M’Cheyne Bible Reading Plan
Maalinta Buun Afuufka
29 Oo bisha toddobaad, maalinteeda kowaad, waa inaad yeelataan shir quduus ah; oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, waayo, waa maalin buunan laydiin afuufo. 2 Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn, 3 oo waxaad la bixisaan qurbaankoodii hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood saddex meelood dibiga la bixi, wankana laba meelood, 4 oo toddobada wan oo yaryarna wankiiba meel la bixi. 5 Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan si laydiinku kafaaro gudo, 6 oo ayan ku jirin qurbaanka la gubo ee bisha cusub, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, sidii qaynuunkoodu ahaa, kuwaasoo wada ah caraf udgoon ee ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
Maalintii Kafaaraggudka
7 Oo bishaas toddobaad, maalinteeda tobnaad, waxaad yeeshaan shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan innaba shuqul samayn cayn kasta ha ahaadee, 8 laakiinse waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn, 9 oo waxaad la bixisaan qurbaankoodii hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burka tobankii meelood saddex meelood dibiga la bixi, wankana laba meelood, 10 oo toddobada wan oo yaryarna wankiiba meel la bixi. 11 Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan, oo ayan qurbaanka dembiga oo kafaaraggudka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisii hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahu ku jirin.
Iiddii Taambuugyada
12 Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan. 13 Oo waa inaad bixisaan qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo ah saddex iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay ahaadaan kuwo aan iin lahayn, 14 oo waxaad la bixisaan qurbaankooda hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood saddex meelood saddex iyo tobanka dibi midkiiba la bixi, oo labada wan oo waaweynna midkiiba laba meelood la bixi, 15 oo saddex iyo tobanka wan oo yaryarna mid kasta meel la bixi. 16 Oo weliba orgi waa inaad u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
17 Oo maalinta labaadna waxaad bixisaan laba iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 18 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 19 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
20 Oo maalinta saddexaadna waxaad bixisaan kow iyo toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 21 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 22 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
23 Oo maalinta afraadna waxaad bixisaan toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 24 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 25 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
26 Oo maalinta shanaadna waxaad bixisaan sagaal dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 27 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 28 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
29 Oo maalinta lixaadna waxaad bixisaan siddeed dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 30 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 31 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
32 Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 33 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 34 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
35 Oo maalinta siddeedaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, 36 laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 37 Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 38 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
39 Kuwaas waa inaad Rabbiga u bixisaan iidihiinna xilligooda, kuwaasoo ayan ku jirin nidarradiinna iyo qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah, kuwaasu waa qurbaannadiinna la gubo, iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah, iyo qurbaannadiinna cabniinka ah, iyo qurbaannadiinna nabaadiinada. 40 Oo Muuse wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan.
Kitaabka Saddexaad
Sabuurrada 73-89
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
73 Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil,
Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
2 Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay,
Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
3 Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn,
Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
4 Waayo, geeridoodu xanuun ma leh,
Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
5 Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale,
Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
6 Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan,
Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
7 Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin,
Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
8 Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan,
Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
9 Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka,
Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
10 Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan,
Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
11 Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan?
Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
12 Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh,
Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
13 Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay,
Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
14 Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay,
Oo subax kastana waa lay edbinayay.
15 Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa,
Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
16 Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado,
Aad bay iigu xanuun badnayd,
17 Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah,
Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
18 Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah,
Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
19 Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah!
Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
20 Sayidow, sidii mid riyo ka toosay
Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
21 Waayo, qalbigaygu wuu murugooday,
Oo waxaa layga muday kelyaha,
22 Waxaan ahaa doqon iyo jaahil,
Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
23 Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa,
Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
24 Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada,
Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
25 Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane?
Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
26 Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen,
Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
27 Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan,
Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
28 Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado,
Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga,
Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.
Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Baabuloon
21 Kanu waa warka culus ee ku saabsan cidlada badda ku ag taal. Sida cirwareentu koonfur uga timaado oo kale ayuu cidlada oo ah dal cabsi badan uga yimaadaa. 2 Waxaa lay tusay muujin culus. Khaa'inkii khiyaanuu sameeyaa, oo kan wax dhacaana wax buu dhacaa. Reer Ceelaamow, ku kac, reer Maadayow, hareeree. Taahiddii oo dhan anigu waan joojiyey. 3 Sidaas daraaddeed naxdin baa cidhiidhi i gelisay, oo waxaa i qabtay xanuun badan sida naag foosheed oo kale, oo xanuun aawadiis waxba waan maqli kari waayay, oo naxdin aawadeed waxba waan arki kari waayay. 4 Waan qalbitakhtakhay, oo cabsi baa i argaggixisay. Fiidkii aan istareexa ka filanayay gariir buu iigu rogmaday. 5 Miis bay diyaarsadaan, oo gogol bay gogladaan, wax bayna cunaan oo cabbaan. Amiirradow, sara joogsada, oo gaashaanka subka. 6 Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Tag, oo waardiye meel dhig, oo isna wuxuu arko ha sheego. 7 Oo markaasuu arkay ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda, iyo ciidan dameerro fuushan, iyo ciidan rakuubbo fuushan, aad buuna u dhegaystay oo aad iyo aad buu uga fikiray. 8 Oo wuxuu u qayliyey sidii libaax oo kale oo yidhi, Sayidow, maalintii oo dhan waxaan had iyo goorba ku kor taagnahay munaaradda waardiyaha, oo habeen walbana waxaan joogaa meeshayda waardiyaha. 9 Oo bal eeg, waxaa soo socda ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda. Oo isna waa u jawaabay oo wuxuu yidhi, Baabuloon waa dhacday, waa dhacday, oo sanamyadeedii xardhanaa oo ilaahyadeedu way wada jajabeen oo dhulkay daadsan yihiin. 10 Dadkayga sida hadhuudh la tumayow, wixii aan Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ka maqlay waan idin ogeysiiyey.
Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Duumah
11 Kanu waa warka culus ee Duumah ku saabsan.
Mid baa aniga Seciir iiga yeedhay, isagoo leh, Waardiyow, habeenka ka warran? 12 Oo waardiyihiina wuxuu yidhi, Waagu waa beryayaa, habeenkuna waa soo socdaa, haddii aad wax weyddiinaysaan, weyddiiya, soo noqda oo kaalaya.
Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Dalka Carabta
13 Kanu waa warka culus ee dalka Carabta ku saabsan.
Kuwiinna safarka ah oo reer Dedaanow, waxaad ku hoyan doontaan kaynta dalka Carabta. 14 Kuwa oomman biyo u keena, kuwa dalka Teemaa degganow, kuwa qaxay cunto kala hor taga. 15 Waayo, iyagu seef bay ka carareen, taas oo ahayd seef gal la', iyo qaanso xodan iyo dagaal aad u kulul. 16 Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Muddo sannad ah oo ah sida sannadaha shaqaalaha ayaa sharafta Qedaar oo dhammu ku baabbi'i doontaa. 17 Oo intii ka hadhay tirada ragga qaansaleyda ah oo ah ragga xoogga badan oo reer Qedaarna way yaraan doontaa, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa saas ku hadlay.
Nebiyo Been Aah Iyo Nolol Shar Ah(A)
2 Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah. 2 Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah. 3 Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn. 4 Maxaa yeelay, Ilaah uma tudhin malaa'igihii dembaabay, laakiinse wuxuu iyagii ku tuuray cadaabta, oo wuxuu ku riday godad gudcur ah iyagoo xukun aawadiis loo hayo. 5 Oo dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha. 6 Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa, 7 oo wuxuu ka samatabbixiyey Luud kii xaqa ahaa oo aad loogu saxariiriyey sharcilaawayaashii dabiicaddoodii nijaasta ahayd. 8 Waayo, ninkaas xaqa ahaa iyaguu dhex degganaa, oo waxaa naftiisii xaqa ahayd maalin ka maalin silciyey camaladoodii sharciga ka geesta ahaa markuu arkay oo maqlay. 9 Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta, 10 khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan. 11 Malaa'iguhuna in kastoo ay iyaga itaal iyo xoogba ka badan yihiin, iyaga dacwo cay ah Rabbiga hortiisa kagama dacweeyaan. 12 Laakiinse kuwanu waa sida xayawaan aan caqli lahayn oo u dhashay in la qabsado oo la dilo, oo waxay caayaan wax aanay garanayn. Hubaal iyagu halligaaddooda ayay ku halligmi doonaan. 13 Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda. 14 Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed. 15 Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada. 16 Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga. 17 Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka. 18 Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta; 19 oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada. 20 Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore. 21 Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas. 22 Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya