M’Cheyne Bible Reading Plan
Qaybtii Dhulka Haray
18 Oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu Shiiloh bay dhammaantood isugu soo urureen, oo waxay halkaas ka dhiseen teendhadii shirka; oo dadkii waddankana waa laga adkaaday. 2 Oo reer binu Israa'iil dhexdooda waxaa ku hadhay toddoba qabiil oo aan weli helin qaybtii ay dhaxalka u lahaayeen. 3 Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Dalkii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin idin siiyey ilaa goormaad ka raagaysaan inaad gashaan si aad dalka u hantidaan? 4 Haddaba qabiil walba saddex nin kala soo baxa; oo anigu iyaga waan diri doonaa, markaas waa inay kacaan, oo dalka dhex maraan, oo soo kala tilmaamaan siday u kala dhaxlayaan, oo markaas waa inay ii yimaadaan. 5 Oo waa inay dalka u kala qaybiyaan toddoba meelood. Reer Yahuudah waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga koonfureed, oo reer Yuusufna waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga woqooyi. 6 Oo waa inaad dalka u soo kala tilmaantaan toddoba meelood, oo aad tilmaanta ii keentaan, oo markaasaan halkan idiinku saami ridi doonaa Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa. 7 Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey. 8 Markaasaa raggii kaceen oo tageen; oo kuwii tegey inay dalka soo tilmaamaan Yashuuca ayaa ku amray, oo ku yidhi, Taga oo dalka dhex mara, oo soo tilmaama, oo haddana aniga ii kaalaya, oo markaasaan halkan Shiiloh ah idiinku saami ridi doonaa Rabbiga hortiisa. 9 Markaasay raggii tageen oo dalkii soo dhex mareen, oo waxay soo kala tilmaameen magaalooyinkii oo toddoba meelood u kala qaybsan, oo waxayna ku soo qoreen buug, oo markaasay u yimaadeen Yashuuca oo joogay xerada Shiiloh ku taal. 10 Markaasaa Yashuuca Shiiloh ugu saami riday iyagii Rabbiga hortiisa; oo halkaasaa Yashuuca reer binu Israa'iil ugu qaybshay dalkii sidii ay u kala qaybsanaayeen.
Saamigii Reer Benyaamiin
11 Oo qabiilkii reer Benyaamiin saamigoodii ay u heleen sidii ay reerahoodii kala ahaayeen ayaa u soo hor baxay; oo soohdintoodii ay saamiga u heleen waxay kala dhex mari jirtay reer Yahuudah iyo reer Yuusuf. 12 Oo soohdintoodu xagga waaxda woqooyi waxay ka bilaabatay Webi Urdun; oo soohdintu waxay u baxday Yerixoo dhinaceeda woqooyi, oo waxay dhex martay dalka buuraha leh xaggiisa galbeed; oo dhammaadkeedii wuxuu u baxay cidladii Beytaawen. 13 Oo soohdintu waxay halkaas uga gudubtay Luus (taasoo ah Beytel), iyo ilaa dhinaceeda koonfureed, oo soohdintu waxay ku dhaadhacday Cataarood Addaar, taasoo u dhow buurta ku taal Beytxooroonta hoose xaggeeda koonfureed. 14 Oo soohdintu waxay u baxday oo ka laabatay waaxda galbeed xaggeeda koonfureed, iyo xagga buurta ku hor taal Beytxooroon xaggeeda koonfureed; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu u baxay Qiryad Bacal taasoo ah Qiryad Yecaariim ee ahayd magaalo ay reer Yahuudah leeyihiin, intaasu waxay ahayd waaxdii galbeed. 15 Oo waaxdii koonfureedna waxay ka bilaabatay meesha ugu fog Qiryad Yecaariim, oo soohdintu waxay martay xagga galbeed, oo waxay u baxday ishii biyaha ahayd oo Neftoo'ax; 16 oo soohdintu waxay ku dhaadhacday meesha ugu fog buurta ku hor taal dooxadii ina Xinnom, taasoo ku taal xagga woqooyi oo dooxada reer Rafaa, oo waxay ku dhaadhacday ilaa dooxadii Xinnom, iyo ilaa dhinaca reer Yebuus xaggooda koonfureed, oo waxay kaloo sii martay Ceyn Rogeel, 17 oo waxay u leexatay xagga woqooyi, oo waxay martay Ceyn Shemesh agteeda; oo waxay u baxday Geliilood, taasoo ka soo hor jeedda jiirta Adummiim; oo haddana waxay u baxday dhagaxii Bohan ina Ruubeen; 18 oo waxay sii martay dhinaca ka soo hor jeeda Caraabaah xaggeeda woqooyi, oo waxay ku dhaadhacday Caraabaah; 19 oo soohdintu waxay sii martay Beytxoglaah dhinaceeda woqooyi; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga gacanka woqooyi oo Badda Cusbada leh, ee ku yaal Webi Urdun dhammaadkiisa koonfureed meesha uu ku dhammaado; intaasu waa soohdintii koonfureed. 20 Waaxda bari soohdinteeduna waxay ahayd Webi Urdun. Intaasu waxay ahayd dhaxalkii reer Benyaamiin iyo soohdimihii ku wareegsanaa, ee ay u heleen sidii reerahoodu ahaayeen. 21 Haddaba magaalooyinkii reer Benyaamiin siday reerahoodu ahaayeen waxay ahaayeen Yerixoo, iyo Beytxoglaah, iyo Dooxadii Qesiis, 22 iyo Beytcaraabaah, iyo Semaarayim, iyo Beytel, 23 iyo Cawiim, iyo Faaraah, iyo Cofraah, 24 iyo Kefar reer Cammoon, iyo Cofnii, iyo Gebac, oo intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii, 25 iyo Gibecoon, iyo Raamaah, iyo Bi'irod, 26 iyo Misfaah, iyo Kefiiraah, iyo Mosaah, 27 iyo Reqem, iyo Yirfe'eel, iyo Taralaah, 28 iyo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen.
Saamigii Reer Simecoon
19 Oo saamigii labaadna wuxuu u soo baxay reer Simecoon, oo waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Simecoon u heleen siday reerahoodu ahaayeen. Oo dhaxalkooduna wuxuu ku dhex jiray dhaxalkii reer Yahuudah. 2 Oo waxay dhaxal u heleen: Bi'ir Shebac, ama Shebac, iyo Molaadaah, 3 iyo Hasar Shuucaal, iyo Baalaah, iyo Cesem, 4 iyo Eltoolad, iyo Betuul, iyo Hormaah, 5 iyo Siiqlag, iyo Beytmarkaabod, iyo Hasar Suusaah, 6 iyo Beytlebaa'ood, iyo Shaaruuhen, oo intaasu waa saddex iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii, 7 Cayn, iyo Rimmon, iyo Ceter, iyo Caashaan, oo intaasu waa afar magaalo iyo tuulooyinkoodii, 8 iyo tuulooyinkii ku wareegsanaa magaalooyinkaas oo dhan ee ku yiil tan iyo Bacalad Bi'ir, iyo Raamaahda Koonfureed. Intaasu waa dhaxalkii qabiilkii reer Simecoon sidii ay reerahoodii ahaayeen. 9 Oo qaybtii reer Yahuudah waxaa ku jiray dhaxalkii reer Simecoon, maxaa yeelay, reer Yahuudah qaybtoodu waa ku badnaa; sidaas daraaddeed reer Simecoon waxay dhaxal ka heleen dhaxalkii reer Yahuudah dhexdiisa.
Saamigii Reer Sebulun
10 Oo saamigii saddexaadna wuxuu u soo baxay reer Sebulun siday reerahoodu ahaayeen, oo dhaxalkoodii soohdintiisuna waxay ahayd ilaa Saariid. 11 Oo soohdintoodu waxay u baxday xagga galbeed, iyo xataa ilaa Marcalaah, oo waxay gaadhay tan iyo Dabbaashed, oo haddana waxay gaadhay tan iyo durdurka ku yaal Yoqnecaam horteeda; 12 oo waxay Saariid uga leexatay xagga bari ee qorraxdu ka soo baxdo, ilaa soohdinta Kislod Taabor, kolkaasay waxay u baxday xagga Daberad, oo haddana kor ugu baxday Yaafiica, 13 oo halkaasna waxay uga gudubtay xagga bari oo martay Gad Heefer iyo tan iyo Citaah Qaasiin, oo waxay u baxday xagga Rimmon oo gaadhaa ilaa Neecaah, 14 soohdintu waxay xagga woqooyi ugu laabatay Xannaatoon, oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa dooxadii Yiftax'eel, 15 iyo Qataad, iyo Nahalaal, iyo Shimroon, iyo Idalaah, iyo Beytlaxam, intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. 16 Intaasu waa dhaxalkii ay reer Sebulun u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
Saamigii Reer Isaakaar
17 Oo saamigii afraadna reer Isaakaar buu u soo baxay sidii reerahoodu ahaayeen. 18 Oo soohdintooduna waxay ahayd ilaa Yesreceel, iyo Kesullood, iyo Shuuneem, 19 iyo Xafaarayim, iyo Shii'oon, iyo Anaaxaraad, 20 iyo Rabbiid, iyo Qiishyoon, iyo Ebes, 21 iyo Remed, iyo Ceyn Ganniim, iyo Ceyn Xaddaah, iyo Beytfasees, 22 oo soohdintu waxay gaadhay ilaa Taaboor, iyo Shaxasimaah, iyo Beytshemesh, oo soohdintooda dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun, oo intaasuna waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. 23 Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Isaakaar u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
Saamigii Reer Aasheer
24 Oo saamigii shanaadna wuxuu u soo baxay reer Aasheer sidii reerahoodii ahaayeen. 25 Oo soohdintooduna waxay ahayd Xelqad, iyo Xali, iyo Beten, iyo Akshaaf, 26 iyo Allammeleg, iyo Camcaad, iyo Mishaal; oo wuxuu gaadhay Karmel xaggeeda galbeed, iyo ilaa Shiihoor Libnaad, 27 oo waxay u leexatay xagga qorraxdu ka soo baxdo, ee ah Beytdaagoon, oo waxay gaadhay tan iyo Sebulun, iyo dooxadii Yiftax'eel xaggeeda woqooyi iyo ilaa Beytcemeq iyo Necii'eel, oo waxay u baxday xagga bidix ee ah Kabuul, 28 iyo Cebroon, iyo Rexob, iyo Xammoon, iyo Qaanaah, iyo xataa Siidoonta weyn; 29 oo soohdintii waxay u leexatay xagga Raamaah, iyo xagga magaaladii deyrka lahayd oo Turos, oo haddana soohdintu waxay u leexatay xagga Xosaah, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda ee Aksiib dhinaceeda ah, 30 iyo Cummaah, iyo Afeeq, iyo Rexob, oo intaasu waa laba iyo labaatan magaalo iyo tuulooyinkoodii. 31 Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Aasheer u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba
Saamigii Reer Naftaali
32 Oo saamigii lixaadna reer Naftaali buu u soo baxay sidii reerahoodii ahaayeen. 33 Oo soohdintoodu waxay ka bilaabatay Xelef, tan iyo geedka ku yaal Sacananniim, iyo Adaamii Neqeb, iyo Yabne'eel, iyo ilaa Laquum; oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun. 34 Oo soohdintu waxay u leexatay xagga galbeed tan iyo Asnood Taaboor, oo halkaasna waxay ugu baxday xagga Xuqoq; oo waxay gaadhay ilaa xagga koonfureed oo Sebulun, oo haddana waxay gaadhay xagga galbeed oo Aasheer, iyo tan iyo reer Yahuudah oo Webi Urdun xagga qorraxdu ka soo baxdo ka xiga. 35 Oo magaalooyinkii deyrka lahaa waxay ahaayeen Siddiim, iyo Seer, iyo Xammad, iyo Raqad, iyo Kinnered, 36 iyo Adaamaah, iyo Raamaah, iyo Xaasoor, 37 iyo Qedesh, iyo Edrecii, iyo Ceyn Xaasoor, 38 iyo Yiroon, iyo Migdal Eel, iyo Xoreem, iyo Beytcanaad iyo Beytshemesh, waxay ahaayeen sagaal iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. 39 Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Naftaali u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinka iyo tuulooyinkooduba
Saamigii Reer Daan
40 Oo saamigii toddobaadna wuxuu u soo baxay qabiilkii reer Daan sidii reerahoodii ahaayeen. 41 Oo soohdintii ay dhaxalka u heleenna waxay ahayd Sorcaah, iyo Eshtaa'ool, iyo Ciir Shemesh, 42 iyo Shacalabbiin, iyo Ayaaloon, iyo Yitlaah, 43 iyo Eeloon, iyo Timnaataah, iyo Ceqroon, 44 iyo Elteqeeh, iyo Gibbetoon, iyo Bacalad, 45 iyo Yehud, iyo Bini Beraaq, iyo Gad Rimmoon, 46 iyo Meey Yarqoon, iyo Raqoon, iyo soohdinta ka soo hor jeedda Yaafaa. 47 Oo soohdintii reer Daan iyagay ka baxday, oo intay reer Daan tageen ayay la dirireen Leshem, oo way qabsadeen, oo dadkii degganaana waxay ku laayeen seef markaasay Leshem hantiyeen oo iska degeen, oo waxay u bixiyeen Daan, kaas oo ahaa magicii awowgood Daan. 48 Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Daan u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
Saamigii Yashuuca
49 Sidaasay ku dhammeeyeen qaybintii dhulkii ay dhaxalka u qaybsanayeen siday soohdimihiisu ahaayeen, oo reer binu Israa'iil dhaxal bay Yashuuca ina Nuun dhexdooda ka siiyeen, 50 oo sidii Rabbigu ku amray waxay isagii siiyeen magaaladii uu weyddiistay taasoo ahayd Timnad Serah oo ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim; markaasuu magaaladii dhistay oo dhex degay.
51 Kuwanu waa qaybihii dhaxalka ahaa ee wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii, ay saamiga ugu qaybiyeen Rabbiga hortiisa, iyagoo jooga Shiiloh, oo fadhiya teendhadii shirka iriddeeda. Wayna dhammeeyeen qaybintii dhulka.
149 Rabbiga ammaana.
Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.
2 Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen,
Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
3 Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen,
Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
4 Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa,
Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.
5 Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen,
Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto,
Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
7 Si ay quruumaha uga aargutaan,
Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan,
Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran,
Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan.
Rabbiga ammaana.
150 Rabbiga ammaana.
Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah,
Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
2 Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana,
U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
3 Dhawaaqa buunka ku ammaana,
Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
4 Ku ammaana daf iyo cayaar,
Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
5 Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana,
Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
6 Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen.
Rabbiga ammaana.
9 Bal muu madaxaygu biyo noqdo, oo bal may indhahayguna il biyood oo ilmo daadisa noqdaan, si aan habeen iyo maalinba ugu ooyo kuwa laga laayay dadkayga! 2 Bal maan cidlada ku lahaado hoy ay socotooyinku ku dhaxaan, si aan dadkayga uga tago, oo aan iyaga uga fogaado! Waayo, iyagu dhammaantood waxay noqdeen dhillayo, iyo urur khaa'inno ah. 3 Carrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay. 4 Midkiin kastaaba deriskiisa ha iska jiro oo walaalna ha isku hallaynina, waayo, walaal kastaaba waa khaa'in, oo deris kastaaba xan buu la wareegaa. 5 Midkood kastaaba wuxuu khiyaaneeyaa deriskiisa, oo runtana kuma ay hadlaan. Waxay carrabkooda bareen inuu been ku hadlo, oo waxay isku daaliyaan inay xumaan sameeyaan. 6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Rugtaadu waxay ku dhex jirtaa khiyaano, oo khiyaano aawadeed ayay u diidaan inay i aqoonsadaan. 7 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dhalaalin doonaa, waanan tijaabin doonaa, waayo, bal maxaa kaloo aan sameeyaa, dadkayga dartiis? 8 Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa. 9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?
10 Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen. 11 Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn. 12 Waa kuma ninka xigmadda leh oo waxan garan karaa? Oo kan Rabbiga afkiisu la hadlay inuu waxyaalahan sheegi karaa waa kuma? Bal maxaa dalku u halligmay, oo uu sidii cidlo oo kale ugu gubtay, si aan ciduna u dhex marin?
13 Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon, 14 laakiinse waxay iska daba galeen caasinimadii qalbigooda, iyo Bacaliim oo ay awowayaashood iyaga bareen, 15 oo sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadkan waxaan ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed. 16 Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.
17 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene. 18 Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan. 19 Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey. 20 Dumarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto. 21 Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso. 22 Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka meydkiisu wuxuu u soo daadan doonaa sida digo berrin bannaan taal oo kale iyo sida gacan muggeed oo ka hadhay nin beer soo goostay, oo ciduna sooma ururin doonto.
23 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin, 24 laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa. 25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhtigii aan ciqaabi doono kuwa gudan oo uurka ka buuryaqabka ah oo dhan, 26 kuwaasoo ah reer Masar, iyo dadka Yahuudah, iyo reer Edom, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo kuwa timaha madaxa dhinac ka jara oo cidlada jooga oo dhan, waayo, quruumahaas oo dhammu waa wada buuryaqab, oo dadka Israa'iil oo dhammu xagga qalbigay buuryaqab ka yihiin.
Ciise Wuxuu Canaantay Culimmadii Iyo Farrisiintii(A)
23 Dabadeed Ciise ayaa dadkii badnaa iyo xertiisii la hadlay, 2 oo wuxuu ku yidhi, Culimmada iyo Farrisiinta waxay ku fadhiistaan kursiga Muuse. 3 Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan. 4 Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan. 5 Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan; 6 waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, 7 iyo salaanta suuqa, iyo in dadku ugu yeedhaan, Macallin. 8 Laakiin yaan laydiinku yeedhin, Macallin, waayo, mid baa macallinkiinna ah, idinkuna kulli walaalo baad tihiin. 9 Ninna dhulka ha ugu yeedhina aabbe, waayo, mid baa Aabbihiin ah, kaasu waa kan jannada ku jira. 10 Yaan laydiinku yeedhin sayiddo, waayo, mid baa sayidkiinna ah, kaasu waa Masiixa. 11 Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna. 12 Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
13 Laakiin waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay oo labawejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan. 14 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran. 15 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka.
16 Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay. 17 Doqonno yahow indhaha la'u, kee baa weyn, dahabka iyo macbudka dahabka quduus ka dhiga? 18 Oo weliba waxaad leedihiin, Ku alla kii meesha allabariga ku dhaarta waxba ma aha, laakiin ku alla kii ku dhaarta hadiyadda dul saaran, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay. 19 Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda quduus ka dhigta? 20 Haddaba kan meesha allabariga ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa iyada iyo wixii dul saaran oo dhanba. 21 Oo kii macbudka ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa isaga iyo kan dhex degganba. 22 Oo kii jannada ku dhaartaana, wuxuu ku dhaartaa carshiga Ilaah iyo kan ku dul fadhiyaba.
23 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin. 24 Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.
25 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan. 26 Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.
27 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan. 28 Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.
29 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa; 30 oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay. 31 Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay. 32 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin. 33 Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada? 34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan, 35 inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda. 36 Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.
Ciise Wuu U Ooyay Yeruusaalem(B)
37 Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 38 Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah. 39 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya