New Testament in a Year
44 Awowayaasheen waxay cidlada ku hayeen taambuuggii maragga, sidii kii Muuse la hadlay ugu amray isaga inuu u sameeyo sidii qaabkii uu arkay. 45 Kaas ayaa awowayaasheen markoodii la soo qaadeen Yashuuca markay galeen oo qaateen dhulkii quruumihii Ilaah awowayaasheen hortooda ku eryay, ilaa waagii Daa'uud. 46 Daa'uudna Ilaah hortiis ayuu wanaag ka helay, oo wuxuu weyddiistay inuu Ilaahii Yacquub u helo meel uu dego. 47 Laakiinse Sulaymaan baa guri u dhisay.
48 Hase ahaatee Kan ugu sarreeya ma dego guryo gacmo lagu sameeyo; sida nebigu leeyahay,
49 Samadu waa carshigayga,
Dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto,
Rabbigu wuxuu leeyahay, Guri caynmaad ii dhisi doontaan?
Ama maxay tahay meeshaan ku nastaa?
50 Miyaan gacantaydu samayn waxyaalahan oo dhan?
51 Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan. 52 Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen. 53 Waxaad sharciga u hesheen sidii wax malaa'igahu hagaajiyeen, laakiinse ma aydnaan xajin.
Dhimashadii Istefanos
54 Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga. 55 Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan, 56 oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan. 57 Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii. 58 Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos. 59 Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado. 60 Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya