Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Bilowgii 33-35

Yacquub Oo Ceesaw La Kulmay

33 Markaasaa Yacquub indhihiisii kor u taagay oo wax fiiriyey, wuxuuna arkay Ceesaw oo soo socda, oo afar boqol oo nin wata. Kolkaasuu carruurtii u qaybiyey Lee'ah, iyo Raaxeel, iyo labadii addoon. Markaasuu addoommihii iyo carruurtoodii ugu hor mariyey, Lee'ah iyo carruurteediina wuu ku xigsiiyey, Raaxeel iyo Yuusufna wuu ugu dambaysiiyey. Isna markaasuu ka hor gudbay, toddoba goor buuna sujuuday, intuusan walaalkiis u soo dhowaan. Ceesawna wuu ku soo orday inuu ka hor tago isaga, wuuna isku duubay, oo qoortiisuu dhab yidhi, wuuna dhunkaday, wayna ooyeen. Markaasuu Ceesaw indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay dumarkii iyo carruurtii; oo wuxuu ku yidhi, Waa ayo kuwan kula socdaa? Isna wuxuu yidhi, Waa carruurtii Ilaah intuu ii roonaaday i siiyey anoo ah addoonkaaga. Dabadeedna addoommihii iyo carruurtoodii ayaa u soo dhowaaday, wayna wada sujuudeen. Lee'ah iyo carruurteediina way u soo dhowaadeen, wayna wada sujuudeen; dabadeedna waxaa u soo dhowaaday Yuusuf iyo Raaxeel, wayna sujuudeen. Markaasuu yidhi, Maxaad ula jeeddaa kooxahan iga hor yimid oo dhan? Isna wuxuu yidhi, Inaad raalli iga noqotid, sayidkaygiiyow. Ceesawna wuxuu yidhi, Walaalkayow, wax igu filan baan haystaa; ee iska hayso waxaaga. 10 Yacquubna wuxuu yidhi, Maya, waan ku baryayaaye, haddii aad haatan raalli iga tahay, de hadiyaddayda gacantayda ka guddoon; waayo, wejigaaga waxaan u arkay sidii wejigii Ilaah loo arko, oo adna waad igu faraxday. 11 Waan ku baryayaaye, guddoon hadiyaddayda laguu keenay; maxaa yeelay, Ilaah baa ii roonaaday, oo haddana wax igu filan baan haystaa. Aad buuna u baryay, kolkaasuu guddoomay. 12 Oo wuxuu yidhi, Sodcaalkeenna aan iska sii soconno, oo ina keena, oo anna waan kaa hor marayaa. 13 Markaasuu ku yidhi isagii, Sayidkaygiiyow, waad og tahay in carruurtu ay tabar daranyihiin, adhiga iyo lo'dana waa la nuugaa; oo haddii maalin keliya aad loo sii kaxeeyo, de adhigu waa wada dhimanayaa. 14 Sayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, iga hor mar anigoo addoonkaaga ah, oo anna aayar baan soo kaxayn, anoo fiirinaya tallaabada xoolaha i hor jooga, iyo tallaabada carruurta, ilaa aan Seciir kuugu imaado, sayidkaygiiyow. 15 Markaasaa Ceesaw ku yidhi, Haddaba aan dadka ila jira qaar kaaga tago. Isna wuxuu yidhi, Maxaa looga baahan yahay? Raalli iga ahow, sayidkaygiiyow. 16 Oo maalintaasaa Ceesaw ku noqday jidkiisii ilaa Seciir. 17 Yacquubna wuxuu u sodcaalay Sukod, wuxuuna ka dhistay guri, xoolihiisiina wuxuu u sameeyey xerooyin; sidaas daraaddeed meeshaas magaceeda waxaa la yidhaahdaa Sukod.

18 Yacquubna nabad buu ku yimid magaaladii Shekem, oo ku taal dalka Kancaan, markuu ka yimid Fadan Araam; oo wuxuu degay magaalada horteeda. 19 Jagadii uu teendhadiisii ka dhistayna wuxuu ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis, oo wuxuu siistay boqol xabbadood oo lacag ah. 20 Halkaasna wuxuu ka taagay meel allabari, wuxuuna u bixiyey [a]El-elohe-Israa'iil.

Diinah Iyo Reer Shekem

34 Oo Diinah oo ahayd gabadhii Lee'ah ay Yacquub u dhashay ayaa dibadda u baxday inay soo aragto gabdhihii dalka. Markaasuu Shekem ina Xamoor kii reer Xiwi oo ahaa amiirkii dalka arkay iyadii, oo uu kaxaystay oo la jiifsaday, wuuna ceebeeyey iyadii. Naftiisiina way raacday gabadhii Yacquub oo Diinah ahayd, wuuna jeclaaday gabadhii, si raxmad lehna wuu ula hadlay gabadhii. Markaasuu Shekem la hadlay aabbihiis Xamoor, oo yidhi, Gabadhan ii doon aan guursadee. Haddaba Yacquub waa maqlay in Shekem gabadhiisii Diinah nijaaseeyey; wiilashiisiina duurka ayay xoolihiisa la joogeen; Yacquubna wuu iska aamusay ilaa ay yimaadeen. Markaasaa Xamoor oo Shekem aabbihiis ahaa Yacquub ugu tegey inuu la hadlo isaga. Oo wiilashii Yacquub ayaa duurka ka yimid markay taas maqleen; nimankiina way caloolxumaayeen, aad bayna u cadhaysnaayeen, maxaa yeelay, nacasnimo buu ku sameeyey reer binu Israa'iil markuu la jiifsaday gabadhii Yacquub, taas oo aanay jid ahayn in la sameeyo. Xamoorna wuu la hadlay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygii Shekem naftiisii aad bay u doonaysaa gabadhaada; haddaba waan ku baryayaaye, iyada sii ha guursadee. Oo aan iska guursanno, gabdhihiinna na siiya annaga, idinkuna gabdhahayaga guursada. 10 Oo waad nala degganaan doontaan; dalkuna hortiinnuu oolli doonaa; degganaada oo ku baayacmushtara dhexdiisa, oo xoolo ku yeesha. 11 Shekemna wuxuu aabbeheed iyo walaalaheed ku yidhi, Raalli iga ahaada, oo anna wixii aad i weyddiisataan waan idin siin. 12 In alla intii aad meher iyo yarad doonaysaan i weyddiista, oo anna waan idin siin intii aad igu tidhaahdaan, laakiinse gabadha i siiya aan guursadee. 13 Wiilashii Yacquubna khiyaanay ugu jawaabeen Shekem iyo aabbihiis Xamoor, wayna la hadleen, maxaa yeelay, walaashood Diinah ayuu nijaaseeyey, 14 oo waxay ku yidhaahdeen, Ma yeeli karno inaan walaashayo siinno nin buuryoqab ah; waayo, taasu ceeb bay nagu ahaan lahayd. 15 Si uun baannu idinku yeeli karnaa; taasuna waa haddii aad intiinna ragga ah oo dhan iswada guddaan, oo aad noqotaan sidayada oo kale; 16 markaasaannu gabdhahayaga idin siin doonnaa, oo annaguna waxaan guursan doonnaa gabdhihiinna, oo waannu idinla degganaan doonnaa, oo waxaynu noqon doonnaa isku dad. 17 Laakiinse haddaydnan na maqlin, inaad isguddaan, de markaas gabadhayada waannu wadan, oo waannu tegi. 18 Hadalkoodiina waa ka farxiyey Xamoor, iyo wiilkiisii Shekem. 19 Ninkii dhallinyarada ahaana dib uma uu dhigin inuu taas yeelo, maxaa yeelay, aad buu ugu faraxsanaa Yacquub gabadhiisii, Isna wuu ka wada maamuus badnaa intii guriga aabbihiis joogtay oo dhan. 20 Markaasay Xamoor iyo wiilkiisii Shekem magaaladoodii iriddeeda yimaadeen, oo ay raggii magaaladooda la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, 21 Nimankanu waa inala nabad, sidaas daraaddeed dhulka ha degeen, oo ha ka baayacmushtareen dhexdiisa, maxaa yeelay, bal eega, dhulku waa weyn yahay oo waa ku wada filan yahay. Aynu gabdhahooda guursanno, oo innana aan gabdhaheenna siinno iyaga. 22 Nimanku si uun bay inagu yeelayaan inay inala degganaadaan si aynu isku dad u noqonno, taasuna waa haddii inteenna lab oo dhan loo gudo sida ay iyagu u gudan yihiin. 23 Oo miyaan lo'dooda iyo alaabadooda iyo xayawaankooda oo dhammu noqon doonin kuweenna? Bal aynu yeelno uun, oo iyaguna way inala degganaan doonaan. 24 Markaasaa in alla intii ka baxday magaaladiisa iriddeeda waxay maqleen Xamoor iyo wiilkiisii Shekem; markaasaa la wada guday intii labka ahayd oo magaaladiisa ka baxday oo dhan. 25 Oo maalintii saddexaad, markay dhaawaca wada ahaayeen, waxay noqotay in laba ka mid ahaa wiilashii Yacquub oo ahaa Simecoon iyo Laawi, Diinah walaalaheed, uu midkood kastaa seeftiisii qaatay, oo waxay yimaadeen magaaladii, iyagoo aan la ogayn, waxayna wada laayeen intii labka ahayd oo dhan. 26 Xamoor iyo wiilkiisii Shekemna waxay ku dileen seef afkeed, Diinahna way kala baxeen gurigii Shekem, wayna iska tageen. 27 Wiilashii Yacquubna waxay yimaadeen raqdii kuwii la laayay, oo magaaladiina way dhaceen, maxaa yeelay, walaashood bay ka nijaaseeyeen. 28 Waxayna la tageen adhigoodii iyo lo'doodii iyo dameerradoodii, iyo wax alla wixii magaalada u yiil, iyo wax alla wixii duurka u joogay, 29 iyo maalkoodii oo dhan, iyo dhallaankoodii oo dhan, iyo naagahoodiiba, way qabsadeen oo way dhaceen, xataa wixii guryaha yiil oo dhan. 30 Yacquubna wuxuu Simecoon iyo Laawi ku yidhi, Dhib baad igu riddeen, maxaa yeelay, waxaad i nacsiiseen dadka dhulka deggan, oo ah reer Kancaan, iyo reer Feris. Haddaba anigoo dadkaygu yar yahay, ayay isu kay wada urursan doonaan oo ay i dili doonaan; markaasna aniga iyo reerkaygaba waa la baabbi'in doonaa. 31 Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, De miyey ku habboonayd inuu walaashayo sidii dhillo ula macaamiloodo?

Yacquub Oo Beytel Ku Laabtay

35 Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay. Markaasaa Yacquub ku yidhi dadkii gurigiisa iyo intii isaga la jirtay oo dhan, Iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo isdaahirsha, oo dharkiinnana beddesha, oo ina kiciya, aynu Beytel tagnee, oo anna halkaas meel allabari baan uga samayn doonaa Ilaahii ii jawaabay maalintii aan dhibtoonayay oo ila jiray jidkii aan maray. Markaasay Yacquub wada siiyeen ilaahyadii qalaad oo gacantooda ku jiray, iyo hilqadihii dhegahooda ku jiray, Yacquubna wuxuu ku qariyey geed Shekem ku ag yiil hoostiisa. Wayna sodcaaleen, magaalooyinkii ku wareegsanaa oo dhanna cabsi weyn baa ku dhacday, mana ay ka daba tegin reer Yacquub. Yacquubna wuxuu yimid Luus oo ku taal dalka Kancaan (taasuna waa Beytel), isagii iyo dadkii la jiray oo dhanba. Markaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, wuxuuna meeshii u bixiyey [b]Elbeytel, maxaa yeelay, Ilaah baa halkaas ugu muuqday isaga, markuu ka cararay walaalkiis. Markaasaa Debooraah oo Rebeqah midiidinteedii ahayd dhimatay, waxaana lagu aasay Beytel geedka hoostiisa; meeshaas magaceediina waxaa loo bixiyey [c]Alloon Bakuud.

Markaasaa Ilaah mar kale Yacquub u muuqday, markii uu ka yimid Fadan Araam, wuuna barakeeyey. 10 Oo waxaa Ilaah ku yidhi, Magacaagu waa Yacquub. Hadda ka dib magacaaga lama odhan doono Yacquub, laakiinse magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil. Magiciisiina wuxuu u bixiyey Israa'iil. 11 Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro; 12 oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka. 13 Ilaahna kor buu uga tegey isagii iyo meeshii uu kula hadlayba. 14 Yacquubna meeshii uu kula hadlay isaga wuxuu ka taagay tiir, kaas oo ahaa tiir dhagax ah; wuxuuna ku dul shubay qurbaan cabniin ah, saliidna wuu ku dul shubay. 15 Yacquubna meeshii Ilaah kula hadlay isaga magaceedii wuxuu u bixiyey Beytel.

Dhimashadii Raaxeel Iyo Isxaaq

16 Wayna ka sodcaaleen Beytel; oo intaanay Efrad weli soo gaadhin ayaa Raaxeel foolatay, fooshiina way ku rafaadday. 17 Oo markay fooshii ku rafaadaysay umulisadii baa ku tidhi, Ha cabsan; waayo, haatan waxaad dhalaysaa wiil kale. 18 Oo waxay noqotay in, markii ay naftu ka sii baxaysay, ay magiciisii u bixisay Benooni, waayo, way dhimatay, laakiinse aabbihiis wuxuu u bixiyey Benyaamiin. 19 Raaxeelna way dhimatay, waxaana lagu aasay jidka loo maro Efrad, taasuna waa Beytlaxam. 20 Yacquubna tiir buu ka taagay qabrigeedii; waana isla tiirka ka taagan qabrigii Raaxeel ilaa maanta. 21 Israa'iilna waa sodcaalay, oo wuxuu teendhadiisii ka dhistay munaaraddii Ceeder shishadeeda. 22 Oo waxay noqotay, intuu Israa'iil dhulkaas degganaa, in Ruubeen u tegey oo la jiifsaday addoontii aabbihiis oo Bilhah ahayd; Israa'iilna taas wuu maqlay. Wiilashii Yacquubna laba iyo toban bay ahayeen.

23 Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun. 24 Wiilashii Raaxeelna waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin. 25 Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali. 26 Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam. 27 Markaasaa Yacquub aabbihiis Isxaaq ugu yimid Mamre, iyo xagga Qiryad Arbac, taasuna waa Xebroon, oo ahayd meeshii Ibraahim iyo Isxaaq qariib ahaanta u degganaan jireen. 28 Isxaaq cimrigiisuna wuxuu ahaa boqol iyo siddeetan sannadood. 29 Isxaaqna wuu naf baxay, wuuna dhintay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii, isagoo duq ah oo cimri weyn; markaasay wiilashiisii Ceesaw iyo Yacquub isagii aaseen.

Matayos 10:1-20

Ciise Laba Iyo Tobankiisii Rasuul(A)

10 Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.

Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo [a]Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

Rasuulladii Shuqulkoodii(B)

Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina, laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah. Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay. Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya. Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina, 10 qandina jidka ha u qaadanina, ama laba khamiis, ama kabo, ama ul, waayo, shaqaaluhu cuntadiisa ayuu istaahilaa. 11 Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan. 12 Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya, 13 oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto, laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto. 14 Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba. 15 Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.

Silaca(C)

16 Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo. 17 Laakiin dad iska jira, waayo, waxay idiin dhiibi doonaan shirar, oo sunagogyadooda ayay idinku karbaashi doonaan. 18 Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn. 19 Laakiin goortay idin gacangeliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa. 20 Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya