M’Cheyne Bible Reading Plan
Saa'uul Oo Ka Masayray Daa'uud
18 Oo markii uu dhammeeyey lahadliddii uu Saa'uul la hadlayay ayay naftii Yoonaataan ku xidhantay naftii Daa'uud, oo Yoonaataan wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisa. 2 Oo maalintaasaa Saa'uul qaatay oo mar dambena uma uu oggolaan inuu gurigii aabbihiis tago. 3 Markaasaa Yoonaataan iyo Daa'uud axdi dhigteen, maxaa yeelay, wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisii. 4 Markaasaa Yoonaataan iska bixiyey khamiiskiisii uu huwanaa, oo Daa'uud siiyey, iyo dharkiisii, iyo xataa seeftiisii, iyo qaansadiisii, iyo suundhabarkiisii. 5 Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba.
6 Oo markay yimaadeen, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Falastiin, dumarkii baa waxay ka yimaadeen magaalooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan si ay Boqor Saa'uul uga hor tagaan iyagoo gabyaya oo cayaaraya, oo faraxsan oo daf iyo alaabtii muusikada tumaya. 7 Oo dumarkiina midba midda kalay gabay u celisay, iyagoo cayaaraya, oo waxay yidhaahdeen,
Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii,
Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun.
8 Saa'uulna aad buu u cadhooday, oo hadalkaas ayuu ka xumaaday, wuxuuna yidhi, Waxay Daa'uud ku sheegeen tobanyaal kun, laakiinse aniga waxay igu sheegeen kumanyaal; oo maxaa intaas ka badan oo uu heli lahaa boqortooyada mooyaane? 9 Oo Saa'uulna maalintaas dabadeed Daa'uud si xun buu u fiirin jiray.
10 Oo subaxdii dambe ruux xun oo xag Ilaah ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul, oo sidii nebi ayuu wax ugu sii sheegay guriga dhexdiisa. Markaasaa Daa'uud wuxuu gacanta ku dhuftay kataarad siduu maalin walba yeeli jiray; oo Saa'uulna gacantuu ku haystay warankiisii. 11 Oo wuxuu yidhi, Daa'uud derbigaan ku qodbi doonaa. Markaasaa Saa'uul warankii ku soo ganay. Daa'uudna laba jeer buu ka gabbaday. 12 Oo Saa'uulna Daa'uud buu ka cabsanayay, maxaa yeelay, Rabbigaa isaga la jiray, wuuna ka tegey Saa'uul. 13 Sidaas daraaddeed Saa'uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray. 14 Oo Daa'uudna wuu ku guulaysan jiray socodkiisa oo dhan, Rabbiguna wuu la jiray. 15 Oo Saa'uulna markuu arkay in Daa'uud aad u guulaystay ayuu la yaabay. 16 Laakiinse reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah oo dhanba Daa'uud aad bay u jeclaayeen; waayo, isagu hortooduu ka bixi jiray, soona geli jiray.
17 Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Bal eeg, gabadhayda weyn oo Meerab ah ayaan kuu siinayaa inaad guursato; laakiinse waa inaad ii xoog badnaato oo aad dagaallada Rabbigana dirirto. Waayo, Saa'uul wuxuu isyidhi, Yuusan gacantayda ku bixin, laakiinse gacanta reer Falastiin ha ku baxo. 18 Markaasaa Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War yaan ahay, oo noloshaydu waa maxay, amase reer aabbahay xaggay ka joogaan reer binu Israa'iil, inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa? 19 Laakiinse wakhtigii Saa'uul gabadhiisii Meerab ahayd Daa'uud loo guurin lahaa, waxaa la siiyey oo loo guuriyey Cadrii'eel oo reer Mexolaad ahaa. 20 Oo gabadhii Saa'uul oo Miikaal ahayd ayaa Daa'uud jeclaatay. Markaasaa Saa'uul loo sheegay, oo taasuna isagii way ka farxisay. 21 Markaasaa Saa'uul wuxuu isyidhi, Dabin ha ku noqotee, isaga waan siin iyada, si ay gacanta reer Falastiin isaga gees uga ahaato. Sidaas aawadeed Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu maanta waxaad mar labaad noqonaysaa wiilkii aan soddogga u ahaa. 22 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku amray oo ku yidhi, Daa'uud hoos ahaan ula hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, boqorku wuu kugu farxay, oo addoommadiisa oo dhammuna way ku jecel yihiin; haddaba sidaas daraaddeed boqorku soddog ha kuu noqdo. 23 Oo addoommadii Saa'uulna erayadaas waxay u sheegeen Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Ma waxay idinla tahay inay fudud dahay inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa, anigoo ah nin miskiin ah oo weliba derejo yar? 24 Oo Saa'uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa'uud sidaasuu u hadlay. 25 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin. 26 Oo addoommadiisiina markay Daa'uud erayadaas u soo sheegeen ayaa Daa'uud aad ugu farxay inuu ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Maalmahaasuna ma ay dhammaan; 27 markaasaa Daa'uud kacay oo tegey isagii iyo raggiisiiba, oo waxay reer Falastiin ka soo laayeen laba boqol oo nin; markaasaa Daa'uud buuryadoodii keenay, oo boqorkii bay siiyeen tiradoodii oo dhan, si Daa'uud u noqdo wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Saa'uulna wuu siiyey gabadhiisii Miikaal inay naag u noqoto. 28 Oo Saa'uulna wuu arkay wuuna ogaa in Rabbigu Daa'uud la jiro; oo Saa'uul gabadhiisii Miikaal ahaydna Daa'uud bay caashaqday. 29 Saa'uulna aad buu uga sii cabsanayay Daa'uud; oo Saa'uulna had iyo goorba Daa'uud cadow buu u ahaa.
30 Markaasaa waxaa soo baxay amiirradii reer Falastiin; oo sidii ay marar badan u soo bixi jireen, ayaa Daa'uud ka sii guul badnaa addoommadii Saa'uul oo dhan; oo sidaas aawadeed magiciisii aad iyo aad buu caan u noqday.
Salaan
16 Waxaan idin barayaa walaasheen Foybi oo ah mid u adeegta kiniisadda ku taal Kenekhreya, 2 inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda.
3 Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix, 4 oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan. 5 Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa. 6 Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay. 7 Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray. 8 Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama. 9 Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama. 10 Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama. 11 Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira. 12 Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama. 13 Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah. 14 Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga. 15 Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan. 16 Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.
17 Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga. 18 Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta. 19 Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah. 20 Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa.
Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.
21 Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga. 22 Anigoo Tertiyos ah oo warqaddan qoray, Rabbigaan idinku salaamayaa. 23 Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan. 24 Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.
Ammaan
25 Haddaba ammaanu ha u ahaato kan kara inuu idinku xoogeeyo injiilkayga iyo wacdiga ku saabsan Ciise Masiix iyo muujinta qarsoodiga oo qarsoonaa tan iyo weligiis, 26 laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka. 27 Ilaaha keligiis ah oo xigmadda leh, Ciise Masiix ammaanu ha ugu ahaato weligiis. Aamiin.
3 Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.
2 Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.
3 Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.
4 Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.
5 Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.
6 Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.
7 Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.
8 Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa.
9 Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.
10 Wuxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya.
11 Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.
12 Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.
13 Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.
14 Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan.
15 Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.
16 Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay.
17 Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.
18 Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.
19 Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii.
20 Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.
21 Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.
22 Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.
23 Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.
24 Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa.
25 Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.
26 Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.
27 Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay.
28 Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray.
29 Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.
30 Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo.
31 Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono.
32 Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.
33 Waayo, isagu binu-aadmiga kas uma dhibo, umana murugeeyo.
34 In maxaabiista dunida oo dhan cagaha hoostooda lagu burburiyo,
35 Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa,
36 Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.
37 Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?
38 Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?
39 Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?
40 Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.
41 Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.
42 Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.
43 Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.
44 Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.
45 Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.
46 Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.
47 Waxaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.
48 Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed.
49 Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan
50 Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego.
51 Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood.
52 Kuwii cadaawayaashayda sababla'aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale.
53 Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.
54 Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.
55 Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.
56 Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.
57 Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.
58 Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.
59 Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.
60 Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.
61 Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,
62 Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.
63 Bal eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan.
64 Rabbiyow, waxaad iyaga siin doontaa abaalgud waafaqsan shuqullada gacmahooda.
65 Indhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa.
66 Cadho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi'in doontaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markii uu asluubtiisa ku hor beddelay Abiimeleg oo isaga eryay, dabadeedna wuu iska tegey.
34 Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa,
Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
2 Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga,
Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
3 Rabbiga ila weyneeya,
Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.
4 Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay,
Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
5 Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen,
Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
6 Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay,
Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
7 Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo weliba way samatabbixisaa.
8 Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay,
Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.
9 Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada,
Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.
10 Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta,
Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
12 Bal waa ayo ninka nolol jecel,
Oo cimriga dheer doonayaa,
Si uu wanaag u arko?
13 Carrabkaaga shar ka jooji,
Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
14 Shar ka leexo, oo wanaag samee,
Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
15 Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah,
Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.
16 Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya
Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.
17 Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.
18 Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan,
Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin,
Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
20 Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan,
Oo middoodna ma jabna.
21 Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh,
Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.
22 Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa,
Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya