Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sharciga Kunoqoshadiisa 32

32 Samooyinkow, dhegaysta waan hadlayaaye,
Oo dhulkuna ha maqlo erayada afkayga.
Cilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida roobka,
Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa,
Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,
Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga.
Idinku weyneeya Ilaaheenna.
Isagu waa dhagaxa, shuqulkiisuna waa kaamil,
Waayo, jidadkiisa oo dhammu waa caddaalad,
Isagu waa Ilaah aamin ah, oo aan xumaan lahayn,
Isagu waa xaq, waana caaddil.
Way iskharribeen, oo carruurtiisii iyagu ma aha, waa ceebtooda,
Iyagu waa qarni qalloocan oo maroorsan.
Dadyahow nacaska ah oo aan xigmadda lahaynu
Ma saasaad Rabbiga ugu abaalguddaan?
War isagu sow ma aha Aabbihiinnii idin soo iibsaday?
Isagaa idin uumay oo idin xoogeeyey.
Bal xusuuso waagii hore,
Oo soo garwaaqso qarniyo badan sannadahood,
Aabbahaa weyddii oo wuu ku ogeysiin doonaa,
Odayaashaadana weyddii oo way kuu sheegi doonaan.
Markii Ilaaha ugu wada sarreeyaa uu quruumaha dhaxalkooda siiyey,
Oo uu kala soocay binu-aadmiga,
Intii tirada reer binu Israa'iil ahayd
Ayuu dadka soohdimaha u dhigay,
Waayo, Rabbiga qaybtiisu waa dadkiisa,
Reer Yacquubna waa saamigii dhaxalkiisa.
10 Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah,
Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan.
Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey,
Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,
11 Sida gorgorku buulkiisii u lulo,
Oo dhashiisa ugu kor ruxmo,
Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado,
Oo garbihiisa ugu xambaaro,
12 Ayaa Rabbiga oo keliya isaga hoggaamiyey,
Oo ilaah qalaadna lama joogin.
13 Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka,
Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay,
Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay,
Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.
14 Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad,
Iyo baraarro baruurtood,
Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha,
Iyo sarreenka ugu wanaagsan.
Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.
15 Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey.
Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay.
Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay,
Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.
16 Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad,
Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah.
17 Waxay wax u sadaqeeyeen jinniyo aan Ilaah ahayn,
Iyo ilaahyo ayan iyagu aqoon
Oo ah kuwo cusub oo dhowaan soo baxay,
Oo awowayaashiin ayan ka cabsan jirin.
18 Adigu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid,
Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay.
19 Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay,
Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey.
20 Oo wuxuu yidhi, Wejigayga waan ka qarin doonaa,
Oo waxaan arki doonaa bal wixii ugu dambaystoodu noqon doonto.
Waayo, iyagu waa qarni aad u qalloocan
Iyo carruur aan iimaan lahayn.
21 Wax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen,
Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn,
Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn,
Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah.
22 Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii,
Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool,
Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba.
Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.
23 Waxaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin,
Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa.
24 Waxay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya
Iyo halligaad qadhaadh,
Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga,
Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta.
25 Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi,
Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.
26 Waxaan idhi, Iyaga meel fog baan ku kala firdhin lahaa,
Oo xusuustoodana dadka dhexdiisa waan ka joojin lahaa,
27 Haddaanan ka cabsanin cadowga cadhadiisa,
Waaba intaasoo ay cadaawayaashoodu si xun u macaamiloodaan,
Oo ay yidhaahdaan, Gacantayadii waa sarraysaa,
Oo waxyaalahan oo dhan Rabbigu ma uu samayn.
28 Waayo, iyagu waa quruun aan talo lahayn,
Oo innaba waxgarasho kuma jirto.
29 Bal may caqli yeeshaan, oo ay waxan gartaan,
Oo bal may ka fikiraan ugu dambaystooda!
30 Haddaan Dhagaxoodii iyaga iibin,
Oo aan Rabbigu iyaga gacanta u gelin,
Sidee baa nin keliya kun u eryi karaa?
Labase sidee bay toban kun u didin karaan?
31 Dhagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga.
Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.
32 Waayo, geedcanabkoodu wuxuu ka yimid geedcanabkii Sodom,
Iyo kii ku yiil beerihii Gomora.
Canabkoodu waa midho sumeed,
Rucubyadooduna waa qadhaadh.
33 Khamrigoodu waa jebiso waabaydeed,
Iyo mariidka xun ee jilbiska.
34 Tanu sow ilama kaydsana,
Iyadoo shaabadaysan oo khasnadahayga ku dhex jirta?
35 Aarsasho iyo abaalmarinba anigaa iska leh,
Markay cagtoodu simbiriirixan doonto,
Waayo, maalintii masiibadoodu waa dhow dahay,
Oo waxyaalaha iyaga ku soo kor degi doona ayaa deddejin doona.
36 Maxaa yeelay, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa,
Oo addoommadiisana wuu ka nixi doonaa,
Markuu arko in xooggoodii dhammaaday,
Oo aan midna ku hadhin, mid xidhan iyo mid furan toona.
37 Oo wuxuu odhan doonaa, Bal meeye ilaahyadoodii,
Iyo dhagaxii ay isku halleeyeen,
38 Oo cunay baruurtii allabaryadooda,
Oo cabbay khamrigii qurbaankoodii cabniinka ahaa?
Haddaba ha soo kaceen, oo ha idin caawiyeen,
Oo iyagu ha idin daafaceen.
39 Haddaba bal eega inaan aniga qudhuhu ahay isagii,
Oo aniga mooyaane aan ilaah kale jirin.
Wax baan dilaa, waanan soo nooleeyaa.
Wax baan dhaawacaa, waanan bogsiiyaa.
Mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin karaa.
40 Waayo, gacantayda ayaan xagga samada kor ugu qaadaa,
Oo waxaan leeyahay, Weligay waan noolahay.
41 Haddaan listo seeftayda dhalaalaysa,
Oo gacantayduna xukun qabsato,
Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa,
Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa.
42 Fallaadhahayga waan ku sakhraamin doonaa
Kuwa la dilay iyo maxaabiista dhiiggooda,
Oo seeftayduna waxay hilib ka cuni doontaa
Madaxa hoggaamiyayaasha cadowga.
43 Quruumahow, dadkiisa la reyreeya,
Waayo, isagu wuu aaran doonaa dhiiggii addoommadiisa,
Oo cadaawayaashiisana wuu ka aarsan doonaa,
Oo dalkiisa iyo dadkiisana buu u kafaaro gudi doonaa.

44 Markaasaa Muuse yimid oo gabaygan erayadiisii oo dhan kula hadlay dhegihii dadka, isaga iyo Yashuuca[a] ina Nuunba. 45 Markaasaa Muuse dhammeeyey hadalkii uu erayadan oo dhan kula hadlayay reer binu Israa'iil oo dhan, 46 oo wuxuu ku yidhi, Qalbigiinna ku qabsada kulli erayadan aan maanta idiin sheegay oo dhan, kuwaasoo aad carruurtiinna ku amri doontaan si ay u dhawraan oo u wada yeelaan sharcigan erayadiisa oo dhan. 47 Waayo, taasu idiinma aha wax aan waxtar lahayn, maxaa yeelay, waaba naftiinnii, oo waxyaalahaas daraaddood ayaa cimrigiinnu ugu dheeraan doonaa dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.

Muuse Oo Ku Dhiman Doona Buur Nebo

48 Oo Rabbigu isla maalintaas qudheeda wuu la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi, 49 Waxaad fuushaa buurtan Cabaariim, oo ah Buur Nebo oo ku dhex taal dalka reer Moo'aab, oo ka soo hor jeeda Yerixoo, oo bal waxaad fiirisaa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil hantida u siinayo, 50 oo kolkaas ku dhimo buurta aad fuulaysid, oo dadkaagii la urur, sidii walaalkaa Haaruunba ugu dhintay Buur Xor, oo uu dadkiisii ula ururay, 51 maxaa yeelay, waad igu xadgudubteen idinkoo reer binu Israa'iil dhex jooga markaad joogteen biyihii Meriibaah oo ku taal Qaadeesh, oo cidladii Sin ku dhex taal, waayo, reer binu Israa'iil dhexdooda quduus igagama aydaan dhigin. 52 Haddaba dalka hortaadaad ka arki doontaa, laakiinse geli maysid dalka aan reer binu Israa'iil siinayo.

Sabuurradii 119:121-144

CAYN.

121 Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad,
Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
122 Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino,
Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan,
Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
124 Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan,
Oo qaynuunnadaada i bar.
125 Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii,
Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
126 Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow,
Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
127 Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay
Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan,
Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.

FE.

129 Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay,
Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa,
Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
131 Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday,
Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso,
Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
133 Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga,
Oo dembina yaanu ii talin.
134 Dadka dulmigiisa iga bixi,
Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
135 Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi,
Oo qaynuunnadaada i bar.
136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah,
Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.

SADE.

137 Rabbiyow, xaq baad tahay,
Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
138 Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo
Iyo daacadnimo oo dhan.
139 Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo,
Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
140 Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay,
Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
141 Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa,
Laakiinse amarradaada ma illoobo.
142 Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa,
Oo sharcigaaguna waa run.
143 Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday.
Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
144 Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq,
Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.

Ishacyaah 59

Dembi, Qirasho Iyo Madaxfurasho

59 Bal eega, Rabbiga gacantiisu inay wax badbaadiso kama gaabna, oo dhegihiisuna inay wax maqlaan kama awdna, laakiinse xumaatooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna, oo dembiyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey, oo saasuusan idiin maqlin. Waayo, gacmihiinnii dhiig bay ku nijaasaysan yihiin, oo farihiinniina xumaan bay ku nijaasaysan yihiin, bushimihiinnii been bay ku hadleen, oo afkiinniina shar buu ku guryamaa. Ninna si xaq ah uma dacweeyo, oo midnaba run kuma muddaco. Waxay isku halleeyaan waxaan waxba ahayn, oo been bay ku hadlaan, belaayay uuraystaan, oo xumaan bay dhalaan. Waxay dillaaciyaan jilbis ukuntiis, oo waxay sameeyaan xuub caaro. Kii ukuntooda cunaaba wuu dhintaa, oo tii jabtaba jilbis baa ka soo baxa. Xuubabkoodu dhar uma ay noqon doonaan, oo shuqulladoodana innaba iskuma qarin doonaan. Shuqulladoodu waa shuqullo xumaaneed, oo falinta dulmiguna gacmahooday ku jirtaa. Cagahoodu shar bay u ordaan, oo waxay u degdegaan inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan. Fikirradoodu waa fikirro xumaaneed, baabba' iyo halligaad ayaa jidadkooda dhex yaal. Jidka nabadda ma yaqaaniin, oo socodkoodana caddaalad laguma arko. Waxay samaysteen dhabbayaal qalqalloocan, oo ku alla kii maraaba nabad ma uu yaqaan. Sidaas daraaddeed caddaaladu way inaga fog tahay, oo xaqnimana innaba ina soo gaadhi mayso. Waxaynu sugnaa nuur, laakiinse waxaynu aragnaa gudcur, oo waxaynu sugnaa iftiin laakiinse madow baynu ku dhex soconnaa. 10 Sida kuwa indhaha la' ayaynu derbiga u haabhaabannaa, oo sida innagoo aan innaba indho lahayn ayaynu wax u haabhaabannaa. Sida fiid oo kale ayaynu hadh cad u turunturoonnaa, oo waxaynu nahay sida dad dhintay oo kuwa barwaaqaysan ku dhex jira. 11 Kulligeen sida orsooyin oo kale ayaynu u cabaadnaa, oo sida qoolleyo oo kale ayaynu u baroorannaa. Waxaynu sugnaa caddaalad, laakiinse lama arko, oo waxaynu sugnaa badbaado, laakiinse way inaga fog tahay.

12 Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.

13 Waynu xadgudubnay oo Rabbiga been ka sheegnay oo Ilaaheen ka leexannay, innagoo dulmi iyo fallaago ku hadlayna oo erayo been ah uuraysanayna oo qalbiga kaga hadlayna. 14 Caddaaladdii dib bay u noqotay, oo xaqnimaduna meel fog bay taagan tahay, waayo, runtii jidkay ku dhex dhacday, oo qummanaantuna sooma geli karto. 15 Hubaal runta waa la waayayaa, oo ku alla kii sharka ka tagaaba wuxuu iska dhigaa wax la boobo, oo Rabbiguna taas wuu arkay, shar bayna u ahayd inaan caddaalad la arag. 16 Wuxuuna arkay inaan ninna la arag, oo inaan dhexdhexaadiye la arag wuu ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantiisa ayaa isaga badbaado u keentay, oo xaqnimadiisii ayaa tiirisay. 17 Sida laabdhawr oo kale ayuu xaqnimo u soo xidhay, oo madaxana wuxuu saartay koofiyad badbaado ah, oo wuxuu dhar ahaan u guntaday aarsasho, oo qiiro kulul ayuu soo huwaday. 18 Siday falimahoodu istaahilaan ayuu nacabyadiisa cadho ugu abaalmarin doonaa, oo cadaawayaashiisana wuu u abaalgudi doonaa, oo gasiiradahana abaalgud buu siin doonaa. 19 Markaasaa magaca Rabbiga xagga galbeed lagaga cabsan doonaa, oo ammaantiisana xagga qorrax-ka-soobaxaa lagaga cabsan doonaa. Marka cadowgu sida daad oo kale u yimaado ayaa Ruuxa Rabbigu eryi doonaa. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bixiye baa u iman doona Siyoon iyo kuwa reer Yacquub ee xadgudubka ka leexdaba. 21 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

Matayos 7

Xukunka Dadka Kale Lagu Xukumo(A)

Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin. Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa. Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa? Sidee baad walaalkaa ugu odhan doontaa, I daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree; oo dogob baa ishaada ku jiree? Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.

Waxa quduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.

Dhiirrigelinta Tukashada(B)

Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa; waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa. Ninkiinnee baa haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? 10 Ama hadduu kalluun weyddiisto, abeeso siinaya? 11 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?

Qaynuunka Dahabka Ah(C)

12 Haddaba wax kasta oo aad doonaysaan in laydinku sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya; waayo, kanu waa sharcigii iyo nebiyadii.

Labada Jid(D)

13 Iridda cidhiidhsan ka gala, waayo, iriddu waa weyn tahay, jidkuna waa ballaadhan yahay kan xagga baabbi'idda u kaca, oo kuwa ka galaa waa badan yihiin. 14 Waayo, iriddu waa cidhiidhsan tahay, jidkuna waa yar yahay kan xagga nolosha u kaca, kuwa helaana waa yar yihiin.

Runta Iyo Beenta(E)

15 Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa. 16 Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga? 17 Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa. 18 Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo. 19 Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa. 20 Sidaa darteed waxaad iyaga ku garanaysaan midhahooda.

Hadallada Iyo Falimaha(F)

21 Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya. 22 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn? 23 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.

Labada Aasaas(G)

24 Haddaba qof kasta oo ereyadaydan maqla oo yeela, waxaa loo ekaysiinayaa nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagaxa. 25 Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa. 26 Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay. 27 Roobkii waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay, dumiddiisuna waa weynayd.

28 Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan dhammeeyey, in dadkii oo dhammu waxbariddiisa la yaabeen, 29 waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya