub, wuuna duulay;
Haah, oo waxaa lagu arkay isagoo fuushan dabaysha baalasheeda.
12 Oo gudcurkii wuxuu ka dhigay taambuug hareerihiisa ku wareegsan,
Iyo biyo urursan, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
13 Oo nuurka hortiisa yaal aawadiisna
Dhuxulo dab ah ayaa shidmay.
14 Rabbiguna wuxuu ka onkoday samada,
Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii.
15 Markaasuu fallaadho soo ganay, oo kala firdhiyey iyagii,
Oo wuxuu soo diray hillaac, wuuna baabbi'iyey iyagii.
16 Oo canaantii Rabbiga aawadeed, iyo dulalka sankiisa neefta ka soo baxaysa aawadeed
Ayaa durdurradii baddu la muuqdeen,
Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
17 Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday;
Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
18 Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa,
Iyo kuwii i necbaaba; waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
19 Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa;
Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
20 Weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan;
Wuu i samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
21 Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd;
Oo sida ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
22 Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga,
Oo Ilaahayna sii caasinimo ah ugama tegin.
23 Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen,
Oo qaynuunnadiisana anigu kama aan tegin.
24 Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa,
Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
25 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd;
Iyo sidii nadiifsanaantaydii ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
26 Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa,
Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
27 Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa.
Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
28 Oo dadka dhibaataysanna waad badbaadinaysaa;
Laakiinse indhahaagu way arkaan kuwa kibirsan inaad hoos u dejiso.
29 Waayo, Rabbiyow, waxaad tahay laambaddayda;
Oo Rabbiga ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
30 Oo adaan col kuugu dhex ordaa,
Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
31 Ilaah jidkiisu waa qumman yahay;
Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey;
Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isku halleeya oo dhan.
32 Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane?
Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
33 Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan;
Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.
34 Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada,
Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.
35 Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka;
Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
36 Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadadaada;
Oo roonaantaada ayaa i weynaysay;
37 Adigu tallaabooyinkayga ayaad ku ballaadhisay hoostayda,
Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
38 Anigu waxaan eryaday cadaawayaashaydii, oo waan baabbi'iyey;
Dibna ugama soo noqon jeeray wada baabbe'een.
39 Oo iyagaan baabbi'iyey, waanan wada laayay, si aanay mar dambe u awoodin inay soo sara kacaan,
Oo cagahaygay ku soo hoos dhaceen.
40 Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis;
Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
41 Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan,
Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
42 Wax bay fiirsadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya;
Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
43 Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dhulka,
Waan ku tuntay sidii dhoobada jidadka taal oo kale, markaasaan kala firdhiyey.
44 Oo waxaad kaloo iga samatabbixisay murankii dadkayga;
Oo waxaad iga sii dhigtay quruumaha madaxdoodii;
Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
45 Oo shisheeyayaashu way isu kay dhiibi doonaan,
Oo mar alla markay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan.
46 Shisheeyayaashu way libdhi doonaan,
Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
47 Rabbigu waa nool yahay; oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn;
Oo ha sarreeyo Ilaaha ah dhagaxa weyn ee badbaadintayda;
48 Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda,
Oo dadkana hoostayda ku soo tuura,
49 Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda;
Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca;
Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
50 Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.
51 Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa,
Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday,
Kaasoo ah Daa'uud iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.
24 Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan, 25 waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso. 26 Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 27 Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan. 28 Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay. 29 Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur, 30 oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
Mar Saddexaad Ayaa Ciise Sii Sheegay Dhimashadiisa(A)
31 Laba-iyo-tobankii ayuu watay oo ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem, oo wax walba oo nebiyadu qoreen ayaa Wiilka Aadanaha u noqon doona. 32 Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa, 33 wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa. 34 Laakiin waxyaalahaas waxba kama ay garan, hadalkaasna waa ka qarsoonaa, mana ay garan wixii la yidhi.
Ciise Wuxuu Bogsiiyey Nin Indhala'(B)
35 Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay, 36 oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen. 37 Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo. 38 Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso. 39 Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso. 40 Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi, 41 Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko. 42 Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. 43 Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya