M’Cheyne Bible Reading Plan
Khiyaanadii Reer Gibecoon
9 Oo Webi Urdun shishadiisa, iyo dhulka buuraha, iyo dhulka dooxada ah, iyo badda weyn xeebteeda oo ka horraysa Lubnaan boqorradii degganaa oo dhammu markay maqleen, waxaa dhacday inay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba 2 iswada urursadeen inay isku si ula diriraan Yashuuca iyo reer binu Israa'iil.
3 Laakiinse dadkii Gibecoon degganaa markay maqleen wixii Yashuuca ku sameeyey Yerixoo iyo Aacii, 4 iyana markaasay khiyaano sameeyeen, oo intay tageen bay iska dhigeen sidii iyagoo ah wakiillo dalal kale, oo waxay dameerradoodii ku qaateen joonyado gaboobay, iyo sibraarro khamri oo khamri oo gaboobay oo dildillaacay oo la xidhxidhay. 5 Oo waxay gashadeen kabo duugoobay oo la karkaray, oo waxay xidheen dhar gaboobay, oo kibistii ay soo sahaydeen oo dhammuna waxay ahayd mid engegan oo caaryaysatay. 6 Oo waxay u tageen Yashuuca oo jooga xeradii ku tiil Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen isagii iyo raggii reer binu Israa'iilba, Annagu waxaannu ka nimid dal fog; haddaba sidaas daraaddeed axdi nala dhigta. 7 Oo raggii reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen kuwii reer Xiwi, War mindhaa annagaad na dhex deggan tihiin, oo haddaba sidee baannu axdi idiinla dhiganaynaa? 8 Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay addoommadaada. Markaasaa Yashuuca wuxuu ku yidhi, Yaad tihiin? Oo xaggee baad ka timaadeen? 9 Kolkaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Magaca Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis ayaannu annagoo addoommadaada ah waddan aad u fog uga nimid, waayo, waxaannu maqalnay warkiisii, iyo kulli wixii uu Masar ku dhex sameeyey oo dhan, 10 iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod. 11 Oo odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta. 12 Oo kibistan iyadoo kulul baan guryahayagii sahay uga soo qaadannay maalintii aan idiin soo kacnay; laakiinse bal hadda eega, way engegtay, wayna caaryaysatay: 13 oo sibraarradan khamriga oo aannu soo buuxsannay way cusbaayeen, oo bal eega haatan waa dildillaacsan yihiin, oo dharkayaga iyo kabahayagu waxay ku duugoobeen sodcaalkii aad u dheeraa aawadiis. 14 Oo markaasay nimankii wax ka qaateen sahaydoodii, oo Rabbigana talo ma ay weyddiisan. 15 Oo Yashuucana wuu la nabday iyagii, oo axdina wuu la dhigtay inuu naftooda u daayo; oo amiirradii shirkuna way u dhaarteen iyagii. 16 Oo markay axdigii la dhigteen saddex maalmood dabadeed waxay maqleen inay yihiin deriskooda, oo ay dhexdooda deggan yihiin. 17 Oo reer binu Israa'iil way sodcaaleen, oo maalintii saddexaad waxay yimaadeen magaalooyinkoodii. Oo magaalooyinkooduna waxay ahaayeen Gibecoon, iyo Kefiiraah, iyo Bi'irod, iyo Qiryad Yecaariim. 18 Oo reer binu Israa'iilna ma ay layn, waayo, amiirradii shirku waxay iyagii ugu dhaarteen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. Oo markaasaa shirkii oo dhammu waxay ka gunuunaceen amiirradii. 19 Laakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga. 20 Oo sidan baan u yeelaynaa, oo naftooda ayaan u daynaynaa waaba intaas oo dhaartii aannu ugu dhaarannay daraaddeed cadho inoogu dhacdaaye. 21 Oo amiirradii waxay ku yidhaahdeen, Naftooda u daaya, ha noolaadeene. Sidaas daraaddeed waxay shirkii oo dhan u noqdeen kuwo xaabada gura oo biyaha dhaansha, sidii amiirradii kula hadleen iyagii. 22 Markaasaa Yashuuca u yeedhay iyagii, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War maxaad noo khiyaanayseen oo noogu tidhaahdeen, Waannu idinka fog nahay, idinkoo na dhex deggan? 23 Sidaas daraaddeed waad habaaran tihiin, oo weligiin laydinka waayi maayo addoommo ah kuwa xaabada u gura, biyahana u dhaamiya guriga Ilaahayga. 24 Oo waxay Yashuuca ugu jawaabeen, Maxaa yeelay, hubaal waxaa annagoo addoommadaada ah lanoo sheegay sida Rabbiga Ilaahaaga ahu addoonkiisii Muuse ahaa ugu amray inuu idin siiyo dalka oo dhan, iyo in dadka dalka deggan oo dhan hortiinna laga baabbi'iyo; oo sidaas aawadeed naftayada aad baannu ugu cabsannay idinka daraaddiin, oo waxanna sidaas baannu u yeelnay. 25 Oo haddaba bal eeg gacantaadaannu ku jirnaa. Sidii kula wanaagsan oo kula qumman inaad nagu samaysid yeel. 26 Oo sidaas buu u yeelay, oo ka samatabbixiyey gacantii reer binu Israa'iil inaanay dilin. 27 Oo maalintaasuu Yashuuca iyagii ka dhigay kuwo xaabada u gura, biyahana u dhaamiya shirka iyo meesha allabariga Rabbiga, taas oo ku taal meel alla meeshuu doortoba, ilaa maantadan la joogo.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
140 Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi,
Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
2 Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin,
Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.
3 Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale,
Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)
4 Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr,
Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.
5 Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko,
Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)
6 Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga,
Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.
7 Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow,
Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.
8 Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan,
Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)
9 Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana
Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.
10 Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen,
Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka,
Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.
11 Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin,
Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.
12 Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono,
Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.
13 Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga,
Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
141 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso,
Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.
2 Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay,
Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.
3 Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji,
Oo albaabka bushimahaygana dhawr.
4 Qalbigayga ha u duwin wax shar ah,
Yaanu falimo xumaan ah la gelin
Dadka xumaanta ka shaqeeya,
Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.
5 Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa,
Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto,
Madaxayguna yaanu diidin,
Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.
6 Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa,
Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.
7 Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo
Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.
8 Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan,
Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.
9 Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen,
Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.
10 Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda
Markaan anigu ka baxsado.
3 Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay. 2 Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba. 3 Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday. 4 Haatan sow iguma qayshan, Aabbahayow, adigu waxaad tahay saaxiibkii yaraantaydii? 5 Miyuu weligiisba sii cadhaysnaan doonaa? Oo miyuu cadhadiisa ilaa ugudambaysta sii haysanayaa? Bal eeg, waxaad ku hadashay oo samaysay waxyaalo shar ah in alla intii aad kartayba.
Iimaanla'aantii Reer Binu Israa'iil
6 Weliba wakhtigii Boqor Yoosiyaah Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, War miyaad aragtay waxa boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay ay samaysay? Iyadu waxay tagtay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis, oo halkaasay ku dhillowday. 7 Oo iyadu markay waxyaalahaas oo dhan samaysay dabadeed ayaan waxaan is-idhi, Way ii soo noqon doontaa, laakiinse iyadu sooma noqon. Oo walaasheedii boqortooyadii Yahuudah oo sirreyda ahaydna waxaas way aragtay. 8 Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday. 9 Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo. 10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah. 11 Oo haddana waxaa Rabbigu igu yidhi, Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way iscaddaysay inay ka xaq badan tahay boqortooyada Yahuudah ee sirreyda ah. 12 Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay. 13 Waxaa keliya ood aqoonsataa xumaantaada, inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku xadgudubtay, iyo inaad geed kasta oo doog ah hoostiisa jidadkaaga ugu kala firdhisay shisheeyayaasha, iyo inaadan codkaygii addeecin, ayaa Rabbigu leeyahay. 14 Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay. 15 Oo sida qalbigaygu jecel yahay waxaan idiin siin doonaa daajiyayaal, oo iyana waxay idinku daajin doonaan aqoon iyo waxgarasho. 16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas markaad tarantaan oo aad dalka dhexdiisa ku badataan, waxay noqon doontaa inaan mar dambe la odhan, Sanduuqii axdiga Rabbiga, oo lagamana fikiri doono, lamana soo xusuusan doono, lamana soo booqan doono, oo mar dambena lama samayn doono. 17 Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah. 18 Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey. 19 Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen. 21 Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa. 22 Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah. 23 Sida runta ah waa rajo been ah in badbaadinta kuraha iyo buuraha badan laga sugo. Sida runta ah badbaadadii dadka Israa'iil waxay ka timaadaa Rabbiga Ilaahayaga ah. 24 Laakiinse tan iyo yaraantayadii waxa ceebta ah ayaa baabba' ka dhigtay wixii awowayaashayo ku hawshoodeen oo dhan, xataa adhyahoodii iyo ishkinkoodii, iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba. 25 Ceebtayada aannu la jiifsanno oo sharafdarradayaduna ha na dul saarnaato, waayo, tan iyo yaraantayadii iyo ilaa maantadan la joogo annaga iyo awowayaashayoba waxaannu ku dembaabnay Rabbiga Ilaahayaga ah, oo codkii Rabbiga Ilaahayaga ahna ma aannu addeecin.
Ciise Muuqiisu Waa Isbeddelay(A)
17 Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer. 2 Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday. 3 Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga. 4 Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas. 5 Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga. 6 Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen. 7 Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina. 8 Goortay indhahooda kor u qaadeen, cidna ma ay arkin Ciise keliya maahee.
9 Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin. 10 Xertiisii waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado? 11 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run, Eliyaas waa imanayaa, oo wax walba ayuu soo celin doonaa. 12 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas horuu u yimid, wayna garan waayeen, laakiin wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen isaga. Sidaas oo kalena Wiilka Aadanahu xanuun buu ka heli doonaa iyaga. 13 Markaasaa xertiisii garatay inuu kala hadlay Yooxanaa Baabtiisaha.
Wiilkii Jinnigii Qabay Waa La Bogsiiyey(B)
14 Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi, 15 Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo, 16 oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen. 17 Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga. 18 Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday. 19 Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay? 20 Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan. 21 Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.
Ciise Baa Mar Labaad Dhimashadiisa Sii Sheegay(C)
22 Intay Galili ku warwareegayeen, Ciise ayaa ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa. 23 Wayna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Markaasay aad u calool xumaadeen.
Ciise Baa Cashuurtii Macbudka Bixiyey
24 Goortay Kafarna'um yimaadeen, waxaa Butros u yimid kuwii [a]labada daraakmo qaadi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu labadii daraakmo oo cashuurta ahayd sow ma bixiyo? 25 Wuxuu yidhi, Haah, wuu bixiyaa. Oo goortuu guriga galay Ciise ayaa hadal hor mariyey oo ku yidhi, Maxay kula tahay, Simoonow? Boqorrada dhulku yay ka qaadaan cashuurta iyo baadda? Wiilashooda ama shisheeyaha? 26 Goortuu yidhi, Shisheeyaha, Ciise ayaa ku yidhi, Haddaba wiilashu waa ka reebban yihiin. 27 Laakiin si aynan u xumayn iyaga, badda tag, oo jillaab ku tuur, oo kalluunka kolka hore soo baxa soo qaad, oo goortaad afkiisa furtid waxaad ka heli doontaa [b]istater. Kaas qaad oo inooga bixi aniga iyo adigaba.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya