Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Baxniintii 23-24

Shuruucda Caddaaladda Iyo Naxariista

23 Waa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaqdaran noqone. Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan, waana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.

Haddaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa. Haddaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.

Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin. Wax been ah ka fogow; oo ha dilin mid aan eed lahayn iyo kan xaqa ah; waayo, anigu xaq ka dhigi maayo kan shar fala. Oo waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa. Oo qariib waa inaadan dulmin; waayo, qalbiga qariibka waad garanaysaan, maxaa yeelay, idinba qariib baad dalkii Masar ku ahaydeen.

Qaynuunnadii Sabtida

10 Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa, 11 laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah. 12 Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan. 13 Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.

Saddexda Iid Ee Sannadka

14 Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa. 15 Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan. 16 Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay. 17 Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.

18 Oo waa inaadan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh; baruurta iiddayduna waa inaanay hadhin habeenka oo dhan ilaa subaxda. 19 Oo dhulkaaga midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahaaga ah geeysaa. Waa inaadan waxar caanaha hooyadiis ku karin.

Malaa'igta Rabbiga Oo Jidka Diyaarin Doonta

20 Bal eeg, waxaan hortaada u soo dirayaa malaa'ig, inay jidka kugu dhawrto oo ay meeshii aan diyaarshay ku geeyso. 21 Iyada iska jira, oo codkeeda dhegaysta, hana ka xanaajinina, waayo, iyadu xadgudubkiinna idinkama cafiyi doonto; maxaa yeelay, iyada magacaygii baa ku dhex jira. 22 Laakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga. 23 Waayo, malaa'igtaydu way ku hor socon doontaa, oo waxay ku dhex geeyn doontaa reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feres, iyo reer Kancaan, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus; oo kolkaasaan iyaga baabbi'in doonaa. 24 Waa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada afgembidaa, oo aad sanamyadoodana jejebisaa. 25 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u adeegtaan, oo isaguna wuu idiin barakayn doonaa kibistiinna iyo biyihiinna; oo anna cudur waan ka fogayn doonaa dhexdiinna. 26 Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa. 27 Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan. 28 Oo waxaan hortaa diri doonaa xoon, kaas oo reer Xiwi, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed hortaada ka eryi doona. 29 Oo iyaga sannad uun hortaada ka eryi maayo, waayo, waaba intaasoo dhulku cidla noqdaa, oo dugaagga duurku kugu bataa. 30 In yar in yar ayaan hortaada ka eryi doonaa, ilaa aad adigu badatid oo aad dalka dhaxashid. 31 Oo waxaan soohdintaada ka dhigi doonaa Badda Cas iyo tan iyo badda reer Falastiin, iyo cidlada ilaa tan iyo Webiga, waayo, dadka dhulka deggan waxaan gelin doonaa gacantaada, markaasaad hortaada ka eryi doontaa. 32 Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona. 33 Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.

Axdiga Oo La Xaqiijiyey

24 Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Soo fuula oo Rabbiga u kaalaya, adiga iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah, oo meel fog ka caabuda; oo Muuse oo keliyahu waa inuu Rabbiga u soo dhowaada, laakiinse iyagu waa inayan soo dhowaan, dadkuna yuusan la soo fuulin. Markaasaa Muuse dadkii u yimid, oo wuxuu u sheegay hadalladii Rabbiga oo dhan iyo amarradii oo dhan. Markaasaa dadkii oo dhammu isku cod ku jawaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ereyadii Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa. Markaasaa Muuse wuxuu qoray ereyadii Rabbiga oo dhan, kolkaasuu aroor hore kacay, oo buurta hoosteedii wuxuu ka dhisay meel allabari iyo laba iyo toban tiir, sidii laba iyo tobankii qolo oo reer binu Israa'iil ay ahaayeen. Kolkaasuu wuxuu diray raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabaryo la gubo iyo qurbaanno nabaadiino oo dibiyo ah. Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii badhkiis oo wuxuu ku shubay xeedhooyin; oo dhiiggii badhkiisna wuxuu ku rusheeyey meeshii allabariga. Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa. Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii, oo dadkii ku rusheeyey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega dhiiggii axdiga oo Rabbigu idinla dhigtay oo ku saabsan hadalladan oo dhan. Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah. 10 Markaasay waxay arkeen Ilaahii reer binu Israa'iil; oo waxaa cagihiisa ka hooseeyey sallax dhagax safayr ah oo sida samada u daahirsan. 11 Oo odayaashii reer binu Israa'iilna far ma uu saarin, oo Ilaah bay arkeen, waxna way cuneen oo cabbeen.

12 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal kaalay oo buurta ii soo fuul, oo halkaas iska joog; oo waxaan ku siinayaa looxyada dhagaxa ah, iyo sharcigii iyo qaynuunnadii aan qoray, inaad iyaga bartid. 13 Kolkaasaa Muuse sara kacay, isaga iyo midiidinkiisii Yashuuca, oo Muuse wuxuu fuulay buurtii Ilaah. 14 Oo wuxuu odayaashii ku yidhi, Idinku halkan noo jooga, ilaa aan mar kale idiin nimaadno, oo bal eega, waxaa idinla jooga Haaruun iyo Xuur; ku alla kii dacwo qaba, iyaga ha u yimaado. 15 Markaasaa Muuse wuxuu fuulay buurtii, oo buurtiina waxaa qarisay daruur. 16 Oo ammaantii Rabbiguna waxay dul joogtay Buur Siinay, oo daruurtuna way qarinaysay intii lix maalmood ah, oo maalintii toddobaad ayaa Rabbigu Muuse uga dhex yeedhay daruurtii. 17 Oo muuqashada ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil ula ekayd sidii dab wax gubaya buurta dusheeda. 18 Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.

Matayos 20:1-16

Masaalka Ku Saabsan Shaqaalayaasha Beerta Canabka Ah

20 Boqortooyada jannada waxay u eg tahay nin oday reer u ah oo aroortii hore baxay inuu shaqaalayaal u kireeyo beertiisa canabka ah. Oo goortuu shaqaalayaal maalintii kula heshiiyey dinaar, ayuu beertiisii canabka ahayd u diray iyagii. Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan, oo wuxuu kuwaas ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga oo wixii xaq ah ayaan idin siin doonaa. Wayna tageen. Haddana saacaddii lixaad iyo saacaddii sagaalaad wuu baxay oo sidaas oo kale ayuu sameeyey. Saacaddii koob iyo tobnaad intuu baxay wuxuu arkay qaar kale oo taagtaagan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maalintii oo dhan halkan shuqulla'aan ula taagtaagan tihiin? Waxay ku yidhaahdeen Maxaa yeelay, cidna nama kiraysan. Wuxuu ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga.

Goortii makhribkii la gaadhay, sayidkii beertii canabka ahayd ayaa wakiilkiisii ku yidhi, Shaqaalayaasha u yeedh oo mushahaaradooda sii, oo waxaad ka bilowdaa kuwii ugu dambeeyey ilaa kuwii ugu horreeyey. Goortay yimaadeen, kuwii saacaddii koob iyo tobnaad baxay, waxay wada heleen dinaar dinaar. 10 Kuwii hore goortay yimaadeen waxay u malaynayeen inay wax ka badan helayaan, iyaguna sidaas oo kale dinaar dinaar bay heleen. 11 Oo intay qaadanayeen ayay odaygii reerka ku gunuunaceen, 12 oo waxay ku yidhaahdeen, Kuwan dambeeyey waxay shaqeeyeen saacad keliya, oo waad nagala mid dhigtay annagoo sidnay shaqadii cuslayd ee maalinta iyo kulaylkii. 13 Laakiin wuu u jawaabay oo midkood ku yidhi, Saaxiibow, xumaan kuguma aan samayn. Sow dinaar igulama heshiin? 14 Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale. 15 Miyaynan igu hagaagsanayn inaan waxayga ku sameeyo wixii aan doonayo? Ma waxaase ishaadu u xun tahay wanaagsanaantayda aawadeed? 16 Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya