Old/New Testament
Dalka Hadhay Oo La Qabsan Doona
13 Yashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo. 2 Oo dalka weli hadhay waxa weeye kan: gobollada reer Falastiin oo dhan iyo reer Geshuur oo dhan, 3 tan iyo Shiixoorta ku taal Masar horteeda, iyo xataa tan iyo soohdinta Ceqroon ee xagga woqooyi, ee loo tiriyo reer Kancaan, iyo shanta amiir ee reer Falastiin oo u taliya reer Gaasa, iyo reer Ashdood, iyo reer Ashqeloon, iyo reer Gad, iyo reer Ceqroon, 4 iyo xataa reer Caw oo xagga koonfureed xiga, iyo dalka reer Kancaan oo dhan, iyo Mecaaraah tan ay reer Siidoon leeyihiin, iyo ilaa Afeeq, iyo tan iyo soohdinta reer Amor, 5 iyo dalka reer Gebal iyo Lubnaan oo dhan, xagga qorrax ka soo baxa, inta laga bilaabo Bacal Gaad tan ku taal Buur Xermoon hoosteeda, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad. 6 Dadka deggan dalka buuraha leh oo dhan, tan iyo Lubnaan iyo ilaa Misrefood Mayim, iyo xataa reer Siidoon oo dhan kulligood waxaan ka eryi doonaa reer binu Israa'iil hortooda; laakiinse waa inaad dhaxal ahaan ugu qori riddaa reer binu Israa'iil sidaan kugu amray. 7 Haddaba dalkan dhaxal ahaan ugu qaybi sagaalka qabiil iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis,
Kala Qaybintii Dhulka Xagga Bariga Ee Webi Urdun
8 Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga, 9 tan iyo Carooceer oo ku taal dooxadii Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo banka Meedebaa oo dhan iyo xataa tan iyo Diibon, 10 iyo dhammaan magaalooyinkii Siixon oo boqor u ahaa reer Amor uu ku xukumi jiray Xeshboon, tan iyo soohdinta reer Cammoon, 11 iyo Gilecaad, iyo soohdinta reer Geshuur, iyo reer Macakaad, iyo Buur Xermoon oo dhan, iyo Baashaan oo dhan iyo ilaa Salkaah, 12 iyo boqortooyadii Baashaan ku tiil oo dhan oo Coog ka xukumi jiray Cashtarod iyo Edrecii (Isagu wuxuu ka hadhay reer Rafaa), waayo, kuwaas waxaa laayay Muuse, wuuna eryay. 13 Habase yeeshee reer binu Israa'iil ma ay eryin reer Geshuur iyo reer Macakaad toona; laakiinse reer Geshuur iyo reer Macakaad waxay dhex deggan yihiin reer binu Israa'iil ilaa maantadan la joogo. 14 Oo waxaanu dhaxal siin qabiilkii reer Laawi oo keliya. Sidii Rabbigu kula hadlay isaga, waxaa dhaxal u ahaa qurbaannada loo bixiyo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
15 Oo Muuse wuxuu reer Ruubeen qabiilkoodii wax u siiyey sidii reerahoodu ahaayeen. 16 Oo xuduudkoodu wuxuu ka bilaaban jiray Carooceer taas oo ku taal dooxada Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo kulli banka Meedebaa u dhow oo dhan, 17 iyo Xeshboon, iyo kulli magaalooyinkeeda banka ku yaal oo dhan, kuwaasoo ah, Diibon iyo Baamood Bacal, iyo Beyd Bacal Mecoon, 18 iyo Yahas, iyo Qedemood, iyo Mefacad, 19 iyo Qiryatayim, iyo Sibmaah, iyo Sered Shahar oo ku taal buurta dooxada, 20 iyo Beytfecoor, iyo dhaadhacyadii Fisgaah, iyo Beytyeshimood, 21 iyo kulli magaalooyinkii banka oo dhan, iyo boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa boqortooyadiisii oo dhan, kaas oo xukumi jiray Xeshboon, oo Muuse la dilay madaxdii reer Midyaan, kuwaasoo ahaa Ewii, iyo Reqem, iyo Suur, iyo Xuur, iyo Rebac, oo ahaa amiirradii Siixon oo dalkaas degganaa. 22 Weliba faaliyaha Balcaam oo ahaa ina Becoor ayay reer binu Israa'iil seef kula dileen dadkii kaloo ay laayeen. 23 Reer Ruubeen dalkooduna wuxuu ahaa Urdun, iyo inta soohdintiisa ah oo dhan. Kanu waa dhaxalkii reer Ruubeen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodiiba.
24 Oo Muuse wax buu siiyey qabiilkii reer Gaad, oo wuxuu wax u siiyey reer Gaad sidii reerahoodu ahaayeen. 25 Oo xuduudkooduna wuxuu ka koobnaa Yacser, iyo magaalooyinkii Gilecaad oo dhan, iyo dalkii reer Cammoon badhkiis, iyo tan iyo Carooceer oo ku hor taal Rabbaah, 26 iyo ilaa Xeshboon iyo tan iyo Raamad-misfaah, iyo Betoniim, iyo tan iyo Maxanayim iyo ilaa soohdinta Debiir, 27 iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta. 28 Kanu waa dhaxalkii ay reer Gaad u heleen sidii reerahoodu ahaayeen iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii.
29 Oo Muusena wuxuu dhaxal siiyey qabiilkii reer Manaseh badhkiis. Wuxuu u ahaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis sidii reerahoodu ahaayeen. 30 Oo xuduudkoodu wuxuu ka koobnaa Maxanayim, iyo Baashaan oo dhan, iyo boqorkii Baashaan oo Coog ahaa boqortooyadiisii oo dhan, iyo magaalooyinkii Yaa'iir oo Baashaan ku yiil oo dhan, kuwaasoo ahaa lixdan magaalo; 31 iyo Gilecaad badhkeed, iyo Cashtarod, iyo Edrecii, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil, waxaa la siiyey reer Maakiir kaasoo ahaa ina Manaseh, oo waxaa loo siiyey reer Maakiir badhkood sidii reerahoodu ahaayeen.
32 Kuwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta. 33 Laakiinse qabiilkii reer Laawi Muuse dhaxal ma uu siin. Waxaa dhaxal u ah Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu kula hadlay iyaga.
Kala Qaybintii Dhulka Xagga Galbeedka Ee Webi Urdun
14 Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen. 2 Oo sidii Rabbigu ku amray Muuse sagaal qabiil iyo qabiil badhkiis saami bay ku heleen dhaxalkoodii. 3 Waayo, Muuse wuxuu laba qabiil iyo qabiil badhkiis dhaxal ka siiyey Webi Urdun shishadiisa: laakiinse reer Laawi innaba dhaxal ma uu siin. 4 Maxaa yeelay, reer Yuusuf waxay ahaayeen laba qabiil, oo kala ah reer Manaseh iyo reer Efrayim; oo dhulkii qayb lagama siin reer Laawi magaalooyinkii ay degganaayeen mooyaane, iyo agagaarkoodii ay xoolahoodii iyo alaabtoodii ku hayn jireen. 5 Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay reer binu Israa'iil yeeleen, oo dalkiina way qaybsadeen.
Xebroon Oo La Siiyey Kaaleeb
6 Markaasaa reer Yahuudah waxay u soo dhowaadeen Yashuuca oo Gilgaal joogay; oo Kaaleeb ina Yefunneh, oo ahaa reer Qenes, wuxuu isagii ku yidhi, Waad garanaysaa wixii aniga iyo adiga inagu saabsanaa oo Rabbigu u sheegay Muuse oo ahaa nin Ilaah, markaynu Qaadeesh Barneeca joognay. 7 Afartan sannadood baan jiray markii addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa iga diray Qaadeesh Barneeca inaan dalka soo basaaso; oo sidii qalbigayga ku jirtay ayaan ugu soo war celiyey. 8 Habase yeeshee walaalahaygii i raacay ayaa dadka qalbi dhalaaliyey, laakiinse anigu daacad baan u raacay Rabbiga Ilaahayga ah. 9 Oo maalintaas ayuu Muuse dhaartay, oo yidhi, Hubaal dhulkii cagtaadu ku joogsatay wuxuu dhaxal u ahaan doonaa adiga iyo carruurtaada weligiin, maxaa yeelay, daacad baad u raacday Rabbiga Ilaahayga ah. 10 Oo haddaba bal eeg, Rabbigu waa i soo gaadhsiiyey ilaa haatan, anoo nool, siduu ku hadlay, oo shan iyo afartankan sannadood baa ka dambaysay markii Rabbigu Muuse eraygan kula hadlay, oo waxay ahayd intii ay reer binu Israa'iil cidlada dhex socdeen; oo haatanna maanta waxaan jiraa shan iyo siddeetan sannadood. 11 Oo weliba maanta iyo maalintii Muuse i diray isku xoog baan ahay; oo intii itaalkaygu waagaas ahaa ayuu haatanna yahay inaan dagaal galo, iyo inaan baxo, soona galo. 12 Haddaba sidaas daraaddeed i sii buurtan Rabbigu maalintaas ka hadlay, waayo, waad maqashay maalintaas in reer Canaaq halkaas joogay, oo ay magaalooyinkoodu waaweynaayeen, deyrarna lahaayeen. Mindhaa Rabbigaa ila jiri doona, waanan eryi doonaa sidii Rabbigu ku hadlay. 13 Markaasaa Yashuuca u duceeyey isagii, oo Kaaleeb ina Yefunneh dhaxal u siiyey Xebroon. 14 Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 15 Oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac; oo Arbacna wuxuu ahaa ninkii ugu weynaa reer Canaaq. Oo dalkiina dagaal wuu ka xasillay.
Qaybtii Yahuudah
15 Oo reer Yahuudah qabiilkoodii waxay qayb u heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen ilaa soohdinta Edom, iyo tan iyo xataa cidlada Sin ee xagga koonfureed ka xigta, iyo xagga koonfureed ee ugu shishaysa. 2 Oo soohdintooda koonfureedna waxay gaadhsiisnayd xagga ugu shishaysa ee Badda Cusbada leh, iyo tan iyo gacanka koonfur u jeeda, 3 oo waxay u baxday xagga koonfureed ee jiirta Caqrabbiim, oo waxay u dhaaftay xagga Sin, oo haddana waxay martay xagga koonfureed oo Qaadeesh Barneeca, oo ay martay xagga Xesroon, oo waxay kor ugu baxday xagga Addaar, oo u laabatay xagga Qarqaacaa; 4 oo waxay u sii dhaaftay xagga Casmoon, oo haddana waxay u baxday xagga durdurka Masar, oo soohdinta waxaa dhammaadkeedu ahaa badda; taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna koonfureed. 5 Oo soohdinta barina waxay ahayd ilaa Badda Cusbada leh, iyo tan iyo meesha uu Webi Urdun ku dhammaado. Oo waaxda woqooyi soohdinteeduna waxay ahayd badda gacankeeda u dhow meesha uu Webi Urdun ku dhammaado; 6 oo soohdintu waxay martay ilaa Beytxoglaah, oo waxay sii martay xagga woqooyi oo u dhow Beytcaraabaah; oo soohdintu waxay martay dhagaxii Bohan ina Ruubeen; 7 oo soohdintu waxay sii martay Debiir, marka laga tago dooxadii Caakoor, iyo xagga woqooyi ee ku soo jeedda Gilgaal, taasu waxa weeyaan meel ku toosan jiirta Adummiim, taasoo ku taal webiga dhiniciisa koonfureed; oo soohdintu waxay sii martay biyaha Ceyn Shemesh, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa Ceyn Rogeel agteeda; 8 oo soohdintu waxay sii martay dooxadii ina Xinnom iyo ilaa xagga koonfureed ee Yebuus. Taasu waa Yeruusaalem. Oo soohdintu waxay kor ugu baxday buurta ku taal dooxadii Xinnom horteeda ee xaggeeda galbeed, taasoo ku taal dooxada xagga woqooyi oo ugu fog ee reer Rafaa. 9 Oo soohdintu waxay ka soo baxday buurta dhaladeeda ilaa isha biyaha ee Neftoo'ax, oo ay u baxday xagga magaalooyinkii ku yiil Buur Cefroon; oo soohdintu waxay sii martay xagga Bacalaah, (taasu waxa weeyaan Qiryad Yecaariim), 10 markaasay soohdintu ka laabatay Bacalaah galbeedkeeda ilaa Buur Seciir, oo waxay sii martay Buur Yecaariim dhinaceeda woqooyi (taasuna waxa weeyaan Kesaaloon), oo waxay hoos ugu dhaadhacday xagga Beytshemesh, oo waxay sii martay Timneh; 11 markaasay soohdintu u baxday dhinaca woqooyi oo Ceqroon; oo haddana soohdintu waxay u baxday Shikeroon, oo waxay sii martay Buur Bacalaah, oo waxay u baxday Yabne'eel agteeda; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa badda. 12 Oo soohdinta xagga galbeedna waxay ahayd tan iyo badda weyn iyo xeebteeda. Intaasu waa soohdintii ku soo wareegi jirtay reer Yahuudah sida reerahoodu ahaayeen.
13 Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon). 14 Oo Kaaleebna halkaas wuxuu ka eryay saddexdii wiil oo Canaaq, kuwaasoo ahaa Sheeshay, iyo Axiiman, iyo Talmay, oo ahaa ilma Canaaq. 15 Oo halkaasuu ka tegey oo la diriray dadkii Debiir degganaa; oo waagii hore Debiir magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Sefer. 16 Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah. 17 Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey. 18 Oo markay isagii u timid waxay ku deddejisay inuu aabbeheed beer weyddiisto: oo markay dameerkeedii ka soo degtay ayaa Kaaleeb ku yidhi, Maxaad doonaysaa? 19 Kolkaasay ku tidhi, Hadiyad i sii, waayo, waxaad i siisay dalka Koonfureed, weliba i sii ilo biyo ah. Markaasuu siiyey ilihii sare iyo ilihii hoose.
20 Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen.
21 Oo qabiilkii reer Yahuudah magaalooyinkoodii ugu fogaa xagga soohdinta koonfureed oo Edom waxay ahaayeen Qabse'eel, iyo Ceeder, iyo Yaaguur, 22 iyo Qiinaah, iyo Diimoonaah, iyo Cadcaadaah, 23 iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Itnaan, 24 iyo Siif, iyo Telem, iyo Becaalood, 25 iyo Xaasoor Xadataah, iyo Qiryood Xesroon (oo taasuna waa Xaasoor qudheeda), 26 iyo Amaam, iyo Shemac, iyo Molaadaah, 27 iyo Xasar Gaddaah, iyo Xeshmoon, iyo Beytfeled, 28 iyo Xasar Shuucaal, iyo Bi'ir Shebac, iyo Bisyootiyaah, 29 iyo Bacalaah, iyo Ciyiim, iyo Cesem, 30 iyo Eltoolad, iyo Kesiil, iyo Xormaah, 31 iyo Siiqlag, iyo Madmannaah, iyo Sansannaah, 32 iyo Lebaa'ood, iyo Shilxiim, iyo Cayn, iyo Rimmon, oo magaalooyinka oo dhan iyo tuulooyinkooduba waa sagaal iyo labaatan.
33 Oo dalka dooxadana waxay ku lahaayeen Eshtaa'ool, iyo Sorcaah, iyo Ashnaah, 34 iyo Saanoo'ax, iyo Ceyn Ganniim, iyo Tafuu'ax, iyo Ceynaam, 35 iyo Yarmuud, iyo Cadullaam, iyo Sokoh, iyo Caseeqaah, 36 iyo Shacarayim, iyo Cadiitayim, iyo Gedeeraah, iyo Gedeerootayim, oo iyana waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
37 Iyo Senaan, iyo Xadaashaah, iyo Migdal Gaad, 38 iyo Dilcaan, iyo Misfaah, iyo Yoqte'eel, 39 iyo Laakiish, iyo Bosqad, iyo Cegloon, 40 iyo Kabboon, iyo Laxmaam, iyo Kitliish, 41 iyo Gedeerood, iyo Beytdagoon, iyo Nacamaah, iyo Maqeedaah, iyana waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
42 Libnaah, iyo Ceter, iyo Caashaan, 43 iyo Yiftaax, iyo Ashnaah, iyo Nesiib, 44 iyo Qeciilaah, iyo Aksiib, iyo Maareeshaah, oo iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.
45 Ceqroon, iyo magaalooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii, 46 iyo Ceqroon iyo ilaa badda, iyo kulli intii u dhowayd Ashdood iyo tuulooyinkoodii.
47 Ashdood iyo magaalooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii, iyo Gaasa iyo magaalooyinkeedii, iyo tuulooyinkeedii, iyo ilaa durdurkii Masar, iyo ilaa badda weyn, iyo soohdinteeda.
48 Iyo dalkii buuraha lahaa oo dhan, iyo Shamiir, iyo Yatiir, iyo Sokoh, 49 iyo Dannaah, iyo Qiryad Sannaah (taasoo Debiir ah), 50 iyo Canaab, iyo Eshtemoh, iyo Caaniim, 51 iyo Goshen, iyo Xolon, iyo Giloh, iyana waa koob iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
52 Araab, iyo Duumah, iyo Eshecaan, 53 iyo Yaaniim iyo Beyd Tafuu'ax, iyo Afeeqaah, 54 Xumtaah, iyo Qiryad Arbac (taasoo ah Xebroon), iyo Siicor, iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.
55 Iyo Maacoon, iyo Karmel, iyo Siif, iyo Yutaah, 56 iyo Yesreceel, iyo Yokdecaam, iyo Saanoo'ax, 57 Kayn, iyo Gibecaah, iyo Timneh, iyana waa toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
58 Xalxuul, iyo Beytsuur, iyo Gedoor, 59 iyo Macaraad, iyo Beytcanood, iyo Elteqon, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.
60 Qiryad Bacal (taasoo ah Qiryad Yecaariim), iyo Rabbaah, iyana waa laba magaalo iyo tuulooyinkoodii.
61 Xagga cidladana waxay ku lahaayeen Beytcaraabaah, iyo Middiin, iyo Sekaakaah, 62 iyo Nibshaan iyo Magaalada Cusbada leh iyo Ceyn Gedii, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.
63 Xagga reer Yebuus, kuwaasoo Yeruusaalem degganaa, reer Yahuudah way eryi kari waayeen; laakiinse reer Yebuus Yeruusaalem bay la degganaayeen reer Yahuudah ilaa maantadan la joogo.
Dhalashadii Yooxanaa Baabtiisaha; Aabbihiis Gabaygiisii Ammaanta Ahaa
57 Hadda Elisabed wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay, oo wiil bay dhashay. 58 Derisyadeedii iyo xigaalkeedii ayay maqleen siduu Rabbigu naxariistiisii ugu weyneeyey iyada, wayna la farxeen. 59 Waxaa dhacay inay maalintii siddeedaad u yimaadeen inay wiilkii gudaan, oo waxayna u bixiyeen magicii aabbihiis Sakariyas. 60 Kolkaasaa hooyadiis u jawaabtay oo ku tidhi, Sidaas ma aha; waxaase loogu yeedhi doonaa Yooxanaa. 61 Waxay ku yidhaahdeen, Xigaalkaaga kuma jiro qof magacaas loo bixiyey. 62 Waxay aabbihiis gacan ugu tilmaameen oo weyddiiyeen wuxuu doonayay in loogu yeedho. 63 Markaasuu wuxuu weyddiistay loox oo ku qoray, isagoo leh, Magiciisu waa Yooxanaa. Wayna wada yaabeen. 64 Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay. 65 Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan. 66 Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.
67 Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh,
68 Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil,
Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay.
69 Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey
Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,
70 (Siduu afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray),
71 Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan,
72 Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen,
Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto,
73 Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,
74 Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey
Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno
75 Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.
76 Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya,
Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;
77 Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada
Ee dembidhaafkooda ah,
78 Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna,
Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,
79 Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada,
Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,
80 Wiilkuna waa koray oo ruuxuu ka xoogoobay, wuxuuna joogay cidlada ilaa maalintii uu Israa'iil istusi lahaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya