Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

New Testament in a Year

Read the New Testament from start to finish, from Matthew to Revelation.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Matayos 27:51-66

51 Oo bal eeg, daahi macbudka ayaa kor ilaa hoos laba u kala dillaacay, dhulkiina waa gariiray, dhagaxyadiina waa kala dildillaaceen. 52 Xabaalihiina waa furmeen, oo quduusiin badan oo hurdayna meydadkoodii waa la kiciyey. 53 Sarakiciddiisa dabadeed ayay xabaalaha ka soo baxeen, oo waxay galeen magaalada quduuska ah, oo waxay u muuqdeen dad badan. 54 Boqol-u-taliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah. 55 Waxaana halkaas joogay dumar badan oo meel fog ka eegayay, kuwii Ciise ka soo raacay Galili oo u adeegi jiray isaga, 56 oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.

Ciise Waa La Aasay(A)

57 Goortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xertiisa ahaa. 58 Kaasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo. 59 Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay, 60 oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey. 61 Oo halkaas waxaa joogay Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale, oo waxay fadhiyeen meel xabaashii ka soo hor jeedda.

62 Maalintii dambe oo ku xigtay Maalintii Diyaargarayska, wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay u wada yimaadeen Bilaatos, 63 oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa. 64 Haddaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadin oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore. 65 Bilaatos wuxuu ku yidhi, Waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla intaad adkayn taqaaniin. 66 Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya