M’Cheyne Bible Reading Plan
Kuwa U Soo Noqdaa Rabbiga Way Barakoobaan
30 Oo markii waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, kuwaas oo ah barakada iyo inkaarta aan idin hor dhigay, oo aad ku xusuusataan quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku kexeeyey dhexdooda oo dhan, 2 oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah u soo noqotaan oo aad idinka iyo carruurtiinnuba qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku addeecdaan codkiisa iyo waxyaalahan aan maanta idinku amrayo oo dhan, 3 markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan. 4 Oo haddii masaafirradiinna qaarkoodu joogaan meesha samada ugu shishaysa, Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaasuu idinka soo ururin doonaa, oo halkaasuu idinka soo kaxayn doonaa, 5 markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keeni doonaa dalkii awowayaashiin mar hore hantiyeen, oo idinna waad hantiyi doontaan, oo wanaag buu idiin samayn doonaa, wuuna idinka sii badin doonaa intii awowayaashiin ahaan jireen. 6 Oo markaas Rabbiga Ilaahiinna ahu sida jidhka loo gudo ayuu idinka jari doonaa xumaanta qalbigiinna iyo tan qalbiga farcankiinna inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeclaataan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan si aad u noolaataan. 7 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu inkaarahan oo dhan wuxuu ku ridi doonaa cadaawayaashiinna iyo kuwa idin neceb oo idin silcin jiray. 8 Oo idinna waa inaad soo noqotaan, oo aad addeecdaan codka Rabbiga, oo aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan. 9 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku barwaaqayn doonaa shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan iyo midhaha jidhkiinna iyo midhaha xoolahiinna, iyo midhaha dhulkiinnaba, waayo, Rabbigu mar kaluu ku farxi doonaa inuu wanaag idiin sameeyo siduu awowayaashiin ugu farxay oo kale, 10 haddaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa ku qoran kitaabkan sharciga, iyo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu soo noqotaan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan.
Kaladoorashadii Nolol Iyo Geeri
11 Waayo, amarkan aan maanta idinku amrayo ma aha mid aad idiinku adag, mana aha mid idinka fog.
12 Oo samadana kuma uu jiro si aad u tidhaahdaan, Bal yaa samada noo kori doona oo noo keeni doona, oo na maqashiin doona aannu amarkaas yeelnee? 13 Oo baddana kama uu shisheeyo si aad u tidhaahdaan, Bal yaa badda nooga gudbi doona oo noo keeni doona, oo na maqashiin doona, aannu amarkaas yeelnee? 14 Laakiinse eraygii waa idiin dhow yahay, wuxuuna ku jiraa afkiinna iyo qalbigiinna inaad yeeshaan.
15 Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigay nolol iyo wanaag, iyo geeri iyo shar, 16 oo waxaan maanta idinku amrayaa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa ku socotaan, oo aad wada xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa inaad noolaataan oo badataan iyo in Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan. 17 Laakiinse haddii qalbigiinnu sii jeesto, oo aad dhegaysan weydaan, laakiinse laydiin jiito inaad ilaahyo kale caabuddaan oo u adeegtaan, 18 waxaan maanta idiin caddaynayaa inaad hubaal halligmaysaan, oo cimrigiinnu ku dheeraan maayo dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad gashaan oo aad hantidaan. 19 Maanta waxaan u yeedhayaa samada iyo dhulka inay idiinku markhaati furaan, inaan idin hor dhigay nolol iyo geeri, iyo barako iyo inkaar, haddaba sidaas daraaddeed nolosha doorta idinka iyo farcankiinnuba aad noolaateene, 20 idinkoo Rabbiga Ilaahiinna ah jecel, oo codkiisa addeecaya, oo isaga sii xajista, waayo, isagu waa noloshiinna iyo dhererka cimrigiinna inaad degganaataan dalkii Rabbigu ugu dhaartay inuu siinayo awowayaashiin oo ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.
YOD.
73 Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga,
Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
74 Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan,
Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
75 Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin,
Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.
76 Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin
Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
77 Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado,
Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
78 Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen,
Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
79 Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen,
Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.
80 Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado,
Si aanan u ceeboobin.
KAF.
81 Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed,
Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
82 Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa?
Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
83 Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro,
Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
84 Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee?
Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?
85 Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn
Ayaa ii qoday godad.
86 Amarradaada oo dhammu waa wada daacad,
Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
87 Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen,
Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
88 Raxmaddaada igu soo noolee,
Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.
LAMED.
89 Rabbiyow, eraygaagu weligiisba
Wuxuu taagan yahay samada.
90 Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab;
Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.
91 Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan,
Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
92 Haddaanu sharcigaagu iga farxin,
Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.
93 Weligay amarradaada ma aan illoobi doono,
Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
94 Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi,
Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
95 Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan,
Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
96 Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin,
Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.
57 Kan xaqa ah wuu halligmaa, oo ninna qalbiga ma geliyo. Cibaadalaawayaashana waa la kexeeyey, oo ciduna ma garato in kan xaqa ah belaayada soo socota laga waday. 2 Isagu wuu nabad galaa, oo mid kasta oo qummanaantiisa ku socdana sariirtiisuu ku nastaa.
3 Laakiinse wiilasha saaxiradda, oo ah farcankii dhillayga iyo dhilladu ay iska dhaleenow, bal halkan u soo dhowaada. 4 Bal yaad ku cayaaraysaan? Oo bal yaad afka ku kala qaadaysaan oo aad carrabka ku soo taagaysaan? Sow idinku ma ihidin carruurtii xadgudubka iyo farcankii beenta, 5 idinkoo geedaha dhexdooda iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa iskula kacsada, oo carruurta dooxooyinka iyo meelaha dhagaxyada dillaacsan ka hooseeya ku gowraca. 6 Qaybtaadu waxay dhex taallaa dhagaxyada siman oo dooxada dhex yaal, oo iyaga qudhoodu waa qaybtaada, waayo, iyagaad qurbaan cabniin ah u daadisay, oo iyagaad qurbaan u bixisay. Haddaba bal miyaan waxyaalahaas raalli ka noqon doonaa? 7 Waxaad sariirtaadii dul dhigatay buur sarraysa oo dheer, oo halkaasaad sii fuushay inaad allabari ku bixisid aawadeed. 8 Oo albaabbada iyo tiirarka dabadooda ayaad xusuustaadii qotonsatay, waayo, waxaad isu qaawisay mid kale oo aan aniga ahayn, waanad sii fuushay, oo sariirtaadiina waad sii ballaadhisay, oo axdi baad iyaga la dhigatay. Sariirtoodana meeshaad ku aragtay waad ku jeceshahay. 9 Saliid baad boqorka ula tagtay, oo cadarkaagiina waad iska sii badisay, ergooyinkaagiina meel fog baad u dirtay, oo ceeb baad ku dhaadhacday tan iyo She'ool. 10 Waxaad ku daashay jidkaaga dhererkiisa, laakiinse ma aad odhan, Rajo ma leh. Waxaad heshay xoog cusub, oo sidaas daraaddeed ma aadan taag qabin. 11 Oo bal yaad ka baqday oo aad ka cabsatay, oo aad saas darteed been u sheegtay oo aadan ii soo xusuusan, ama aadan innaba xaalkan qalbigaaga u gelin? Miyaanan wakhti dheer iska aamusin? Oo ma sidaas aawadeed baadan iiga cabsanayn? 12 Waxaan sheegi doonaa xaqnimadaada iyo shuqulladaada, iyaguse waxba kuuma tari doonaan. 13 Markaad qayshatid, bal guutooyinkaagu ha ku samatabbixiyeen, laakiinse iyaga dabayl baa qaadi doonta, oo neef baa wada kaxayn doonta, laakiinse kii isku kay halleeyaa dalkuu hantiyi doonaa oo wuxuu dhaxli doonaa buurtayda quduuska ah.
Dhiirrigelinta Kuwa Toobadkeena
14 Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.
15 Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena. 16 Waayo, ilaa weligay diriri maayo oo ilaa weligay sii cadhaysnaan maayo, haddii kalese ruuxii iyo nafihii aan abuurayba hortayda way ku taag darnaan lahaayeen. 17 Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa. 18 Jidadkiisii waan arkay, laakiinse isagaan bogsiin doonaa, oo weliba waan soo hoggaamin doonaa, oo isaga iyo kuwa u barooranayaba waan qalbiqaboojin doonaa. 19 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu midhaha bushimahaan abuuraa. Nabad iyo nabadu ha u ahaato kan fog iyo kan dhowba. Oo isagaan bogsiin doonaa. 20 Laakiinse kuwa sharka ahu waa sida bad kacsan oo kale, waayo, iyadu innaba ma xasilli karto, oo biyaheeduna waxay kor u soo xooraan wasakh iyo dhoobo. 21 Ilaahaygu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
Wacdigii Ciise Dadka Ku Wacdiyey Markuu Buurta Joogay
5 Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid. 2 Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.
Kuwa Barakaysan(A)
3 Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 4 Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa. 5 Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan. 6 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan. 7 Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa. 8 Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan. 9 Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah. 10 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
Wixii Laga Bartay Cusbo Iyo Laambad(B)
13 Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee. 14 Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto. 15 Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan. 16 Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.
Sharcigii Hore Iyo Sharciga Ciise
17 Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi'iyo; uma aan iman inaan baabbi'iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo 18 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan. 19 Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada. 20 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.
Cadhada Iyo Dhiigqabidda(C)
21 Waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad dhiig qabin; kii dhiig qabaa wuxuu galabsadaa xukunka. 22 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo walaalkiis u cadhoodaa wuxuu galabsadaa xukunka, oo kii walaalkiis ku yidhaahda, Nacas yahow, wuxuu galabsadaa in shirka la geeyo, oo kii yidhaahda, Doqon yahow, wuxuu galabsadaa jahannamada dabka ah. 23 Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto, 24 hadiyaddaada ku dhaaf meeshii allabariga horteeda, tag, oo horta walaalkaa la soo heshii, dabadeed kaalay oo hadiyaddaada bixi. 25 Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin. 26 Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.
Daahirla'aanta(D)
27 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan. 28 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay. 29 Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa. 30 Gacantaada midig hadday ku xumayso, iska jar oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada geli lahaa. 31 Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo. 32 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.
Dhaaraha Iyo Runsheegidda
33 Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada. 34 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah. 35 Dhulkana ha ku dhaaranina, waayo, waa meeshuu cagihiisa dhigo; Yeruusaalemna ha ku dhaaranina, waayo, waa magaaladii Boqorkii weynaa. 36 Madaxaagana ha ku dhaaran, waayo, tin keliya kama dhigi kartid caddaan ama madow. 37 Laakiin hadalkiinnu ha ahaado, Haah, haah, maya, maya; wixii intaas ka badan sharkuu ka yimaadaa.
Aargudashada(E)
38 Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido. 39 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi, 40 oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa, 41 oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco. 42 Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.
Jacaylka Iyo Dabeecadda Daahirka Ah(F)
43 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya, 45 si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba. 46 Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn? 47 Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn? 48 Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya