Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Samuu'eel Labaad 6-8

Sanduuqii Axdiga Oo Yeruusaalem La Keenay

Markaasaa Daa'uud haddana soo ururiyey raggii reer binu Israa'iil oo la doortay oo dhan, waxayna ahaayeen soddon kun. Dabadeedna Daa'uud baa kacay, oo la tegey dadkii isaga la jiray ee ka yimid Bacale Yahuudah oo dhan, inay xaggaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah, kaasoo lagu magacaabo Magaca, waxa weeye Magaca Rabbiga ciidanka ee dhex fadhiya keruubiimta. Oo sanduuqii Ilaah gaadhi cusub bay saareen, iyagoo ka soo bixiyey gurigii Abiinaadaab oo buurta ku yiil; markaasaa gaadhigii cusbaa waxaa waday Abiinaadaab wiilashiisii oo ahaa Cuusaah iyo Axiyoo. Oo sidaasay uga soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo buurta ku yiil, iyagoo wada sanduuqii Ilaah; oo Axiyoo ayaa sanduuqii hor maray. Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco. Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Naakoon ayaa Cuusaah gacanta ku fidiyey sanduuqii Ilaah, wuuna qabtay; maxaa yeelay, dibidii sidday ayaa turunturootay. Markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday Cuusaah; oo Ilaahna halkaasuu ku dilay qaladkiisii aawadiis, oo sanduuqii Ilaah agtiisa ayuu ku dhintay. Oo Daa'uudna taas buu ka xumaaday, maxaa yeelay, Rabbigu degdeg buu u qabtay Cuusaah, oo meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Feres Cuusaah, oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa. Oo Daa'uudna Rabbiga wuu ka baqay maalintaas, oo wuxuu isyidhi, Sanduuqa Rabbigu sidee buu iigu imanayaa? 10 Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu diiday inuu wado sanduuqii Rabbiga oo uu geeyo magaaladii Daa'uud; laakiinse Daa'uud sanduuqii buu gees ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad. 11 Oo saddex bilood ayaa sanduuqii Rabbigu gurigii Cobeed Edoom yiil; oo Rabbiguna wuu barakeeyey Cobeed Edoom iyo reerkiisii oo dhanba. 12 Markaasaa Daa'uud loo soo sheegay oo lagu yidhi, Rabbigu waa barakeeyey Cobeed Edoom reerkiisii, iyo wixii uu lahaa oo dhan, taasuna waa sanduuqa Ilaah aawadiis. Markaasaa Daa'uud tegey oo sanduuqii Ilaah ka soo qaaday gurigii Cobeed Edoom oo farax ku soo geliyey magaaladii Daa'uud. 13 Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis. 14 Oo Daa'uudna Rabbiga hortiisuu xooggiisii oo dhan ugu cayaaray, wuxuuna guntanaa eefod dhar wanaagsan laga sameeyey. 15 Sidaasay Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu u soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyagoo qaylinaya oo buunna ka dhawaajinaya. 16 Oo markuu sanduuqii Rabbigu soo galay magaaladii Daa'uud ayaa Miikaal oo ahayd ina Saa'uul dariishadda wax ka fiirisay, oo waxay aragtay Boqor Daa'uud oo boodboodaya oo Rabbiga hortiisa ku cayaaraya; markaasay quudhsatay. 17 Sanduuqii Rabbigana gudahay soo geliyeen oo meeshiisii bay dhigeen, taasoo ahayd teendhadii Daa'uud u dhisay badhtankeeda; kolkaasaa Daa'uud Rabbiga hortiisa ku bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. 18 Oo Daa'uudna markuu dhammeeyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaannadii nabaadiinada ee uu bixinayay ayuu dadkii ugu duceeyey magicii Rabbiga ciidammada. 19 Markaasuu wuxuu dadkii oo dhan, iyo xataa dadkii badnaa oo reer binu Israa'iil oo dhan, rag iyo dumarba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah. Markaasaa dadkii oo dhan mid waluba gurigiisii tegey. 20 Markaasaa Daa'uud u noqday inuu reerkiisii u duceeyo. Oo Miikaal oo ahayd ina Saa'uul ayaa u soo baxday inay Daa'uud ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Boqorka reer binu Israa'iil qurux badnaa maanta, kaasoo maanta isku hor qaawiyey gabdhihii addoommadiisa sida waxmatarayaasha midkood isugu qaawiyo oo kale! 21 Markaasaa Daa'uud Miikaal ku yidhi, Waxay ahayd Rabbiga hortiisa, kii iga doortay aabbahaa iyo reerkiisii oo dhan, oo iga dhigay amiir u taliya dadka Rabbiga, kuwaas oo ah reer binu Israa'iil; oo sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ugu cayaarayaa. 22 Oo weliba intaas waan ka sii liidanayaa, oo waan isla xumaanayaa, laakiinse gabdhihii aad ka hadashay xaggooda derejaan ka lahaan doonaa. 23 Oo Miikaal oo ahayd ina Saa'uulna ilaa maalintii ay dhimatay ilmo ma dhalin.

Ballanqaadkii Ilaah Ee Daa'uud

Oo waxay noqotay markii boqorkii gurigiisii degay oo uu Rabbigu nasasho ka siiyey cadaawayaashiisii ku wareegsanaa oo dhan, in boqorkii Nebi Naataan ku yidhi, Bal eeg haatan, anigu waxaan degganahay guri qori kedar ah laga sameeyey, laakiinse sanduuqii Ilaah wuxuu dhex yaal daahyo. Markaasaa Naataan wuxuu boqorkii ku yidhi, Tag, oo wax alla wixii qalbigaaga ku jira samee, waayo, Rabbiga ayaa kula jira. Oo isla habeenkaas Rabbiga eraygiisii baa Naataan u yimid oo ku yidhi, Tag, oo waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, War guri aan dego ma ii dhisaysaa? Waayo, guri ma degin ilaa maalintii aan reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii Masar iyo tan iyo maantadan, laakiinse waxaan ku dhex socday teendho iyo taambuug. Oo meel kasta oo aan kula socday reer binu Israa'iil oo dhan, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo aan ku amray inay quudiyaan dadkayga reer binu Israa'iil ma midkood baan eray kula hadlay oo miyaan ku idhi, War maxaad iigu dhisi weydeen guri kedar ah? Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kula jiray meel kastoo aad tagtayba, oo cadaawayaashaadii oo dhanna hortaadaan ka baabbi'iyey. Oo waxaan kuu bixin doonaa magac weyn, oo la mid ah magacyada kuwa waaweyn oo dhulka jooga. 10 Oo dadkayga reer binu Israa'iilna meel baan u dooran doonaa, oo waan ku beeri doonaa inay meeshooda degganaadaan oo ayan mar dambe dhaqdhaqaaqin, ama ayan ilmaha sharku mar dambe dhibin sidii markii hore, 11 iyo tan iyo maalintii aan xaakinno ku amray inay dadkayga reer binu Israa'iil u taliyaan. Oo adiga waan kaa nasin doonaa cadaawayaashaada oo dhan. Oo weliba Rabbigu wuxuu kuu sheegayaa inuu reer kuu yeeli doono. 12 Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad la seexato awowayaashaa, farcankaaga kaa dambeeya oo kaa soo bixi doona ayaan sara kicin doonaa, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa. 13 Oo isna guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshiga boqortooyadiisa weligiis. 14 Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo hadduu dembi galona, waxaan ku edbin doonaa usha dadka iyo garaacidda binu-aadmiga, 15 laakiinse naxariistaydu ka dhammaan mayso isaga, sidii aan Saa'uul uga dhammeeyey oo kale, kaasoo ahaa kii aan hortaa fogeeyey. 16 Oo reerkaaga iyo boqortooyadaadaba waxaa laga dhigi doonaa kuwo weligood hortaada ku raaga, oo carshigaaguna weligiis wuu dhisnaan doonaa. 17 Haddaba siday erayadaas oo dhan iyo tusniintaas oo dhammu ahaayeen ayaa Naataan kula hadlay Daa'uud.

Baryadii Daa'uud

18 Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Sayidow, Rabbow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay? 19 Oo weliba waxanu hortaada wuu ku yaraa, Sayidow, Rabbow, laakiinse waxaad kaloo ka sii hadashay reerkaygu wuxuu wakhti dheer noqon doono, oo Sayidow, Rabbow, taasu ma caadada dadkaa? 20 Sayidow, Rabbow! Bal maxaan kaloo kugu odhan karaa? Waayo, waad i garanaysaa anoo addoonkaaga ah, Rabbow Ilaahow. 21 Eraygaaga aawadiis iyo qalbigaagu siduu yahay ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad i ogeysiisid anoo addoonkaaga ah. 22 Haddaba, Rabbow Ilaahow, waad weyn tahay, waayo, mid kula mid ahu ma jiro, oo adiga mooyaane Ilaah kale ma jiro, siday ahaayeen kulli wixii aannu dhegahayaga ku maqalnay oo dhammu. 23 Bal quruuntee baa dunida joogta oo la mid ah dadkaaga reer binu Israa'iil, kuwaasoo adiga qudhaadu aad soo furatay inay dad kuu ahaadaan, iyo inaad magac isu yeesho, oo aad waxyaalo waaweyn isu samayso, iyo inaad dalkaaga aawadiis waxyaalo cabsi leh ugu samayso dadkaaga hortiisa, kuwaasoo aad ka soo furatay dalkii Masar, iyo quruumaha iyo ilaahyadooda? 24 Oo waxaad dhisatay dadkaagii reer binu Israa'iil inay dad kuu ahaadaan weligood, oo Ilaahood baad noqotay, Rabbiyow. 25 Haddaba, Rabbow Ilaahow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah oo ku saabsanaa reerkayga weligaa adkee oo sidaad ugu hadashay yeel. 26 Oo magacaaguna ha weynaado weligiis, hana la yidhaahdo, Rabbiga ciidammadu waa Ilaaha u taliya reer binu Israa'iil, oo anoo addoonkaaga Daa'uud ah reerkayguna wuu ku dhismi doonaa hortaada. 27 Waayo, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan ku baryo. 28 Haddaba, Sayidow, Rabbow, waxaad tahay Ilaah, oo erayadaaduna waa run, oo waxan wanaagsanna waad ii ballanqaadday anoo addoonkaaga ah. 29 Haddaba, Sayidow, Rabbow, waan ku baryayaaye, anoo addoonkaaga ah, barakee reerkayga inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, adigaa taas ku hadlay, oo reerkayguna weligiis ha barakaysnaado.

Guulihii Daa'uud

Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay, oo jebiyey, oo Daa'uudna wuxuu gacantii reer Falastiin ka qaaday magaalada la yidhaahdo Meteg Ammaah. Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo intuu dhulka jiifiyey ayuu xadhig ku qiyaasay, oo markaasuu laba xadhig wuxuu u qiyaasay in la dilo, xadhig buuxana wuu la hadhay iyagoo nool. Oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen. Daa'uudna wuxuu kaloo dilay boqorkii Soobaah, oo ahaa Hadadceser ina Rexob, intuu ku socday inuu dowladnimadiisii ku soo ceshado Webiga agtiisa. Oo Daa'uud wuxuu isagii ka qabsaday kun iyo toddoba boqol oo fardooley ah, iyo labaatan kun oo nin oo lug ah; oo Daa'uudna wuxuu boqno jaray fardihii gaadhiyada waday oo dhan, laakiinse iyagii boqol gaadhifaras buu uga reebay. Oo reer Suuriyihii Dimishaqna markay u yimaadeen inay u hiiliyaan boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser, Daa'uud wuxuu reer Suuriya ka laayay laba iyo labaatan kun oo nin. Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba. Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadadceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem. Oo magaalooyinkii Hadadceser oo ahaa Betax, iyo Beerootay Boqor Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad iyo aad u badan. Oo Tocii oo ahaa boqorkii Xamaad markuu maqlay in Daa'uud laayay ciidankii Hadadceser oo dhan, 10 ayaa Tocii wiilkiisii Yooraam u soo diray inuu soo salaamo Boqor Daa'uud oo uu u soo duceeyo, maxaa yeelay, wuxuu la diriray oo dilay Hadadceser; waayo, Hadadceser wuxuu la diriri jiray Tocii. Oo Yooraamna wuxuu keenay weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah iyo weelal naxaas ah, 11 oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu quduuska ka dhigay oo uu ka soo dhacay quruumihii uu jebiyey oo dhan; 12 kuwaas oo ahaa reer Suuriya, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq, iyo dhicii uu boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser ina Rexob ka helay. 13 Oo Daa'uudna magac buu isu yeelay markuu ka soo noqday layntii uu reer Suuriya Dooxadii Cusbada kaga laayay siddeed iyo tobanka kun oo nin. 14 Oo wuxuu Edom dhex dhigay rugo askareed; oo Edom oo dhanna wuxuu dhex dhigay rugo askareed, oo reer Edom oo dhammuna Daa'uud bay addoommo u noqdeen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.

Mas'uuliyiintii Daa'uud

15 Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey; oo Daa'uud wuxuu dadkiisii oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad. 16 Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay; oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud, 17 oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, oo Seraayaahna wuxuu ahaa karraani; 18 Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen wasiiro.

Luukos 15:1-10

Laxdii Hallowday(A)

15 Waxaa Ciise u soo dhowaanayay cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha oo dhan inay maqlaan. Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.

Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi, Ninkiinnee baa tiro ido ah leh, oo middood ka hallowday, aan sagaal iyo sagaashanka cidlada kaga tegin, oo aan tii hallowday ka daba tegin, ilaa uu soo helo? Oo goortuu soo helo, aan garbihiisa saarin, isagoo faraxsan. Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday? Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobadkeena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn.

Lacagtii Luntay

Ama naagtee baa toban [a]daraakmo oo lacag ah leh, oo hadday daraakmo lumiso, aan laambad shidin, oo aan guriga xaaqin, oo aan dadaal ku doonin ilaa ay hesho? Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay. 10 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya