New Testament in a Year
26 Waxaa lagu qoray meel ka korraysa isaga qorniinkii ashtakadiisii oo leh, BOQORKA YUHUUDDA. 27 Markaasaa waxaa iskutallaabo lagula qodbay laba tuug, mid midigtiisa, midna bidixdiisa. 28 Oo waxaa rumoobay Qorniinkii yidhi, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. 29 Oo kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, 30 isbadbaadi oo iskutallaabta ka soo deg. 31 Sidaas oo kalena ayaa wadaaddada sare dhexdooda ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmadaba, oo waxay yidhaahdeen, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. 32 Masiixa oo ah Boqorka Israa'iil haddeer iskutallaabta ha ka soo dego si aannu u aragno oo u rumaysanno. Kuwii iskutallaabaha lagula qodbayna ayaa caayay.
Ciise Waa Dhintay(A)
33 Goortii saacaddii lixaad la gaadhay, dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa ilaa saacaddii sagaalaad. 34 Saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani? taasoo micneheedu yahay, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? 35 Kuwa ag taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen yidhi, Eeg, wuxuu u yeedhayaa Eliyaas. 36 Mid baa orday, oo geed isbonji la yidhaahdo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo, wuxuuna yidhi, Daaya aannu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo soo dejiyo. 37 Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey. 38 Markaasaa daahii macbudka kor ilaa hoos laba u kala dillaacay. 39 Kolkaasaa boqol-u-taliyihii oo meel ku toosan taagnaa markuu arkay inuu sidaas ruuxiisii u baxshay, wuxuu yidhi, Runtii, ninkanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah. 40 Waxaana joogay dumar meel fog ka eegayay, oo waxaa ku dhex jirtay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub Yare iyo Yoosee hooyadood, iyo Saloome, 41 oo ah kuwa xataa intuu Galili joogay raaci jiray oo u adeegi jiray, iyo qaar kale oo badan oo Yeruusaalem u sii raacay.
Ciise Waa La Aasay(B)
42 Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, taas oo ah maalinta sabtida ka horraysa, oo markii makhribkii la gaadhay, 43 waxaa yimid Yuusuf kii reer Arimataya oo ahaa taliye murwad leh, oo isna boqortooyadii Ilaah ayuu sugayay. Isagu wuxuu dhiranaan ugu galay Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. 44 Bilaatos waa yaabay inuu hadda dhintay. Markaasuu wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyihii oo weyddiiyey, Durba miyuu dhintay? 45 Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey. 46 Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn. 47 Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya