Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

New Testament in a Year

Read the New Testament from start to finish, from Matthew to Revelation.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Matayos 26:1-25

Shirqoolkii Ciise Loo Dhigay(A)

26 Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan oo dhan dhammeeyey, inuu xertiisii ku yidhi, Waxaad og tihiin laba maalmood dabadeed inay tahay Iiddii Kormaridda, oo Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelinayaa in iskutallaabta lagu qodbo. Markaasaa wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka waxay isku urursadeen barxadda wadaadkii sare oo Kayafas la odhan jiray. Oo waxay ka wada hadleen si ay Ciise khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan. Laakiin waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabshad dadka uga dhex kicin.

Ciise Oo Beytaniya Lagu Subkay(B)

Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, waxaa u timid naag haysa weel [a]alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey. Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay? Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa. 10 Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye. 11 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse mar walba idinlama joogo. 12 Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso. 13 Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

Yuudas Khiyaanadiisa(C)

14 Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyod la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare 15 oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah. 16 Markaas dabadeed wuxuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

Cashadii Ugu Dambaysay(D)

17 Maalintii ugu horraysay oo Iiddii Kibistii aan khamiirka lahayn xertii ayaa Ciise u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu kuu diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda? 18 Wuxuu yidhi, Magaalada gala oo hebel u taga oo waxaad ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Wakhtigaygii waa dhow yahay, gurigaaga ayaan cashada Iidda Kormaridda kula samaysanayaa xertayda. 19 Xertii waa samaysay sida Ciise ku amray oo cashada Iidda Kormariddii ayay diyaargareeyeen. 20 Goortii makhribkii la gaadhay, laba-iyo-tobankii xerta ahaa ayuu cunto ula fadhiistay, 21 oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona. 22 Markaasay aad iyo aad u caloolxumaadeen, oo waxay bilaabeen in mid kastaa ku yidhaahdo, Ma aniga baa, Sayidow? 23 Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Kii saxanka gacanta ila gesha kaasaa i gacangelin doona. 24 Wiilka Aadanahu waa baxayaa, siday u qoran tahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacangelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan. 25 Yuudas oo ah kii gacangeliyey ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma aniga baa, Sayidow? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya