M’Cheyne Bible Reading Plan
Gudniinkii Laga Sameeyey Gilgaal
5 Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.
2 Oo markaasuu Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waxaad samaysaa mindiyo dhagax adag ah, oo reer binu Israa'iil haddana ku gud mar labaad. 3 Markaasaa Yashuuca wuxuu samaystay mindiyo dhagax adag ah, oo wuxuu reer binu Israa'iil ku guday meel la yidhi Buurta Buuryada. 4 Oo Yashuuca sababtii uu u gudayna waxay ahayd sidan: dadkii dalkii Masar ka soo baxay oo dhammu, intii labka ahayd, xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammuba waxay ku dhinteen cidlada intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed. 5 Oo dadkii soo baxay oo dhammu way gudnaayeen; laakiinse kulli dadkii cidlada ku dhashay intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed, kuwaas lama gudin. 6 Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan. 7 Oo carruurtoodii oo uu Rabbigu meeshoodii ka kiciyey, ayaa Yashuuca guday; maxaa yeelay, waxay ahaayeen buuryoqab, waayo, jidka laguma soo gudin. 8 Oo markay quruuntii oo dhan wada gudeen, waxay iska joogeen meelahoodii ahaa xerada dhexdeeda ilaa ay ka bogsadeen. 9 Oo Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Maantaan idinka rogay ceebtii Masar, oo sidaas daraaddeed meeshaas ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa Gilgaal.
10 Oo reer binu Israa'iil waxay degeen Gilgaal; oo bisha maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay bannaankii Yerixoo ku sameeyeen Iiddii Kormaridda. 11 Oo maalintii Iidda Kormaridda ka dambaysay waxay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay, kaas oo ahaa kibis aan khamiir lahayn, iyo hadhuudh la dubay, maalintaas qudheeda. 12 Oo maannadiina maalintii dambe ayay ka joogsatay, markay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay dabadeed, oo reer binu Israa'iilna ma ay helin maanna dambe, laakiinse sannaddaas waxay cuneen midhihii dalkii Kancaan ka baxay.
Qabsashadii Yerixoo
13 Oo markii Yashuuca joogay Yerixoo agteeda ayuu indhihiisa kor u taagay oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay nin isaga ka soo hor jeeda oo seeftiisii oo gal la' gacanta ku haysta. Markaasaa Yashuuca intuu u tegey ku yidhi, War ma annagaad nala gees tahay mise colkayagaad la gees tahay? 14 Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Maya; laakiinse waxaan haatan u imid inaan madax u ahaado ciidanka Ilaah. Markaasaa Yashuuca wejigiisii dhulka saaray, wuuna sujuuday, oo wuxuu isagii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad anoo addoonkaaga ah igu odhan lahayd? 15 Markaasaa kii ciidanka Rabbiga madax u ahaa wuxuu Yashuuca ku yidhi, Kabtaada iska siib, waayo, meeshaad ku taagan tahay waa quduus. Oo Yashuucana sidaasuu yeelay.
6 (Haddaba Yerixoo waxaa loo xidhay reer binu Israa'iil aawadood; oo lamana geli jirin, lagamana bixi jirin.) 2 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh. 3 Oo waa inaad magaalada hareeraysaan, oo raggiinna dagaalyahannada ah oo dhammu magaalada mar ku soo wareega. Oo sidaas waxaad yeeshaan lix maalmood. 4 Oo toddoba wadaad waa inay sanduuqa hortiisa socdaan iyagoo wata toddoba buun oo wanan geesahood ah, oo maalinta toddobaad waa inaad magaalada ku soo wareegtaan toddoba jeer, oo wadaaddaduna waa inay buunanka afuufaan. 5 Oo markay aad u afuufaan buunanka wananka geesahooda ah, oo idinku aad maqashaan dhawaaqa buunka, dadka oo dhammu qaylo dheer waa inay ku qayliyaan, oo markaasaa derbiga magaaladu meeshiisa ku dhici doonaa, dadkuna waa inuu nin waluba hortiisa qummaati ugu socdaa.
Gabayga meelokoridda.
132 Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud
Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
2 Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay,
Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
3 Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga,
Sariirtaydana fuuli maayo,
4 Indhahayga seexasho isugu qaban maayo,
Il iyo baalna isu keeni maayo,
5 Ilaa aan meel u helo Rabbiga,
Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
6 Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah,
Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
7 Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa,
Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
8 Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal,
Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
9 Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen,
Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
10 Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis
Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
11 Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay,
Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo,
Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
12 Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga
Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono,
De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
13 Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon,
Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
14 Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba,
Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
15 Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud,
Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
16 Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado,
Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
17 Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo,
Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb,
Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
133 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay
Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
2 Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa,
Oo ku soo dareertay gadhka,
Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun,
Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
3 Waana sida dharabka Buur Xermoon,
Oo ku soo dega buuraha Siyoon,
Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako,
Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.
Gabayga meelokoridda.
134 Bal eega, Rabbiga ammaana, Rabbiga addoommadiisa oo dhammow,
Kuwiinna goor habeennimo ah guriga Rabbiga dhex taaganow.
2 Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa,
Oo Rabbiga ammaana.
3 Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo,
Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.
Xukunka Iyo Badbaadada
65 Waxaan aqbalay kuwa aan wax i weyddiinayn, oo waxaa i helay kuwa aan i doondoonayn. Waxaa quruun aan magacayga loogu yeedhi jirin ku idhi, I eeg, i eeg. 2 Maalintii oo dhan waxaan gacmahayga u kala bixinayay dad caasi ah, oo jid aan wanaagsanayn ku socda, oo fikirradooda daba gala, 3 oo ah dad had iyo goorba badheedh iiga cadhaysiiya, iyagoo beero allabari ku bixiya, oo meelo leben laga sameeyey foox ku shida. 4 Waxay fadhiyaan xabaalaha dhexdooda, oo meelo qarsoon bayna ku hoydaan. Hilib doofaar bay cunaan oo weelashoodana waxaa ku jira maraq waxyaalo karaahiyo ah laga sameeyey, 5 oo waxay yidhaahdaan, Goonidaada u taagnow, oo ha ii soo dhowaanin, waayo, waan kaa quduusanahay. Kuwaasu waa qiiq sanka iga galay, iyo dab maalinta oo dhan qaxmaya. 6 Bal eega, tanu hortayday ku qoran tahay, Anigu iska aamusi maayo, laakiinse waan abaalmarin doonaa, oo waxaan abaalmarinta gelin doonaa laabtooda. 7 Xumaatooyinkiinnii iyo xumaatooyinkii awowayaashiinba isku mar baan idiinka abaalmarin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, iyagu buurahay foox ku shideen oo kurahay igu caayeen, sidaas daraaddeed laabtooda ayaan shuqulladoodii hore gelin doonaa.
8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida khamriga looga helo rucubka canabka dhexdiisa, oo mid u yidhaahdo, Ha hallaynin, waayo, barakaa ku dhex jirta, sidaas oo kalaan u samayn doonaa addoommadayda aawadood, si aanan dhammaantood u wada baabbi'in. 9 Waxaan reer Yacquub ka soo bixin doonaa farcan, oo Yahuudahna waxaan ka soo bixin doonaa mid buurahayga dhaxla, oo kuwayga aan doortay ayaa dhaxli doona, oo addoommadayda ayaa halkaas degi doona. 10 Shaaroon waxay noqon doontaa meel ay adhiyuhu daaqaan, oo dooxadii Caakoorna waxay noqon doontaa meel ay lo'yowgu fadhiistaan, dadkayga i doondoonay aawadood. 11 Laakiinse kuwiinna Rabbiga ka taga, oo buurtayda quduuska ah illoobay, oo Gaad miis u diyaariya, oo Menii khamri u qasa, 12 waxaan idinka dhigi doonaa kuwa seefta ku le'da, oo dhammaantiinna waxaad u wada foororsan doontaan in laydin gowraco, maxaa yeelay, markaan idiin yeedhay iima aydaan jawaabin, oo markaan idinla hadlayna, ima aydaan maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa baad samayseen, oo waxaad doorateen wax aanan ku farxin.
13 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan, 14 addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan. 15 Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa. 16 Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.
Samooyin Cusub Iyo Dhul Cusub
17 Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan. 18 Laakiinse farxa oo weligiinba waxa aan abuuro ku reyreeya, waayo, bal eega, Yeruusaalem waxaan u abuuraa rayrayn, dadkeedana farxad baan u abuuraa. 19 Oo Yeruusaalem baan ku rayrayn doonaa, oo dadkaygana waan ku farxi doonaa, oo codkii oohinta iyo codkii baroorashadana mar dambe dhexdeeda lagama maqli doono. 20 Oo markaas dabadeedna innaba dhexdeeda ilmo dhawr maalmood jira, amase oday aan cimrigiisa dhammaysan lagama heli doono, waayo, ilmuhu wuxuu dhiman doonaa isagoo boqol sannadood jira, dembilaha boqol sannadood jirase wuxuu ahaan doonaa mid inkaaran. 21 Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan. 22 Si uu mid kale u dego, guryo ma ay dhisi doonaan, oo si uu mid kale u cuno, beero ma ay beeran doonaan, waayo, dadkayga cimrigiisu wuxuu ahaan doonaa sidii geed cimrigiis, oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan. 23 Si aan waxba tarin uma ay hawshoon doonaan, oo masiibona carruur uma ay dhali doonaan, waayo, iyagu waa farcankii kuwii Rabbigu barakeeyey, iyaga iyo carruurtoodaba. 24 Intaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa. 25 Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.
Masaalka Ku Saabsan Beerreyga(A)
13 Maalintaas Ciise ayaa guriga ka baxay oo fadhiistay badda agteeda, 2 oo waxaa u soo ururay dad faro badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay oo fadhiistay, dadkii badnaa oo dhammuna xeebtay taagnaayeen. 3 Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerrey baa baxay inuu wax beero, 4 oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay. Kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen. 5 Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn, 6 laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn. 7 Qaar kalena waxay ku dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay. 8 Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon. 9 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
Sida Loo Isticmaalo Masaallada(B)
10 Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Maxaad masaallo ugula hadashaa? 11 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo. 12 Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto. 13 Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan. 14 Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh,
Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan,
Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.
15 Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday,
Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan,
Indhahoodana way isku qabteen;
Si aanay indhaha wax ugu arkin,
Oo dhegaha wax ugu maqlin,
Oo qalbiga wax ugu garan,
Si aanay u soo noqon,
Oo aanan u bogsiin.
16 Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan. 17 Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebiyo badan iyo niman xaq ah ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maqlaan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.
Micnaynta Masaalka Beerreyga(C)
18 Haddaba maqla masaalkii beerreyga. 19 Mid kasta oo hadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kan sharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray. 20 Oo kii meelaha dhagaxa ah lagu beeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata. 21 Xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar buu sii jiraa, oo goortii dhib ama silec ugu dhaco erayga aawadiis, markiiba waa ka xumaadaa. 22 Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalka maqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaa hadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan. 23 Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.
Masaalka Ku Saabsan Gocondhada
24 Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray. 25 Laakiin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday, oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuu tegey. 26 Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay. 27 Kolkaasaa odayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurin? Xaggee haddaba gocondhadu uga timid? 28 Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay ku yidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno oo ururinno? 29 Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goortaad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan. 30 Labadoodu ha isla baxaan ilaa beergooyska, oo wakhtiga beergooyska waxaan kuwa gooya ku odhanayaa, Horta waxaad ururisaan gocondhadii, oo xidhmo xidhmo isugu xidha in la gubo, laakiin sarreenka ku soo ururiya maqsinkayga.
Masaalka Ku Saabsan Iniin Khardal Ah, Iyo Masaalka Ku Saabsan Khamiir(D)
31 Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray. 32 Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.
33 Masaal kale ayuu kula hadlay, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.
34 Waxan oo dhan ayaa Ciise masaallo kula hadlay dadkii badnaa, oo masaalla'aan kulama uu hadlin iyaga. 35 Si ay u noqoto wixii nebiga lagaga dhex hadlay isagoo leh,
Afkayga waxaan ku furayaa masaallo,
Oo wax qarsoonna tan iyo aasaaskii dunida ayaan ku dhawaaqayaa.
Micnaynta Masaalka Gocondhada Ku Saabsan
36 Markaasuu dadkii badnaa ka tegey oo guriga galay. Xertiisii ayaa u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo caddee masaalkii gocondhadii beerta. 37 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Kii abuur wanaagsan abuuray waa Wiilka Aadanaha, 38 beertuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqortooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh. 39 Oo cadowga abuurayna waa Ibliiska, beergooyskuna waa dhammaadka wakhtigii dunida, kuwa gooyaana waa malaa'igo. 40 Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay, sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. 41 Wiilka Aadanaha ayaa malaa'igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyo kuwa dembiga fala. 42 Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 43 Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyada Aabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.
Masaallada Ku Saabsan Maalka Iyo Luulka Iyo Shabagga
44 Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.
45 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayacmushtari luul wanaagsan doonaya. 46 Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuu iibiyey oo iibsaday.
47 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay shabag badda lagu tuuray oo cayn walba lagu ururiyey. 48 Kan markuu buuxsamay ay nimanku xeebta ku soo jiideen, wayna fadhiisteen oo kuwii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaana way tuureen. 49 Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. Malaa'igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwa sharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah, 50 oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
51 Waxyaalahan oo dhan ma garateen? Waxay ku yidhaahdeen, Haah. 52 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimmada ka mid ah oo xer looga dhigay boqortooyada jannada, wuxuu u eg yahay nin reer odaygiis ah oo maalkiisa ka soo saara wax cusub iyo wax duug ah.
Ciise Waa Laga Celiyey Naasared(E)
53 Kolkii Ciise masaalladan dhammeeyey, ayuu halkaas ka tegey. 54 Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh? 55 Kanu miyaanu ahayn wiilkii nijaarka? Miyaan hooyadiis la odhan Maryan? Walaalihiisna Yacquub iyo Yoosee iyo Simoon iyo Yuudas? 56 Gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Haddaba kanu xaggee buu waxyaalahan oo dhan ka helay? 57 Wayna ka xumaadeen, laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa iyo gurigiisa dhexdooda maahee. 58 Halkaas shuqullo badan oo xoog leh kuma samayn rumaysadla'aantooda aawadeed.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya