Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Samuu'eel Kowaad 15

Boqornimadii Saa'uul Oo Rabbigu Diiday

15 Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Rabbigu wuxuu ii soo diray inaan kuu subko inaad boqor u ahaatid dadkiisa reer binu Israa'iil; haddaba bal maqal codka erayada Rabbiga. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil markay Masar ka soo baxeen, Camaaleq wuxuu ku sameeyey iyo siduu jidka ugu hor joogsaday waan ogaaday. Haddaba tag oo reer Camaaleq laa, oo waxay haystaan oo dhan wada baabbi'i, oo iyaga innaba ha u tudhin, laakiinse wada laa nin iyo naag, iyo dhallaan iyo caanonuugba, iyo dibi iyo ido, iyo geel iyo dameerroba. Markaasaa Saa'uul dadkii u yeedhay, oo Tela'iim buu ku tiriyey, oo waxay noqdeen laba boqol oo kun oo nin oo lug ah, iyo toban kun oo nin ee reer Yahuudah ah. Kolkaasuu Saa'uul yimid magaaladii reer Camaaleq, oo dooxadii buu ugu soo dhuuntay. Markaasaa Saa'uul wuxuu reer Qeyn ku yidhi, Taga oo ka dhex baxa reer Camaaleq, yaanan idinku dhex baabbi'ine; waayo, markii ay reer binu Israa'iil oo dhammu Masar ka soo baxeen waad u wada roonaateen. Sidaas aawadeed reer Qeyn way ka dhex baxeen reer Camaaleq. Oo Saa'uul wuxuu reer Camaaleq ku laayay xagga Xawiilaah ilaa xagga Shuur, taasoo ku taal Masar horteeda. Oo boqorkii reer Camaaleq oo Agag ahaa isagoo nool buu qabsaday, laakiinse dadkii kale oo dhan seef buu ku wada baabbi'iyey. Laakiinse Saa'uul iyo dadkiiba way reebeen Agag, iyo intii ugu wanaagsanayd oo dhan oo idihii, iyo dibidii, iyo xoolihii shishislaa, iyo wanankii yaryaraa, iyo wixii wanaagsanaa oo dhan; oo ma ay doonayn inay wada baabbi'iyaan; laakiinse waxay wada baabbi'iyeen wixii la quudhsaday iyo intii liidatay oo dhan.

10 Markaasaa Samuu'eel waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh, 11 Waxaan ka qoomamoonayaa inaan Saa'uul boqor ka dhigay; waayo, lasocodkaygii dib buu uga noqday, oo mana uu oofin amarradaydii. Oo Samuu'eelna wuu cadhooday oo habeenkii oo dhan Rabbiguu u qaylinayay. 12 Markaasaa Samuu'eel aroor hore kacay, oo wuxuu damcay inuu Saa'uul ka hor tago; oo waxaa Samuu'eel loo sheegay oo lagu yidhi, Saa'uul baa yimid Karmel, oo bal eeg, halkaas tiir xusuus ah ayuu ka taagtay, oo intuu wareegay ayuu gudbay, oo Gilgaal ku dhaadhacay. 13 Oo Samuu'eelna Saa'uul buu u yimid; markaasaa Saa'uul ku yidhi isagii, Rabbigu ha ku barakeeyo; anigu amarkii Rabbiga waan oofiyey. 14 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Haddaba waa maxay micneheedu cidan idaha ee aan dhegahayga ku maqlayaa, iyo cida dibida ee aan maqlayaa? 15 Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Reer Camaaleq bay ka keeneen; waayo, dadku waxay u reebeen intii ugu wanaagsanayd ee idihii iyo dibidii inay allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah; intii kalese dhammaantood waannu baabbi'innay. 16 Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Bal sug, oo anna waxaan kuu sheegayaa wixii Rabbigu xalay igu yidhi. Markaasuu yidhi, Bal ii sheeg. 17 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, In kastoo aad isla yarayd, sow madax lagaagama dhigin qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo Rabbigu waa kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya reer binu Israa'iil; 18 oo Rabbigu sodcaal buu kuu diray, oo kugu yidhi, Tag oo wada baabbi'i dembilayaasha reer Camaaleq, oo la dirir ilaa ay baabba'aan. 19 Haddaba maxaad Rabbiga codkiisa u addeeci weyday, oo aadse ugu boodday wixii la dhacay, oo maxaad u samaysay wixii Rabbiga hortiisa sharka ku ahaa? 20 Markaasaa Saa'uul wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Waan addeecay Rabbiga codkiisii, oo waxaan maray jidkii Rabbigu igu diray, oo Agag oo ah boqorkii reer Camaaleq ayaan keenay, oo reer Camaaleqna dhammaan waan wada baabbi'iyey. 21 Laakiinse dadkii wax bay ka qaateen xoolihii la dhacay ee ahaa ido iyo dibi, iyo waxyaalihii khaaska ahaa ee la nidray inay Gilgaal allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah. 22 Markaasaa Samuu'eel yidhi, Rabbigu miyuu aad ugu farxaa qurbaanno la gubo iyo allabaryo, siduu ugu farxo in codka Rabbiga la addeeco? Bal eeg, addeeciddu waa ka wanaagsan tahay allabariga, maqlidduna waa ka wanaagsan tahay baruurta wananka. 23 Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid. 24 Markaasaa Saa'uul wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, amarkii Rabbiga, iyo erayadaadiiba waan ku xadgudbay, maxaa yeelay, dadkii baan ka cabsaday, codkoodiina waan addeecay. 25 Haddaba waan ku baryayaaye dembigayga iga cafi, oo mar kale ila noqo, aan Rabbiga soo caabudee. 26 Oo Samuu'eelna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Kula noqon maayo, waayo, Eraygii Rabbigaad diidday, oo Rabbigaana kuu diiday inaad sii ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya. 27 Oo markii Samuu'eel ka jeestay oo uu damcay inuu tago, ayuu qabsaday darafkii khamiiskiisa, wuuna dillaacay. 28 Markaasaa Samuu'eel isagii ku yidhi, Maanta Rabbigu boqortooyadii reer binu Israa'iil buu kaa dillaaciyey, wuxuuna siiyey mid deriskaaga ah oo kaa sii wanaagsan. 29 Kan xoogga reer binu Israa'iil ahna been sheegi maayo, qoomamaynna maayo; waayo, isagu ma aha nin qoomamooda. 30 Markaasuu yidhi, Waan dembaabay; haddaba waan ku baryayaaye, igu murwee duqowda dadkayga hortooda, iyo reer binu Israa'iil hortooda, oo mar kale ila noqo aan Rabbiga Ilaahaaga ah soo caabudee. 31 Haddaba Samuu'eel mar kaluu Saa'uul la noqday, oo Saa'uulna Rabbiguu soo caabuday. 32 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Halkan iigu keena boqorka reer Camaaleq ee Agag ah. Kolkaasaa Agag u yimid isagoo qalbi san. Oo wuxuu yidhi, Hubaal geerida qadhaadhkeedii waa i dhaafay. 33 Oo Samuu'eelna wuxuu ku yidhi, Sida seeftaadu dumarka u ilmo tirtay, saasoo kalay hooyadaana dumarka dhexdiisa ugu ilmola'aan doontaa. Oo Samuu'eelna Agag ayuu cad cad ugu jarjaray Gilgaal dhexdeeda Rabbiga hortiisa.

34 Markaasaa Samuu'eel Raamaah tegey; oo Saa'uulna wuxuu tegey xaggii gurigiisii oo ku yiil Gibecaahdii Saa'uul. 35 Samuu'eelna mar dambe uma iman inuu Saa'uul soo arko ilaa maalintii uu dhintay; laakiin Samuu'eel baa Saa'uul u ooyay; oo Rabbiguna wuxuu ka qoomamooday inuu Saa'uul ka dhigay boqor u taliya reer binu Israa'iil.

Rooma 13

Waa In Kuwa Amarka Leh Laga Dambeeyo

13 Naf waluba ha ka dambayso kuwa amarka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh. Sidaas daraaddeed kii diida kan amarka leh wuxuu hor joogsadaa amarka Ilaah, kuwa hor joogsadaana waxay nafahaantooda u heli doonaan xukun. Madaxdu cabsi ma geliyaan kuwa shuqul wanaagsan sameeya, kuwa xumaan sameeya mooyaane. Ma waxaad doonaysaa inaadan ka cabsan kan amarka leh? Wax wanaagsan samee, oo ammaan baad ka helaysaa isla isaga. Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sababla'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya. Sidaas daraaddeed waa in laga dambeeyo kan amarka leh, mana aha cadhada aawadeed oo keliya, laakiinse waa niyadda aawadeedna. Waayo, sababtaas aawadeed waxaad u bixisaan cashuur, maxaa yeelay, iyagu waa midiidinnadii Ilaah oo had iyo goor ka shaqeeya isla waxaas. Mid waluba wuxuu idinku leeyahay siiya, kii baad idinku leh, baad siiya, kii cashuur idinku leh, cashuur siiya, kii laga cabsadana, ka cabsada, kii ciso lehna, ciseeya.

Jacaylka Walaalnimada

Ninna yuusan wax idinku lahaan in midkiinba midka kale jeclaado mooyaane. Waayo, kii deriskiisa jeclaadaa sharciguu oofiyey. Waayo, amarradan la yidhi, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad waxba xadin, Waa inaanad wax damcin, oo haddii amar kale jirana, waxaa lagu soo koobay hadalkan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. 10 Jacaylku xumaan kuma sameeyo deriskiisa; jacaylku haddaba waa oofinta sharciga.

Maalintii Masiixu Waa Soo Dhowaanaysaa

11 Oo weliba waad garanaysaan wakhtiga inay haatan tahay saacaddii aad hurdada ka toosi lahaydeen, waayo, haatan ay badbaadintu inooga dhow dahay markii horoo aan rumaysannay. 12 Habeenkii hore buu u batay, maalintiina waa soo dhowaatay, sidaas daraaddeed aan iska dhigno shuqullada gudcurka oo aan qaadanno hubka iftiinka. 13 Sida iyadoo maalin ah aynu si qumman u soconno, yeynan ku socon rabshad iyo sakhraannimo, yeynan ku socon galmo iyo dhillanimo, yeynan ku socon ilaaq iyo hinaaso. 14 Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.

Yeremyaah 52

Dhiciddii Yeruusaalem

52 Sidqiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xamuutal ina Yeremyaah oo reer Libnaah ahayd. Oo isagu wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan. Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon. Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa, bishii tobnaad, maalintii tobnaad ayaa Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku keceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen. Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah. Oo maalintii sagaalaad, bishii afraad, ayaa abaartii magaaladii aad iyo aad ugu xumaatay, oo sidaas daraaddeed dadkii dalka degganaa cunto ma haysan. Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammuna way carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen iriddii labada derbi u dhaxaysay oo beertii boqorka ku ag tiil (haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada). Oo waxay mareen jidkii Caraabaah. Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen. Markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay. 10 Oo boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii hortiisuu ku laayay, oo weliba amiirradii dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu ku wada laayay Riblaah. 11 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo boqorkii Baabuloon wuxuu ku xidhxidhay silsilado oo wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo xabsi buu ku riday ilaa maalintii dhimashadiisa.

12 Haddaba bishii shanaad maalinteedii tobnaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadresar boqorkii Baabuloon ahaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo boqorka Baabuloon u adeegi jiray. 13 Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn. 14 Oo ciidankii reer Kaldayiin oo sirkaalkii askarta la socday oo dhammuna waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa oo dhan. 15 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay masaakiintii dadka qaarkood, iyo dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay. 16 Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya. 17 Markaasaa reer Kaldayiin waxay jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon. 18 Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabtii laambadihii lagu safayn jiray, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan. 19 Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey suxuuntii, iyo dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii, iyo dheryihii, iyo laambadihii, iyo malgacadihii, iyo koobabkiiba, intii dahabka ahayd dahab ahaan buu u qaaday, oo intii lacagta ahaydna lacag ahaan. 20 Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo laba iyo tobankii dibi oo naxaasta ahaa oo saldhigyada ka hooseeyey, oo Boqor Sulaymaan uu u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn. 21 Oo tiirarka midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa siddeed iyo toban dhudhun, meeriskiisuna wuxuu ahaa laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso, oo dhumucdiisuna waxay ahayd afar farood, oo dhexdana wuu ka dalooshanaa. 22 Oo korkiisana waxaa saarnaa taaj naxaas ah, oo taajka sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, wuxuuna lahaa shabag iyo rummaanno taajka ku wareegsan, oo kulligoodna waxay ahaayeen naxaas, tiirkii labaadna waxan oo kaluu lahaa iyo rummaanno. 23 Oo dhinacyada waxaa ku yiil lix iyo sagaashan rummaan, oo rummaannadii shabagga ku wareegsanaa oo dhammuna waxay ahaayeen boqol. 24 Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog. 25 Oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo toddoba nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay. 26 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kexeeyey oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon. 27 Markaasaa boqorkii Baabuloon iyagii ku laayay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad. Oo sidaasaa dadkii Yahuudah dalkoodii looga kaxaystay iyagoo maxaabiis ah. 28 Oo sannaddii toddobaad dadkii uu Boqor Nebukadresar maxaabiisahaanta u kaxaystay waxay ahaayeen saddex kun iyo saddex iyo labaatan qof oo Yuhuud ah, 29 oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Nebukadresarna wuxuu Yeruusaalem maxaabiis ahaan uga kaxaystay siddeed boqol iyo laba iyo soddon qof. 30 Oo sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Boqor Nebukadresarna Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta ayaa Yuhuuddii maxaabiis ahaan uga kaxaystay toddoba boqol iyo shan iyo afartan qof, oo dadkii la kaxaystay oo dhammuna waxay ahaayeen afar kun iyo lix boqol oo qof.

Yehooyaakiin Oo La Sii Daayey

31 Oo sannaddii toddoba iyo soddonaad intii boqorkii dalka Yahuudah oo Yehooyaakiin ahaa uu xidhnaa, bishii laba iyo tobnaad, maalinteedii shan iyo labaatanaad Ewiil Merodag oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddii uu boqor noqday ayuu sara u qaaday Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo xabsiguu ka soo bixiyey. 32 Oo si roon buu ula hadlay, oo wuxuu carshigiisii ka kor mariyey carshigii boqorradii isagii Baabuloon la joogay. 33 Oo dharkiisii xabsiga ayuu beddelay oo hortiisuu wax ku cuni jiray had iyo jeerba cimrigiisii oo dhanba. 34 Oo xagga masruufkiisana boqorkii Baabuloon xaggiisa waxaa laga siin jiray masruuf joogta ah, oo tan iyo maalintii uu dhintay maalin kastaba qayb buu heli jiray cimrigiisii oo dhan.

Sabuurradii 31

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

31 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin,
Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi,
Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.
Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda,
Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen,
Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.
Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa,
Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.
Waan neceb ahay kuwa hawada beenta ah ka fikira,
Laakiinse Rabbigaan isku halleeyaa.
Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa,
Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay,
Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga,
Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan.
Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa,
Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.
10 Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid,
Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
11 Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan,
Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen,
Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.
12 Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay,
Oo waxaan ahay sida weel jabay.
13 Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya,
Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan,
Oo intay ii wada tashadeen,
Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
14 Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.
15 Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa,
Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
16 Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada.
17 Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday,
Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen.
18 Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa,
Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega,
Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.
19 Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada,
Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
20 Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon,
Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.
21 Mahad waxaa leh Rabbiga,
Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.
22 Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay,
Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.
23 Quduusiintiisa oo dhammay, Rabbiga jeclaada,
Rabbigu wuu ilaaliyaa kuwa aaminka ah,
Kan waxa kibirka ah falase aad iyo aad buu u abaalmariyaa.
24 Kuwiinna Rabbiga wax ka rajaynaya oo dhammow,
Adkaysta, oo qalbigiinnu ha dhiirranaado.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya