M’Cheyne Bible Reading Plan
Saa'uul Oo Badbaadiyey Magaaladii Yaabeesh
11 Markaasaa waxaa soo kacay Naaxaash oo ahaa reer Cammoon, oo wuxuu soo ag degay Yaabeesh Gilecaad. Oo dadkii Yaabeesh oo dhammu waxay Naaxaash ku yidhaahdeen, Axdi nala dhigo oo annana waannu kuu adeegaynaa. 2 Markaasaa Naaxaash oo ahaa reer Cammoon wuxuu iyagii ku yidhi, Sabab keliya ayaan axdi idinkula samaysanayaa, taasuna waa anigoo isha midigta idinka wada bixiya si aan u ceebeeyo reer binu Israa'iil oo dhan. 3 Markaasaa duqowdii reer Yaabeesh waxay isagii ku yidhaahdeen, Bal toddoba maalmood na sug, aannu xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan wargeeyayaal u dirnee, oo dabadeedna haddii aannu wayno mid na badbaadiya, waannu kuu imanaynaa. 4 Markaasaa wargeeyayaashii waxay yimaadeen Gibecaahdii Saa'uul, oo erayadan ayay dadkii u sheegeen. Kolkaasaa dadkii oo dhammu codkoodii kor u qaadeen oo wada ooyeen. 5 Oo bal eeg, waxaa yimid Saa'uul oo dibiyadii duurka ka keenay, oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa ku dhacay dadka oo ay la ooyayaan? Markaasay u sheegeen hadalladii nimankii reer Yaabeesh. 6 Oo Saa'uulna markuu maqlay hadalladaas ayaa Ruuxa Ilaah si xoog leh ugu soo degay, oo xanaaqiisiina aad iyo aad buu u kululaaday. 7 Markaasuu wuxuu qaatay laba dibi oo intuu qalay ayuu cad cad u kala jaray, oo intuu wargeeyayaal gacantood u dhiibay ayuu wada gaadhsiiyey xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii aan Saa'uul iyo Samuu'eel soo raacin, sidaas oo kalaa dibidiisa loo geli doonaa. Markaasaa waxaa dadkii ku soo dhacday cabsidii Rabbiga, oo waxay u soo baxeen sidii nin qudha. 8 Markaasuu iyagii ku tiriyey Beseq, oo reer binu Israa'iil waxay ahaayeen saddex boqol oo kun, oo raggii reer Yahuudahna waxay ahaayeen soddon kun. 9 Markaasay waxay ku yidhaahdeen wargeeyayaashii yimid, Dadkii reer Yaabeesh Gilecaad waxaad ku tidhaahdaan, Berrito markii qorraxdu kulushahay ayaad samatabbixin heli doontaan. Markaasaa wargeeyayaashii u yimaadeen oo u warrameen dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo iyana way farxeen. 10 Sidaas daraaddeed dadkii reer Yaabeesh waxay yidhaahdeen, Berrito ayaannu idiin soo bixi doonnaa, oo waxaad nagu samayn doontaan kulli wax alla wixii idinla wanaagsan. 11 Oo maalintii dambe Saa'uul wuxuu dadkii ka dhigay saddex guuto; oo subaxdii hore ayay xeradii soo dhex galeen, oo waxay reer Cammoon laynayeen tan iyo hadhkii, oo waxay ahaatay in intii hadhayna kala firidhay, oo xataa laba iyagii ka mid ahu isma haysan.
Saa'uul Oo La Boqray
12 Markaasaa dadkii waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Waa ayo kii yidhi, Ma Saa'uul baa na xukumaya? Nimankaas soo bixi aannu dilnee. 13 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Ninnaba maanta la dili maayo, waayo, maanta Rabbigu wuxuu samatabbixiyey reer binu Israa'iil.
14 Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii ku yidhi, Ina keena aynu Gilgaal tagnee oo aynu halkaas boqortooyada ku cusboonaysiinnee. 15 Markaasaa dadkii oo dhammu waxay tageen Gilgaal, oo Gilgaal ayay Saa'uul ku boqreen Rabbiga hortiisa, oo waxay halkaas Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno nabaadiino, oo halkaasaa Saa'uul iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu aad ugu farxeen.
Bawlos Waa U Tiraanyooday Reer Binu Israa'iil Rumaysaddarradooda
9 Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa 2 in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga. 3 Waayo, waxaan jeclaan lahaa inaan aniga qudhaydu ka inkaarnaado Masiixa walaalahay aawadood oo ah xigaalkayga aannu isku jidhka nahay, 4 kuwa ah reer binu Israa'iil, oo leh carruur-ka-dhigidda, iyo ammaanta, iyo axdiyada, iyo sharciga siintiisa, iyo u-adeegidda Ilaah, iyo ballamada, 5 kuwa awowayaasha leh, oo xagga jidhka Masiixu ka yimid iyaga, kan wax walba ka sarreeya oo ah Ilaah ammaanta leh weligiis. Aamiin.
Ilaah Ballamadiisii Ma Uu Beenayn
6 Laakiin mana aha sidii iyadoo ereygii Ilaah dhacay. Waayo, kuwa Israa'iil ka dhashay kulligood reer binu Israa'iil ma wada aha. 7 Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 8 Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa. 9 Waayo, kanu waa hadal ballan ah, Wakhtigan oo kale ayaan kuu iman doonaa, oo Saarah waxay dhali doontaa wiil. 10 Oo taas oo keliyana ma ahee, laakiin Rebeqahna mid bay u uuraysatay, kaas oo ahaa aabbeheen Isxaaq. 11 Waayo, carruurta oo aan weli dhalan oo aan weli samayn wanaag iyo xumaan midna, in qasdiga Ilaah doorashada ku istaago, oo uusan ahaan xagga shuqullada, laakiin xagga kii dadka u yeedha, 12 waxaa iyada lagu yidhi, Kan weynu wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar. 13 Sida qoran, Yacquub waan jeclaaday, Ceesawse waan necbaaday.
Ilaah Xaqdarro Ma Leh
14 Maxaan nidhaahnaa haddaba? Ma xaqdarro baa Ilaah la jirta? Ma suurtowdo! 15 Waayo, wuxuu Muuse ku yidhi, Waan u naxariisan doonaa kii aan u naxariisto, waanan u nixi doonaa, kii aan u naxo. 16 Sidaas daraaddeed xagga kan doonaya ma aha, xagga kan ordana ma aha, laakiinse waa xagga Ilaaha naxariista leh. 17 Waayo, Qorniinku wuxuu Fircoon ku leeyahay, Tan daraaddeed baan kuu sara kiciyey inaan xooggayga adiga kaa dhex muujiyo iyo in magacayga dhulka oo dhan lagu faafiyo. 18 Haddaba kuu doonayo wuu u naxariistaa, kuu doonayona qalbigiisuu engejiyaa.
Ilaah Baa Xukunka Leh
19 Waxaad igu odhan doontaa, Muxuu weli ii eedaynayaa? Waayo, yaa doonistiisa ka gees noqda? 20 Laakiinse, nin yahow, kumaad tahay kaaga Ilaah u jawaabayow? Wixii la sameeyey miyey kii sameeyey ku odhan doonaan, Maaxad sidan noogu samaysay? 21 Dheriyasameeyuhu miyuusan lahayn amar uu ugu taliyo dhoobada inuu fud keliya in ka sameeyo weel cisa leh, inta kalena mid aan cisa lahayn? 22 Bal maxay la tahay Ilaah haddii, isagoo doonaya inuu cadhadiisa muujiyo oo xooggiisa dadka ogeysiiyo, uu samir badan ugu dulqaatay weelasha cadhada oo loo diyaariyey baabbi'idda, 23 iyo inuu hodantinimadii ammaantiisa ogeysiiyo weelasha naxariista oo uu hore ugu diyaariyey ammaanta, 24 xataa kuweenna uu u yeedhay oo uusan uga yeedhin Yuhuudda oo keliya laakiinse uu uga yeedhay quruumaha kalena? 25 Siduu Hooseeca ka dhex yidhi,
Kuwo aan dadkaygii ahayn ayaan u bixin doonaa, Dadkayga,
Tu aan ahayn gacalisadaydiina waxaan u bixin doonaa, Gacaliso.
26 Oo waxay noqon doontaa, meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ihidin,
Meeshaas waxaa looga bixin doonaa, Carruurtii Ilaaha nool.
27 Oo Isayos wuxuu ku qayliyey wax Israa'iil ku saabsan isagoo leh, In kastoo tirada reer binu Israa'iil noqoto sida cammuudda badda, intii hadhay waa badbaadi doontaa, 28 waayo, Rabbigu hadalkiisa dhulkuu ku samayn doonaa, isagoo dhammaystiraya oo soo gaabinaya, 29 oo sidii Isayos hore u yidhi,
Haddaan Rabbigii Saba'ood farcan inoo reebin,
Sidii Sodom baan noqon lahayn, oo sidii Gomora baa laynaga dhigi lahaa.
Waxa Reer Binu Israa'iil U Xumaadeen
30 Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo; 31 laakiin reer binu Israa'iil iyagoo raaca sharciga xaqnimada, sharcigaas ma ay gaadhin. 32 Tan sababteedu waa maxay? Maxaa yeelay, rumaysad kuma ay doondoonin, shuqullada samayntooda mooyaane. Waxay ku turunturoodeen dhagaxii turunturada; 33 sida qoran,
Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax lagu turunturoodo oo ah sallax lagu xumaado;
Oo kii rumaysta isaga ma ceeboobi doono.
Farriin Ku Saabsan Moo'aab
48 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey. 2 Dalka Moo'aab ammaan dambe ma leh. Xeshboon baa shar loogu hindisay, oo waxaa la yidhaahdaa, Kaalaya oo aynu baabbi'innee si ayan quruun u sii ahaan.Madmeenay, adigana waa lagu baabbi'in doonaa, oo seef baa ku eryan doonta. 3 Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood. 4 Dalka Moo'aab waa la wada baabbi'iyey, oo dhallaankiisiina qaylo bay maqashiiyeen. 5 Waayo, jiirtii Luxiid waxaa lala fuuli doonaa oohin aan kala joogsanayn, waayo, dhaadhaca Xoronayim waxay ka maqleen tiiraanyadii oohinta baabbi'idda. 6 Carara, oo naftiinna badbaadiya, oo waxaad noqotaan sida geed xun oo cidlada ku yaal oo kale. 7 Waayo, waxaad isku hallaysay shuqulladaada iyo khasnadahaaga, oo sidaas daraaddeed adigana waa lagu qabsan doonaa, oo Kemooshna maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa, iyo amiirradiisaba. 8 Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa. 9 Dalka Moo'aab baalal siiya si uu u duulo oo uu u cararo. Magaalooyinkiisu waxay noqon doonaan cidla aan ciduna dhex degganayn. 10 Inkaaru ha ku dhacdo kii shuqulka Rabbiga si dayac ah u sameeya, oo inkaaru ha ku dhacdo kii seeftiisa dib uga celiya inay dhiig daadiso. 11 Dalka Moo'aab wuu iska istareexsanaa tan iyo yaraantiisii, oo sida khamri deggan ayuu iskaga dul fadhiyey gufarkiisii, oo weelna weel kale lagagama shubin, oo maxaabbiisahaanna marna looma kaxaysan, sidaas daraaddeed dhadhankiisii wuu ku sii hadhay isaga, oo udgoonkiisiina innaba ma beddelmin. 12 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan isaga u soo diri doono kuwa wax shuba, isagayna shubayaan, oo weelashiisay madhinayaan, oo jalxadihiisana wada burburinayaan. 13 Sidii reer binu Israa'iil ay Beytel oo ay ku kalsoonaayeen ugu ceeboobeen, sidaas oo kale ayaa reer Moo'aabna Kemoosh ugu ceeboobi doonaa. 14 Idinku sidee baad u odhan kartaan, Annagu waxaannu nahay dagaalyahan iyo rag u xoog badan dagaalka? 15 Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco. 16 Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa. 17 Kuwiinna hareerihiisa ku wareegsan oo magiciisa yaqaan oo dhammow, u baroorta, oo waxaad tidhaahdaan, Ushii xoogga iyo quruxda badnayd sidee bay u kala jabtay! 18 Dadka Diibon degganow, sharaftaada hoos uga soo deg oo oon la fadhiiso, waayo, waxaa kugu soo duulay baabbi'iyaha Moo'aab, oo isagu wuxuu dumiyey qalcadahaaga adadag. 19 Kuwiinna Carooceer degganow, bal jidka dhiniciisa istaaga, oo bal wax fiiriya, oo kan sii cararaya iyo tan sii baxsanaysa waxaad weyddiisaan waxa dhacay. 20 Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay. 21 Xukun baa ku dhacay dalka bannaanka ah, iyo Xolon, iyo Yahsaah, iyo Mefacad, 22 iyo Diibon, iyo Neboo, iyo Beytdiblaatayim, 23 iyo Qiryaatayim, iyo Beytgaamuul, iyo Beytmecoon, 24 iyo Qiryood, iyo Bosraah, iyo magaalooyinka dalka Moo'aab oo dhan, kuwa dhow iyo kuwa fogba. 25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay. 26 Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo. 27 Waayo, miyaan dalka Israa'iil wax lagu qoslo kuu ahayn? Miyaase isaga laga helay tuugag dhexdood? Waayo, markaad isaga ka hadashidba madaxaad ruxruxdaa. 28 Kuwa dalka Moo'aab degganow, magaalooyinka ka taga, oo dhagaxa weyn ku hoyda, oo waxaad la mid noqotaan sidii qoolleyda buulkeeda ka samaysata dhinacyada bohol afkeeda. 29 Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa kor-isu-qaadiddiisa, iyo kibirkiisa, iyo madaxweynaantiisa, iyo qabweynaanta qalbigiisaba. 30 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan ogahay inaan cadhadiisu waxba ahayn oo faankiisuna innaba waxba tarayn. 31 Sidaas daraaddeed Moo'aab waan u barooran doonaa, oo waxaan u qaylin doonaa reer Moo'aab oo dhan daraaddood, waana loo barooran doonaa dadka Qiir Xeres. 32 Canabka Sibmaahow, waxaan kuugu ooyi doonaa oohin ka sii daran tii Yacser. Laamahaagii badday dhaafeen, oo waxay gaadheen xataa tan iyo badda Yacser. Baabbi'iyihii wuxuu soo dhacay midhahaagii la hor guray iyo canabkaagii. 33 Farxadda iyo rayraynta waa laga qaaday beertii midhaha badnayd iyo dalka Moo'aabba, oo waxaan ka dhigay in khamri macsarooyinka laga waayo, oo ciduna kuma tuman doonto iyagoo heesaya, oo heestooduna innaba hees ma noqon doonto. 34 Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan. 35 Oo weliba Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan Moo'aab ka joojin doonaa kan meesha sare allabariga ku bixiya, iyo kan ilaahyadiisa fooxa u shidaba. 36 Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay. 37 Waayo, madax kastaba waa la xiiray, oo gadh kastaba waa la jaray, oo gacmaha oo dhanna nabaraa ku kor yaal, oo dhexdana joonyad baa ku xidhan. 38 Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale. 39 Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo. 40 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa dalka Moo'aab. 41 Qiryood waa la qabsaday, oo qalcadihiina waa la argaggixiyey, oo ragga xoogga badan ee Moo'aab qalbigoodu wuxuu maalintaas noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale. 42 Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey. 43 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yamays, iyo dabin. 44 Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yamayska, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda. 45 Kuwii cararay waxay istaagan yihiin hooska Xeshboon, iyagoo taag gabay, waayo, dab baa Xeshboon ka soo baxay, ololna wuxuu ka soo baxay Siixon dhexdeeda, oo wuxuu baabbi'iyey Moo'aab darafkeeda iyo kuwa bulxanka badan dhaladooda. 46 Moo'aabow, adigaa iska hoogay, Kemoosh dadkiisii way wada halligmeen, maxaa yeelay, wiilashaadii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo gabdhahaagiina waa la wada kaxaystay. 47 Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
25 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey,
Haddaba yaanan ceeboobin,
Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
3 Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo,
Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
4 Rabbiyow, jidadkaaga i tus,
Oo waddooyinkaagana i bar.
5 Runtaada igu hoggaami, oo i bar,
Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda,
Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
6 Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada,
Waayo, weligoodba way jireen.
7 Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii,
Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay,
Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
8 Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay,
Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
9 Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa,
Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
10 Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin
Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis,
Waayo, aad buu u weyn yahay.
12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa?
Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
13 Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa,
Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
15 Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga,
Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
16 Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso,
Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
17 Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen,
Cidhiidhigayga iga bixi.
18 Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga,
Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
19 Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin,
Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
20 Naftayda dhawr, oo i samatabbixi,
Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
21 Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen,
Waayo, adaan ku sugaa.
22 Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi
Dhibaatooyinkooda oo dhan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya