New Testament in a Year
Isbixinta Ciise Way Ka Roon Tahay Waxay Dadkii Ku Bixin Jireen Amarkii Muuse
10 Waayo, sharcigu wuxuu leeyahay hooska waxyaalaha wanaagsan oo iman doona, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas qudheeda. Oo caabudayaasha marnaba kaamil kagama uu dhigi karo allabaryo sannad walba had iyo goor la bixiyo. 2 Haddii kale miyaan la joojiyeen in allabaryo la bixiyo? Maxaa yeelay, caabudayaashu, iyagoo mar la nadiifiyey, mar dambe dembiyo iskama ay garteen. 3 Laakiin allabaryadaas waxaa sannad walba lagu xusuustaa dembiyo. 4 Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado. 5 Saas daraaddeed kolkuu Masiixu dunida soo galay wuxuu lahaa,
Allabaryo iyo qurbaan ma aad doonaynin,
Laakiin jidh baad ii diyaarisay.
6 Waxyaalo la bixiyo oo la gubo oo dhan iyo dembi allabaryadiis kuma aad faraxsanayn.
7 Markaasaan idhi, Bal eeg, waxaan u imid
Inaan sameeyo doonistaada, Ilaahow.
Kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
8 Siduu horay u yidhi, Allabaryo iyo qurbaan iyo waxyaalo la bixiyo oo la gubo iyo dembi allabaryadiis ma aad doonayn, kumana aad faraxsanayn, kuwaas oo loo bixiyo sida sharcigu leeyahay. 9 Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaada. Wuxuu rujiyey kii kowaad si uu ka labaad u taago. 10 Sida doonistaasu tahay, waxaa quduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey.
11 Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin, 12 laakiin isagu kolkuu allabari keliya mar keliya dembiyo u bixiyey ayuu fadhiistay midigta Ilaah; 13 isagoo markaas dabadeed sugaya ilaa cadaawayaashiisa cagihiisa hoostooda la geliyo. 14 Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa quduus laga dhigay. 15 Oo taas Ruuxa Quduuska ahuna markhaati ahaan buu noogu sheegaa, waayo, kolkuu yidhi,
16 Kanu waa axdiga aan la dhigan doono iyaga
Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay;
Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa qalbigooda,
Maankoodana waan ku qori doonaa;
markaasuu wuxuu ku daray;
17 Oo dembiyadooda iyo xadgudubyadoodana mar dambe ma xusuusan doono. 18 Markii waxyaalahan la cafiyo, wax dambe oo dembi loo bixiyaa ma jiro.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya