M’Cheyne Bible Reading Plan
Kafaaraggudkii Dilka Markii Gacankudhiiglaha Aan La Garanayn
21 Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan haddii laga dhex helo mid la dilay oo berrinka dhex yaal, oo la aqoon waayo kii isaga dilay, 2 markaas waa inay wadaaddadiinna iyo xaakinnadiinnu soo baxaan, oo waa inay qiyaasaan ilaa magaalooyinka kan la dilay hareerahiisa ku wareegsan, 3 oo magaaladii ugu dhow ninka la dilay waa in odayaasha magaaladaasu ay lo'da ka soo wataan qaalin aan lagu shaqaysan oo aan harqood wax ku jiidin, 4 oo odayaasha magaaladaasu waa inay qaalinta u wadaan dooxo biyaheedu ordayaan oo aan la jeexin, waxna lagu beerin, oo halkaas dooxada dhexdeeda ah qaalinta qoorta ha kaga jebiyeen. 5 Oo markaas wadaaddada ah ilma Laawi waa inay soo dhowaadaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaguu u doortay inay isaga u adeegaan iyo inay ku duceeyaan magaca Rabbiga, oo muran kasta iyo dhaawac kastaba siday iyagu yidhaahdaan ha laga yeelo. 6 Oo magaalada ninka la dilay magaalo ahaan ugu dhow odayaasheeda oo dhammu waa inay ku kor faraxashaan qaalintii qoorta lagaga jebiyey dooxada dhexdeeda, 7 oo iyagu markaas ha jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Dhiiggan gacmahayagu ma daadin, indhahayaguna ma arag. 8 Haddaba Rabbiyow, cafi dadkaaga reer binu Israa'iil oo aad soo furatay, oo hana u oggolaan in dhiig aan xaq qabinu uu saarnaado dadkaaga reer binu Israa'iil. Oo markaas iyaga waa loo kafaaro gudi doonaa dhiiggaas. 9 Oo sidaas waa inaad dhexdiinna uga saartaan dhiigga aan xaqa qabin markaad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa.
Guursigii Dumarka Maxaabiista Ah
10 Oo markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacmihiinna soo geliyo, oo aad maxaabiis ahaan iyaga u kaxaysataan, 11 oo haddii midkiin maxaabiista dhexdooda ku arko qof dumar ah oo qurux badan, oo uu iyada jeclaado oo uu doonayo inuu naagaysto, 12 markaas waa inuu gurigiisii geeystaa, oo iyadu waa inay timaha iska xiirtaa oo ciddiyahana iska jartaa, 13 oo dharkii maxaabiista waa inay iska furtaa, oo gurigiisa ha joogto, oo bil dhan ha u baroorato aabbaheed iyo hooyadeed, oo taas dabadeed waa inuu u tagaa oo ninkeedii ahaadaa, oo iyana naagtiisii ha ahaato. 14 Oo markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey.
Xaquuqdii Curadka
15 Haddii nin laba naagood qabo, oo uu mid jecel yahay, tan kalena neceb yahay, oo tan uu jecel yahay iyo tan uu neceb yahay labaduba ay isaga carruur u dhaleen, oo haddii wiilkiisa curadka ah tan uu neceb yahay ay dhashay, 16 maalinta uu isagu wiilashiisa dhaxalsiiyo xoolihiisa waa inuusan naagtii uu jeclaa wiilkeeda ka dhigin curadka ka horreeyey tii uu nebcaa wiilkeedii ee curadka ahaa, 17 laakiinse naagtii uu nebcaa wiilkeedu inuu curadkiisii yahay waa inuu ku caddeeyaa qaybta labanlaabka ah ee uu ka siiyo waxa uu haysto oo dhan, maxaa yeelay, isagu waa bilowgii xooggiisa, oo xaqa curadnimada isagaa leh.
Wiilka Caasiga Ah
18 Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba, 19 markaas aabbihiis iyo hooyadiis waa inay isaga soo qabtaan, oo intay odayaasha magaaladiisa u soo bixiyaan ay iridda magaalada keenaan, 20 oo iyagu odayaasha magaaladiisa ha ku yidhaahdeen, Wiilkayaganu waa madax adag yahay, oo waa caasi, oo isagu dooni maayo inuu hadalkayaga addeeco. Isagu waa rabshaalow oo waa khamriyacab. 21 Oo markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan.
Qaynuunno Kala Duwan
22 Oo haddii nin galo dembi dhimasho istaahila, oo isaga la dilo oo aad geed ka soo deldeshaan, 23 jidhkiisa meydka ahu waa inaan habeenka oo dhan geedka lagu dayn, laakiinse hubaal waa inaad isla maalintaas aastaan si aydaan ku nijaasayn dalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siiyey, maxaa yeelay, mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu ka inkaaran yahay xagga Ilaah.
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud tiriyey.
108 Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya,
Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.
2 Shareerad iyo kataaradow, toosa,
Aroorta hore waan toosi doonaa.
3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.
7 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa,
Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,
8 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh,
Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga,
Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.
9 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray,
Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa,
Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.
10 Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh?
Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
11 Ilaahow, sow nama aadan xoorin?
Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
12 Cadowga naga caawi,
Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
13 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa,
Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
109 Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,
2 Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba,
Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
3 Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan,
Oo sababla'aan bay igula dirireen.
4 Anigoo jecel bay cadow ii yihiin,
Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
5 Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan,
Jacaylna nacayb.
6 Nin shar leh ka sarraysii isaga,
Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
7 Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay,
Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
8 Cimrigiisu ha yaraado,
Jagadiisana mid kale ha qaato.
9 Carruurtiisu ha agoontoobeen,
Naagtiisuna carmal ha noqoto.
10 Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen,
Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
11 Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan,
Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
12 Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa,
Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
13 Farcankiisu ha baabba'o,
Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
14 Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto,
Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
15 Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba,
Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
16 Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto
Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan,
Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
17 Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay,
Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
18 Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda,
Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale,
Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
19 Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado,
Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
20 Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan,
Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
21 Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel,
Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
22 Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan,
Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
23 Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya,
Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
24 Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan,
Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
25 Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay,
Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
26 Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi,
Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
27 Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada,
Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
28 Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee,
Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
29 Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen,
Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
30 Afkaygaan aad ugaga mahadnaqi doonaa Rabbiga,
Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.
31 Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa,
Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.
Caasinimadii Reer Binu Israa'iil
48 Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla. 2 Waayo, iyagu waxay isugu yeedhaan kuwii magaalada quduuska ah, oo waxay isku halleeyaan Ilaaha Israa'iil, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammada. 3 Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen. 4 Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay, 5 sidaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay. 6 Idinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon. 7 Iyaga haddaa la uumay, ma aad maqlin, waaba intaasoo aad tidhaahdaan. War mar horeba waannu niqiin. 8 Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen. 9 Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed. 10 Bal eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada. 11 Anigu aawaday, iyo xataa nafsaddayda qudheeda, ayaan waxan u samayn doonaa, waayo, magacayga bal side baa loo nijaasayn karaa? Ammaantayda mid kale siin maayo!
Reer Binu Israa'iil Oo La Xoreeyey
12 Reer Yacquub oo ah Israa'iilkii aan u yeedhayow, bal i maqla, anigu waxaan ahay isagii, waxaan ahay kii ugu horreeyey iyo weliba kan ugu dambeeya. 13 Gacantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan. 14 Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin. 15 Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa. 16 Warroy ii soo dhowaada oo waxan maqla. Tan iyo bilowgii si qarsoodi ah uma aan hadlin. Tan iyo waagii ay waxanu dheceen, anigu halkaasaan joogay, oo haatanna waxaa i soo diray Sayidka Rabbiga ah iyo Ruuxiisa. 17 Rabbiga ah Bixiyihiinna oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idin bara waxa idiin wanaagsan oo idinku hoggaamiya jidkii aad mari lahaydeen. 18 Haddaad amarradayda maqli lahaydeen, nabaddiinnu waxay noqon lahayd sidii webi oo kale, oo xaqnimadiinnuna waxay noqon lahayd sidii hirarka badda oo kale, 19 oo farcankiinnuna wuxuu ahaan lahaa sidii cammuudda oo kale, oo carruurtiinnuna waxay ahaan lahayd sidii ciidda oo kale. Magacooda lama gooyeen oo hortaydana lagama baabbi'iyeen.
20 Idinku Baabuloon ka soo baxa, oo reer Kaldayiin ka soo carara, oo waxan hees ku naadiya oo sheega. Waxaad ka sheegtaan xataa dhulka darafkiisa, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu soo furtay addoommadiisii reer Yacquub. 21 Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen. 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
Waxaa Dhacday Magaaladii Weynayd
18 Waxyaalahaas ka dib waxaan arkay malaa'ig kale oo samada ka soo degaysa, waxayna lahayd amar weyn; oo dhulkuna wuxuu la iftiimay dhalaalkeedii. 2 Markaasay ku dhawaaqday cod xoog weyn, oo waxay tidhi, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, oo waxay noqotay hoygii shaydaanyada, iyo rugtii jinni kasta oo nijaas ah, iyo rugtii shimbir kasta oo nijaas ah oo la neceb yahay. 3 Waayo, quruumihii oo dhammu waxay ku dhaceen khamrigii cadhada sinadeeda; oo boqorradii dhulka oo dhammuna iyaday ka sinaysteen, oo baayacmushtariyadii dunidu waxay ku taajireen xooggii barwaaqadeeda.
4 Oo haddana waxaan maqlay cod kale oo samada ka dhawaaqaya oo leh, Dadkaygiiyow, iyada ka soo baxa, yeydnan dembiyadeeda la qaybsane, oo aydnaan belaayooyinkeeda heline; 5 waayo, dembiyadeedii waxay gaadheen xataa samada, oo Ilaahna wuu xusuustay xaqdarradeedii: 6 Iyada wax u siiya sidii ay wax idiin siisay oo kale, oo weliba u sii labanlaaba sida shuqulkeedu ahaa; oo koobkii ay wax idiinku qastay, wax ugu qasa labanlaab. 7 Oo intii ay isfaanisay iyo intii ay raaxaysatay oo kale, waxaad iyada siisaan caddibaad iyo murug; waayo, iyadu waxay qalbigeeda iska tidhaahdaa, Anigoo boqorad ah ayaan iska fadhiyaa, oo carmalna ma ihi, oo sinaba murug u arki maayo. 8 Sidaas daraaddeed maalin keliya waxaa iyada u iman doona belaayooyinkeeda, kuwaas oo ah dhimasho iyo murug iyo abaar; oo iyada kulligeed waxaa lagu gubi doonaa dab, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo iyada xukumay waa xoog badan yahay. 9 Oo boqorradii dunida oo iyada ka sinaystay oo la raaxaystay ayaa u ooyi doona oo u barooran doona markii ay arkaan qiiqa gubashadeeda, 10 iyagoo meel fog la taagan cabsida caddibaaddeeda, oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn oo Baabuloon, taasoo ah magaalada xoogga badan! Waayo, xukunkaagu saacad keliya buu ku yimid.
11 Oo baayacmushtariyadii duniduna iyaday u ooyaan oo u baroortaan, waayo, ninna hadda ka dib iibsan maayo shixnaddoodii; 12 shixnaddaas oo ah dahab, iyo lacag, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul, iyo dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo xariir, iyo dhar cas, iyo alwaax kasta oo tu'inos ah, iyo weel kasta oo foolmaroodi laga sameeyey, iyo weel kasta oo alwaax qaali ah laga sameeyey, iyo kuwa laga sameeyey naxaas, iyo bir, iyo marmar, 13 iyo qorfe, iyo xawaash, iyo uunsi, iyo barafuun, iyo foox, iyo khamri, iyo saliid, iyo bur wanaagsan, iyo sarreen, iyo lo', iyo ido, iyo fardo, iyo gaadhifardood, iyo addoommo, iyo nafaha dadka. 14 Oo midhihii naftaadu ay damacday way kaa tageen, oo waxyaalihii fiicanaa oo dhalaalayay oo dhammuna way kaa baabbe'een, oo mar dambena lama heli doono. 15 Oo baayacmushtariyadii alaabtaas lahaa oo iyada taajir ku noqday, waxay meel fog la istaagi doonaan cabsida caddibaaddeeda iyagoo ooyaya oo barooranaya; 16 oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn, tii qabi jirtay dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo dhar cas, oo ku sharraxnaan jirtay dahab, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul. 17 Waayo, maalka saas u badanu saacad keliya buu ku baabba'ay. Oo waxaa meel fog istaagay naakhude kasta, iyo mid kasta oo dhoofa, iyo ragga baxriyiinta ah, iyo in alla inta badda ka faa'iidaysata, 18 oo way qayliyeen markii ay arkeen qiiqii gubashadeeda, waxayna yidhaahdeen, Bal magaaladee baa la mid ah magaalada weyn? 19 Oo iyana intay madaxa boodh ku shubteen ayay qayliyeen oo ooyeen oo baroorteen, oo waxay yidhaahdeen, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaaladii weynayd oo kulli inta badda doonniyaha ku lahu ay dhexdeeda kaga taajireen maalkeedii, waayo, iyadii saacad keliya bay baabba'day. 20 Haddaba iyada ku farxa, samaday, iyo quduusiintay, iyo rasuulladow, iyo nebiyadow, waayo, Ilaah xukunkiinnii iyaduu ku xukumay.
21 Markaasaa malaa'ig xoog weynu waxay kor u qaadatay dhagax u eg dhagaxshiid weyn, oo waxay ku dhex tuurtay badda, oo waxay tidhi, Magaalada weyn oo Baabuloon sidaas oo kale xoog baa hoos loogu tuuri doonaa, oo hadda ka dibna lama heli doono. 22 Oo mar dambe dhexdaada lagama maqli doono codka kataaralayda, iyo muusikalayda, iyo kuwa biibiilaha ka dhawaajiya, iyo kuwa turumbada ka dhawaajiya; oo dhexdaada innaba lagama heli doono sancalow sanco kasta ha qabtee; oo sanqadha dhagaxshiidkana dhexdaada innaba lagama maqli doono mar dambe; 23 oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey. 24 Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya