Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ruud 2

Ruud Oo La Kulantay Bocas

Oo Nimco waxaa ninkeedii qaraabo u ahaan jiray nin xoog badan oo xoolo leh oo reer Eliimeleg ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Bocas. Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay Nimco ku tidhi, Bal i daa aan beerta tagee, oo kii iga raalli noqda, intaan raaco, aan hadhuudh ka soo xaabxaabee. Oo iyana waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tag. Markaasay tagtay, oo markay timid, kuwii beerta gooynayay ayay dabadood beertii xaabxaabtay. Oo nasiibkeeduna waxaa weeye inay timaado beertii uu lahaa Bocas oo ahaa reer Eliimeleg. Oo bal eeg, Bocas baa wuxuu ka yimid Beytlaxam, oo wuxuu ku yidhi kuwii beerta gooynayay, Rabbigu ha idinla jiro. Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Rabbigu ha ku barakeeyo. Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi midiidinkiisii madaxda u ahaa kuwii beerta gooynayay, Gabadhanu waa ina ayo? Markaasaa midiidinkii kuwii beerta gooynayay madaxda u ahaa wuxuu Bocas ugu jawaabay, Waa gabadhii reer Moo'aab ee Nimco kala soo noqotay waddankii reer Moo'aab. Oo waxay igu tidhi, Waan ku baryayaaye aan beerta xaabxaabo, oo aan kuwa beerta gooynaya dabadood xidmooyinka wax ka dhex urursado. Taas aawadeed way timid, oo wax bay urursanaysay subaxdii ilaa haatan, in yar oo ay guriga ku maqnayd mooyaane. Markaasaa Bocas wuxuu Ruud ku yidhi, Sow maqli maysid, gabadhaydiiyey? Ha tegin oo ha xaabxaabin beer kale, oo halkanna ha sii dhaafin, laakiinse halkan gabdhahayga u dhow iska joog. Oo waxaad fiirisaa beerta ay gooynayaan, oo iyaga iska daba gal. Miyaanan ragga dhallinyarada ah ku amrin inaanay ku taaban? Oo markaad oontidna xagga weelasha tag oo ka soo cab biyaha ragga dhallinyarada ahu soo dhaamiyeen. 10 Markaasay wejiga u dhacday, oo dhulka ugu foororsatay, oo waxay isagii ku tidhi, Maxaad raalli iigu noqotay, oo aad ii garatay, anoo ah mid qalaad? 11 Markaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon. 12 Haddaba Rabbigu shuqulkaaga ha kaaga abaalgudo, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad baalashiisa hoostooda magan gashay ha ku siiyo abaalgud dhan. 13 Kolkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn. 14 Oo wakhtigii qadada ayaa Bocas wuxuu ku yidhi, Kaalay halkan, oo kibista wax ka cun, oo cuntadaada ku qoyso khalka. Oo waxay dhinac fadhiisatay kuwii beerta gooynayay, oo waxay siiyeen hadhuudh la saloolay, oo way cuntay, wayna dheregtay, oo wax bayna hambaysay. 15 Oo markay u kacday inay beerta soo xaabxaabto ayaa Bocas wuxuu ku amray raggiisii dhallinyarada ahaa, Xataa xidhmooyinka ha ka dhex xaabxaabto, oo hana canaananina. 16 Oo weliba xidhmooyinkana qaar uga soo siiba oo u daaya, ha xaabxaabtee, oo hana dagaalina. 17 Sidaas daraaddeed waxay beertii xaabxaabaysay ilaa fiidkii, oo way tuntay wixii ay soo xaabxaabtay, oo waxay u noqotay in ku dhow eefaah shaciir ah. 18 Markaasay kor u qaadatay oo magaaladii gashay; oo soddohdeedna way aragtay wixii ay soo xaabxaabtay; oo waxay u soo bixisay oo siisay wixii ay hambaysay markay dheregtay. 19 Markaasaa soddohdeed waxay ku tidhi, Xaggee baad maanta wax ka soo xaabxaabtay? Oo xaggee baad ka shaqaysay? Ha barakaysnaado kii ku gartay. Oo iyana waxay soddohdeed u sheegtay kii ay la shaqaysay, oo waxay ku tidhi, Ninkii aan maanta la shaqeeyey magiciisa waxaa la yidhaahdaa Bocas. 20 Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii ay soddohda u ahayd, Rabbigu ha barakeeyo kan aan roonaantiisa ka dayn kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Oo Nimco waxay ku tidhi iyadii, Ninku waa noo dhow yahay oo waa xigaalkayo, oo waa qaraabadayada noo dhow midkood. 21 Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay tidhi, Oo weliba wuxuu igu yidhi, Waa inaad la joogtaa raggayga dhallinyarada ah ilaa ay dhammeeyaan beertayda ay gooynayaan. 22 Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii Ruud oo ay soddohda u ahayd, Gabadhaydiiyey, waa wanaagsan tahay inaad gabdhihiisa raacdid oo aan lagugula kulmin beer kaleto. 23 Sidaas daraaddeed waxay la sii joogtay gabdhihii Bocas inay xaabxaabto beerta ilaa gooyntii shaciirka iyo gooyntii sarreenkuba dhammaadeen, oo waxayna la degganayd soddohdeed.

Falimaha Rasuullada 27

Bawlos Wuxuu U Dhoofay Rooma, Markaasuu Kereetee U Dhoofay

27 Haddaba markii la goostay inaannu Itaaliya u dhoofo ayaa Bawlos iyo dhawr kale oo maxaabiis ah waxaa loo dhiibay boqol-u-taliye magiciisa Yulyos la odhan jiray oo ka tirsanaa ciidankii boqorka. Oo waxaannu fuulnay doonni Adramuteyon ka timid oo u dhoofaysay meelaha xeebta Aasiya ku yaal, markaasaannu dhoofnay oo waxaa nala socday nin Aristarkhos la odhan jiray oo reer Makedoniya ahaa oo Tesaloniika ka yimid. Oo maalintii dambe waxaannu nimid Siidoon; markaasaa Yulyos u naxariistay Bawlos oo fasax u siiyey inuu saaxiibbadiis u tago oo uu dhaqaalo ka helo. Oo haddana halkaas waannu ka dhoofnay, oo waxaannu ka hoos marnay Qubrus, maxaa yeelay, dabayshu waa na haysay. Oo markii aannu ka gudubnay badda u dhow Kilikiya iyo Bamfuliya, waxaannu nimid Mura oo ku taal Lukiya. Oo halkaas boqol-u-taliyihii wuxuu ka helay doonni Iskanderiya ka timid oo u dhoofaysa Itaaliya; markaasuu na fuushiiyey. Oo kolkii aannu maalmo badan aayar soconaynay, waxaannu dhib ku nimid Kinidos horteeda, oo dabayshii ayaa noo diiday inaan hore u sii soconno, kolkaasaannu ka hoos marnay Kereetee oo ka hor jeedda Salmoonee. Oo markii aannu dhib ku dhaafnay, waxaannu nimid meel magaceeda la yidhaahdo Marsooyin Wanaagsan oo u dhow magaalada Lasaya.

Melita Buu U Dhoofay. Duufaan Baa Dhacay Oo Doonnidii Waa Burburtay

Markii wakhti badanu dhammaaday, oo haatan dhoofku halis ahaa, maxaa yeelay, Soonkii goor horaa la soo dhaafay, ayaa Bawlos waaniyey iyagii, 10 oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxay ila tahay in dhoofkanu lahaan doono waxyeello iyo khasaaro badan, umana ahaan doonaan shixnadda iyo doonnida oo keliya, laakiin xataa nafaheennu khatar bay ku sugan yihiin. 11 Laakiin boqol-u-taliyihii wuxuu dhegaystay hadalkii naakhudihii iyo ninkii doonnida lahaa intuu dhegaysan lahaa waxyaalihii Bawlos yidhi. 12 Oo marsadaasu ma ay ahayn mid ku wanaagsan in wakhtiga qabowga la joogo, sidaas daraaddeed ayaa dadkii intiisii badnayd waxay ku talisay in halkaas laga sii dhoofo, haddii si uun lagu gaadhi karo Foynikis oo halkaas wakhtiga qabowga la joogo, taasoo ah marso Kereetee ku taal oo u jeedda woqooyi-bari iyo koonfur-bari.

13 Oo kolkii dabayshii koonfureed tartiib u socotay ayay waxay u maleeyeen inay qasdigoodii heleen, kolkaasay barroosinkii qaadeen, oo waxay ag mareen Kereetee. 14 Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon; 15 oo markii doonnidii la qabsaday oo ay wejiga siin kari weyday dabaysha, ayaannu iska dhiibnay, kolkaasay na kaxaysatay. 16 Oo waxaannu ku orodnay gasiirad yar oo Kalawda la yidhaahdo dugsigeed, oo annagoo aad u dhibtoonnay ayaan waxaan awood u helnay inaan huurigii aad u xidhno; 17 Oo kolkii ay kor u soo bixiyeen ayay waxay ku isticmaaleen xadhko wax tara oo doonnidiina way adkeeyeen, oo iyagoo ka cabsanaya inay Surtis oo bacaad ah ku dhacaan, ayay waxay dejiyeen shiraaqii, oo sidaasaa loo kaxaystay. 18 Oo sidii aannu duufaankii aad ugu hawshoonaynay, ayay maalintii dambe shixnaddii badda ku tuureen. 19 Oo maalintii saddexaadna waxay gacmahoodii ku tuureen alaabtii doonnida. 20 Oo markii intii maalmo badan ah ayan qorraxdii iyo xiddigihii toona ifin, oo duufaan aan yaraynuna uu nagu dhacayay, ayaa rajadii aannu badbaado ku rajaynaynay oo dhan nalaga qaaday.

21 Oo kolkii ay wakhti dheer cuntola'aan sii joogeen ayaa Bawlos dhexdooda istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxaa idinku habboonayd inaad i maqashaan oo aydaan Kereetee ka soo dhoofin oo helin waxyeelladan iyo khasaaradan toona. 22 Haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad kalsoonaataan; waayo, midkiinna nafta waayi maayo, laakiin waxaa keliyahoo dumaya doonnida. 23 Waayo, xalayto ayaa waxaa i soo ag istaagtay malaa'igtii Ilaaha i leh oo aan weliba u adeego. 24 Waxay igu tidhi, Bawlosow, ha cabsan; waayo, waa inaad Kaysar hortiisa istaagtaa; oo weliba bal eeg, Ilaah wuxuu adiga ku wada siiyey kuwa kula socda oo dhan. 25 Haddaba, niman yahow, kalsoonaada, waayo, anigu Ilaah waan rumaysanahay inay noqon doonto sidii la ii sheegay. 26 Habase yeeshee waa inaynu ku dhacno gasiirad.

27 Laakiin intii badda Adriya hore iyo gadaal nalagu kaxeeyey, kolkii habeenkii afar iyo tobnaad la gaadhay, goor habeenbadhkii ku dhow, ayaa baxriyiintii waxay u maleeyeen inay dhul ku soo dhowaanayeen; 28 kolkaasay moolkii badda qiyaas ka qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay labaatan baac, oo haddana kolkay in yar socdeen ayay mar kale qiyaas qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay shan iyo toban baac. 29 Waxay ka cabsadeen inaannu ku dhacno meelo dhagaxyo leh, markaasay waxay doonnida xaggeeda dambe ka tuureen afar barroosin, oo waxay aad u jeclaysteen in maalin noqoto. 30 Oo baxriyiintii ayaa waxay damceen inay doonnida ka baxsadaan, oo waxay badda qarsoodi ugu dejiyeen huurigii sidii iyagoo barroosinno ka tuuraya doonnidii xaggeeda hore. 31 Markaasaa Bawlos boqol-u-taliyihii iyo askartii ku yidhi, Kuwanu haddayan doonnida sii joogin, idinku badbaadi kari maysaan. 32 Markaasaa askartii xadhkaha huuriga ka jareen oo ay huurigii sii daayeen inuu dhaco.

33 Oo intii waagu soo beryayay, ayaa Bawlos wuxuu dadkii oo dhan ka baryay inay wax cunaan, oo wuxuu yidhi, Maanta waa maalintii afar iyo tobnaad intii aad sugayseen oo aad iska soomanaydeen, oo aydnaan waxba qaadan. 34 Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad cunto qaadataan, waayo, taasu waa caafimaadkiinna aawadiis; maxaa yeelay, midkiinna tin keliyahu ka go'i maayo madaxiisa. 35 Oo markii uu saas yidhi, ayuu wuxuu soo qaatay kibis, oo dadkii oo dhan hortooda ayuu Ilaah ugu mahadnaqay, oo intuu kala jebiyey ayuu bilaabay inuu wax cuno. 36 Markaasay wada dhiirranaadeen dhammaantood, oo iyagiina wax bay cuneen. 37 Oo intayadii doonnidii ku jirtay oo dhammu waxaannu ahayn laba boqol iyo lix iyo toddobaatan qof. 38 Oo markii ay cuntada ka dhergeen, ayay doonnidii fududeeyeen, oo sarreenkiina waxay ku tuureen badda.

39 Oo markii waagii beryay, ayay dhulkii garan waayeen; laakiin waxay arkeen marso xeeb leh, oo waxay doonayeen inay doonnidii halkaas ku kaxeeyaan hadday karaan. 40 Markaasay barroosinnadii badda ku xooreen oo badda ku sii daayeen, oo isla markaasba waxay fureen xadhkihii shukaanaha ku xidhnaa, oo intay shiraaqii dabaysha u sii daayeen, ayay xeebta ku hagaageen. 41 Laakiin waxay ku dhaceen meel laba badood isaga darmadaan, markaasaa doonnidii dhulka ku dhufatay; oo dhankeedii hore ayaa meel ku liimbaaday oo waxay noqotay wax aan la dhaqdhaqaajin karin, laakiin dhankii dambe wuxuu bilaabay inuu ku burburo mawjadihii xooggooda.

42 Markaasaa askartii waxay ku taliyeen inay maxaabiista laayaan, si aan midkoodna intuu dabaasho uga baxsan. 43 Laakiin boqol-u-taliyihii oo doonayay inuu badbaadiyo Bawlos, ayaa qasdigoodii ka joojiyey; oo wuxuu amray in kuwa dabaalan karaa ay doonnida iska tuuraan, oo ay marka hore dhulka tagaan; 44 oo inta kalena qaar ha ku dabaasho looxaan, qaarna waxyaalo kale oo ay doonnida ka sii qaataan. Oo sidaas daraaddeed waxay noqotay inay dhammaantood dhulkii u baxsadeen iyagoo nabdoon.

Yeremyaah 37

Yeremyaah Oo La Xiray

37 Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah. Laakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah. Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.

Oo markaas Nebi Yeremyaah dadka dhexdiisa ayuu gudaha u soo geli jiray oo dibadda uga bixi jiray, waayo, weli ma ay xabbisin. Oo ciidankii Fircoon ayaa Masar ka soo baxay, oo reer Kaldayiinkii Yeruusaalem ku hareeraysnaana markay warkoodii maqleen ayay Yeruusaalem ka kala tageen. Markaasaa eraygii Rabbigu Nebi Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Boqorka dalka Yahuudah oo ii soo kiin diray inuu wax i weyddiisto waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, ciidanka Fircoon oo u soo baxay inuu ku caawiyo, waxay ku noqon doonaan dalkoodii Masar. Oo reer Kaldayiinna way soo noqon doonaan, oo magaaladan bay la diriri doonaan, wayna qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ha iskhiyaanaynina, oo ha isku odhanina, Hubaal reer Kaldayiin way naga tegayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay tegi doonaan. 10 Waayo, in kastoo aad ciidanka reer Kaldayiin ee idinla diriraya wada baabbi'in lahaydeen, oo rag dhaawac ah mooyaane aan iyaga wax kale ka hadhin, haddana iyaga midkood kastaaba wuxuu ka soo kici lahaa teendhadiisa, oo dab bay magaaladan ku gubi lahaayeen.

11 Oo markii ciidankii reer Kaldayiin ay Yeruusaalem uga kala tageen cabsi ay ka qabaan ciidankii Fircoon aawadiis 12 ayaa Yeremyaah Yeruusaalem ka baxay oo wuxuu galay dalkii reer Benyaamiin si uu meeshaas qaybtiisa dadka uga dhex helo. 13 Oo markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin. 14 Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay. 15 Amiirradiina Yeremyaah bay u cadhoodeen, oo intay garaaceen ayay gurigii Yoonaataan oo karraanigii ahaa ku xabbiseen, waayo, kaasay xabsi ka dhigeen. 16 Markii Yeremyaah uu gurigii godka ahaa galay iyo weliba qolalkii hoose, oo uu halkaas maalmo badan ku jiray, 17 ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon. 18 Oo weliba Yeremyaah wuxuu Boqor Sidqiyaah ku yidhi, Bal maxaan adiga, amase addoommadaada, amase dadkan u dhimay, oo aad ii xabbisteen? 19 Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba? 20 Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye. 21 Markaas Boqor Sidqiyaah wuxuu ku amray in Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha lagu daayo, oo waxaa dharaar kasta jidka kibisdubayaasha laga siin jiray xabbad kibis ah, ilamaa kibistii magaaladu ay wada dhammaatay. Oo sidaasuu Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha ugu sii hadhay.

Sabuurradii 10

10 Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay?
Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?
Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada,
Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay,
Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa,
Isagu waxba i weyddiisan maayo.
Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba,
Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin,
Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo,
Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi,
Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto,
Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon,
Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira,
Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado,
Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
10 Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa,
Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
11 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay,
Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
12 Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad,
Oo masaakiinta ha illoobin.
13 Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa?
Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
14 Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed,
Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa,
Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
15 Kii shar leh gacantiisa jebi,
Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
16 Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba,
Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
17 Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan,
Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,
18 Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay,
Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya