New Testament in a Year
19 Haddaba wadaadkii sare wuxuu Ciise wax ka weyddiiyey xertiisii iyo waxbariddiisii. 20 Ciise ayaa ugu jawaabay, Bayaan baan dunida ula hadlay, oo weligay wax baan ku bari jiray sunagogyada iyo macbudka, meesha ay Yuhuudda oo dhammi isugu timaado, oo waxba si qarsoon uma odhan jirin. 21 Maxaad ii weyddiinaysaa? Weyddii kuwa maqlay waxaan kula hadlay. Bal eeg, kuwaasaa og waxaan idhi e. 22 Markuu sidaas yidhi saraakiishii midkood oo ag taagnaa ayaa Ciise dharbaaxay isagoo leh, Ma saasaad ugu jawaabaysaa wadaadka sare? 23 Ciise ayaa ugu jawaabay, Haddii aan si xun u hadlay, xumaanta ka marag fur, haddaan si wanaagsan u hadlayse, maxaad ii dharbaaxaysaa? 24 Annas haddaba wuxuu isagoo xidhxidhan u diray Kayafas oo ahaa wadaadka sare.
25 Simoon Butros ayaa taagnaa oo dabka kulaalayay. Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma waxaad tahay xertiisii midkood? Markaasuu inkiray oo yidhi, Ma ihi. 26 Addoommadii wadaadka sare midkood oo qaraabo ay ahaayeen kii Butros uu dhegta ka gooyay wuxuu yidhi, Miyaanan beerta kugula arkin isaga? 27 Haddaba Butros mar kale ayuu inkiray, oo markiiba diiqii baa ciyey.
Ciise Wuxuu Hor Taagnaa Bilaatos Oo Ahaa Taliyihii Reer Rooma(A)
28 Haddaba Ciise ayay ka kaxeeyeen Kayafas ilaa guriga taliyaha. Waxay ahayd aroortii hore, oo iyagu ma ay gelin guriga taliyaha si aanay u nijaasoobin, laakiinse inay cashadii Iidda Kormaridda wax ka cunaan. 29 Bilaatos haddaba ayaa u soo baxay iyagii oo ku yidhi, Maxaad ku ashtakaynaysaan ninkan? 30 Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacangelinneen. 31 Haddaba Bilaatos wuxuu ku yidhi, Idinku qaata, oo sharcigiinna ku xukuma. Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen, Xalaal nooma aha inaannu nin dillo, 32 inuu ahaado hadalkii Ciise ku hadlay kolkuu sheegay siduu u dhiman doono.
33 Bilaatos haddaba guriga taliyaha ayuu mar kale galay oo Ciise u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Adigu ma waxaad tahay Boqorka Yuhuudda? 34 Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay? 35 Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacangeliyeye. Maxaad samaysay? 36 Ciise ayaa ugu jawaabay, Boqortooyadaydu tan dunidan ma aha. Haddii boqortooyadaydu tan dunidan tahay, midiidinyadaydu waa ii diriri lahaayeen inaan Yuhuudda la ii gacangelin. Imminkase boqortooyadaydu tan halkan ma aha. 37 Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Haddaba ma boqor baad tahay? Ciise ayaa ugu jawaabay, Waad tidhaahdaa inaan boqor ahay. Taas ayaan u dhashay, oo taas ayaan dunida u imid, inaan marag u furo runta. Mid kasta oo kan runta ah wuu maqlaa codkayga. 38 Bilaatos ayaa ku yidhi, Waa maxay runtu?
Oo markuu sidaa ku yidhi, mar kale ayuu Yuhuudda u baxay oo ku yidhi, Eedna isagii kuma aan helin. 39 Laakiin waxaad leedihiin caado inaan mid idiin sii daayo Iidda Kormaridda. Haddaba ma doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorkii Yuhuudda? 40 Kolkaasay dhammaan mar kale qayliyeen iyagoo leh, Ninkan ma aha, laakiin Baraabbas. Baraabbas wuxuu ahaa waxdhace.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya