M’Cheyne Bible Reading Plan
Daa'uud Oo Badbaadiyey Reer Qeciilaah
23 Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray. 2 Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi. 3 Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno? 4 Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa. 5 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba Qeciilaah tageen, oo reer Falastiin la dirireen, oo waxay ka soo dhaceen lo'doodii, dad faro badanna way laayeen. Sidaasuu Daa'uud dadkii Qeciilaah degganaa u badbaadiyey.
6 Oo markii Aabyaataar oo ina Axiimeleg ahaa Daa'uud ugu soo cararay xagga Qeciilaah, wuxuu yimid isagoo eefod gacanta ku sita.
Saa'uul Oo Dabagalay Daa'uud
7 Oo Saa'uul baa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah yimid. Markaasaa Saa'uul yidhi, Haddaa Ilaah gacanta ii soo geliyey; waayo, wuxuu ku xidhmay markuu galay magaalo leh irdo iyo qataarro. 8 Markaasaa Saa'uul dadkiisii oo dhan dagaal ugu yeedhay inay Qeciilaah ku dhaadhacaan, oo ay Daa'uud iyo raggiisaba hareereeyaan. 9 Oo Daa'uudna wuu ogaa in Saa'uul belaayo la damacsan yahay; markaasuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Halkan eefodka keen. 10 Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo. 11 Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa. 12 Kolkaasuu Daa'uud yidhi, Haddaba miyey dadka reer Qeciilaah aniga iyo raggaygaba Saa'uul gacanta noo gelin doonaan? Rabbigu wuxuu yidhi, Haah, way kuu gacangelin doonaan. 13 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii oo lix boqol ku dhowaa kaceen oo Qeciilaah ka baxeen, oo waxay tageen meel alla meeshii ay tegi kareen. Oo Saa'uulna waxaa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah ka baxsaday, markaasuu iska daayay inuu u soo baxo.
14 Oo Daa'uudna wuxuu degganaa dhufaysyada cidlada ku yiil, oo wuxuu iska joogay dalka buuraha leh ee cidlada ah ee Siif. Oo Saa'uul baa doondooni jiray maalin kasta, laakiinse Ilaah gacanta uma soo gelin. 15 Oo Daa'uudna wuxuu arkay in Saa'uul u soo baxay si uu naftiisa u deydeyo. Daa'uudna cidlada Siif buu ku jiray, duurka dhexdiisa. 16 Markaasaa Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa kacay, oo Daa'uud ugu tegey duurka dhexdiisa, oo gacantiisuu ku xoogeeyey Ilaah. 17 Oo wuxuu isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, aabbahay Saa'uul gacantiisu kuma heli doonto; oo adna reer binu Israa'iil boqor baad u noqon doontaa, oo anna waan kugu xigi doonaa; taasna aabbahay Saa'uul waa og yahay. 18 Oo labadoodii axdi bay Rabbiga hortiisa ku dhigteen. Oo Daa'uud wuxuu iska joogay duurkii, Yoonaataanna gurigiisii buu tegey. 19 Markaasaa Saa'uul waxaa Gibecaah ugu yimid reer Siif, waxayna ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu ku dhuuman dhufaysyada dalkayaga duurka ku yaal, oo ku dhex yaal buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal? 20 Haddaba, boqorow, soo dhaadhac adigoo aad u doonaya inaad timaadid; oo annana qaybtayadu wuxuu ahaan doonaa inaan gacantaada ku soo ridno, boqorow. 21 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Kuwo xagga Rabbiga ka barakaysan noqda; waayo, idinku waad ii naxariisateen. 22 Haddaba waan idin baryayaaye weliba taga oo sii hubsada, oo waxaad soo ogaataan oo soo aragtaan meeshuu u caado leeyahay, iyo kii isaga halkaas ku soo arkay, waayo, waxaa la ii soo sheegay inuu aad xeelad ugu macaamiloodo. 23 Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan. 24 Markaasay Saa'uul hor mareen, oo ay u kaceen xagga Siif, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay joogeen cidlada reer Maacoon ku dhex taal Caraabaah ee lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal. 25 Markaasaa Saa'uul iyo raggiisiiba waxay u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan. Oo iyana taas bay u sheegeen Daa'uud, sidaas daraaddeed ayuu u dhaadhacay xagga dhagaxii weynaa, oo cidladii Maacoon ayuu iska joogay. Oo Saa'uulna markuu taas maqlay ayuu Daa'uud u eryaday xagga cidladii Maacoon. 26 Oo Saa'uulna wuxuu maray buurta dhankeedii soke, Daa'uud iyo raggiisiina waxay mareen buurta dhankeedii shishe, oo Daa'uudna wuu dhaqsaday inuu u cararo cabsi uu Saa'uul ka qabo aawadeed, waayo, Saa'uul iyo raggiisii waxay u hareereeyeen Daa'uud iyo raggiisii inay qabtaan. 27 Laakiinse wargeeys baa Saa'uul u yimid oo ku yidhi, Soo dhaqso oo kaalay; waayo, reer Falastiin weerar bay ku soo kacsheen dalkii. 28 Oo sidaas daraaddeed Saa'uul wuu ka noqday Daa'uud kii uu eryanayay, oo wuxuu u kacay kuwii reer Falastiin, sidaas aawadeed waxay meeshaas u bixiyeen Selac Hammaxleqood. 29 Oo Daa'uudna halkaas wuu ka tegey, oo iska joogay Ceyn Gedii dhufaysyadeedii.
Rasuullada Mas'uuliyaddooda Xagga Ilaah
4 Ha lanagu tiriyo inaannu nahay midiidinyada Masiixa iyo wakiillada waxyaalaha qarsoon ee Ilaah. 2 Haddaba waxaa laga doonayaa wakiillada in aamin laga helo. 3 Laakiin waa ila yar tahay inaad idinku i xukuntaan ama in dad kale i xukumo; xataa aniga qudhaydu isma xukumo. 4 Waayo, waxba iskuma ogi, laakiinse ma aha taas aawadeed in xaq layga dhigay, waayo, waa Rabbiga kan i xukumaa. 5 Taa aawadeed wakhtiga hortiisa waxba ha xukumina ilaa Rabbigu imanayo, kan waxyaalaha qarsoon ee gudcurka iftiimin doona oo muujin doona tashiyada qalbiga, oo markaas nin kastaaba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Ilaah.
6 Haddaba, walaalayaalow, waxyaalahan ayaan aawadiin u soo qaaday qudhayda iyo Abolloosba, inaad xaggayaga ka barataan inaydnaan ka gudbin waxyaalaha qoran oo aan midkiinna midka kale u faanin. 7 Waayo, yaa kaa soocay? Maxaad haysataa oo, aanad helin? Laakiin haddaad heshay, bal maxaad u faanaysaa sidii adigoo aan helin? 8 Horaad u dheregteen, horaad hodan u noqoteen, la'aantayo sida boqorro ayaad wax u xukunteen. Waan jeclaan lahaa inaad wax xukuntaan, inaannu annaguna wax idinla xukunno. 9 Waayo, waxaan u malaynayaa in Ilaah na soo saaray, annagoo ah rasuulladii ugu dambeeyey, sida kuwa dhimashada lagu xukumay oo kale, maxaa yeelay, wax la daawado ayaa lanooga dhigay dunida, iyo malaa'igaha, iyo dadkaba. 10 Annagu waxaannu nahay Masiixa aawadiis doqonno, idinkuse caqli baad ku leedihiin xagga Masiixa. Annagu waa xoog darannahay, idinkuse waad xoog badan tihiin, idinku ammaan baad leedihiin, annaguse waa maamuus la' nahay. 11 Tan iyo saacaddan waan gaajaysan nahay, waanan harraadsan nahay, waanan arradan nahay, waa nala garaacay, oo meel aan ku hoyannona ma lihin. 12 Waana hawshoonnaa annagoo gacmahayaga ku shaqayna; markii lana caayona waan ducaynaa; markii lana silciyona waan dulqaadannaa. 13 Markii lana xantona, si qabow ayaannu u hadallaa, waxaannu noqonnay uskagga dunida iyo waxa ugu wasakhsan wax kasta tan iyo haatan.
Sidii Aabbe Oo Kale Ayaa Loo Waaniyey Oo Loogu Digay
14 Anigu waxyaalahaas u qori maayo inaan idin ceebeeyo laakiin inaan idin waaniyo sida carruurtayda aan jeclahay oo kale. 15 In kastoo aad leedihiin toban kun oo Masiix idinku rabbeeyey, aabbayaal badan ma lihidin, waayo, Ciise Masiix ayaan idinku dhalay xagga injiilka. 16 Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad igu dayataan. 17 Taas aawadeed waxaan idiin soo diray Timoteyos oo xagga Rabbiga ah wiilkayga aan jeclahay oo aaminka ah. Wuu idin xusuusin doonaa socodkayga ee ah xagga Masiixa, sidaan meel kasta wax ugu baro kiniisad kasta. 18 Qaar baa kibray sidii anigoo aan idiin imanaynin. 19 Laakiin dhowaan baan idiin iman doonaa, haddii Rabbigu yidhaahdo, oo markaasaan garan doonaa kuwa kibray xooggooda, ee ma aha hadalkooda. 20 Waayo, boqortooyada Ilaah hadal ma aha, ee waa xoog. 21 Maxaad doonaysaan? Ma inaan ul idiinla imaado, mise jacayl iyo ruux qabow?
U Yeeriddii Yexesqeel
2 Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye. 2 Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay. 3 Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaan kuu dirayaa reer binu Israa'iil oo ah dad caasiyiin ah oo iga caasiyoobay. Ilaa maantadan iyaga iyo awowayaashoodba way igu xadgudbayeen. 4 Iyagu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan. Iyagaan kuu dirayaa, waxaanad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay. 5 Oo iyagu hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, weli way ogaan doonaan in nebi iyaga dhex joogay (waayo, iyagu waxa weeye reer caasiyoobay). 6 Wiilka Aadamow, iyaga ha ka baqin, erayadoodana ha ka baqin, in kastoo yamaarug iyo qodxan ay kugu wareegsan yihiin oo aad hangarallayaal dhex deggan tahay, erayadooda ha ka cabsan oo aragtidooda ha ka baqin, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay. 7 Oo adigu waa inaad erayadayda iyaga u sheegtaa, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, waayo, iyagu waa kuwa aad iyo aad u caasiyoobay. 8 Laakiinse adigu, Wiilka Aadamow, waxaan kugu idhaahdo maqal, oo caasi ha noqon sida reerkaas caasiyoobay oo kale. Afkaaga kala qaad oo waxaan ku siiyo cun. 9 Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban. 10 Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey inuu wax ku xusuusto.
38 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
2 Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen,
Oo gacantaaduna way igu soo degtay.
3 Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis,
Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis.
4 Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga,
Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.
5 Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin,
Waana nacasnimadayda daraaddeed.
6 Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay,
Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.
7 Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol,
Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.
8 Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay,
Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
9 Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada,
Oo taahiddayduna kaama qarsoona.
10 Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay,
Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.
11 Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan,
Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.
12 Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan,
Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun,
Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.
13 Laakiinse anigu waxba kama maqlo sida nin dhega la',
Oo waxaan la mid ahay nin carrab la' oo aan afkiisa kala qaadin.
14 Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin,
Oo aan afkiisa murammo ku jirin.
15 Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa,
Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.
16 Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn,
Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.
17 Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco,
Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.
18 Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa,
Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.
19 Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin,
Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.
20 Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana
Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.
21 Rabbiyow, ha i dayrin,
Ilaahayow, ha iga fogaan.
22 Soo dhaqso oo i caawi,
Sayidow, badbaadadaydow.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya