New Testament in a Year
24 Yuhuuddu haddaba waxay isugu soo urureen hareerihiisa oo ku yidhaahdeen, Tan iyo goormaad shaki nagu sii wadi doontaa? Haddii aad Masiixa tahay bayaan noogu sheeg. 25 Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura, 26 laakiin ma rumaysnidin, waayo, idahayga ka mid ma ihidin. 27 Idahaygu codkaygay maqlaan, waanan garanayaa iyaga, wayna i raacaan. 28 Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda. 29 Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay. 30 Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay.
Colaaddii Yuhuudda
31 Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan. 32 Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan? 33 Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Shuqul wanaagsan aawadiis kugu dhagxin mayno, laakiin caytanka aawadiis iyo inaad adigoo nin ah Ilaah iska dhigayso. 34 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanay ku qorrayn sharcigiinna, Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo? 35 Hadduu Ilaah kuwii ereygiisu u yimid ku sheegay ilaahyo (oo Qorniinkana lama jebin karo), 36 ma waxaad ku leedihiin kii Aabbuhu quduus ka dhigay oo xagga dunida u soo diray, Waad caytantaa, waayo, waxaan idhi, Wiilka Ilaah baan ahay? 37 Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina. 38 Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro. 39 Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda.
40 Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay, 41 oo qaar badan baa u yimid isaga, waxayna ku yidhaahdeen, Runtii Yooxanaa calaamo ma samayn, laakiin wax walba oo Yooxanaa ka yidhi ninkan run bay ahaayeen. 42 Kuwa badan baana halkaa ku rumaystay isaga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya